Quantcast
Channel:
Viewing all 1527 articles
Browse latest View live

Dietary benefits of Apples

$
0
0

benefits of applesApples are a complete diet on their own considering the fact that they contain all the rich antioxidants and fibers. The antioxidants help to assist in fighting hypertension, heart diseases, and sometimes even cancer. Removing toxins from your body is important for a healthy and disease free lifestyle, so instead of going for any detox diets, adding apples to your diet can solve the problem easily. Apple juice is also a healthy option. Some important benefits of apples are mentioned below.  

Better mental health

Studies have found that the antioxidants in apples are actually very helpful to reduce the death of cells that is caused by neuron inflammation and oxidation. This antioxidant is found in abundance in apples and is known as quercetin. Apple juice is tested to have increased the production of neurotransmitters in the brain which results in better memory and ultimately avoidance of diseases such as Alzheimer’s.

Strengthens Heart

Apples have been tested to lower heart disease rates. Apples are full of high fiber content which lower cholesterol levels. Studies conducted by researchers suggest that men and women, who are over 30 years of age and consumed more apples, had the lowest risk of a heart stroke due to better health of heart. Thus, apple is actually very beneficial to reduce strokes and strengthen heart.

Reduces Cholesterol

Apples are also labeled as the miracle fruit due to its cholesterol reducing properties It was researched through experimentation on women who ate apples every day, they had less amount of bad cholesterol  in the duration of 6 months.

Helps Diabetics

Apples have natural sugars that do not affect the diabetics but also provide them with their necessary intake. People, who consume apples regularly every couple of days, had a comparatively lower chance of diabetes than those who did not eat apples.

Weight loss efficient

Apples consist of very high amounts of water and fiber which makes them the ideal fruit for weight loss purposes. Due to their fiber proportions, people who consume apples before meal feel fuller than those who consume apple juice; thus resulting in eventually lesser calorie intake and weight loss. Apples are more filling due to their dense yet fiber packed structure so they are particularly filling if consumed in place of a snack or before a meal.

Reduce Cancer risk

Apples have been studied in terms of lowering risk of cancer. This was suggested based on a study of a woman who ate apples to lower death risk by cancer. Its anti-oxidizing properties and inflammatory effects can reduce cancer risk. One specific type of antioxidant in apples named procyanidins creates specific effects that resulted in cancer death.

Strengthens Bones

Adding fruits to your routine increases bone density resulting in bone strength. The anti-inflammatory compounds help to promote building of bone density. People who eat apples lose relatively less calcium from their bodies than people who don’t eat apples. It prevents their bones from becoming fragile.

The post Dietary benefits of Apples appeared first on Daryeel Magazine.


7 Sababood Oo Ay Tahay Inaad Uga Fogaato Sonkorta Iyo Waxa Ugu Fiican Ee Aad Ku Badalan Karto

$
0
0

Hargeysa (Geeska)- Jidhka bani’aadamku waxa uu u baahan yahay waqtiyo daryeel iyo kabis ama dayactir lagu sameeyo xubnaha iyo unugyada  kala duwan si ay si habsami ah u sii wataan gudashada shaqada ay jidhka u hayaan.

Buugga ’30 siyaabood oo aad dib ugaga shaqaysiin karto jidhkaaga’ oo uu qoray Ben Greenfield ayaa soo jeedinaya talooyin  iyo tilmaamo aynu uga faa’iidaysan karno ka takhalusidda dhammaan curiyeyaasha dhibaatada ku keena nidaamka nafaqo ee qofka. Kuwaas oo si toos ah saamayn ugu yeesha shaqada jidhka, hoosna u dhiga caafimaadka guud, waxaa ugu horreeya sonkorta cad.

Macaanka sonkorta cadi ma’aha dabiici, sida macaanka uu jidhku ka helo khudradda noocyadeeda, caanaha iyo badarka. Hay’adda caafimaadka adduunkuna waxa ay sheegaysaa in aanay fiicnayn in qofka qaangaadhka ah jidhkiisa uu galo wax ka badan boqolkiiba 10 ah kalooriska laga helo sonkorta iyo waxyaabaha la midka ah.

Qoraaga kale ee lagu magacaabo Diana Herrington oo aasaastay barta internet ka ee ‘Real Food for life’ ayaa sheegtay in ay jiraan sababood oo ay tahay in qofku uu dartood isaga daayo sonkorta, kuwaas oo kala ah:

  1. Nafaqo ma’aha

Waa kalooris madhan, oo waxtarkeeda cunto iyo nafaqadeedu aad u yar yihiin. Waxaa intaas u dheer in jidhku si uu u burburiyo una dhammaystiro geeddiga dheefshiid ee sonkorta uu u baahdo in uu dib xubnaha jidhka uga soo qaato faytamiinno muhiim ah. Arrintani waxa ay sababtaa in nafaqada jidhku hoos u dhacdo.

  1. Dufanka ayaa ay jidhka ku qabataa

Kalooriska sonkorta ku jiraa marka ay jidhka ku bataan waxa ay sababaan in ay ku kaydsamaan nudaha dufaneed ee jidhka, taas oo sababta in miisaanku uu kordho.

  1. Cadho badan iyo qulub

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in uu xidhiidh cadi ka dhexeeyo cunista sonkorta badan iyo in qofka ay ku dhacaan xanuunnada nafsiga ah ee ay ka mid yihiin sakatiga, warwarka, qulubka, iyo xitaa in qofku uu bulshada ka faquuqmo. Sababtuna waa sonkorta oo sababaysa in Insulin ta iyo Adrenaline ta jidhka uu heerkoodu kor u kaco.

  1. Sonkortu waxa ay sababtaa cudurro khatar ah

Sonkorta oo jidhka ku badataa waxa ay sababtaa xanuunno khatar ah oo ay ka mid yihiin, macaanka, kelyo xanuunka iyo xanuunnada wadnaha ku dhaca. Waxa kale oo suurtagal ah in ay burburiso awoodda uu ganacu u leeyahay in uu si habsami ah shaqadiisa u qabsado.

  1. Sonkortu waxa ay sababtaa suus

Sonkortu waxa ay kordhisaa bakteeriyada afka ku dhaqan, sidaa awgeed waxa ay dishaa dheeha ilkaha.

  1. Waxa ay daciifisaa habdhsika difaaca ee dabiiciga ah

Sonkortu waxa ay hoos u dhigtaa firfircoonida dabiiciga ah ee shaqada habdhiska difaaca. Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Loma Linda ee gobalka California, dalka Maraykanka ayaa iyaduna muujisay in cunista badan ee sonkortu uu raad caafimaad darro ah ku yeesho shaqada unugyada dhiigga cad.

  1. Coodh-coodhka

Sonkorta cad / aan dabiiciga ahayn oo jidhka ku badataa waxa ay burburisaa barootiinka ‘Collagen’ taas oo sababta in coodh-coodh da’diisa ka soo horreeyaa uu jidhka ku bato.

