Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Sababtaan Awgeed, Cun 2 Xabbo Oo Moos Ah Maalin Walba

$
0
0

Moosku waxa uu ka mid yahay furuutada ama faakihada ugu caansan dunida, Waxaa ku jira nafaqooyin aas-aasi u ah ilaalinta caafimaadka. Cunista mooska waxay hoos dhigtaa dhigtaa dhiig karka iyo halista cudurka kansarka.

Nafaqada ku jirta mooska:

Mooska, waxaa ku jira faybar, barootiin, magnesium, potassium, selenium, folate iyo fitamiin C. Waxaa kaloo mooska laga helaa fitamiin A oo uroon aragga indhaha kana hortagga kansarka.

Moosku waxa uu qani ku yahay fitamiin B6 oo caawiya dheefshiidka, door muhiim ahna ka ciyaara koriimada maskaxda ee dhallaanka iyo awood siinta difaaca jirka.

Sii akhri faa’iidooyinka caafimaad ee mooska iyo cudurrada u ka hortago:

Dhiig karka:

Dadka waxaa lagula taliyaa inay iska yareeyaan milixda ama sodium-ta islamarkaana ay ku dedaalaan cuntooyinka qaniga ku ah potassium-ta sida mooska. Maadada potassium waxay ka qayb qaadataa kantaroolista cadaadiska dhiigga (blood pressure).

Cudurka kansarka:

Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday maadada “lectin” ee ku jirka mooska inay caawiso ka hortagga koritaanka unugyada kansarka dhiigga (leukemia). lukiimiya waa kansarka haleela unugyada jirka u sameeya dhiigga. Unugyadaan oo ay kamid yihiin dhuuxa iyo limfiga ayaa aassaas u ah sameynta unugyada dhiigu ka koobanyahay. lukiimiya waxay la xidhiidhaa unugyada cad ee dhiiga. Maadada sun-saarista ee “Lectin” waxay caawisaa inay jirka ka saarto waxa loo yaqaanno “free radicals” oo unugyada jirka dhaawaco islamarkaana sababa cudurka kansarka.

Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu arkay in caruurta sida joogtada ah u quudata mooska iyo cabitaanka liin macaanta ay yartahay halista ay ugu jiraan kansarka ku dhaco dhiigga sababtuna waa fitamiin C-ga oo ka mid ah maadooyinka sun-saarista ee la dagaallamada kansarka.

Caafimaadka wadnaha:

Mooska waxaa ku jira maadooyinka faybar, potassium, folate iyo fitamiin C oo dhammaantood ka qayb qaata caafimaad qabka wadnaha. Faybarka ayaa la aaminsan yahay inuu u wanaagsan yahay caafimaadka wadnaha, waxaana cilmi baariyo la sameeyey ay isku raaceen in quudashada cuntooyinka uu ku badan yahay faybarku ay hoos u dhigaan xayrta wadnaha iyo xidida fuusha.

Sonkorowga:

Sida kor ku soo xusnay mooska waxaa ka buuxo faybar kaas oo kaalin muhiim ah ka ciyaara kontoroolka xadiga sonkorta ee ku dhex wareegaysa dhiiga, isagoo hoos u dhigaya burburinta iyo nuugida kaarboheydareytka iyo sonkorta. Sida ay shaaca ka qaaday daraasad la sameeyay sanadkii 2018-kii Cunista cuntooyinka faybarka uu ku badan yahay waxay hoos u dhigtaa khatarta sonkorowga nooca 2-aad.

Caafimaadka qabka dheefshiidka:

Mooska waxaa ku jira biyo iyo faybar oo labaduba saxarada jilciya, caafimaadka dheefshiidkana kobciyo. Faybarka waxa uu ka la dagaallamaa calool istaagga iyo boogaha caloosha.Moosku wuxuu kaloo ka mid yahay cuntooyinka lagu daaweeyo shubanka.

Xusuusta:

Mooska waxaa ku jira barootiinka loo yaqaanno “tryptophan” kaas oo kor u qaada xusuusta iyo awoodda waxbarasho ee maskaxda islamarkaana wanaajiya dareenka qofka.

Potassium:

Maadada potassium-ta ee ka buuxda mooska waxay yaraysaa cusbada jirka (sodium), waxay xakamaysaa cadaadiska dhiigga, waxay ka hortaggaa cudurka faaligga (stroke), waxay ka qayb qaadataa caafimaadka lafaha iyo murqaha, sidoo kalana waxay ka hortagtaa dhagaxaanta kilyaha ku samaysma.

Ciyaartooyda:

Mooska waxaa lagu tilmaamaa cuntada ugu fiican ee ciyaartooyda iyo dadka jir-dhiska sameeyaa, waxaa laga helaa tamar badan iyo awood nafaqo, waxaa uu yareeyaa daalka maskaxda, waxaa ku jiraa barootiinka “Tryptophan” oo firfircooni siiya maskaxda, foojignaantana kor u qaadaa. Moosku waxaa kaloo uu yareeyaa murqo xanuunka.

The post Sababtaan Awgeed, Cun 2 Xabbo Oo Moos Ah Maalin Walba appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles