Quantcast
Channel:
Viewing all 1527 articles
Browse latest View live

Sababaha keeno in dadka qaar ay ku naaxaan soonka iyo talada dhakhtarka

$
0
0

Qaahira (Geeska)- In kasta oo bisha Ramadaan ay dadka soomaa saacado aad u badan cunt iyo biyo laa’n ku joogaan, gaar ahaan marka ay sida sannadahan u dambeeyey dhacayey ay k usoo hagaagto bilaha xagaaga. Haddana waxaa marar badan oo kale dhacda in la arko dad Ramadaanka ku sii naxaa, halkii laga filayey in miisaankoodu hoos u dhaco.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa ay sheegaysaa dhowr arrimood oo sabab u ah in miisaanku uu qofka ku kordho xilliga ramadaanka, waxa aan ugu horreeya uguna muhiimsan dadka oo xilligan oo kale aan isku mashquulin in ay raacaan nidaam cunto qaadasho oo badqaba.

Tusaale ahaan in qofku uu qaato, afar, casho suxuur, isaga oo saddexda waqtigaba ku talaxtegaya isticmaala cuntooyinka dufanku ku badan yahay, waxa aanay arrintaasi meesha ka saaraysaa faa’idada soonku caanka ku yahay ee ah in soonku uu aad u aawiyo in miisaanku dhaco, maadaama oo xaddiga cunto ee la unayaa ay ka yar tahay inta la cuno waqtiyada kale. Sababaha kale ee bisha Ramadaan keeni kara in miisaanka qofku kordho waxaa ka mid ah:

1. Qofka oo cunto badan cuna inta u dhexeysa afurka iyo suxuurtu waxa ay keentaa caajis iyo wahsi badan oo qofka ku dhaca, waxa aanay bilow u noqotaa miisaanka qofka oo aad u kordha.

2. Macmacaanka iyo guud ahaan  cuntooyinka ay Kalooriyada ku badan yihiin oo la badsado xilliga ramadaan. Waxa aana inta badan arrintan dhiirigeliya fikir qaldan oo ah in dad badani aaminsan yihiin in jidhku xilliga Ramadaanka u baahdo sonkor iyo macaan badan si uu u helo tamartii iyo firfircoonidii maalinnimadii kaga luntay gaajada, laakiin arrintaas liddigeeda ayaa ay qabaan khubarada nafaqada iyo faa’idooyinka cuntada, oo iyagu ku talinaya in macaanka soonka kaaga baxay ay soo celinayaan dhowr xabbo oo timir ah, kuwaas oo ku filan sonkortii jidhku u baahnaa ee maalinnimada kaa baxday.

3. Cuntooyinka dufanka badan lagu shiilo sida saambuusaha, kabaabka, quraacyada iwm ayaa ay khubaradu sheegeen in ay ka mid yihiin sababaha miisaanka qofka kordhiya xilliga soonka.

4. Caloosha oo aan cuntada loo diyaarin, maadaama oo ay muddo dheer oo ka badan 12 saac cuntada ka maqnayd. Waxa ay khubaradu sheegayaan in diyaarinta iyo baraarujinta caloosha ay ka mid tahayin qofku afurka  koob ah sharaab aan aad loo qaboojin, sonkorna lagu darin iyo dhowr xabbo oo timir ah, waxaa intaasba ka horreeya isaguna koob biyo ah oo aan qaboobayn. Marka uu qofku intaas cuno waxaa fiican in uu cuntada joojiyo muddo 10 illaa 20 daqiiqo ah, ka dib uu markaas bilaabo cunista cuntada rasmiga ah ee u qorshaysan.

5. Jimicsi la’aanta iyo qofka oo raaxada iyo fadhiga badsada, gaar ahaan afurka kadib ayaa ka mid ah sababaha keena in xilliga Ramadaanka uu miisaanku aad u kordho.

6. Cuntada kadib oo toos loo seexda, ayaa iyaduna leh khatar ah in qofka uu miisaan dheeraad ahi fuulo bisha soonka. Waxa ay khubaradu ku talinayaan in aanu qofku isku badin afurka, in cashada kadib uu lugeeyo illaa 30 daqiiqo maalin kasta, iyo in uu ku dadaalo in uu macmacaanka iska daayo oo halkooda uu geliyo khudrado, si aanu miisaankiisu u kordhin.

Xigasho: wargeyska Geeska Afrika

The post Sababaha keeno in dadka qaar ay ku naaxaan soonka iyo talada dhakhtarka appeared first on Daryeel Magazine.


Ku Afur Kalluunka Dufanka leh Si Aad U Ilaaliso Caafimaadka wadnahaaga

$
0
0

Kalluunka oo ka mid ah cuntooyinka marka horeba ku yar miiska cuntada ee Soomaalida ayaa ay cunistiisu sii yaraataa, xilliga Ramadaanka,  maadaama ay dad badani aaminsan yihiin in uu harraad keeno. Laakiin xeeldheereyaasha nafaqadu waxa ay ku talinayaan in xilliga soonka lagu dadaalo cunista kalluunka noociisa dufanka leh oo la ogaday in uu u fiicanyahay caafimaadka wadnaha.

Dhakhaatiir Maraykan ahaa ayaa sheegay in laba jeer toddobaadkii oo la cuna noocyada dufanka leh ee kalluunka; sida Solomonka, Tuunaha iyo nooca loo yaqaanno Mackerel ay sabab u noqon karto in ay ka hortagto ama xakamayso cudurrada wadnaha ku dhaca iyo wadne ku soo boodka kediska ah, ama wadnaha oo shaqada gaba. Si aad u sii xoojiso caafimaadka wadnahaaga ku dadaal in bisha soonka aad isticmaasho noocyadan kalluunka ah ee aynu xusnay.

Xeeldheereyaasha jimciyadda caafimaadka wadnaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in toddobaadkii laba jeer oo la cuno qiyaas ah 100 giraam oo kalluun ah, gaar ahaan noocyada dufanka asiidh ee Omega3 hodanka ku ah, ay u fiican tahay caafimaadka wadnaha. Waxa se ay ka digeen in la cuno kalluunka loo sameeyey qaabka shiilista ah.

Erik Rim iyo kooxda cilmibaadhistan la samaysay oo uu isagu hoggaaminayey ayaa joornaalka ‘Circulation’ ku qoray in ay jiraan cilmibaadhiso kale oo daahfuray in isticmaalka asiidhada Omega3 ee dufanka leh uu yareeyo ku dhicista wadne xanuunka iyo garaaca wadnaha oo khalkhal ku yimaaddo. Waxa kale oo ay sheegeen in kalluunka dufanka Omega 3 hodanka ku ahi uu yareeyo khatarta ah in ay xidhmaan xididdada dhiigga wadnaha geeya, iyo in ay dejiyaan dhiigkarka.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ka hadleen mid ka mid ah sababaha ay dad badani isaga ilaaliyaan isticmaalka kalluunka, oo ah in ay ka baqayaa in khatari kaga timaaddo suntan meerkeriga (Mercury) oo kalluunka jidhkooda la falgasha gaar ahaan nooca Tuunaha. Waxa aanay sheegeen in maadaddani ay ku jirto inta badan ee kalluunada badda, laakiin ay si gaar ah ugu badan tahay kalluunada waaweyn ee ay ka mid yihiin Libaax badeedka iyo tuunaha nooca isha weyn leh. laakiin waxa ay sheegeen in suntan meerkeriga oo jidhka gashaa aanay badin khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnuhu. Iyo in marka la is barbar dhigo khatarta kai man karta cunista kalluunka iyo faa’iidada caafimaad ee ku jirta, ay mar kasta aad u badan tahay faa’iidadiisu.

Xigasho: wargeyska geeska Afrika

The post Ku Afur Kalluunka Dufanka leh Si Aad U Ilaaliso Caafimaadka wadnahaaga appeared first on Daryeel Magazine.

Saddex Saddex Ka Door-bid

$
0
0

Saddex Saddex ka Door-bid.

  1. Muuqaalka (appearance) tayada (quality) ka door-bid. In aad muuqaalka iyo quruxda wax ku doorato, waxa ka wanaagsan, kana raandhiis badan in aad tayada iyo dunta wax ku doorato. Waayo quruxdu way tagtaa, dun-wanaagga se kal dambaa loo aayaa.
  2. Xeerarka (rules) akhlaaqda (Ethics) ka door bid.
    Qiimaha qofku kuma jiro in uu xeerka iyo sharciga uun xakameeyo, wuxu ku jiraa in ay akhlaaqdiisa iyo qiyamtiisu dabar iyo xakamo u noqdaan. Gabadhii madoobayd ee Rosa Parks la odhan jiray, markii ay diidday in ay ka kacdo kursiga ninka cad, waxa meel walba ku qornaa xeerkii kala saarayay qofka madow iyo kan cad, haddana umay joojin. Waayo qiyamteeda iyo mabaadi’deedaa ka waynaa xeerkaa meel walba ku qornaa. Falkaa geesinimada leh ee ay maalintaa ku kacday, waaka sooyaalka ka geliyay baalka dahabka ah. Sharciga uun yuu ku dabrine, akhlaaqdaadu haku celiso oo haku xakamayso.
  3. Qalin-jabinta/ qalin-fulka (achievements) aqoonta ka door-bid.