Talooyin kaa caawinaya in aad sonkorta joojiso

Habka ugu fiicani waa in aad si tallaabo tallaabo ah u dhinto cuntooyinka sonkorta lagu daro, adiga oo taas beddelkeedana cunaya:

– Khudradda darayga ah iyo ta qallalan. In kasta oo ay sonkorta dabiiciga ahi ku badan tahay khudradad, haddana waa ay ka caafimaad badan tahay sonkorta samayska ah, waxa aanay hodan ku tahay faytamiinno iyo macdanno kala duwan. Waxa la ogaaday in khudraddu ay jidhka illowsiiso baahida iyo doonista uu u qabo sonkorta. Sonkortan dabiiciga ahi malaha kalooris, waxa aanay nafaqaysaa ganaca.

Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa daahfuray in sonkorta dabiiciga ahi ay nidaamiso heerka sonkorta dhiigga, isla markaana ay caawiso dejinta dhiigkarka.

– Si tallaabo tallaabo ah u yaree isticmaalka macmacaannada kala duwan.

– Ku dadaal in aad cuntadaada ku soo koobto xilliyada cunto ee waaweyn, iyo in aad waqti go’an cunto, si aad jidhka ugu ilaaliso sonkorta oo hoos u dhacaysa haddii waqtigii jidhku cuntada u baahnaa uu dhaafo.

– Ku dadaal in aad cabto cabbitaannada dabiiciga ah, sida liinta noocyadeeda.

– Gurigaaga, xafiiskaaga, gaadhigaaga ama meel kale oo kuu muuqata ha dhigin sonkor ama shay sonkor leh sida shaglaydhka sonkorta leh, si aanay naftu doonistiisa u xasuusan.

– Ku dadaal jimicsiga, gaar ahaan socodka. Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo aad dareento in aad sonkor ama macmacaan u baahantahay in aad bilowdo socod.

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa isku raacay in jacaylka badan ee ay dadka ciyaaara / jimicsiyada sameeyaa u qabaan sonkortu uu hoos u dhaco marka ay jimcsiga sameeyaan.

XIGASHO: WARGEYSKA GEESKA AFRIKA

The post 7 Sababood Oo Ay Tahay Inaad Uga Fogaato Sonkorta Iyo Waxa Ugu Fiican Ee Aad Ku Badalan Karto appeared first on Daryeel Magazine.

Sidee U dooran Kartaa Takhasuska Ama Cilmiga Kugu Haboon Ee Aad Baranayso?

$
0
0

Kusoo dhowaada XUSUUS QOR DHAKHTAR idiin qorto idiin diyaariso Drs Hibaaq Buubaal ee ay kasoo diyaariso magaalada Hargeisa. Suaalaha ugu faro badan ee marka dhalinyaradu i weydiiso waxa weeyaan, sideen u dooran karaa takhasuska igu habboon, iyo cilmiga iyo xirfadda aan doonayo noolashayda inta ka hartay inaan ku shaqaysto maalinta aan ka qalin jabiyo dugsiga sare?

Runtii waxaanu shaki ku jirin takhasuska saxda ah hadaad si fiican aad u dooratid kaasi waqti fara badan ayuu waxaanu kaa caawinayaa hadafkaaga iyo guusha inaad si degdeg ah aad u gaadhid.

Waxaa jirta afar qodob oo ay muhiim tahay markaad dooranayso takhasuska jaamacadda ama cilmiga aad doonayso inaad baratid inaad xusuusatid:

 

 

The post Sidee U dooran Kartaa Takhasuska Ama Cilmiga Kugu Haboon Ee Aad Baranayso? appeared first on Daryeel Magazine.

Top Ways to Develop Reading Habits for a Lifetime

$
0
0

Without any doubt, books are your best friends. Reading a book is extremely beneficial as it can promote deep thinking and sharpen your skills. Having a reading habit may be useful in decreasing your stress and anxiety. It will help in making you more creative and improve your memory. According to research, everyday reading can help prevent dementia and Alzheimer’s.

There are several ways to develop reading habits. In this post, we have listed practical ways to cultivate reading habits.

Have a look!

Have a Goal

The first thing you should do is to set a goal. An important tip to keep in mind is that your goal should have a purpose. It is crucial for the goal to be clear and articulate. When setting a goal, you must focus on how consistent reading can help you in different aspects of life. For instance, how will reading help improve your career or spiritual life?

By finding a good reason and purpose for reading, you will be more motivated and encouraged to accomplish it.

The goal of reading can vary person to person; for some, the goal might be reading 12 books in a year. While some people may have a goal of reading 20 books.

It is better to divide your goal into smaller goals, so you can easily achieve the main goal. For example, you can set a goal of reading 20 to 30 pages every day. A crucial thing you need to keep in mind is that you should enjoy yourself. It is an activity that should help you relax, so do not consider it a chore.

Read the Book Everywhere

Long gone are the days when you need to carry the book with you. In today’s advanced world, all we need is a smartphone or a mobile device. There are various apps that will enable you to read a book, so it is convenient to take out your phone and read a page or two.

If you have an appointment, it is best to arrive early so you can have a little time to read the book. Another benefit is that you will not be late for your appointment. During lunchtime, you can go out to grab a bite and take your book with you. This will help you develop a good reading habit.

No matter what you are doing, you can read your book. Waiting in line, read your book. If you don’t like small talk in the elevator, the best solution is reading a book. You can even listen to the audiobook while you are driving.

Therefore, for cultivating a reading habit, you must make a reading list. It is advised to do research, so you can choose the books that you are interested in. The key to developing a reading habit is that you should have a list of exciting books. Books are good for your mind. As Joseph Addison says, “Reading is to the mind what exercise is to the body.” So, with these tips, try t develop a reading habit.

The post Top Ways to Develop Reading Habits for a Lifetime appeared first on Daryeel Magazine.

Waad Guuleysan kartaa…

$
0
0

Waxaad heysataa Hadiyada ugu sareysa Dunida taasoo ah in aad nooshahay, sidaa darteed ma jirto wax aadan qaban karin

Qofna kaama joojin karo in aad riyooto ama hadaf yeelato, adiga keliya ayaa iska joojin kara in aad ka rumeyso.
Guulahaaga waxaa xadidaya kartida iyo awooda aad leedahay.

Aamin Alle. Aamin qofka aad tahay. Aamin waxa aad qaban karto.

Guushu ma aha wax si kadis ah isaga dhaca ama isaga yimaada. Adiga ayay kugu xiran tahay, adiga ayaa ka mas’uul ah.

Ha hilmaamin in aad Guuleysan karto xitaa haddii aad:

  • Isku dayday dhawr jeer hadana fashilantay,
  • Xiriir kaa xumaaday, Xil aad weyday ama Xoolo kaa khasaareen,
  • Xilli dambe aad go’aansatay,
  • Rabto in aad dib isu abaabusho,
  • Aadan hubin halki aad ka bilaabi lahayd,
  • Si kale aad u dhaqmi jirtay,
  • Dhibaato badan horay kuu soo gaartay,

Waad guuleysan kartaa mar kasta, waxaad u baahan tahay keliya Aaminaad, Aqbalid, Go’aansasho, Dadaal iyo doonid badan.

