Quantcast
Channel:
Viewing all 1527 articles
Browse latest View live

Sida Looga Hortago Calool Istaagga Iyo Harraadka Xilliga Soonka

$
0
0

Soonku waxa uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo isugu jira kuwo jidheed iyo kuwo nafsi ah, waxa kale uu leeyahay faa’iidooyin bulsho oo ka bilaabmaya in uu qofku ku sameeyo dib-u haybayn ama wax aynu ugu yeedhi karno tarbiyadayn hor leh. Waxa se muhiim ah in qofka soomayaa uu qaato talooyinka caafimaad ee ay dhakhaatiirta takhasuska ahi ka sheegaan soonka iyo ka faa’iidaysigiisa.

Talooyinka ugu fiican ee ay dhakhaatiirtu dadka soomaya siiyaan waxaa ka mid ah in cuntada aanu qofku isku badin, in cuntada uu aad u calaaliyo oo aan dhaqso u liqin, in uu biyo jidhkiisa ku filan cabbo, si aanu jidhku u ingagin iyo in uu jimicsi sameeyo laba saac kaddib afurka, si uu dheefshiidka uga caawiyo shiidista cuntada, ugana hortago in uu dufanku ku ururo jidhka.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa laba dhibaato oo ka mid ah kuwa loogu cabashada badan yahay xilliga soonka; waa calool istaagga iyo harraadka badan ee maalinnimada, gaar ahaan xilligan xagaaga. Waxa kale oo aynu eegaynaa faa’iidooyinka ay dhakhaatiirtu sheegeen in laga helo cunista muuska ee xilliga suxuurta.

Calool istaagga

Calool istaaggu waa xaaladaha caafimaad ee dunida oo dhan loogu cabashada badan yahay, waxa aanay ku timaaddaa jidhka oo ay ku adkaato hawsha qashinsaarku, taas oo ku iman karta sababo ay ka mid yihiin noocyada cunto ee aynu cunayno, xaddiga dareere ee jidhka gelaya. Waxa uu si aad ah u sii bataa xilliga soonka oo inta badan ee dadka soomani isku arkaan ugu yaraan muddo gaaban oo bisha soon ka mid ah. isbedelka iyo kala fogaanta xilliyada cunto ee xilliga soonka yimaadda, iyo biyaha oo jidhka ku yaraada ayaa ah sababta ugu muhiimsan ee keenta calool istaagga bisha soon.

Si calool istaagga loo yareeyo waxaa qofka sooman u fiican in uu cuno, khudradda ingagan oo ah noocyada aanay gudaheeda biyo ku kaydsanayn, sida timirta, sabiibta, lawska iwm.

Waxa kale oo ay khubaradu ku talinayaan in haddii uu calool istaaggu aad u sii bato ay fiican tahay in qofku aanu isku eegin, balse uu isticmaalo dawooyinka caloosha jilciya, sida ‘Normalax’. Waxa kale xusid mudan in xilliga soonka ay dadka qaar isku arkaan gaas / naqas badan oo caloosha gala, taas oo ka mid ah sababaha keeni kara caloos istaagga. Waxaa fiican in qofka sooman ee isku arka gaastariga gaar ahaan dibbirada iyo naqasku in uu isticmaalo dawooyinka loo isticmaalo. Waxaa jira dawooyin cusub oo marka uu qofku liqo aan qasab ka dhigayn in uu muddo sugo cuntada ka hor, kuwaas oo xitaa cuntada kaddib la isticmaali karo.

Biyaha

Talada ugu fiicani waa in qofka soomayaa uu inta u dhexeysa afurka iyo suxuurta cabbo 10 illaa 12 koob oo biyo ah. Habka ugu fiican ee biyaha loo cabbi karaa waa in kabbasho si yar-yar loogu cabbo, si aanay u keenin dharag sababa in qofku biyo yar cabbo. Waxaa fiican in biyaha lagu daro in yar oo xamar (raqay) ama liin dhanaan ah.

Si xilliga ramadaanka jidhka looga ilaaliyo ingagga waxa ay dhakhaatiirtu ku taliyaan in la iska daayo ama aad loo yareeyo cabbitaannada leh maadadda ‘Caffeine’ sida bunka iyo shaaha, waxa kale oo muhiim ah in la iska yareeyo cuntada milixdu ku badan tahay. Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu diidaan in xilliga soonka la cabbo cabbitaannada tamarta kordhiya, oo caadi ahaan sonkorta iyo Kaafiyeentu ku badan yihiin, marka laga tago in ay jidhka ingajiyaan, waxa kale oo ay sababi karaan dhibaato dhinaca shaqada beerka ah iyo garaaca wadnaha oo inta dabiiciga ah ka dhaqsada.

Khudradda badankeeda waxaa ku jira biyo badan, waxa aanay leedahay gan sababa in ay muddo dheer caloosha ku jirto, taasina ay ka hortag fiican u noqoto harraadka iyo gaajada labadaba. Waxaa ka mid ah xabxabka (Qaraha) oo boqolkiiba 92 biyo ah, tamaandhada oo boqolkiiba 94 biyo ah, iyo khayaarka oo isaguna boqolkiiba 95 biyo ah.

Kamaal Marjaan

The post Sida Looga Hortago Calool Istaagga Iyo Harraadka Xilliga Soonka appeared first on Daryeel Magazine.


Cabbista Bunka Iyo Soonka

$
0
0

169.63 Milyan oo kiish oo bun ah, midkii kastaana 60 KG yahay ayaa sannad kasta lagu cabbaa dunida, waxa uu u dhigamayaa 10.1 milyan oo ton. Maadaama oo xilliga soonka uu is beddelo nidaamka cunto ee qofku, waxa aynu qormadan ku eegaynaa aragtida dhakhaatiirta ee caafimaadka iyo bunka xilliga soonka.

Waqtiga Ku Habboon cabbista bunka?

Waqtiga ugu fiican ee xilliga Ramadaan bunka la cabbi karaa waa laba saacadood kaddib afurka, waa marka uu jidhku helo biyo, timir iyo cunto ku filan, kaddibna uu si fiican u soo ceshado firfircoonidiisa.- Dhakhaatiirtu kuma talinayaan in bunka la cabbo saacadaha dambe ee habeenkii, waayo hurdo la’aan ayaa uu keeni karaa.

DINGIIN:

In bunka la cabbo isla marka la afurayaa ma’aha fikir fiican, waayo maadadda ku jirta ee Kaafiyeen (Caffeine) waxa ay kor u qaaddaa in caloosho ay soo saarto asiidh, sidaas awgeed xilligan oo la cabbaa waxa ay keentaa calool olol ama cillad caloosha ah.

Xilliga afurka cab biyo, jidhka cokonaysiiyo, kana soo kaba engaggii maalinnimo. Bunku waxa uu badiyaa kaadida sidaas awgeed marnaba ma caawinaya in jidhku uu cokonaado.

Haddii aad leedahay xaaladda gaasteri ee keenta in asiidha calooshu hunguriga ku soo noqoto (Gastroesophageal reflux disease – GERD), bunka oo aad isla afurka raacisaa waxa uu sii badin karaa xaaladdaas.

Faa’idooyinka Bunka:

In qofku uu Maalintii qaato kaafiyeen (Caffeine) gaadhaysa 400 ml, taas oo u dhiganta qiyaas ahaan afar koob oo bun ah, waxa uu ku keeni karaa dhibaatooyin caafimaad. Laakiin marka bunka si aan ku talaxtag ahayn loo cabbo, lana cabbo waqtiyada ku habboon waxa uu leeyahay faa’idooyin badan oo caafimaad. Waxaa ka mid ah:-