Aqoontu shahaado la qaato way ka baaxad wayn tahay, kana ballaadhan tahay, wayna ka mug iyo miisaan culus tahay. Si kale haddaan u dhigo, waxaa ba la odhan karaa, qalin-jabintu wuxuun bay ka dhigan tahay – in qofku noqday qof markaa uun helay xeeshii uu ugu dabbaal tegi lahaa bad waynta aqoonta. Shahaadadu yay ku sirin, waadiyada aqoonta ka dhaanso inta aad ka dhimanayso.

? Mubarak Hadi

The post Saddex Saddex Ka Door-bid appeared first on Daryeel Magazine.

Maxaa Keena Finanka wajiga maxaase daawo u ah?

$
0
0

Finanka Wajiga Maxaa keena Maxaase kaa caawin kara?

Assalaamu Calaykum.
Su’aasha ama cabashada ugu wayn oo ka timaada gabdhaha kuxiran boggan ayaa ah maxaa keena finanka wajiga sidee se loo daawayn karaa?

Waxaa kamid ah asbaabaha finanka:

  • Qofka oo wajigiissa yahay mid duffan leh hadana aan aqoon qaabka loola dhaqmo iyo qaabka loo nadiifiyo.
  • Qofka oo finkii kasoo baxaba ganaha la’aada kadib dillaaciya taas oo keenta meeshii in raad kuharo madoow ah.
  • Qofka oon iska hagaajin qaabka cunnada sida in uu cuno waxyaabaha duffanka miiran , cunnooyinka shiilan iyo cunnooyinka lagu badiye basbaasbka iyo xawwaashka (spices).
  • Qofka oo marka uu wajiga dhaqanayo xoog uruga wajiga taas oo keenaysa in qanjiradii soo daynaye duffanta in ay sii ziyaadshaan.
  • Qofka oo aan hurdo iyo nassiino fiican helin hadana kudarsada fakkar iyo walbahaar.

Finanka goorma ayee bakteeriya (bacteria) ziyyaada ah wattaan?

Haddii finku afkiissa madoow ama caddaan yahay waxaa ogaataa in bacteria culus jirto.

Maxaa daawo u ah marka uu oo noocaa yahay?

Waxaad isticmaali kartaa khalka tuffaaxa adiga oo isticmaalayaa suuf ama cudbi midkaa utaqaan kana fogeenaya gacnaha wajiga khaasattan finanka.

Maxaa u fiican finka raadka uureebo sida madmadowga iyo daldalloolka ?

Waxa aad tijaabin kartaa ukunta meesheeda cad iyo qaaddo aad uyar liin dhanaan iyo 1 qaaddo oo malab asli nadiif ah ,intaa ayaa isku garaacaysaa kaddib wajiga ayaad marinaysaa 1 mar maalintii muddo 2 week adiga oo aan isticmaalayn wax saabuun ama waxyaaba kale.

By: faati ozman

The post Maxaa Keena Finanka wajiga maxaase daawo u ah? appeared first on Daryeel Magazine.

Qof Han Yari Ma Hana Qaado

$
0
0

QOF HAN YARI MA HANAQAADO

Hanku waa hubka ugu culus ee qofka aadanaha ahi leeyahay. Sidoo kale, hanku waa baalasha aadanuhu ku duulo. Gabyaagii waynaa ee Axmed Showqi baa laga hayaa in uu yidhi: Shimbiruhu waxay ku duulaan baalashooda, aadanuhuna wuxu ku duulaa hankiisa.

Qofka hankiisa inta uu le’eeg yahay na waxa lagu gartaa hadba waxa uu raacdaynayo inta uu le’eeg yahay. Ibn Qayyim, AHUN, baa laga sheegaa inuu yidhi: Caamadu waxay tidhaahdaa qiimaha qofku waa waxa uu ku wanaagsan yahay qabashadiisa, dadka nukhbada (elite) ahina waxay yidhaahdaan qiimaha qofku waa waxa uu raacdaynayo ama hiigsanayo.

Taa macnaheedu waxa weeye, adigu waxaad tahay hadba inta uu le’eeg yahay waxa aad hiigsanayso. Haduu wayn yahay waxa aad hiigsanayso waxaad tahay qof wayn, hadduu yaryahayna qof yar.

Hankaaga sare u qaad adigoo kaashanaya la jaal noqoshada saaxiibbada hanka sare leh iyo akhrinta taariikh-nololeedka dadkii dunida wax ku soo kordhiyay.

W/Q: Mubarak Hadi

The post Qof Han Yari Ma Hana Qaado appeared first on Daryeel Magazine.

Duruusta laga baran karo buugga Thinking, Fast and Slow by Daniel Kahneman

$
0
0

Ramadaan wanaagsan, kusoo dhowaada barnaamijkii Fikrada & Buug ee uu inoo soo gudbiyo ustaad Mubarak Hadi. Waa qeybtii 34-aad

Buugga maanta ayaa lagu magacaabaa Thinking, Fast and Slow waxaana qoray saynisyahan iyo qoraa la yiraahdo Daniel Kahneman. Buuggaan iyo fikradaha ku jira ayaa gundhig u noqotay isaga saaxiibkii cilmiga cusub ee la yiraahdo behavioral economics.

Qoraaga ayaa buuggaan ku qaatay abaalmarinta Noble Prize ee dhaqaalaha.

Daawasho wacan:

The post Duruusta laga baran karo buugga Thinking, Fast and Slow by Daniel Kahneman appeared first on Daryeel Magazine.

Cuntooyinka xilliga ramadaanka ee u fiican dadka waayeelka ah

$
0
0

Calool istaagga iyo mararka qaarkood nafaqadarradu waxa ay ka mid yihiin xaaladaha uu qofka waayeelka ahi kala kulmo soonka. Nidaam cunto oo caafimaadka u fiicani waa tallaabooyinka ugu horreeya ee uu qofku ku wanaajin karo xaaladdiisa caafimaad. Waxa aana muhiim ah in maskaxda lagu hayo in hal cunto oo qofka da’da ahi uu joogteeyo, xitaa haddii ay tahay cuntada u fiican caafimaadka, in aanay keenayn nafaqada uu jidhku u baahan yahay oo dhan, ama kuba keeni karto dheelli ku yimaadda. Taasina waxa ay daciifisaa awoodda uu jidhku u yeelanayo in uu iska difaaco xaaladaha caafimaad darro ee dadka waayeelka ah aad ugu bata xilliga soonka. Xaaladahaas oo ay ka mid yihiin; xanuunka dila unugyada maskaxda ee Alzheimer ka, wadne wareenka, dhiigfuranka maskaxda iyo faaligga iyo lafo burburka oo dhammaantoodba la ogyahay in sababaha ay ku yimaaddaan ay nafaqo xumadu ka mid tahay.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa cuntooyinka caafimaad ahaan lagula talinayo qofka waayeelka ah ee soomaya, si uu xaaladahaas uga badbaado.

Tufaaxa: Waa il fiican oo laga heli karo Bootaasiyamta, lidka mariidka, Faytamiin Siiga muhiimka u ah ka hortagga kaarka iyo nabarowga. Waxa ay ka hortagtaa calool istaagga. Xabbad keliya oo uu qofku cuno ayaana ku filan in heerka sonkorta dhiiggu uu noqdo mid xasiloon, isaga oo sida oo kalana yareeya kalastaroolka aan fiicnayn.

Khudradda cagaaran iyo caleenta: Qofka waayeelka ah waa in aad loo siiyaa khudradda gaar ahaan noocyadeeda caleenta ah, oo ay dhakhaatiirtu caddeeyeen in ay ka hortag u noqon karto cudurka dila unugyada maskada ee Alzheimer ka.

Cilmibaadhis cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda Annals of Neurology ayaa sheegtay in uu xidhiihd ka dhexeeyo hoos u dhaca khudradda cagaaran ee uu qofku cunayo, sida koostada iyo kaabashka iyo hoos u dhaca ku yimaadda awoodda garasho ee maskaxda qofku marka uu weynaado.