Xusuusnow: Waad ka geesisan tahay sida aad aaminsan tahay, Waad ka qiimo badan tahay sida aad u heysato, Waad ka sareysaa sida dadka kale kuu arkaan, Waad ka xoogan tahay sida aad u muuqato, Waad ka caqli badan tahay sida aad u fakirayso, Aamin Kuna kalsoonow naftaada, Alle talo saaro. Hiigso Han iyo Himilo sare, Yeelo Hal Abuur, Ku dedaal in aad wax micno leh ku soo kordhiso Aduunkan, ugana tagto Dhaxal waara.

Ka faa’iideyso fursadan dahabiga ah ee Nolosha. Ku noolow nolol nadiif ah, Alle ayaa kaa raali ahaanaya In Sha Allaah.

Allaha ku gaarsiiyo Guulaha Nolosha aad Higsaneyso kuna haminayso.

Diyaariye: Farah Cawaash Beeldaaje

The post Waad Guuleysan kartaa… appeared first on Daryeel Magazine.

Ha ku digan Dadka…

$
0
0

1. Lacagtaada ha ku faanin adigoo la jooga qof Sabool ah ama jeeb maran

2. Caafimaadkaaga ha ka hadlin adigoo la jooga qof Buka

3. Cuntada aad cunto iyo dharagtaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Gaajeysan

4. Farxada Guurkaaga ha ka hadlin adigoo la jooga qof la soo Furay ama guri ka burburay

5. Awood iyo xoog ha u adeegsan qof Tabar daran oo maskiin ah

6. Xoriyadaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Maxbuus ah

7. Caruurtaada quruxdooda iyo qiimahooda ha ka hadlin adigoo la jooga qof aan Ilma dhalin

8. Hooyadaa & Aabahaa oo kuu nool ha ku faanin adigoo la jooga Agoon

9. Dhar qaali ah in aad ku labisan tahay ha uga sheekayn qof aan haysan wax ka badan labada uu xiran yahay

10. Guulaha aad gaartay ha ku faanin adigoo la jooga qof waqtigu ku adag yahay

11. Shahaadada sare aad heysatid hadii qof uusan haysan ama wax soo baran ha ku xukmin in uu yahay jaahil nolosha ka dhacay

12. Gabadha aan make up isticmaalin ama dhar qaali ah xirnayn ha ku xukmin in ay tahay qof foolxun

13. Qof kuu adeega ama kuu shaqeeya ha u qaadan in uu yahay qof kaa liita ama maskiin aan wax kale awoodin, wuxuu rabaa in uu xoogiisa xalaal ku shaqeysto

14. Dalxiiska iyo Damaashaadka aad ku jirto ha ugu faanin qof aan haysan wax uu xitaa Taxi ku raaco

15. Farxadaada ha ka hadlin adigoo la jooga qof Murugeysan oo Kurbo iyo kadeed aduun heysato

Marnaba ha Kibrin oo dadka ha iska Weynayn! Jooji Faanka iyo Buun-buuninta naftaada, maalkaaga, derajadaada iyo Awoodaada.
Maanta waxaa laga yaabaa inaad tahay qof awood badan. Laakiin Xusuusnow, Waqtiga ayaa aad kaaga Xoog badan!
Noloshu waa harka labadiisa galin. Waqtiga iyo duruuftu way is bedeli karaan xilli kasta.

Ha ku digan Dadka Sababtoo ah dhaawacoodu ma xamili karo culays intaa ka badan!

W/Q: farah Cawaash Beeldaaje

The post Ha ku digan Dadka… appeared first on Daryeel Magazine.

6 Best Foods For Your Eyes Health & Eyesight

$
0
0

Our eyes are just one of the beautiful blessings we have and we tend to take them for granted. They help us in seeing the wonders of this world, read, and do our everyday chores. Hence, it is essential for us to take care of our eyes. Some people believe that weakened eyesight is inevitable when you are aging, but the thing that they are unaware of is that you can improve your eyesight or rather save your eyesight altogether if you taking a healthy diet. Various studies have found out that nutrients like Vitamin E, Vitamin C, zinc and others can prevent the failure in eyesight that may be a result of aging. Further studies concluded that omega-3 acids like copper and lutein are very important for the health of your eyes.

Short sightedness has become very common in America and is said to have doubled from the past few years. A lot of people may think that the reason behind this is an aging population, but the blame has to be put on lack of nutrients that we take for the health of our eyes. Here is a list of nutrients rich foods that will help you improve the health of your precious eyes:

  • Some green vegetables:

These green vegetables are beneficial for your eyes as they are a source of both lutein and other rich nutrients. A few of them even contain vitamin C that is good for your eyes. Some green vegetables that are helpful; spinach, collards and kale.

  • Fish:

Many types of fish are known to have omega-3 acids in them that are of advantage to your eyes. The fish that are oily contain oil in their body tissue and even in their gut. Consuming these fish will give you your dosage of omega-3 acid. Fish can even help you with the dryness in your eyes. To name a few types of fish for you; tuna, salmon, sardines, and herring.

  • Nuts:

We mostly have little or no intake of nuts at all as we are totally unaware of the benefits consuming nuts has. Nuts are very rich in omega-3 acids and also contain high levels of vitamin E, which will help in protecting your eyes from aging effects. Nuts that can be of help in improving your eyes’ health can include peanuts, walnuts, Brazil nuts and many more.

  • Carrots:

Carrots are known to be good for the health of your eyes. They are rich in Vitamin A and also beta carotene. When it comes to vitamin A, it helps your vision as it allows your retina to absorb light.

  • Beef:

Beef increases your zinc intake that is beneficial for long-term health of your eyes and also reduces the chances of vision loss due to aging.

  • Eggs:

Eggs have proved to be a source of lutein, zinc and many more nutrients that are known to be of help if you want to improve your eyes’ health.

The post 6 Best Foods For Your Eyes Health & Eyesight appeared first on Daryeel Magazine.

Baro Noocyada Xiriirrada Waara

$
0
0

Sidee ku ogaan kartaa in xiriirkaagu uu waari doono? Sidee ku ogaanaysaa in xiriirkaagu yahay kii aad rabtay ee saxsanaa? Soo wax fiican ma aha haddii aad sii saadaalin karto bal in xiriirka aad ku jirto uu yahay ku xoog leh farxadna kuu horseedaya timaaddada?

Badankeen waan ka digtoon nahay jacaylka waxaana u haysannaa iskudanaysi ay daacadnimadu ku yar tahay. Taasi cid nagu eedi karto ma jirto: [waayo] tirokoobyada ku saabsan xiriirrada dhabtii waa kuwo murugo leh. Xiriirro ayaan sameynnaa innagoo iswayddiineyna in ay sii jiri doonaan; waxaana run ah in aan tuhun ka qabno in ay sii jiri doonaan.

 Xiriirkaagu wacdaro wuu dhigi karaa

Si ka duwan sida nala moodsiiyay, jacaylku wuu jiri karaa in ka badan inta aan u malayno.