  • Waxa uu firfircooni geliyaa hab dhiska neerfeyaasha, waxaanu xoojiyo baraarugsanaanta qofka, isla markaana uu yareeyaa dareenka daalka iyo burburka .
  • Dadka sida joogtada ah u cabba bunka waxa uu hoos u dhigaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco asaasaq ama xanuunka awoodda xasuusta dila ee Alzheimer.
  • Waxa uu xoojiyaa awoodda jidhka ee waxa loo yaqaanno dheefsiga, oo ah in uu jidhku wada nuugi karo si sax ahna uga faa’idaysan karo maaddooyinka ku jira cuntada. Taasina waxa ay caawisaa in miisaanka qofku hoos u dhaco. Waa se haddii nidaamka cunto ee qofku yahay mid caafimaad ahaan saxan.
  • Koob bun ah oo maalin kasta la cabbaa waxa uu boqolkiiba 7 yareeyaa khatarta ah in macaanka noociise labaad uu qofka ku dhaco. Qofka ku jira xaalad ka mid ah xaaladaha macaanka looga baqaa, waa in uu cuntadiisa maalin laha ah ku daro koob bun ah. Waxaa sidaas lagu sheegay warbixin ay baahisay majaladda Maraykan ee ‘Eat this not That’ oo arrimaha nafaqada iyo nidaamka cunto ka faalloota.- Waxa uu jidhku ka helaa maaddooyinka lidka mariidka loo yaqaanno oo jidhka ka dila suntan ka dhalata cuntada.
  • Waxa uu wanaajiyaa gudashada jimicsiga, waayo waxa uu jidhka ku soo kordhinayaa tamar uu ugu sii adkaysan karo jimicsiga. In bun la cabbo jimicsiga ka hora ma inta lagu guda jiraa waxa ay wanaajisaa awoodda jidheed iyo maskaxeed ee qofku ugu adkaysanayo jimicsiga. Waxa kale oo ay yaraysaa dareenka daalka, iyo xanuunka ee qofku uu dareemo xilliga jimicsiga. Waxa uu yareeyaa jidh burburka, waxa aanu kor u qaadaa awoodda u fiirsiga ee maskaxda.

Bunka oo Maalintii la cabbo, isla markaana aan la isku badinin waxa uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo aad uga badan dhibaatada uu keeno.

Carissa Galloway waxa ay ku xeeldheertahay nafaqada, dhismaha jidhka iyo dhimista miisaanka, waxa aanay leedahay barnaamijyo talefishan oo isla arrimahaas ay kaga hadasho, kuwaas oo ka baxa talefishanno ay ka mid yihiin CBS, FOX, ABC iyo NBC.

Mar ay ka hadlaysay bunka waxa ay sheegtay in uu ka qaybqaadan karo miisaan dhimista, maadaama oo aanay ku badnayn Kalooriyadu (Calorie).Dhinaca kalana Carissa waxa ay sheegtay in bunku aanu si guud isagu wax dhibaato ah lahayn, laakiin waxa lagu darayo iyo xaddiga la cabbayaa ay mararka qaarkood keenayso dhibaatooyin caafimaad. Tusaale ahaan sonkorta oo lagu badiyaa waxa ay keeni kartaa dhibtii marka horeba macaanku lahaa. Waxa aanay ku talisay in la cabbo bun aan sonkor lahayn ama aad loogu yareeyey, isla markaana aan cadays ahayn, gaar ahaan aan lagu darin caanaha dufanka leh ama caanaha aad loogu yareeyey.

DHIBAATOOYINKA UU BUNKU KEENO HADDUU JIDHKA KU BATO WAXAA KA MID AH

Ismoodsiis: Waa qofka oo isaga oo soo jeeda oo miyirkiisu buuxa haddana dareema waxyaabo aan jirin. Tusaale ahaan xaaladdan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Hallucination’ waxa uu qofku maqlayaa cod ama jabaq aan jirin, sida albaabka oo is xidhay, jabaqda jaanta qof ku soo socda, codad iwm.