Kalluunka: Kalluunka noocyadiisa ay ka mid yihiin Solomonka, Tuunaha iyo Sardiinigu waxa ay hodan ku yihiin asiidhka duxda leh ee Omega3 oo lagama maarmaan u ah caafimaadka wadnaha. Waxaa iyaguna la mid ah dhinaca Omega cuntooyinka ay ka mid yihiin Faasuuliyaha, saliibka (Qoondarka) iyo saliidaha caafimaadka u fiican oo dhammaantood kalluunka beddel u noqon kara, dhinaca Omega3 marka laga hadlayo.

Beedka: Waxaa beedka ku jira iskudhiska ‘Choline’ oo ah faytamiin ‘B’ faa’iido badan u leh xusuusta, sida oo kalana jidhka ka caawiya in uu la qabsado khalkhalka ku yimaadda saacadda bayoolojiga ah xilliga soonka.

Sida oo kale Beedku waxa uu ka mid yaha yilaha ugu muiimsan jidhku ka helo faytamiinnada, barootiinnada, asiidhada Folic iyo macdanaha kala duwan ee ay ka mid yihiin Selenium, Phosphorus iyo Calcium.

Bunka: Bunku qofka weyn la siiyo xilliga soonku waxa uu ak fogeynayaa xanuunka Alzheimer ka, xanuunnada wadnaha iyo habdhiska neefshida ku dhaca, faaligga iyo dhiigfuranka maskaxda iyo macaanka.

Waxaa xusid mudan in bunka badani aanu guud ahaan u fiicnayn caafimaadka, gaar ahaanan dadka waaweyn oo ay tahay in ay ka taxaddaraan.

Caanaha: Caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegaa waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka u fiican dheefshiidka ee sida gaarka ah muhiimka u ah xilliga soonka. Waxaa ku badan barootiinta, waxa aana ku yar macaanka, sida oo kale waxa uu jidhku ka helaa Kalshiyaamta lagama maarmaanka u ah caafimaadka lafaha. Qofka weyn waxaa u fiican in uu inta soonka maalintii saddex jeer cabbo caano aan dufanku ku badnayn.

The post Cuntooyinka xilliga ramadaanka ee u fiican dadka waayeelka ah appeared first on Daryeel Magazine.

2-da shay ee ugu fiican in ramadaanka la qabto


Dedejinta Akhriska (Speed Reading)

$
0
0

Dejinta akhrisku ama waxa loo yaqaan Speed Reading, ma wax loo baahan yahaybaa? Ma muhiim baa? Mise waa khuraafaad?

Muuqaalkaan hoose ayuu ustaad Mubarak Hadi ku sharraxayaa jawaabta su’aasha kore.

Ka bogasho wacan:

The post Dedejinta Akhriska (Speed Reading) appeared first on Daryeel Magazine.

Cuntooyin Ay Dhakhaatiirtu ku taliyaan in Laga Dheeraado Xilliga soonka

$
0
0

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa cuntooyinka iyo cabbitaannada ay dhakhaatiirtu sheegeen in ay fiicantahay in laga dheeraado xilliga soonka. Maadaama oo ay keenaan gaajo, harraad, daal iyo burbur ama aanay si guudba caafimaadka ugu fiicnayn:

  1. Cuntada milixdu ku badan tahay: Cuntooyinka milixdu ku badan tahay waxaa lagu yaqaannaa in ay jidhka ku celiyaan biyaha. Waxaa fiican in mar kasta la iska ilaaliya cuntooyinkan. Xilliga soonkana waxaa u dheer in qofka ay ku keenaan harraad badan, sida oo kale waxa ay milixda badani kicisaa dhiigga, sidaa awgeed ay fiican tahay in la iska ilaaliyo, ugu yaraan xilliga suxuurta. Waxaa la mid ah cuntada uu khalka badan lagu daro. Khalka waxaa ka buuxa maadadda Sodium ta, oo haddii ay jidhka ku badato khatar gelisa caafimaadka, qofkana harraadka ku badisa.
  2. Macmacaanka: Macmacaanka iyo xalwaduhu waxa ay ka mid yihiin cuntooyinka sababa korodhka miisaanka. Waxaa fiican in mar kastaba uu qofku iska yareeyo cuntooyinkan, gaar ahaan xilliga bisha soon lagu jiro, oo laga cabsi qabo in sonkorta badan iyo dufanka aan caafimaadka u fiicnayn ee ku jiraa ay keenaan miisaanka oo kordha iyo xididdada dhiigga qaada oo cidhiidhi gala, taasina khatar geliso nolosha qofka.

Waxa ay talada dhakhtarku tahay in macmacaanka lagu beddelo khudradaha sonkorta dabiiciga ah leh, oo la ogyahay in ay qofka dareenkiisa nafsiga ah wanaajiyaan, in ay jidhka biyo u noqdaan iyo in aanay miisaanka kordhin.

  1. Cuntada qasacadaysan: Noocyada dufannada ugu khatarta badan caafimaad ahaan waxaa ka mid ah dufanka lagu magacaabo ‘Hydrogenated fat’ oo ah dufan la sanceeyey oo ka kooban dufanka loo yaqaanno dufanka aan dheregsanayn oo loo beddelay dufan adke ah, kaddib markii lagu daray hydrogen. Warshaduhu dufankan waxa ay u samaystaan in uu dheereeyo cimriga cuntada warshadaysan ee ay samaynayaan. Sababta labada ee warshaduhu dufanka u isticmaalaan ayaa ah in la yareeyo kharashka gelaya cuntada la samaynayo, maadaama oo uu dufankani ka qiimo jaban yahay ka caadiga ah.

haddaba waxa ay khubarada caafimaadku qoreen in dufanka ‘Hydrogenated fat’ uu khatar ku yahay caafimaadka, oo dhibaatooyinka uu ku keeno ka mid yahay subaggu (Kalastaroolka), cilmibaadhisaha caafimaadkuna caddaynayaan in isticmaalkooda dufankani uu keeno in xididdada dhiiggu adkaadaan iyo in ay yaraadaan. Sabana u noqon karta dhiigfuran ama dhiig xidhan maskaxda ah iyo wadnaha oo dhiiggu ka xidhmo.

  1. Cuntada Shiilan: Saambuusaha iyo noocyada cunto ee shiilani uma fiicna caafimaadka, waayo waxa ay culays ku keenaan dheefshiidka gaar ahaan xilliga soonka. In waqtiga suxuurta la cuno cunto shiilanina waxa ay keentaa miisaanka oo kordha, kalastaroolka dhiigga oo kor u kaca, iyo qofka oo ay maalinnimada ku keento tamar darro iyo culays badan.
  2. Xawaashyada iyo busbaaska: Cuntada lagu sameeyo busbaaska iyo xawaashyada kulaylku ku badan yahaywaxa ay keenaan gubasho midhicirada ah. Waxaa jirta maaddooyin aanu dheefshiidku burburin oo ku jira busbaaska, waxa aana lagu magacaabaa ‘Capsaicin’, sidaa awgeed waxa ay gubasho iyo nabar ku keenaan gudaha midhicirada iyo calooshaba.

Dhinaca kalana cuntada busbaasku ku badan yahay waxa ay badisaa harraadka, iyo asiidhka caloosha, sababtaas awgeedna uma fiicna qofka soomayaa in uu cuno, gaar ahaan xilliga suxuurta.

  1. Asiidhada: Ka dheeroow cuntada leh asiidhka oo la ogyahay in ay keenaan gaasta caloosha, xiidmaha oo barara ama weynaada naqas badan oo galay awgeed, iyo asiidha caloosha oo aad u badata.
  2. Kaafiyeen: Kaafiyeentu waxa ay badisaa kaadida, sidaa awgeed in Kaafiyeen badani jidhka gashaa waxa ay keentaa in uu jidhku biyo badan iska soo saaro, taasna waxaa ka dhalanaya harraad iyo ingag ku dhaca qofka sooman. Waxa ay khubaradu sheegeen in kaafiyeentu ay keento in jidhku si habsam iah u nuugi kari waayo maadadda xadiidka, sidaa awgeed haddii jidhka ay ku badato ay keenayso dhiig la’aan.

Xigasho: wargeyska Geeska Africa

The post Cuntooyin Ay Dhakhaatiirtu ku taliyaan in Laga Dheeraado Xilliga soonka appeared first on Daryeel Magazine.

Waxyaabaha Laga Faa’idi Karo buugga THE 48 LAWS OF POWER

$
0
0

Ciid wanaagsan, kusoo dhowaada barnaamijkii fikrad iyo buug ee uu soo diyaariyo islamarkaana soo jeediyo ustaad Mubarak Hadi, waana xalqadii 35-aad.