Cilmibaaris la sameeyay sannadka 2012 ayaa waxaa lagu ogaaday in 40% lammaanayaasha isqabay toban gu’ ay sheegeen si daran in ay weli isu jecel yihiin. Isla cilmibaaristaas, 40% ragga iyo 34% dumarka isqabay in ka badan 30 sannadood ayaa tilmaamay in ay weli si daran isu jecel yihiin.

Xiriir walba waa khatar balse waxaa jira astaamo tilmaan ka bixinaya in xiriirkaagu yahay ku isla haysta, tawfiiq leh oo waqti badan jiri doona.

Waa kuwaan 6 nooc oo ka mid ah xiriirrada wanwanaagsan ee waqti badan jiraya:

1.Xiriirro uu [is]cafisku tiir u yahay

Sidee u dhaqantaan marka adi iyo lammaanahaagu aad isqabataan? Isfahandarridu dhib ma laha marka xiriir la joogo; muhiimaddu waa sida aad ula tacaasho.

Xiriir xoog leh dan kama galo in uu yareeyo iskudhac sababtoo ah mar walba waa uun kii dhaca.

Daniel Wilde wuxuu yiri, “doorashada lammaane waxay la mid tahay doorashada dhowr  mushkilo.” Ma jiro lammaane aadan la dagaali doonin, ka xanaaqi doonin oo aadan ka caban doonin. Haddii runta laga hadlo, dagaalku wuu wanaagsan yahay. Cilmibaaris ayaa qabta in lammaane aan saddex sano isdagaalaynin uu xiriirka guurkoodu yahay ku aan caafimaad qabin.

Xiriir guur oo xasilan, caafimaad qaba, muranku uma aha astaan hoog, balse waa wax caadi ah oo tusaya in xiriirku uu bed qabo. Lammaanyaasha fariiddada ah waxay xoog saaraan xallinta dhibaatooyinka ee qofba qofka kale ma weeraro. Sidoo kale, mar haddii ay mushkiladda xalliyaan, way iscafiyaan wixii dhacayna iska illaabaan.

Cabbirka dhabta ah ee xoogga xiriirkaagu waa sida dhaqsaha leh oo aad dib ula midowdo odaygaaga/xaaskaaga ka dib marka uu khilaaf dhaco. Lammaanyaasha uu xiriirkoodu xoog leeyahay, isqabasho ka dib waxay u bareeraan in wax walba ay xalay dhalay ka soo qaadaan, sidaas waxaa qabta Jeanette Raymond oo shahaado PhD ku haysata xallinta khilaafyada guurka.

2.Xiriirro ku dhisan tijaabooyin hiyikac leh

Caajiska iyo kala xiisadhacu waxay caqabad weyn ku yihiin xiriirrada da’da weyn. Muddo ka dib guurka, waa wax sahlan in labada qof ay galaan xaalad hubaal la’aan iyo madmadow ah taas oo wax walba oo noloshooda ay soo noqnoqdaan, la sii qiyaasi karo oo caajis ma ahee aan xiiso lahayn.

Marka la fiiriyo waqtiga ku baxa shaqada iyo shaqooyinka dheeraadka ah oo ay ujeeddadu tahay in dakhli dheeri ah lagu helo, waxay u muuqataa in ay adag tahay sida aad mataankaa/mataantaa ugu xirnaato oo aad waqti ugu hesho.

Cilmibaaris ayaa tilmaamaysa in lammaanaha si daran isu jecel ay yihiin kuwa si wadajir ah ugu raaxeysta qabashada hawlo cusub ama ku-dhac iyo xiiso leh. Hawlaha cusub mar walba waxay wataan xiiso iyo niyakac, taas oo ay maskaxda dareensiin karto soo jiidashada lammaanahaaga, dibna u hurin karta dhimbishii hore ee jacaylka. Tijaabinta wax cusub  waa hab wanaagsan oo aad xiriirka dib u habeyn ugu sameyn karto.

3.Xiriirro ku dhisan gogol

Sida uu tilmaamayo khabiir arrimaha guurka, lammaanaha aan ku faraxsanayn noloshooda isutag, xiriirkoodu wuu dhaawacmi karaa ilaa ay dhici karto in taasi ay kalataggooda sababto. Gogashu waxay daruuri u tahay dhisidda xiriir adag. Waxaa iyadana xiisa leh in la tilmaamo in mar walba oo aad badsato aad sii rabooneyso. Dabcan taa baddalkeeduna waa sax oo marka aad yareysato gogosha, rabitaankeeduna wuu kugu yaraanayaa, hadhowna waxaa yaraanaya xiriirka iyo u dhowaanshaha lamaanahaaga.

Isutaggu wuxuu baritaaraa oo uu xoojiyaa jacaylka. Inta lagu gudo jiro legdan-jiifka, jirku wuxuu soo daayaa hormaanka oxytocin. Oxytocin-na waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay hormoon dabar (bonding hormone) oo isku xira isuna soo dhoweeya labada qof. Lammaane aad u faraxsan, qiyaas ahaan 74 jeer ayay sannadkii isutagaan.

4.Xiriirro ku dhisan kalsooni

Kalsoonidu waa saadka ugu muhiimsan ee tilmaama guusha xiriirrada dhaadheer. Haddii aysan jirin kalsooni u dhexeysa labada qof, xiriirku ma xoogganaan karo.

Lammaanahaaga ma ku kalsoon tahay? Ma yahay qof aad isku hallayn karto? Adigu sidee isaga/iyada u tahay? Lillaahi ma tahay? Waxa aad soo gadato maka qarisaa? Ma jiraa qof aad si qarsoodi ah interneetka (online) uga wada socotaan oo lammaanahaagu uusan war u hayn? Ma ka qarisaa dareenkaaga dhabta ah?

Dadka uu xiriirkoodu xoog leeyahay sir ma kala qarsadaan.

5.Xiriirrada ku dhisan mustaqbal mid ah

Xiriirrada dhaadheer ee caafimaadka qaba waxaa lagu yaqaannaa in mar walba oo labada qof ay wax badan wadaagaan uu xiriirkuna wanaagsan yahay. Waxaa habboon, ka hor inta labada qof aysan xiriir billaabin in ay iska hubiyaan in himilooyinkooda iyo qiyamkoodu ay isleeyihiin.

Cilmibaaris lagu sameeyay lammaane qiyaas ahaan isqabay 43 sano ayaa tilmaamaysa in haddii labada qof ay leeyihiin aragti nololeed oo mid ah, wadaagaan qiyam iyo dano ay u badan tahay in xiriirkaasi uu noqdo mid lagu liibaano.

Cilmibaaris kale oo 2009 la sameeyay ayaa waxay daaha ka rogtay in lammaanaha noloshooda ku faraxsan ay yihiin kuwa leh shakhsiyad ama dabeecad isu eg.

Dhammaan lammaanayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen hal wax: dadka lidka isku ah ama aan isdabeecad keeneyn waxay isa soo jiitaan ama iska helaan oo kaliya marka filimada la joogo, balse ma dhisaan guur guul leh.

Caddaymuhu waxay soo jeedinayaan in dadka kala [dabeecad] duwan ay isxiiseeyaan kaliya marka uu xiriirku cimri gaaban yahay.