Jaahwareer – Waa qofka oo awoodi waaya in uu arrimaha sidii caadiga ahayd uga fikiro, ama si cad u fahmo sidii uu hore u ahaan jiray. Maahsanaan iyo maskaxda oo fikirku ka baaho, xusuusta oo ku adkaata, ama go’aan qaadashada oo sidiisii hore oo kale uu u qaadan kari waayo.

Matag

Muruqyada oo guntaba ama isku urura (Spasm)

Garaaca Wadnaha oo nidaamsanaantu ka lunto, tusaale ahaan degdeg noqda, gaabis noqda ama degdeg iyo gaabis isugu darsama.

Dadka gaasteriga leh, haddii cuntada kaddib ay cabbaan bun iyada oo aanay laba saac ka soo wareegin, waxa uu ku keenaa in uu hunguriga ku soo celiyo asiidha caloosha.

In qofku uu isku badiyo bunka waxa ay dhibaatooyin caafimaad ku keeni karta Wadnaha iyo kelyaha, gaar ahaan qofka marka hore lahaa xaalado caafimaad darro oo la xidhiidha xubnahaas. Waxaana la qaba dhammaan cabbitaannada ay ku jirto maadadda Caffeine.

DIGNIIN:

Bunku uma fiicna hooyada uurka leh; maadadda Caffeine waxa ay raacdaa dhiigga waxa aanay u gudubtaa mandheerta oo ah halka uu ilmaha uurka ku jiraa ka helo nafaqada. Sidaas awgeed marka ay ‘Caffeine’ jidhka ilmaha gaadho waxa ay ku keentaa in ay garaaca Wadnihiisa kordhiso. Sidao o kale haddii ‘Caffeine’ ay jidhka hooyada uurka leh ku badato waxa ay caqabad ku noqon kartaa koritaanka ilmaha uurka ku jira, waxa aanay kor u qaaddaa fursadaha ay ku dhicin karto.

FG: Xaaladaha aynu soo sheegnay maaha kuwo ay qasab tahay in ay dhacaan, balse waa kuwo laga filan karo marka bunka aad la isugu badiyo. Sida oo kale dhammaantood mar in ay wada dhacaan qasab ma’aha oo mid ama dhowr ka mid ah ayuu qofku isku arki karaa.

Ugu dambayn, waxaa dhibta keenayaa ma’aha bunka ee waa maadadda ku jirta ee Caffeine, sidaas awgeed dhammaan cabbitaannada ay ku jirtaana waa la mid, sida cabitaannada tamarta loo isticmaalo ee ‘Energy’ loo yaqaanno, dawooyinka la isku dhuubo oo inta badna Caffeine badan leh, iwm.

Xigasho: Eat This, Not That! + Aljazeera + Shabakado kale

Kamaal Marjaan

The post Cabbista Bunka Iyo Soonka appeared first on Daryeel Magazine.

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

$
0
0

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka iyo waxyaabaha ku xeeran ama dareemeyaashiisa la falgala. Tusaale ahaan haddii ur nadaafadeed ay ka urayso qolka ama hudheelka uu cuntada ka cunayo waxa ay u badantahay in uu cuno cunto badan, isla markaana uu dareemo in dhadhankeeda iyo diyaarinteedu heer sarreeyaan. Haddii se isla cuntadaas uu ku cuno meel ur aan fiicnayn oo nadaafad darro ka urayso, xaalku waa uu ka duwanaanayaa sidaas?

Meheradaha ganacsiga ee xarfaanta ahi iyaga oo taas ka faa’idaysanaya, waxa ay xoogga saaraan in meheradda nadaafaddeeda iyo uduggeeduba sarreeyo. Waxa kale oo ay isticmaalaan xeelado saamayn ku yeesha maskaxda iibsadaha iyo go’aankiisa, oo isaga oo aan is dareemayn uu wax badan iibsado.