Buugga maanta uu naka wadaagayo ayaa lagu magacaabaa The 48 Laws of Power ee uu qoray Robert Green.

Qof walba oo aduunka saaran si un buu u doonayaa inuu noqdo qof awood leh qof aragtidiisa la qaato, qof la dhegeysto, qof warkiisa la maqlo, qof kasta wuxuu ka cararayaa inuu awood iyo position uu lumiyo oo uu noqdo qof aan saameyn lahayn.

The post Waxyaabaha Laga Faa’idi Karo buugga THE 48 LAWS OF POWER appeared first on Daryeel Magazine.

Calaamadahaan Haddii Aad ku Aragto Taleefankaaga Ogow In Cidi ku Basaasayso

$
0
0

Hargeysa (Geeska)- Taleefanka gacantu waxa uu ka mid noqday halbawlaha nolol maalmeedka qofka, sidaa awgeed qof kasta oo xiisaynaya in uu xado aqoonsigaaga, in uu basaaso xogtaada gaarka ah ama in uu xisaabaadkaaga maaliyadeed u dhaco, bartilmaameedkiisa koowaaad waa in uu taleefankaaga gacanta jabsado.

Maqaal dhowaan ay faafisay majaladda caanka ah ee Readers Digest oo ka soo baxda dalka Marayknaka ayaa uu qoraaga Jo Mackinlay ku soo bandhigayaa calaamado haddii lagu arko taleefanka gacanta caddaynaya in ay jirto cid jabsatay taleefankaaga.

Calaamadahaas kuwooda ugu muhiimsanna waxaa ka mid ah:

Internet ka (DATA) oo uu isticmaalkiisu aad kor ugu kaco

Waxa aad tagtaa taleefankaaga gacanta qaybtiisa muuinaysa Isticmaalka Internet ka oo loo yaqaanno ‘DATA Usage” si aad u aragto xaddiga Data ee internet kaaga ka baxaysa. Haddii aad ku aragto xaalad aan caadi ahayn ama taleefanka oo marka aad wax ku soo dejinayso aad u cuslaada ama aad aragto in isticmaalka internet kaagu uu sabab la’aan u kordhay, waxa aad ogaataa in ay tahay calaamad kuu sheegaysa in cid ku basaasaysaa ay taleefankaaga ku shubatay barnaamijyo lagula soconayo.

Baytariga oo uu si degdeg ah dabku uga dhammaado

Calaamadaha ugu muhiimsan ee ina tusi kara in taleefankeenna gacanta ay cidi jabsatay waxaa ka mid ah dabka oo si degdeg ah uga dhaca. Barnaamijyada basaasiddu maadaama oo ay shaqo joogto ah ka wadaan taleefankaaga, mar kasta waa ay shaqaynayaan adiga oo aan arkayn, shaqadaas aan kala joogsiga lahayn ayaana dilaysa dabkii taleefanka. Haddii aad aragto taleefankaaga oo si aan caadi ahayn uu dabku dhaqso uga dhammaanayo waxa aad ogaataa in ay jirto cid jabsatay, oo xogtaada basaasaysaa.

Taleefanka oo kululaada

Haddii heerkulka taleefanku uu kor u kaco, xitaa mararka qaarkood adiga oo aan isticmaalayn, waa calaamad suurtagal ka dhigaysa in uu taleefanku si xawaare sare ah u isticmaalayo internet ka ‘DATA’. Haddii aad dareento in taleefankaagu kululaanayo, waxa aad ogaataa in ay suurtagal tahay in ay jirto cid basaasid ka dhex wadda taleefankaaga gacanta.

Barnaamijyo cusub oo aad ku aragto shaashadda taleefankaaga gacanta

Mararka qaarkood waxaa dhacda in qofku uu shaashadda taleefankiisa ku arko barnaamij (APPs) aanu isagu soo dejisan ama hore ugu jiri jirin taleefankiisa, haddii xaaladdani adiga kugu dhacdo si degdeg ah u hubi in barnaamijkaasi uu markaas shaqo ku jiro. Sida aad ku ogaan kartaana waa in aad tagto qaybta isticmaalka dabka ee taleefankaaga oo aad hubiso barnaamijyada markaas shaqaynaya ee dabka badan isticmaalaya. Haddii barnaamijyadaasi ay yihiin kuwo aanad garanayn ama aanad ku ogeyn in ay taleefankaaga ku jiraanna waxa aad aqoonsataa in cidi ku basaasayso.

Taleefankaaga oo iskii u tegeya qaybta laalinta muuqaalka tooska ah (Live Video)

Taleefankaaga gacanta oo iskii u taga qaybta lalinta fiidyowga tooska ah (Live Video) waxa ay ka mid tahay hababka ay basaasiintu adeegsadaan marka ay taleefanka qofka jabsadaan, waxa aanay ujeedadu tahay in si muuqaal ah ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa qofka iyo codkiisaba.

Haddii aad mar uun aragto taleefankaaga oo adiga oo aan dooran doonaya in uu adeeggan iskii u bilaabo ama bilaabayba. Waxa aad ogaataa in ay jirto cid doonaysa in ay kamaradaada adiga kugu basaasto. Si aad u sii hubiso, marka aad xaaladdan aragto waxa aad iyagana dib u hubin kartaa xaaladihii aynu hore u soo sheegnay oo haddii aad iyagana aragto kuu noqonaya marag kale oo kuu sii caddaynaya in lagu jabsaday.

Adeeggii taleefankaaga casriga a (Smart Phone) oo hoos u dhacay

Haddii aad taleefankaaga casriga ah (Smart) ku aragto culays iyo dib u dhac, tusaale ahaan farriimaha diristooda ama helistooda oo waqtiga caadiga ah ka dib dhacaya, ama guud ahaan hawlaha kale ee taleefankaagu kuu qabto oo culays ku jiro, waxa ay calaamad u noqon kartaa in ay jirto cid taleefanka kula wadaagaysa si ay ula baxdo xogtaada ama ula socoto dhaqdhaqaaqaaga.

Taleefankaaga oo cid iska garaaca ama farriin iska dira

Haddii aad aragto taleefankaaga oo iskii isaga tegey qaybta dirista taleefannada ama aad aragto isaga oo jooga qaybta dirista farriimaha ama farriin in uu diro isu diyaariyey, waa calaamad kale oo muujinaysa in ay cidi basaasid ka dhex waddo taleefankeenna gacanta.

Barnaamijyo iyo daaqado isk furmaya

Haddii aad aragto taleefankaaga gacanta oo ay ku soo dhacayaan muuqaallo iyagu is furaya, iyo in qaybo ama daaqado taleefanka ka mid ahi iskood u furmayaan adiga oo aan dalban, waxa aad ogaataa in ay shaqo basaasid ahi ka dhex socoto taleefankaaga gacanta. Markan oo kale waxaa iyaduna muhiim ah in aad u fiirsato qoraallada ku dhex yaalla muuqaallada iyo sawirrada kugu soo dhacaya, waayo waxaa dhici karta in laga dhex helo caddayn muujin karta cidda kugu daba jirta. Waxaa iyaduna suurtagal ah in sababta muuqaalladani ay tahay barnaamij buka (Virus) oo aad marka hore adigu ka gashay taleefankaaga kaddibna kaaga tegey ‘Adwares’ taleefanka ku qasbaya in uu soo bandhigo xayeysiisyo mar kasta oo la gujiyo ay cidda soo dirtay lacago ku helayso.

Haddii aad hesho Farriimo digniin ammaan ah

Haddii taleefankaaga la jabsado waxaa laga yaabaa in aad ka dareento hawlo aan caadi ahayn, waxaa ka mid ah in ay kugu soo dhacaan farriimo la xidhiidha adkaynta ammaanka macluumaadkaaga (Information Security), tusaale ahaan farriimo kuu sheegaya in cidi ay taleefan kale ka soo gashay ‘Email’ kaaga, ama in taleefan kale laga soo galay bogagga aad ku leedahay baraha bulshada. Ama aad aragto codsiyo lagaa rabo in aad mar kale ku celiso furahaaga sirta ah (Passwords) ama farriimo kale oo kaa raba in aad xaqiijiso (Confirm) akoonno / xisaabaad uu kuu sheegayo in aad iska diiwaangelisay, laakiin aad ogtahay in aanad iska diiwaangelin.

dhawaaq aan dabiici ahayn oo aad ka dhex maqasho taleefankaaga

Dhaqaaqa iyo sanqadha ama guux aad ka dareento taleefankaagu waa calaamad kuu sheegaysa in hadalka taleefankaaga ama Khadka taleefanka aad ka hadlayso la basaasayo.