Xiriirrada dhaadheer, islahaansho iyo isu dabeecad ekeenasho weyn waxay tilmaamayaan in la sii wada joogo oo xiriirkuna ahaado mid sal weyn ku taagan.

6.Xiriirro ku dhisan nuglaan la wadaago

Maxay dad badan uga baqaan in ay qof jeclaadaan? Dadku maxay uga baqaan in ay ballanta xajiyaan? Sababtu waa cabsi daran oo laga qabo nuglaansho.

Haddii la soo koobo: dad badan ayaa raba xiriir, balse waxay ka baqayaan in ay si furan u hadlaan ka dibna uu qalbigoodu dhaawacmo.

Daraasad ayaa tilmaamaysa in dadku in la diido darteed ay nuglaanshaha uga baqaan. Waxaa jirta cabsi ah in haddii qof uu ogaado sida aynaan u dhammeystirnayn, caqli badan u lahayn ama xoog u lahayn sida aan u muuqanno, uu hadhow na jeclaan doonin.

Nasiibdarro, ma dhisi karno xiriir caafimaad qaba nuglaan la’aan. Nuglaanshuhu waa sirta xiriir xoog leh. Waaya’aragnimooyinka nolosha ugu farxadda badan waxaa ka mid ah in aad og tahay in uu jiro qof sidaad tahay kugu jecel adna aad ku jeceshahay sidiisa iyo nuglaantiisaba.

Cabsida nuglaanshaha laga qabo waa dabeecad iskharribaad. Cabsida aad ka qabto nuglaanshaha waxay kaa hor istaagi doontaa in aad si niyad leh qof kale xiriir ula sameyso.

Nuglaanta waxaa badanaa loo arki karaa astaan taagdarro, balse dhab ahaan waa mid xoog iyo karti. Waxay u baahan tahay xoog badan, dabci iyo isku kalsoonaan si loo noqdo qof nugul.

Nuglaantu waxay leedahay soo jiidasho. Dadka daacadda ah waxay ka helaan oo soo jiita dadka lillaahida ah oo nugul.

Xiriir waara waa sidaad ka dhigato

Ugu dambeyntii, xiriirkaaga daacad u ahow. Damaca badan waxaa ka roon in waxa aad haysato aad  iimaansato.

Dilaaga ugu weyn ee xiriirrada waa isla jimeynta iyo isku dhererinta dadka kugu hareereysan. Mar walba lammaanaha kale ayaa innoogu muuqda in ay naga shidan yihiin oo ay naga farxad iyo baraare badan yihiin.

Lammaane faraxsan uma hanqaltaagaan waxa bannaanka yaalla. Waxay ku qanacsan yihiin waxa ay haystaan oo ka hor muuqda.

Dadaal iyo waqti geli xiriirkaaga, waxaad arki doontaa in uu gaaro meesha aad la rabto.

Asalka maqaalkaan oo af Ingiriis ku qoran halkaan ayaad ka akhrin kartaa

Diyaariye: Shaakir Maxamed Cabdullaahi

shakirma.blogspot.com

The post Baro Noocyada Xiriirrada Waara appeared first on Daryeel Magazine.


HERE’S HOW READING CAN EMPOWER YOU

$
0
0

Depending upon whom you are trying to have a conversation about reading with, more than half of the time, it can be said that most people receive two kinds of responses which are totally opposite to one another. Some people get so excited at the mere mention of reading that they literally have no other choice but to start jumping up and down and expressing it through their bodies, following this dance with questions such as “what’s your favorite book?” or “have you read ____?” Whereas others get so annoyed and disgusted whenever reading is brought up that the distaste just shows on their faces.

Whether you are a fan of reading or not, it is a well-known fact that the habit brings nothing but a mountain of benefits and advantages. And no, we are not talking about the readings we all do for the sake of entertainment. As of late, people have been forgetting the improvement and learning of various skills which are provided to us by reading good books, and the fact that reading can literally add value to your life and existence.

HOW IS READING GOOD FOR YOU?

  1. Reading lets you read another individual’s thoughts. One of the genuine miracles of perusing is the fact that for a prolonged measure of time, individuals who read can actually turn into someone else whom they have never even met before and conceivably appreciate them. In the process of reading, they are actually understanding the contemplations of other individuals.
  2. Reading can be good for stimulating your brain. It is crucial for our minds to get the exercise they need in order for them to stay solid and sound, much the same as all the other muscles in our bodies. As a result of a number of researches and investigations, it has been found that reading can upgrade the functioning of the cerebrum. When a person starts to age, a decrease can be seen in the way they remember things and their mind works. Habitual reading can help in managing and moderating this oncoming decrease.
  3. Engaging with books can help people develop more grounded analytical thinking skills. If you are a keen reader, you must have come across an astonishing novel in which you guessed the main plot before you even completed reading it. This means that you made use of basic and explanatory reasoning in order to decide “whodunnit”. The more you read, the better you get at figuring things out.
  4. Your conversations with everyone around you become more interesting and entertaining. People who read are skeptical, focused, educated and intriguing. People want to know what they are thinking because they have taken the time to practice the skill of knowledge.
  5. Readers have remarkable vocabulary as they get exposure to new words every day, which gives them the ability to express themselves in a better manner as compared to the average person who has no interest in reading.
  6. Reading is extremely helpful for those suffering with memory loss, dementia or even Alzheimer’s.  

What’re you waiting for? Grab your book now!

The post HERE’S HOW READING CAN EMPOWER YOU appeared first on Daryeel Magazine.

Habits you can Learn from Highly Productive People

$
0
0

We all know a person who seems to get work done in a more productive manner and quick-paced way than us. It always leaves most of us wondering how they manage to be so highly productive. If you also find yourself asking the same question, you have landed at the right place. Here, we have discussed some of the work ethics of highly productive people that you can learn from them and instill in your lifestyle to be more productive.

Stay Focused

This is the key attribute you can learn from highly productive people. They don’t waste their time doing things that won’t do any good for them. All their focus and attention is directed towards their ultimate goal, which they want to accomplish. They remain unaffected from technological distractions unlike all of us who start scrolling their social media timelines whenever a notification is received on our smartphones.

Learn from Mistakes

Everyone makes mistakes and productive people are not an exception. However, the habit to learn here is to learn from these mistakes. Productive people don’t have fear of making mistakes. They, instead, treat the mistakes they make as learning lessons. This helps them to be better at their work.

Fear of making mistakes often restricts their productivity and capabilities. So, the idea here is to develop a habit of learning. Whether it is a mistake you have made or past experiences, learn from them and make sure you aren’t making the same mistake twice.

Stay Organized

If you notice the lifestyle of highly productive people, you will notice that they always stay organized. Whether it is their professional life or personal life, everything they do is in an organized and structured manner. This is another trait you need to learn from them. Following an organized lifestyle will keep your mind decluttered. Consequently, you will be more focused on accomplishing your goals.