– Sannadkii 1938 kii ayaa ay bilaabatay in meheradaha ganacsiga la dhigo salladaha birta ama caagga ah ee alaabta lagu urursado, qaarkoodna cagaha leeyihiin. Bilowgii waa ay yaraayeen, laakiin markii dambe waa la weyneeyey, sababtuna waa in la ogaaday in weelkaas weyni uu iibsadaha nafsiyan gelinayo dareen ah in aanu iibsan wixii uu u baahnaa oo dhan, sidaas awgeed uu badeecad badan qaadanayo.

– Habaynta badeecadda iyo qaabka alaabta loo dhigayo marfashka ayaa qayb ku leh dareenka iibsadaha, sidaas awgeed meheraddu alaabta waxa ay u habaysaa si ku habboon dareenkaas. Tusaale ahaan alaabta qiimahoodu sarreeyo, alaabta aanu iibkoodu badnayn, ama badeecadda ay faa’iidada badani saarantahay, waxa la dhigaa marfashka meel ay markaba isha qofku qabanayso. Aragtidaasi waxa ay innagu abuurtaa dareen ah in aynu u baahannahay badeecaddaas.

– Meheraduhu nacnaca, shaglaydka, macmacaanka iyo xalwadaha iyo qalabka carruurtu ku ciyaarto, waxa ay dhigaan meel jooggeedu gaaban yahay oo carruurtu ay dhaqso u arkayso. Si ay markaba u soo qaataan waalidkana ugu qasbaan in uu u iibiyo.

– Alaabta ay meheraddu iibgeynteeda xoogga saaraysana waxa ay dhigtaa marfishka meel ku beegmaysa dhinaca midig ee iibsadaha. Sababtu waa in sida dabiiciga ah dadka gurran (Bidixda isticmaala) ay tiro ahaan ka yar yihiin dadka midigta isticmaala, sideedabana aadamaha uu wahsigu ku badan yahay. Sidaas awgeed si qaadashadu u fududaato oo aanu uga wahsan iibsigeeda, alaabtan waxaa la dhigaa dhinaca ku beegan midigta iibsadaha.

Weli ma isweydiisay sababta qiimaha badeecadaha iyo alaabooyinka kala duwan loogu dambaysiiyo 99 senti. Tusaale ahaan shayga qiimihiisu yahay 10 doolar waxaa ay meheraddu ku qoraysaa 9.99?

– Bani aadamku marka uu lambar / tiro eego, abuur ahaan ishiisu waxa ay ka soo bilowdaa ama ugu hor aragtaa lambarka cidhifka bidix ugu xiga.- Sida oo kale bani aadamku tiro kasta oo aan sarrif yaryar / sanaati wadan waxa uu u arkaa tiro buuxda ama badan, halka tirada wadata jajabka uu u arko tiro yar.Haddaba marka uu iibsaduhu arko shay qiimihiisu yahay 9.99 waxa ay maskaxdu u qaadataa in uu ka jaban yahay shayga lagu iibinayo 10. Sidaas awgeed waxa ay u badantahay in uu sidaas ku iibsado.Waxaa dhacda in ay maskaxdu u fahamto in shayga 9.99 uu yahay shay 9, maadaama oo lamabrka hore ay ishu ku hor dhacayso.Waxaa arrintan sii xoojinaya dadka oo inta badan uu waqtigu ku yaryahay ama degdeggu ku badan yahay, sidaas awgeed aan u fiirsan tirada qoran oo dhan ee lambarka hore oo keliya ku qanca.

BEDBEDDELKA ALAABTA: Meheraduhu muddadiiba mar ayaa ay kala beddelaan meelaha ay badeecaddu taallo. Waa dhab in ay arrintani macaamiisha jaahwareer ku riddo, marka ay alaabtaas ka waayaan halkii ay ku ogaayeen. Sababta ay isu weydaariso badeecaddu waa in macmiilku uu dhex wareego meheradda si uu u arko alaabooyinka kale ee yaalla, taas oo laga yaabo in marka ay indhihiisu qabtaan uu xasuusto baahida uu u qabay, ama markaas ku dhalato baahideedu.