Taleefankaaga oo aad xidhi kari weydo

Haddii aad taleefankaaga wax aad garanweyday ama ka shakiday ku aragto, si degdeg ah u demi, adiga oo itna aad hawsha deminaysana eegaya hawlaha uu qabanayo ama waxa dhacaya si aad u ogaato in wax aanad uga barani dhaco. Waayo taleefannada la jabsaday inta badan si dabiici ah uma demaan / bakhtiyaan. Waxaana dhacdaba in mararka qaarkood uu diido in uu demo.

Farriimaha Email ka oo lagaa xidho

Haddii aad aragto email kaaga oo is xidhay ama shirkadda emailka aad ka isticmaashaa xidhay waxa aad ogaataa in ay jiri karto khatar ah in lagu jabsaday, oo qaybta ammaanka ee shirkaddu ay dareentay, kaddibna sidaas email kaaga lagu joojiyey.

XIGASHO: WARGEYSKA GEESKA AFRIKA

The post Calaamadahaan Haddii Aad ku Aragto Taleefankaaga Ogow In Cidi ku Basaasayso appeared first on Daryeel Magazine.

Waxyaabaha Laga Baran karo Buugga DIRKII SACMAALLADA ee uu Qoray Axmed Ibraahim Cawaale

$
0
0

Kulanti wanaagsan, ku soo dhowaada barnaamijkii Fikrad & Buug ee soo diyaariyo ustaad Mubaarak Haadi.

Xalqada maanta oo ah tii 36-aad ayuu ustaadku noogu soo gudbinayaa buug la yiraahdo DIRKII SACMAALLADA ee uu qoray Axmed Ibraahim Cawaale wuxuu ka hadlayaa meel kasoo jeedka Soomaalida waa biug taariikhda ah. Buuggani waa midkii ugu horreeyay ee ku qoran Af Somali ee Ustaad mubarak uu nala wadaago.

Buuggani wuxuu ka sheekaynayaa sooyaalkii ilbaxnimo ee Soomaalida, waxyaabihii iyo diimihi ay soomaalidu rumaysnaayeen diinta islaamka ka hor. Waa buug ruuntii aad u qiimo badan.

The post Waxyaabaha Laga Baran karo Buugga DIRKII SACMAALLADA ee uu Qoray Axmed Ibraahim Cawaale appeared first on Daryeel Magazine.

Talooyin Xal u Noqon Kara Af-Urka

$
0
0

Af-urka (Halitosis)

Hargeysa (Geeska)- Urta aan fiicnayn ee dadka qaar afkooda ku arkaan waxa ay keentaa culays iyo diiqad badan oo ku timaadda bulsho dhexgalkooda iyo u dhowaanshiyaha dadka. Sababaha ugu badan ee urtan keena waxaa ka mid ah nadaafad darro afka ah, waayo waxa ay dhakhaatiirtu sheegayaan in bakteeriya afka ku ururtay ay sababto in ay sii deyso sun iyo in ay maydho ama milan ku samayso hadhaagii cuntada ee carrabka iyo ilkaha ku jiray, una beddesho ur aan fiicnayn.

Laakiin, sida lagu sheegay warbixin ay daabacday shabakadda Alcarabiya, taas oo keliya sababtu ma’aha ee waxa kale oo urta aan fiicnayn ee afka keena gaabis ku yimaadda shaqada qanjaha dhuunta ku yaalal ee Tayroodhka loo yaqaanno iyo xannuunka macaanka.

Waxa kale oo keena xanuunnada ku dhaca cirridka, Suuska ilkaha, qaar ka mid ah xanuunnada ama cilladaha caafimaad ee ku dhaca habdhiska dheefshiidka qofka iyo Sanbuurka oo caabuq keena.Waxaa jira habab badan oo loola dagaalami karo urta aan fiicnayn ee afka, waxaa ka mid ah in xanuunnada aynu soo sheegnay inta la daweyn karo la daweeyo inta kalana lala tacaalo.

Waxa kale oo iyaduna muhiim ah in lagu dadaalo cunista noocyada cunto ee aynu hoos ku xusnay:

Caleenta nacnaaca: Caleenta nacnaaca oo ka mid ah caleemaha muddooyinkan dambe Soomaalidu isticmaalkooda baratay, marar badanna ku beerato guryaha, ayaa in la calaashadaa ay tahay hab fiican oo lagula dagaalami karo urta afka.

Sinjibiisha: Sinjibiisha oo marka horeba xanuunno kala duwan daweyntooda caawisa, ayaa markanna ay khubaradu sheegayaan in calaalinteedu ay ka takhalusto af-urka.

Digniin: Dadka dhiigkarka leh waxaa lagula talinayaa in aanay aad u badsan cunista sinjibiisha oo la dagaalanta xinjirowga dhiigga.

Tufaaxa: Tufaaxa waxaa ku jirta maadadda ‘Polyphenol’ oo awood u leh in afka iyo ilkaha si dabiici ah u nadiifiso, taas oo dilaysa bakteeriyada afka ku jirta ee sababi lahayd urta aan fiicnayn.
Koostada: Khudradda cagaarani waxa ay hodan ku tahay maadadda ‘Polyphenol’ waxaana ka mid ah Koostada oo ay si aad ah ugu badan tahay maadaddan aynu soo sheegnay in ay la dagaalanto urta afka.

Faa’iidooyinka kale ee Koostada waxaa ka mid ah in ay isu dheellitirto heerka asiidhka jidhka, taas oo caawisa in jidhku aanu ingagin.

Qolofalka: Qolofalka ama qorfaha (cinnamon) ayaa ka mid ah cuntooyinka la dagaalama urta aan fiicnayn ee afka. Waxa uu awood u leeyahay in uu burburiyo iskudhisyada ‘Salfar’ ee afka dhex duulaya, waxa aanu afka ku reebaa urtiisa fiican.

Liin macaanta: Liin macaanta iyo cunto kasta oo qani ku ah Faytamiinka ‘C’ waxa ay awood u leedahay in ay si dabiici ah u yarayso urta aan fiicnayn ee afka. Faytamiin ‘C’ waxa uu burburiyaa bakteeriyada afka ee sababi karta urta aan fiicnayn, waxa aanu afka u ilaaliyaa qoyaanka, maadaama oo uu kordhiyo dhareerka ay qanjuhu soo saarayaan, Waayo afka gudihiisa oo qoyaanku ku yaraado ama qallayl noqdaa waxa ay sababtaa in uu ur keeno.

Shaaha Cagaaran: Shaaha cagaarani waxa uu caan ku yahay in uu la dagaalamo bakteeriyada sababaysa urta aan fiicnayn ee afka, waxa aanu si dabiici ah u nadiifiyaa afka.

Biyaha: Biyo cabbistu waa habka ugu fudud uguna waxtarka badan ee la iskaga daweyn karo af-urka. Sababtuna waa in ingagga ay ka ilaalinay ingagga oo ka mid ah sababaha keena urta aan fiicnayn ee afka.

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

The post Talooyin Xal u Noqon Kara Af-Urka appeared first on Daryeel Magazine.

4 DHAQAN OO FAXAD GELIYA NAFTA IN KA BADAN FARXADDA AY KA HELI LAHAYD $20 MILYAN OO AY HAWL LA’AAN KU HESHAY

$
0
0

“Maxaa noloshaada farxad geliya?” waa su’aal si toos ah iyo si dadbanba joogto ugu soo dhacda maskaxda qof kasta oo aadamaha ka mid ah, laakiin jawaabta ay maskaxdoodu ka bixinayso ayaa ay ku kala duwan yihiin.

Waxaa jira jawaabo kala duwan oo isku daya in ay ogaadaan, halka uu qofku ka helo farxad. Mid ka mid ah oo dadka badankoodu ku qancaan ayaa aaminsan in farxaddu ay walaal la tahay lacagta. Laakiin Dr. Saanjiif Jobra oo ah bare-sare oo caafimaadka ka dhiga kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Harvard ayaan isagu jawaabtaas ku qancin.

“Xitaa in aad 20 Milyan oo doolar ku hesho bakhtiyaa-nasiib, kuuma ballanqaadi karto in aad noqoto ruux faraxsan oo noloshiisa ka raaliya” Ayaa uu yidhi Dr. Saanjiif. Isaga oo arrintaas u soo xujaystay cilmibaadhiso muujinaya in inkasta oo uu qofku aad u farxo marka hore ee uu bakhtiyaanasiibka helo ama dakhligiisu uu si kedis ah u kordho, haddana muddo gaaban kaddib in ay farxaddaasi iska tirtiranto oo uu xaaladdiisii hore ku soo noqdo, ama ay dhacdaba in uu ka farxad yaraado sida uu ahaa markii aanu helin lacagtaas.