Have your Own Definition of Success

Successful people tend to have their own definition of success. They don’t follow others footsteps when it comes to definition and measurement of success. This is what sets them apart from us as we always measure our performance on the scale that is influenced by the success of others. The key here is to set your definition of success and work hard towards achieving your targets.

Don’t Become a Workaholic

It is a common belief that all the successful people are workaholic. However, it may not always be the truth. Our mind requires stress-free breaks. So, don’t always overburden yourself with work. Have timely and regular breaks. Spend them doing things that you like. When you come home, don’t bring your office work with you. If you get an idea related to your work, note it down and leave it for the next working day to ponder upon. Have a sound and restorative sleep.

All in all, highly-productive people have all these habits. So, if you want to learn a thing or two from them, develop these traits. You will notice an improvement in your productivity and lifestyle as well.

The post Habits you can Learn from Highly Productive People appeared first on Daryeel Magazine.

Sida Loo Soo Ceshto Sawirrada Kaa Tirtirma Ee Taleefankaaga Galaxy-ga Ah

$
0
0

Washington (Geeska)- In sawirrada iyo fiidyowyadu ka maskaxmaan xasuusta taleefanka casriga ah ee gacantu waxa ay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu badan ee ay la kulmaan dadka adeegsada taleefanka samsung Galaxy, laakiin arrintan dhibaatadeedu waa marka aynaan garanayn laba ha boo fudud oo dib loogu soo ceshan karo wixii taleefankan ka masaxma.

– Habka koowaad waa in aynu sawirka ka raadsanno qaybta kaydka dheeraadka ah ee uu taleefankani ku kaydiyo sawirrada ee “Backup Immages’ ka loo yaqaanno. Habkani waa mid aad u fudud oo ay dadka taleefanka Samsung Galaxy isticmaala oo dhami si sahal ah ku raadsan karaan.

– Habka labaad waa in aynu adeegsanno mid ka mid ah barnaamijyada loogu talagalay in dib loogu soo ceshado xusuusaha ka luma taleefanka,.

Sida ay ku warrantay shabakadda AIT NEWS ee ka faalloota arrimaha tiknoolajiyaddu, haddii aad si aan ku talagal ahayn sawirro uga masaxdo taleefankaaga gacanta ee Samsung Galaxy S8, S7, S6, S6 Edge, S5 ama NOTE 4 ah, waxa aad si fudud u adeegsan kartaa barnaamijka loo adeegsado soo celinta daatada ee Android oo lagu magacaabo FoneLab.

Barnaamijkani waxa uu awood u leeyahay in uu dib u soo celiyo dhammaan noocyada xogta eek u kaydsan taleefannada ku shaqeeya Android ka, ama kaadhka xusuusta ee SD Memory Card ka loo yaqaanno. Waxa la soo celin karo farriimaha, dadka lala xidhiidhay, muusikada, fiidyowyada iyo sawirrada, tallaabooyinka loo marayaana waa kuwan hoos ku xusan:

– Taleefankaaga ku xidhiidhi kombiyuutarka, kaddibna la soo deg barnaamijka Fone-Lab-Android Data Recovery, barnaamijkan ku shub kombiyuutarkaaga gaarka ah, adiga oo adeegssanaya xadhiga USB-ga ah.

– Barnaamijkani waxa uu ku weydiin doonaa in aad ka shaqaysiiso Farsamada sixidda taleefana “Inable USB debugging” ka hor inta aanu shaqada bilaabin. Si haddaba aad hawshaas u qabato raac tallaabooyinka hoos ku xusan oo kaa caawin doona in aad gasho adeegga sixidda qaladaadka:

  1. Guji ‘Settings’ kataleefankaaga.
  2. Dooro ‘About the phone’
  3. Ka sii dooro ‘Build Number’ oo cadaadi illaa ay kuu soo baxdo farriinta ah ‘You are under developer mode’
  4. Mar kale dib ugu noqo ‘Settings’ ka.
  5. kaddib raadi oo riix batamka ‘Developer Options’
  6. Ka shaqaysii batamka ku yaalla xagga sare ee shaashadda, kaddib tag ‘USB Debugging’ oo ka shaqaysii, kaddibna riix batamka ‘Agree’.
  7. Waxaa kuu soo baxaya daaqad yar oo aad ka dooranayso nooca faylka kaa tirtirmay, tusaale ahaan kala dooro Gallery ama Picture library hadba sawirka kaa lumay, kaddib dooro batamka ‘Next’ ee kaaga muuqan doona cidhifka midi gee hoose.’Gallery’ waxaa kugu jira sawirrada taleefanka lagu qaaday laguna kaydiyey, iyo kuwa kombiyuutarka laga soo raray ama laguugu soo diray ‘Bluetooth’ waxa kale oo aad ka helaysaa sawirrada shaashadda laga sawiray ‘Screen shots’. Picture Library waxa aad ka helaysaa sawirrada marka hore taleefankaaga ka soo galay adeegyada kale. Intaas kaddib waxa aad gujinaysaa batamka Allow / Grant Authorize si ay barnaamijka ugu surutagasho in uu gaadho sawirrada la tirtiray.

Hawsha soo celinta sawirradu waqtiga ay qaadanaysaa waxa uu ku xidhan yahay hadba inta uu sawirku xajmi ahaan le’eg yahay, waxa se muhiim ah in aad sawirrada la tirtiray oo dhan halkan ka arkayso iyaga oo sidii ay u kala horreeyeen u habaysan. Marka aad doorato sawirka aad doonayso in aad soo celiso waxa ad gujinaysaa batamka ‘Recover’ si uu dib ugu soo noqdo kaydka caadiga ah ee taleefankaaga.

Waxaa xusid mudan in marka aad sawir iska tirtiro ama weydo ay muhiim tahay in aanad sawir kale oo cusub ku qaadin taleefanka ama faylalk kale ku soo minguurin, illaa aad dib u soo celiso sawirka hore.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

The post Sida Loo Soo Ceshto Sawirrada Kaa Tirtirma Ee Taleefankaaga Galaxy-ga Ah appeared first on Daryeel Magazine.

Sii wad in aad Wanaag sameyso si kasta uu Xaalku yahay…

$
0
0

1. Haddii aad Dadka u qabato wax badan, waxay mar kasta ka hadlayaan wixi aadan u qaban, sii wad waxqabadka si kasta oo Xaalku yahay

2. Haddii aad tahay qof daacad ah oo Naxariis badan, waxaad arkeysaa dad badan oo ku qiyaamaya, sii ahow Daacad naxariis badan si kasta oo Xaalku yahay

3. Haddii aad Guuleysato waxaad yeelanaysaa Saaxiibo been ah oo dano gaara kuula socda iyo cadow badan, sii wad in aad Guulo kale gaarto si kasta oo Xaalku yahay

4. Haddii aad is tiraahdo xumaan reeb wanaagana dadka far, waxaa dhacaya in dad badan ku dhaliilaan, sii wad in aad xumaanta reebto si kasta oo Xaalku yahay

5. Haddii aad Kun Wanaag ah u sameyso, dadku waxay mar kasta kuu qabanayaan oo sii wad-wadayaan hal Qalad aad sameysay, sii wad in aad Wanaag sameyso si kasta oo Xaalku yahay