BADEECADAHA AASAASIGA AH MEEL DAMBE AYAA AY DHIGAAN: Badeecadaha iyo cuntooyinka aasaasiga ah ee aad loo iibsado sida caanaha, beedka iyo guud ahaan cuntooyinka kala duwan, Waxa ay meheraduhu dhigaan meelaha u dambeeya dukaanka. Ujeedadoodu waa in macmiilku uu galo gudaha hore ee meheradda, si inta uu sii socdo uu u arko badeecadaha iyo alaabooyinka kale ee meheradda yaalla.

ALAABTA AYNAAN U BAAHNAYN :Albaabada yaryar ee inta badan aan loo baahnayn ama la illaawo iibsigooda, waxa ay dukaamadu hareer dhigaan Miiska uu qofku xisaabta ku bixinayo. Xanjooyinka, sharaabbada tamarta kordhiya, baytaryada iyo dhammaan badeecadaha ay suurtagal tahay in aynaan iibsan ama u baahnayn ayaa la dhigaan goobtan, si qofka soo adeegtay uu u arko, kaddibna u qaato in uu u baahan yahay.

W/Q: Kamaal Marjaan

facebook Page: Kamaal Marjaan

The post Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho appeared first on Daryeel Magazine.

Wax Ka ogoow 5-ta Marxaladood Ee Guurka

$
0
0

Muuqaalkaan waxa uu ustaad Mubaarak Haadi uu kaga warramayaa shan marxaladood ee guurku uu maro, sida bini-aadamkuba uu u leeyahay maraaxil cimri ah oo uu maro, oo qofka xilli uu yaryahay oo kacaa kufayo, xilli uu afar jir, shan jir uu yahay, xilli uu kuray yahay, xilli uu qaangaadh yahay, maraaxishaas caadiga ee la saadaalin karayo ayuu guurkuna leeyahay sida ay tilmaamaayaan dadka aqoonta u leh culuumta qoyska iyo guurka. Waxa ay tilmaamaan inay jiraan maraaxil illaa shan gaadhaysa oo la saadaalin karayo oo runtii buug tiro badan laga qoray.

Shanta marxaladood ee guurka:

Marxaladda malabka ama honeymoon stage:

waa marxalad labada qof ay weli huwan yihiin hullaabtii haasaawaha, iyo qofba qofka kale intii uu isagu iskaga sheegay. Xilliga ay marxaladdaan ku jiraan labada qof waxa uu jidhkoodu sii deynayaa hormoonno ay ka mid yihiin Endorphins, dopamine iyo oxitocine oo ah hormoonnada abuura jawiga jacaylka iyo kalgacalka oo marar badan keena in labada qof midba midkakl kale ka indho saabnaado qofka kale khaladaadkiisa waa sababta loo yidhaahdo “jaceylku wuu indho la’a yahay”, qofka wuu indho tiraa.

Marxaladda xaqiiqada:

Waxaa marxaladdaan soo if yeesha xaqiiqooyin badan, waxaa hoos u dhac ku yimaada hormoonnadii jawigaan kalgacal abuurayay, deetana waxaa si tartiib tartiid ah u soo baxa waxyaabo badan oo la ismoogaysiinayay.

Marxaladda hirdanka:

Marxaladdaan waxaa sii xoogaysta isla yaabkii iyo xaqiiqooyinkii soo if baxayay, qofba qofka kale ayuu ku eedeeyaa inuu isbedelay, isbedel ma jiro qofku xaaladahaan wuu ku sugnaa. Labada qof iyagaa kalaa indho saabnaa isxiiseynta iyo isku cusboonaanta la isku cusub yahay dartood ayaa abuuraysay in wax badan aan la isku fiirsan. Guurku waa meesha kaliya ee muddo yar oo kooban ku soo saarta qofka qaybaha kala duwan ee noloshiisa oo dhan. Sida dabiiciga ah niqaabyo kala duwan ayaan xidhanaa, xaaladaha kala duwan iyo xilliyada kala duwan ee nolosha ayaa maalinba mid kaa fayda niqaabyada aad xidhan tahay, maalin geesinimadaadaa la ogaan, maalin kartidaadaa la ogaan, maalinna deeqsinimadaadaa la ogaan. Guriga muddo yar oo kooban ayaa la isku ogaadaa. Qofba kale ayuu farta ku fiiqaa, wuxuu ku eedayaa inuu isbedelay, waa xaalad dhib badan, waa xaalad middi middi ku taag ah, waa xaalad sida ay darasaadku ay tilmaamayaan 60% illaa 70% inay labada qof isfuraan