Bare-sare Saanjiif waxa uu sheegay in aanay farxaddu ku xidhnayn haynta qofka, balse ay jiraan sababo kale oo qofka ku beera farxad, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

  • SAAXIIBBADA IYO QOYSKA

In qofku xidhiidh dhow la yeesho dadka uu aaminsan yahay, kuna xan qarsadaa, waxa ay ka mid tahay sababaha qofka farxad geliya. Sidaa awgeed talada saxda ahi waa in qofku uu marka hore si xikmad iyo caqli ku dhisan u doorto saaxiibka. Intaas oo keliya ma’aha ee waa in uu ka shaqeeyo in uu saaxiibbadii la wadaago damaashaad iyo munaasabad kasta oo saaxiibka qiimo ugu fadhida.

Xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu waxa ay ku celceliyey faa’iidada ay caafimaadka qofka u leedahay in uu xidhiidho macno ku fadhiya la yeesho bulshada. Janaraal hore uga tirsanaan jiray ciidamada Maraykanka oo lagu magacaabo Vivek Murty ayaa sannadkii 2017 kii maqaal uu qoray oo uu arrintan kaga hadlaya, waxyaabaha uu yidhi waxaa ka mid ahaa “Haddii aynu dhisi kari weyno xidhiidho bulsho oo adag. Waxa aynu ku sii jiri doonnaa kala firidhsanaanta, goobaha shaqada iyo goobaha bulshada labada.

Cilmibaadhayaashu waxa ay ka marag kaceen in qofka oo gooni joog noqda ama nolol bulsho oo dadka ka faquuqan ku noolaadaa ay caafimaadka ku keento dhaawac ka khatar badan dhaawaca uu keenayo in qofku uu maalin kasta nuuga 15 xabbo oo sigaar ah”

Daraasaddu waxa ay muujisay in saaxiibtinimadu ay yarayso khatarta dhimashada aan lahayn sababta la ogyahay iyo in ay yarayso ama ka hortagto xanuunnada qaar, isla markaana ay dedejiso awoodda ka soo kabashada xanuunka ee qofka xanuunsanaya.

  • CAFISKA

In aad awood u yeelato cafiksa dadku waxa ay kaa kaxaysaa culayska nafsiga ah ee ka dhasha nacaybka iyo xaalado kale oo caafimaad darro oo la xidhiidha dareenka iyo caadifadda qofka, kuwaas oo haddii aan la iska daweyn dhaawac gaadhsiin kara farxadda.

Qoraagu waxa uu soo xiganayaa Nelson Mandela oo ahaa halyeey si dunida oo dhami ka maragkacday ugu dhaqmay qodobka cafiksa.
Sannadkii 1990 kii, markii uu dhammaad ku dhowaa xilligii midabtakoorka iyo in caddaanka tirada yari ku tacaddi jireen madowga, ayaa Nelson Mandela laga soo daayey xabsi uu ku jiray 27 ka sano.

Mandela markii uu xabsiga ka soo baxay waxa ugu badan ee laga filayey ama dadkii taageersanaa weydiinayeen waxa uu ahaa bal in uu cadho u qabo nidaamkii iyo siyaasiyiintii xabsiga dulmiga ah muddada dheer ku hayey.
Waxa kale oo kasta waa laga filan karayey Mandela, laakiin dadka badankoodu kama ay filayn ereyadii uu ku jawaabay ee ahaa, “Wax ciil ah ma qabo, cidna nacayb uma hayo. In aad cid nacayb iyo ciil u qabtaa waxa ay la mid tahay in aad sun cabto, kaddibna aad niyeysato in suntan aad adigu cabtay ay dili doonto cadowgaaga”

Karen Swarz, oo agaasime ka ah rugta daraasaynta iyo daweynta xaaladaha nafsiga ah ee khlakhalka ku keena maskaxda iyo la talinta dadka la kulma xaaladahan caafimaad oo ka tirsan cisbitaalka Johns Hopkins, ayaa sheegay, “In qofku uu qaato go’aamo miyir ku dhisan oo uu iskaga nadiifinayo uur xumada iyo dareennada taban ee uu qofka u hayo, isaga oo aan u eegayn in qofkaasi u qalmo cafis iyo in aanu mudnayn in la cafiyaa. Waxa ay qofka u keentaa farxad nololeed.

Cilmibaadhiso dhowaan la sameeyeyna waxa ay daahfureen in cafisku uu qofka ka yareeyo khatarta ah in wadne xanuun ku dhaco, isla markaana uu wanaajiyo heerka dufanka (Kalastarool) ee dhiiggiisa ku jira, iyo in ay dejiso dhiigkarka, qulubka, diiqadda iyo cadhada.

  • WAX BIXINTA

Dr. Saanjiif Jobra waxa uu sheegay in qofka oo ka qaybqaata hawlaha samafalka iyo sadaqo bixinta iyo in lacago deeq ah lagu caawiyo dadka baahani, ay ka mid yihiin arrimaha ugu fiican ee ay tahay in qofku uu waqtigiisa ku qaato.
Cilmibaadhayaal arrimahan u kuurgalay waxa ay soo jeedinayaan in dadka tabarucaadka iyo samafalka ka shaqeeyaa ay farxad weyn oo lololeed helaan, ixtiraamka iyo kalsoonida ay naftooda u qabaan ay kor u kacaan, isla markaana ay ku yaraato dhimashada aan sababta la yaqaanno lahayn.

Cilmibaadhis ay sameeyeen jaamacadaha Chicago iyo Northwestern ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in qofka oo wax bixiya, halkii uu isagu wax ka qaadan lahaa, ay ku keento farxad muddo dheer waarta. Hal tijaabo oo ay khubaradu sameeyeenna waxa ay ku ogaadeen in boqolkiiba 96 dadkii la tijaabinayey, muddo shan maalmood ah oo maalin kasta la siinayey 5 doolar, iyada oo loo sheegayo in ay ikhtiyaar u leeyihiin in ay lacagtaas iyagu isticmaalaan iyo in ay cid kale sii siiyaan.

Dadkan tijaabada laga qaadayey ayaa intii aanay tijaabadan marin dhammaantood la hubiyey in xaaladdooda nafsiga ah iyo farxaddooduba isku mid tahay, natiijada u soo baxday cilmibaadhayaashuna waxa ay noqotay, “In Dadkii lacagtii la siiyey iyagu isticmaalay ay ugu yaraan muddadii shanta maalmood ahayd ka farxad yaraayeen, dadka iyagu waxa la siiyey cid kale oo uga baahi badan sii siinayey gebi ahaan ama badh ahaanba.

  • NAFTAADA OO AAD AQOONSATO

Dr. Saanjiif Jobra waxa uu sheegay in haddii qofku aanu aqoonin in uu naftiisa bogaadiyo, in aanay suurtagalba ahayn in uu farxad nololeed helo.

In qofku uu naftiisa wanaagga ay fashay ku bogaadiyaa ma’aha arrin xun, marar badanna innaga oo aan is ogeyn ayaa ay dhacdaaba, oo waa innaga ku celcelinna ereyada ay ka mid yihiin, “Waan ku faraxsanahay, ama waan ku ‘hanweynahay’ iwm.

Cilmibaadhis ay samaysay Iskaashatada cilminafsiga ee dalka Maraykanka, ayaa lagu ogaaday in qofka oo isu boga ama is bogaadiyaa ay ku abuurto dareen ah in uu waayo-aragnimo fiican ka helayo hawsha uu qabanayo iyo in uu ka badbaado duruufaha culayska iyo diiqadda abuuraya, isla markaana uu xoogeysto xidhiidhada uu bulshada la leeyahay.

Isaga oo Dr. Saanjiif Jobra ka hadlaya arrintanna waxa uu sheegay qofka oo waqti ku qaata ka fikirka waxaa naftiisu iskaga raallida tahay ama ku baani karto, in ay ku abuurto dareen ah in uu si ka badan sida caadiga ah u dareemo arrimaha nolosha farxad geliya. Dr. Saanjiif waxa uu intaas ku sii daray, “Arrintani ugu yaraan waxa ay kugu abuuraysaa dareen ah in aanu dareenkaagu u badan dhinaca taban ee nolosha”

Turj: Kamaal Marjaan

Facebook: kamaal Marjaan

The post 4 DHAQAN OO FAXAD GELIYA NAFTA IN KA BADAN FARXADDA AY KA HELI LAHAYD $20 MILYAN OO AY HAWL LA’AAN KU HESHAY appeared first on Daryeel Magazine.