6. Wax aad Sanado badan dhisaysay ayaa Qof ama dad ku baabi’in karaan hal maalin, sii wad in aad dhisto si kasta oo Xaalku yahay

7. Haddii Qof aad Abaal badan u gashay uu ku inkiro ama ku xumeeyo, sii wad in aad Abaal gasho si kasta oo Xaalku yahay

8. Haddii qof aad Caawisay wax badan kugu caasiyo ama ku caayo, sii waad in aad Caawiso si kasta oo Xaalku yahay

9. Hadii aad Darajo ku gaarto dadaalkaagi iyo doonidaadi, dadku way ku xasdayaan wayna kaa maseerayaan, sii wad dadaalka iyo doonida si kasta oo Xaalku yahay

10. Haddii aad si degan u hadasho, si tartiib ah u socoto dadku waxay ku oranayaan muxuu ahaa waxan suuxsan ama waa qof jilicsan, sii wad daganaanta iyo dabeecad wanaaga si kasta oo Xaalku yahay

11. Haddii aad samafal u sameyso dad masaakiin ah ama masaajid, dadku waxay oranayaan waa tuug, hab uu wax ku gurto ayuu rabaa, sii wad samafalka iyo gargaarka si kasta oo Xaalku yahay

12. Haddii aad is asturto oo xijaabato, qaar baa ku oranaya belaayo ayay la duu-duuban tahay, waa dhaqan kale waxan, ilbax maaha, sii wad in aad Xijaabato oo is asturto si kasta oo Xaalku yahay

13. Haddii qof aad si dhab ah u jeclayd oo wanaag la jeclayd uu cidla kaaga dhaqaaqo ama ku dhibaateeyo, sii wad in aad Cafiso, kheyrna u rejyso si kasta oo Xaalku yahay

14. Haddii qof xanuunsanayay oo Qodaxi muday aad tiraahdo keen qodaxda kaa saaree, waxaa laga yaabaa in uu markaa caafimaado oo ku yiraahdo, “ma anigaa mashruuc igu soo qaadatay ama sheekadaadu waa igu sawir” sii wad in aad Ixsaan u sameyso si kasta oo Xaalku yahay

Si kasta oo ay tahay Xaaladu, si kasta oo ay dadku yihiin sii wad Wanaaga iyo sameynta wax Kheyr ah

Xusuusnow Tani waxay u dhaxeysaa Adiga iyo Alle, marnaba uma dhaxeyn Adiga iyo Iyaga!

Diyaariye: Farah Cawaash Beeldaaje

The post Sii wad in aad Wanaag sameyso si kasta uu Xaalku yahay… appeared first on Daryeel Magazine.

10 qaab oo kaa caawinaya inaad naftaada barato

Hadmaad ogaataa inaad maskaxda ka qaangaadhay ?!

$
0
0

Markay ku xiiso galin waayaan waxyaabo aad horey ugu riyaaqi jirtay

Marka deganaanshaha naftaada iyo calool samidaadu kuu noqdaan labada shay ee aad ku faro- adaygto

Markaad naftaada siin kartid wehel oo inaad adigu isbarato aad ka hormariso waxkasta
Markaad miisaanto hadalka afkaaga kasoo baxaya inta aanuu kasoo bixin ka hor

Markaad adiga oo saxsan aamusto si aanad awood ugu lumin muran aan midho dhal lahayn

Markaad naftaada iyo dadka kalaba runta u sheegi karto siday doonto ha u qadhaadhaato’e

Markaad xaalad kasta , shakhsi kasta iyo meel kasta oo aan korriimo ama hurumar maskaxeed kuu kordhinayn aad ka digo rogan kartid si fudud, saamayn maskaxeedna aanay kugu yeelan

Marka cidda keli ah ee aad is barbar dhigtaa ay tahay adiga iyo halkaad shalay taagnayd

Markaad ku mashquusho naftaada, dhaqakaaga iyo dabeecaddaada jafjafkooda

Marka aanay mabda’aaga gilgilin eray qof kale yidhi intuu doono hakuu jiree

Marka ruuxdaadu ay ku dagto qiimaynta waxyaabaha yaryar sida inaad koob shaaha/coffee ah ku cabtid deganaansho, ama neecaw qaboow’i intay wajigaaga marto ay naftaada raali ahaansho kaga tagto carabkaaguna mowlaha mahadiyo, ama madaxu kuugu dago urta ciidda oo roob yari ku shuuxay

Markaad waqti qaali ah la qaadatid qof maskaxdaad godli kara, ama aad akhridid buug aad jeceshahay oo ku dawaafiya caalam aanay cid kale tagin adiga mooyaane.

W/Q: Hamda Huseein

Facebook: Hamda Hussein

The post Hadmaad ogaataa inaad maskaxda ka qaangaadhay ?! appeared first on Daryeel Magazine.

Fikradaha Dhaxal-galka Ah Ee Buugga The Laws of Human Nature

$
0
0

Kusoo dhowaada fikrad iyo buug ee uu inoo soo gudbiyo ustaad Mubarak Hadi,

Xalqadaan oo ah middii 32-aad ayuu ustaadku nagula wadaagayaa buug qiimo badan oo lagu magu magacaabo The Laws of Human Nature ee uu qoray qoraa u dhashay dalka mareykanka kaasoo la yiraahdo Robert Greene, qoraaga ayaa wuxuu illaa 6 buug oo ka mid ah kuwa buugaagta loogu gadashada badan yahay.

Qoraagaan ayaa buugtiisa qiimaha badan waxaa ka mid ah The 48 Laws of Power, The Art of Seduction iyo Mastery.

Qoraagaan ayaa ad wax uga qora bani-aadamka siduu awood u yeelan lahaa, dadka kale u fahmi lahaa.

Daawasho wanaagsan:

The post Fikradaha Dhaxal-galka Ah Ee Buugga The Laws of Human Nature appeared first on Daryeel Magazine.


Fikradaha Buugga 21 Lessons for the 21st Century

$
0
0

Ku soo dhawaada barnaamijkii fikrad iyo buug ee uu soo diyaariyo ustaad Mubarak Hadi, qeybtaan ayuu noogu soo gudbinayaa buug la yiraahdo 21 Lessons for the 21st Century ee uu qorayYuval Noah Harari oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda Hebrew University.

Ka faaidaysi wacan:

The post Fikradaha Buugga 21 Lessons for the 21st Century appeared first on Daryeel Magazine.

Sida Aad Kartidaada U Dhisi Karto

$
0
0

Josh Waitzkin oo qoray buugga la yidhaa The Art of Learning waa qof aad u yaqaan habka xirfadaha cusub laysu baro loogana gaadho heer sare. Isagoo 6 jir ah ayuu bilaabay inuu ciyaaro chess, markuu 16 jir noqdayna wuxuu gaadhay heerka loo yaqaan International Master. Taariikhdiisan cajiibka ah Hollywood baa ka samaysay filin la yidhaa: Searching for Bobby Fischer. Mar danbe, intuu calaamka chess iskaga baxay ayuu bilaabay inuu is baro ciyaarta xeel-dagaal (martial art) ee Tai Chi ilaa uu 2004-kii noqday horyaalka caalamka.