Marxaladda isfahanka:

Marxaladdaan waxay labada qof ku baraarugaan oo ay ogaadaan inuu midba midka kale uu ka duwan yahay, waxay fahmaan faa’idada ay leedahay wadahadalka iyo khilaafka in la xalliyo, muskhilahooda way kawada waslaan way kawada fadhiistaan, waa marxaladda quruxda guurku uu ka bilowdo.

Marxaladda xasiloonida iyo jacaylka:

Labada qof marka ay heerkaan ama marxaladaan soo gaaraan waa labo qof oo midba midka kale wax badan ka yaqaanno, waxay si fiican u fahmeen inay kal duwan yihiin, way iskhilaafaan laakiin marka ay iskhilaafaan way xallistaan khilaafkooda, midba midka kale waxa uu aqbalaa sida uu yahay.

Hadaba halkaan hoose ka daawo 5-ta marxaladood ee guurku u maro oo faahfaahsan iyo sababta ay muhiimka u tahay in qofka uu marxaladahaan uu ogaado:

The post Wax Ka ogoow 5-ta Marxaladood Ee Guurka appeared first on Daryeel Magazine.

Ahmiyadda Ay Leedahay In Mooska Lagu Darsado Suxuurta Iyo Cuntada Ugu Fiican Ee Lagu Suxuurto

$
0
0

khubarada ku xeel nafaqada iyo cuntada ayaa ku talinaya in qofka soomaya uu cuno mooska xilliga suxuurta maadama uu faa’iido badan u leeyahay jirka. Waxaa muhiim ah in dadka soomaya ay doortaan cuntooyinka ku habboon suxuurta oo ah cuntada ugu muhiimsan ramadaanka.

Cilmi baarisyo la sameeyay waxaa la ogaaday in Moosku uu ka caawiyo jirka bini’aadamka in uusan dareemin harraad badan taas oo u wanaagsan qofka sooman, maadaama looga baahan yahay in uusan wax biyo ah cabbin maalintii oo dhan. Moosku waa faakiho ama furuuto si fudud loogu dhargo, nafaqo badanna leh, islamarkaana qofka dareensiisa dareen dharagsanaan ah saacado badan taas oo qofka ka caawinaysa inuusan gaajo dareemiin inta uu sooman yahay.

Moosku waa furuuto macaan, waxaana uu kulansaday nafaqo tiro badan oo aasaasi u ah caafimaadka. Waxaa lagaa helaa macdanaha Potassium, magnesium, manganese, fitamiinnada C iyo B6, faybar, birta, barootiin iyo maadooyinka jirka sunta ka saara.

Mooska waxaa ka buuxdo maadada potassium taas oo kaalin wayn ka qaadata caafimaadka wadnaha, maadadaani waxay ka qayb qaadataa xakamaynta cadaadiska dhiigga. Cuntooyinka qaniga ku ah potassium waxay caawiyaan hoos u dhigista milixda iyadoo la raacinayo kaadida. Potassium waxay kaloo ka hortagtaa cudurka faaligga iyo dhagaxaanta kilyaha, waxayna ka gacan ka gaysataa caafimaadka lafaha murqaha.

Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan faybarka, kaas oo calool istaagga hortago, dheefshiidkana u wanaagsan.