Sababaha Calool Ololka keeno & Talooyin Caawinaya Qofka Uu Ku Badan Yahay

$
0
0

Calool ololka waxa uu ka mid yahay dhibaatooyinka caafimaad ee dunida maanta aad caanka uga ah, sababaha keena waxaa ka mid ah:

  1. Cuntada duxdu ku badan tahay oo la badsado.
  2. Cuntada oo goor dambe oo habeenkii ah la cuno.
  3. Cabbitaananda asiidhka leh, iyo cabbitaannada ka samaysan liin dhanaanta iyo cinabka.
  4. Isku buuqa, iyo xaaladaha nafsiga ah ee ay ka mid yihiin walaac badan iyo qulubku.

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay sheegayaan in calool ololku uu yahay xaalado mararka qaarkood uu qofku isku arki karo, laakiin haddii uu soo noqnoqdo, tusaale ahaan, dhowr jeer toddobaadka gudihiisa, waxa ay noqon kartaa astaan muujinaysa khatarta xanuunno kale oo ay ka mid yihiin:

  1. boog calooleed.
  2. Caabuq ama caloosha oo nabar ku samaysmay.
  3. Bog dillaac.

Waxaana muhiim ah in qofku uu dhaqso dhakhtar ugu tago, maadaama oo uu calool ololka joogtada ahi keeni karo, nabarro ku samaysma hunguriga, kaas oo haddii xaalkiisu sii xumaado isu beddeli kara kansar.

Talooyin kaa caawinaya in aad calool ololka ka hortagto.

  1. In la iska daayo in maalintii laba ama saddex jeer cunto weyn la cuno, taas beddelkeedana uu qofku maalintii shan ama lix jeer cunto fudud cuno.
  2. In intii suurtagal ah la iska yareeyo cuntooyinka ay duxdu ku badan tahay iyo cuntada culus.
  3. Ka feejignoow in aad saacadaha dambe ee maalintii cunto culus cunto.
  4. Iska jir in aad jiifsato isla marka aad wax cunto.
  5. Marka aad jiifsanayso ku dadaal in qaarkaaga sare uu in yar ka sarreeyo qaarka dambe. Si aanay cuntada iyo asiidhu dib ugu soo noqon.
  6. Ku dadaal wax kasta oo aad kaga fogaan karto isku buuqa, qulubka iyo xaaladaha nafsiga ah, kuwaas oo ay ugu horreyso in aad cibaadaysato, in aad jimicsi samayso, iwm.

Kamaal Marjaan

Source: :Aljazeera

The post Sababaha Calool Ololka keeno & Talooyin Caawinaya Qofka Uu Ku Badan Yahay appeared first on Daryeel Magazine.

Ka Run Sheeg Dareemahaaga

$
0
0

Ka run sheeg dareemahaaga

Waa caadi inaad murugooto, faraxdo, qososho, oydo, wax ogolaato, waxna diido, wax jeclaato waxna nacdo, wax u hilawdo waxna ka hayaanto, waa dareemo Mawluhu inagu abuuray, waxay qurxiyaan oo qiimo u yeelaan qofnimadeena, waa waxa laysku afgarto, laysku raali gasho, laguna kala gar qaato.

Ha noqonin qof qosla mark uu cadhaysanyahay,qamuunyaysta xiliga farxaddu jirto, wax uu doonayo diida, wuxuu diidayana muujiya inuu raali ka yahay, cidkasta oo la dhaqantaa ay ku wareerto la dhaqkiisa/keeda.

Ha hagranin naftaada dabadeedna haka sugin in dadku ku fahmaan adiga oo aan muujin dareemadii ay kugu fahmi lahaayeen.

Awood u yeelo inaad ka turjuntid dareemahaaga, sheeg hadii aad cadhooto oo sababee cadhadaada, garnaqso hadii aad garr leedahay , garr qaado hadii aad khaldantahay, ha keydsanin dareemo ay tahay in guudkaaga laga dheehdo.

Ha yeelin waxaanad rabin, haysku qaadin waxaanad hubin cidhibtooda, ha kalifin naftaada, ku xisaabtan itaalkaaga qofeed iyo aqoontaada shakhsiyadeed intay ay le’egyihiin markaa kadib ka falceli hadba arinka ku hor yaala.

Markaad dareemahaaga ka run sheegtid, naftaada baratid, waxaad helaysaa iftiin aad kaga gudubtid mugdiyada nolosha, waxa kugu hareeraysmaya duruufo aad la noolaan kartid, dadyaw aad fahmi kartid , waxaad awood u yeelanaysaa ka gudbitaanka xaaladaha nololeed ee kusoo waajaha, waxa si cad oo aan madmadow kujirin kuugu muuqanaya awoodahaga qofnimo ee Rabi kugu galladay.

Waxaad noqonaysaa qof naftiisu qiimo u leedahay, garanaya wuxuu gudo iyo wuxuu gooyo , og waxa farxad geliya iyo waxa ka murugaysiiya, og meesha uu socdo iyo sababaha socdaalkiisa, la dhaqmi og dadyawga uu la noolyahay iyo deegaanka uu ku noolyahay labadaba.

W/Q: Hamda Hussein

The post Ka Run Sheeg Dareemahaaga appeared first on Daryeel Magazine.

Waa maxay cuntooyinka uwanaagsan Muuqaalka qofka?

$
0
0

Waa maxay cuntooyinka uwanaagsan Muuqaalka qofka?

Waxaa jira cuntooyinka kala duwan oo la xaqiijiyay inay muuqaalka (maqaarka) qofka uwanagsantahay. Waxay isugu jiraan khudaarta, fruits iyo Looska nuucyadiis kala duwa.

Cuntooyinka waxaa ka mid ah:

Yaanyada; gaar ahaan mida cagaaran oo jirka ka ilaalisa in qoraxdu wax udhinto, waxayna uroontahay dadka ay wajigooda qoraxda gubto.

Bocorka: waxaa la sheegay inuu ka midyahay cuntooyinka maqaarka sifeeya, gaar ahaan hadii sida cabitaanka loo shiido. Wajigana waala marsan karaa wuxuu bixiyaa wasaqda.

Bataati Macaan ama (bataatiga guduudan): wuxuu ka hortagaa kaduudka ama calaamadaha

Looska: guud ahaan waxaa ku jirta saliid, waxayna maqaarka usahlisaa

Ukunta: Waxaa ku jirta proteins uroon xoojinta difaaca haraga.

Cabida biyaha: Biyaha waa waxyaabaha ugu muhiimsan uu maqaarka u baahanyahay, wuuna jilciyaa, wuxuuna ka ilaaliyaa jeexjeexa iyo qaleelka.

Intaas iyo kuwa kalaba waa cuntooyinka aadka loo helo una wanaagsan quruxda iyo bilicda qofka.

inta aan horey usoo sheegnay waxaa LIDI ku ah ama wax badan udhinta caafimaadka iyo muuqaalka qofka, iyadoo sabab u ah; soo noqnoqodka fimanka, difaaca maqaarka yareysa, kaduudashada wajiga ama muuqaalka duqnimadana soo dadajiso waa SOKORTA iyo waxyaabaha macmacaanka oo kasameysan burka cad iyo sokorta. Ee fadlan iska ilaali.

“U cun caafimaad, u cun qurux”

W/Q: Dr. Mohamed Ali

The post Waa maxay cuntooyinka uwanaagsan Muuqaalka qofka? appeared first on Daryeel Magazine.

6 HAB OO KAA CAAWIN KARA IN AAD MAALMAHA FASAXAAGA KA FAA’IIDAYSATO

$
0
0

Aalaaba ayaamaha fasaxu waxa ay dhammaadaan innaga oo aan uga faa’iidaysan sidii ugu habboonayd, ama uba aragna maalmo macna daran, oo xiise u qabna in aynu shaqadii dhaqso dib ugu noqonno.

Haddaba siyaaba ugu fiican ee uu qofku uga faa’iidaysan karo maalmihiisa fasaxu waxa ay u baahan tahay qorshayn fiican iyo in uu marka hore si deggen uga sii fikiro. Waxaa ugu muhiimsan in uu naftiisa dareensiiyo firaaqo iyo in aanay jirin hawl gaar ah oo ay ku mashquushaa, waa hab uu qofku ku soo ceshan karo caafimaad qabkiisa nafsiga ah, maskaxdunka ku heli karto firaaqo ay ka fikirto hal-abuur kale iyo hindiseyaal ay hore waqti u la’ayd ka fikirkooda. Sida oo kale waa fursad ady ku xallin karto dhibaatooyin haystay oo ay go’aan ka gaadhistooda waqti ku filan maskaxdu u la’ayd.

Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa soo jeedimo innaga caawinaya in qofku uu sida ugu habboon u qaato fasaxiisa:

WAHSIGA NAFTA HA U DIIDIN

Dhammaanteen xilliga shaqada waa aynu daalnaa, oo nafta ku qasabnaa hawlo ay ogtahay in ay tacab badan kala kulmayso. Sidaa awgeed marka aynu fasax helno waa in aynaan nafta ka hor istaagin in ay sidaas hore lidkeeda noqoto.
Maalmaha shaqada ee badan iyo daalka joogtada ahi waxa uu maskaxda ku abuuraa dareen ah in ay mashquul joogto ah ku jirto, xitaa marka aanay shaqo haynin. Arrintan oo joogto noqotaana waxa ay nafta ku yeelataa raadad caafimaad darro, oo ay ka mid tahay daalka oo mar keliya ka degi waaya, qulub, warwar iyo xanuunnada nafsiga ah eek u xidhan daalka maskaxda.

CAFISKA OGOOW

Uur ku taallada, nacaybka iyo xiqdigu waxa ay caafimaadka qofka ku reebaan saamayn taban. Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Stanford ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in qofka oo naftiisa ku tababara cafiska ay kor u qaaddo awoodda uu u leeyahay in uu cadhadiisa xakameeyo, taasina waxa ay yaraysaa daalka iyo calaamadaha caafimaad darro ee jidhka. Arrimahaas oo isu tagayna waxa ay dhaawacaan caafimaadka habdhisyada difaaca, wadnaha iyo xididdada dhiigga.

LA CUNTEE QOYSKA

Waa laga yaabaa in ay adkaato in qoyska oo dhami uu miis ku wada cunteeyaa, shaqada, waxbarahsada, jimicsiga, iyo waajibaadka kale ayaa dhammaantood caqabad ku ah in qoysku mar meel ku wada cunteeyo. Laakliin cilmibaadhisuhu waxa ay ina barayaan in qoyska miis keliya ku wada cunteeyaa ay ka farxad badan yihiin, nafsad ahaanna ka caafimaad badan yihiin kuwa aan meel isugu iman. Fursadaha fasaxa shannadka uga faa’iidayso in aad qoyska meel isugu keento xilliga cuntada.

SHAQOOYINKII KUGU DAAHAY ISKA DHAMMEE

Shaqada badan ee aynu qabanaynaa waxa ay qasabtaa in aynu shaqooyinka qaarkood dib isaga dhigno, si aynu ula sugno waqti aynu haleeli karno. Marka laga tago dib u dhaca hawshaas ku imanaya, waxaa jira dhibaato kale oo ka dhalata hawlaha aynu dib u riixayno, waxaa ka mid ah in culays nafsadeed oo joogto ah ay maskaxdeenna ku hayso. Culayskaasi ugu dambaynta waxa uu innagu noqdaa xaalado qulub iyo walbahaar ah oo aan kala joogsi lahayn.

Maalmaha fasaxa uga faa’iidayso in aad hawlihii kugu baaqday oo dhan u samayso jadwal kooban oo aad iska dhammayso, si aanay fasaxa kaddib kugu sii haynin culayskii soo taxnaa. Waxa ay khubarada cilminafsigu caddaynayaa in qofka oo hawlaha ku taagan iska dhammeeyaa ay geliso farxad iyo raynrayn nafsadeed.

DIB U CUSBOONAYSII TAMARTAADA

Waxaa waajib ah in aynu nafta siinno fursad ay dareento in aanay jirin wax hawl ah oo u taallaa. Tusaale ahaan waa in aynu u ogolaanno in ay iska hor fadhiisato talefishanka. In ay saacado intii hore ka badan seexato.

DIYAARIYE: Kamaal Marjaan

SOURCE: The New York Times

The post 6 HAB OO KAA CAAWIN KARA IN AAD MAALMAHA FASAXAAGA KA FAA’IIDAYSATO appeared first on Daryeel Magazine.

Sidee Caruurta Looga Goyn Karaa Suul-Nuugista

$
0
0


Soomaalidu naynaas-bixinta dhib kalama kulmaan waayo markiiba qaabka,  iinta jirka ama dabeecada qofka ayay ka dhiraandhiriyaan markay qof naynaasayaan. Waxaan aqaan nin aabihiis la yiraahdo “Fara-nuug”.   Naynaastaasi sharaxaad uma baahna siday ku timid oo waa cadahay. Waa iyadoo Faranuug markii uu yaraa faraha ama suulka nuugi jiray.

Nuugista faraha ama suulka waxay soo bilaabataa inta ilmuhu uurka ku jiro oo uu isku maaweeliyo.

Suul-nuugistu waa dabeecad qaar ka mid ah ilmuhu u isticmaalaan inay isku mashquuliyaan marka ay daalan yihiin, marka ay hurdo soo hayso, marka ay jiran yihiin, marka ay xiiso-dhacsan yihiin iyo marka ay walwalsan yihiin.

Sida khubaradu isku raacsan tahay Suul-nuugista wax dhib ah ilmaha uma keento inta ay ka yar yihiin shanta sanno.  Sidaas awgeed, Muhiim maaha in ilmaha yar cadaadis lagu saaro in laga jaro faranuugista inta ay yar yihiin waayo inta badan ilmuhu way iska daayaan inay farahooda nuugaan marka ay dhaafaan da’da shan jirka.

Sidoo kale,  maahan in laga walwalo dhamaan noocyada faranuugida.   Qaar ka mid ah ilmaha suulka iyo farta uun bay afka galiyaan iyagoo aan oo si adag u nuugayn. Haddii ilmuhu suulka ama farta afka intuu galiyo si adag u nuugo suulka waxaa caddaadis fulaa dhab-xanaga ilkuhu ka soo baxayaan iyo suulka cididiisa.   Haddii dhabxanaga caddaadis fuulo waxaa laga yaabaa in qaabdaro ku dhacdo ilkaha xilliga ilkaha joogtada ah soo baxayaan.   Dhinaca kale,  waxaa dhaawac soo gaaraa farta ama suulka ciddidiisa oo laga yaabo in infection ku dhaco. Maqaarka farta ama suulka oo qalala oo dilaacyo yeesha.

Welwelku wuxuu imaanayaa marka ilmaha gaara 5 sanno jir oo haddana aan iska goyn suul-nuugista. Markaan waxaa yimaada sidaan horay ku sheegnay dhibaato ilkaha iyo maqaarka suulka.

Waalid ahaan deris sida ilmuhu suulka u nuugayo . Haddii uu u nuugayo si adag waa xilliga ay tahay inaad ka goyso inta uusan gaarin 4 sanno jirka. La tasho dhaqtarka ilkaha oo ku siinaya tallooyin kaa caawinaya sidii looga jari lahaa dabeecadaan.

Suul-nuugista ama fara-nuugistu ma ahan calaamad caafimaad-darro ama naaqus maskaxeed oo ilmaha ku imaan karta marka uu waynaado ee waa dabeecad ilmuhu iska jaro si dabiici ah.

Tallooyin guud oo ku saabsan sidaad u jari lahayn suul-nuugista

  • Haku canaanan/garaacin ilmaha inuu nuugayo suulkiisa/fartiisa. Si xoog ah farta ilmaha afkiisa ha uga bixin waxaa laga yaabaa inuu bilowdo loollan awoodeed u dhexeeya adiga iyo ilmaha yar.
  • Billow qorshe adiga iyo ilmaha aad heshiis ku noqonaysaan inaad abaalmarin siinayso haddii ilmuhu ku guulaysto inuusan fartiisa nuugin tusaale ahaan maalin,asbuuc ama bil.
  • Ha ku xirin farta ilmaha sharooto ama faashad adigoo ka hortagaya inuusan nuugin suulkiisa/fartiisa waayo ilmuhu wuxuu dareemayaa in loo diidayo hab wanaagsan oo uu isku maaweelinayo.
  • Ha marin farta ilmaha basbaas waxaa laga yaabaa inuu dhibsado
  • Waxaad isticmaali kartaa dareere qaraar oo aad cidida dusheeda marin karto oo xasuusinaysa ilmaha inta uu hurdo inuusan farta afka gelin.  Dareerayaasha farta ilmaha la mariyo waxaa laga helaa dukaamada iyo farmashiyeyaasha . Qaar ka mid ah waalidiintu waxay isticmaalaan barafuunka oo cidida korkeeda in yar lagu buufiyo ka dib marka ilmaha ogolaansho laga helo.
  • Qaar waalidiinta ka mid ah waxay isticmaalaan ilmaha inay u xiraan gloves gaar ah oo cabirka faraha ilmaha leh.

XIGASHO: daadah.com

The post Sidee Caruurta Looga Goyn Karaa Suul-Nuugista appeared first on Daryeel Magazine.

Viewing all 1527 articles
Browse latest View live