The Art of Learningwaa buug heer sare ah oo aad ugu haboon dadka jecel inay kartidooda dhisaan oo naftoodana horumariyaan.

Hoos waxaan kusoo koobay 5 talo oo aan ka faaiday buuggan:

1. Caqliyadda growth-mindset yeelo

Growth mindset waa magac ay bixisayprofessor Carol Dweck oo qortay buugga la yidhaa: Mindset. Dadka haysta growth-mindset waxayaaminsanyiin in haday dadaalaan ay kartiday u dhasheen sii dhisi karaan. Halkay dadka haysta fixed-mindset aaminsanyiin in dadaalku wax saamayn ah ku lahayn kartida loo dhasho. Markaad yeelatid growth-mindset waxaadogaanaysaa inaad heerkaad maanta tiigsanaysid aad biri gaadhi kartid hadaad ku dadaashid. Waliba waxaad ka adkaanaysaa diidmada aad naftaada kala kulantid markay ku tidhaa: ma samayn kartid!kuma fiicnid adigu!


2. Go’aanso inaad heer sare gaadhid

Ilaa heerkee baad rabtaa inaad gaadhid? Qof ku tala jira inuu heer-khabiir tiigsado iyo mid raba inuu meel dhexe gaadho isku dadaal loogama baahna. Qofka raba inuu heer sare gaadho waa inuu la yimaado dadaal iyo tababar tayo sare leh.


3. Waxaad ku fiicantay xoogga saar

Wax kasta kuma fiicnaan kartid oo qof walba wuxuu leeyay waxyaabo uu ku fiicanyay iyo waxyaabo uu ku xunyay. Markaa intaad dedaal ku lumin lahayd baabiinta cilladahaaga waa inaad awoodahaaga sii xoojisid. Hadaad yeelatid karti heer sare ah, cilladahaaga lama arki doonaba.


4. Kartidaada si joogto ah u dhis

Maalin walba heerkay kartidaadu shalay joogtay waa inaad kor uga sii qaadid. Inkastoo aad cabsi badan dareemi doontid hadana waa lagama maarmaan inaad goobtaad la qabsatay ka sii dhaqaaqdid. Kartidaad dhisaysid marka hore mabaadi’da aasaasiga u ah baro kadibna maalin kasta kartidaadu si joogta ah haw kororto.


5. Guusha guuldareysi baa ka horeeya

Intaanad himilodaada ku guulaysan waa lama huraan inaad guuldareysi la kulantid. Laakiin, waa inaanad u joojin oo aad jidka sii haysatid ilaa intaad guusha soo hooyinaysid. Markaad qalad ku dhacdid, wax ka baro kana gudub. Qaladka ugu horeeya waa laga soo kaban karaa ee waxaa halis ah qaladka 2aad 3aad 4aad ilaa heer qaladba qalad kuu sii dhiibo.


Dr. Ahmed Hussein (Adhibadane)

@adhibadane

www.adhibadane.com

The post Sida Aad Kartidaada U Dhisi Karto appeared first on Daryeel Magazine.

7 Hab oo aad Luuqada English Ka Ku Baran karto

$
0
0
Luuqada English Ka

Kulanti wacan, kusoo dhowaada barnaamijka Waydiin Iyo Warcelin, suaasha maanta ayaa waxey leedahay Sidee ku Baran karaa luuqada English ka ?

Horta luuqad sida loo bartaa aad bey u adag tahay, ma sahlana luuqad cusub inuu qofku barto, walow bani-aadamka ay ku jirto qeyb u fududeynaysa uu baran karayo luuqad kale laakiin wax sahlan ma ahan.

Casrigaan aan maanta joogno aqoonta dunida taal maanta 80% waxey ku qoran tahay luuqadda Ingiriiska, 20% ayay luuqadaha kale oo dhan ayay qeybsanayaan

Hadaba ustaad Mubarak Hadi ayaa nala wadaagayaa tallaabooyin dhowr ah oo qofka u fududeyn kara barashada luuqada English ka.

Daawasho wacan:


The post 7 Hab oo aad Luuqada English Ka Ku Baran karto appeared first on Daryeel Magazine.

Ka Taxadar Arrimahaan si ay noolashaadu qiimo u yeelato

$
0
0

Taxadar la’aantu waa mid ka mid ah dabeecadaha dadka, waxayna dayacaadu timaadaa marki qofku u arko in wax Qiime ama muhiimad gaar ah u lahayn. Laakiin Ogsoonow wax kasta Aduunkan waxay ku kacaan Qiime, ma jiro wax Bilaash ah.

Haddii Caafimaadkaaga Qiime sare kuu leeyahay, ka taxadar waxa aad cunto, kuna dadaal daryeelka naftaada

Haddii Noloshaadu Qiime sare kuu leedahay, ka taxadar in aad cibaadada Alle dayacdo

Haddii Saaxiibadaa Qiime kuu leeyihiin, ka taxadar in aad xamato ama xumayso

Haddii Waqtigu Qiime kuu leeyahay, ka taxadar inaad lumiso.

Haddii Xiriirka lamaanahaaga Qiime kuu leeyahay, ka taxadar inaad qiyaanto

Haddii Lacagta Qiime kuu leedahay, ka taxadar sida aad u kharash gareyso.

Haddii Wadankaagu qiime kuu leeyahay, ka taxadar in aad dulsaar aan waxba u qaban ku noqoto

Haddii Naftaadu qiime kuu leedahay, ka taxadar in aad soo jeed bilaa macno ah ku daaliso
Haddii Caruurtaadu qiime sare kuu leedahay, ka taxadar in aadan waqti fiican la qaadan.

Haddii Guushu qiime kuu leedahay, ka taxadar in aadan isbedel sameyn oo iska fadhido

Ha dayicin xitaa Qalin aad is leedahay waa raqiis! Ahmiyad & Qiime sare ayuu leeyahay.

Noloshu waa hadiyad! In aad ka faa’iideysato, in aad ku guuleysato ma aha wax bilaash lagu helo, waa in ay Ahmiyad iyo Qiime kuu lahaataa, aadna uga taxadartaa in aad dayacdo!

Yeelo Nolol Taxadar badan leh.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

The post Ka Taxadar Arrimahaan si ay noolashaadu qiimo u yeelato appeared first on Daryeel Magazine.

Cibaadooyinka Ramadaan ee Fadliga Badan

$
0
0

Ramadaan wanaagsan dhamaan ummada muslimka gaar ahaan kuwa Ummada soomaaliyeed meel kastoo aad dunida ka joogtaan.

Allaha naga dhigo kuwio ka faaidaysta bishan kheyrkeeda.

Halkaan hoose ka daawo muxaadaro uu soo jeedinayo sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo ku saabsan cibaadooyinka ramadaan ee fadhliga badan:

The post Cibaadooyinka Ramadaan ee Fadliga Badan appeared first on Daryeel Magazine.

Viewing all 1527 articles
Browse latest View live