Mooska wuxuu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas awgeed dadka buur-buuran oo cuntada kontarooli karin waxaa lagula taliyaa inay cunaan moos aan si fiican u bislaanin.

Mooska waxaa ku jira sonkor dabiici ah, taas oo macnaheedu in laga helo tamar badan oo qofka sooman ka caawinaysa inuu helo firfircooni iyo awood nafaqo uu howl-maalmeedka ku qabsado islamarkaana uu cibaado uga faa’iidaysto bishaan barakaysan isagoo aan dareemin daal iyo tabar darro.

Moosku waxa uu wanaajiyaa niyadda waxaa ku jirta maadada “Tryptophan” oo ka qayb qaata dareenka xasiloonida iyo farxadda.

Cuntooyinka kale ee ku wanaagsan suxuurta:

Ma ogtahay cuntada ugu habboon ee lagu suxuurto markii la fiiriyo dhinaca caafimaadka, gaajo la’aanta iyo harraad yarida ay tahay QAMADIGA iyo cuntooyinka laga sameeyay? waxaa soo raaco timirta iyo caanaha gaar kuwa la fadhiisiyay.

Boorashka: waxaa laga helaa barootiin iyo carbohydrates, waxaa ku badan faybar si sahal ahna wuu u milmaa. Waxaad ku suxuuran kartaa boorash, moos iyo caano aad isku darsatay. Boorashku uu caawiyo nidaaminta kalastaroolka dhiigga iyo yaraynta khatarta cudurka macaanka isla markaana waxa uu jirka ka saaraa dufanka dhibaatada ku keeni kara, waxa uu sida oo kale ilaaliyaa dheelitirnaanta maadadda Isnuliinta ee jirka ku jirta.

Ramadaanku waxaa ka mid yahay waqtiyada ugu fiican ee la abuurto caadooyin wanaagsan sida joogtaynta cuntooyinka uroon caafimaadka iyo fayow-qabka iyo iska goynta cuntooyinka caafimaadka u daran.

The post Ahmiyadda Ay Leedahay In Mooska Lagu Darsado Suxuurta Iyo Cuntada Ugu Fiican Ee Lagu Suxuurto appeared first on Daryeel Magazine.

Khataraha Ka Dhalan Kara Biyo La’aanta Jidhka Iyo Qallaylka Ee Xilliga Soonka

$
0
0

Waxa aynu ku jinaa bishii soon ee xurmada badnayd, oo sida sannadahanba dhacaysay ku soo beegantay waqti dhulku aad u kulul yahay. Soonku guud ahaantii, gaar ahaan marka uu waqtiyadan oo kale ku beegmo waxa uu sababaa in dareeruhu uu jidhka ka dhammaado.

Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Alcarabiya waxa ay soo gudbinaysaa qodobbo qofka ka caawin kara in uu ka dheeraado ingaggaas/qallaylka jidhka.

Waa maxay ingaggu?

Ingagga waxaa looga jeedaa in uu hoos u dhaco heerka dareeraha jidhka ku jiraa, kaas oo caadi ahaan loogu talagalay in uu boqolkiiba 70 ka noqdo jidhka, laakiin dhididka, qashin qubka, iyo cabbitaan la’aanta xilliga soonku ay hoos uga dhigaan heerkaas.

Calaamadaha lagu garan karo in jidhka ingag ka jiro

Marka uu ingagga uu jidhku dareemayaa yar yahay, waxa uu qofku isku arkaa calaamad ay ka mid tahay dibnaha oo ingaga, hurdo badan, wahsi iyo firfircoonida oo ku yaraata, harraad, kaadida oo yaraata, madax xanuun, iyo maqaarka oo qallayl badan laga dareemo.

Laakiin haddii ay biyo la’aanta jidhku sii badato waxa si kordha xaaladaha ka dhalanaya iyo calaamadaha uu qofku ku fahmi karayo in uu hoos u dhacay heerka biyaha jidhkoodu. Waxaa ka mid ah dhidid, kaadi la’aan, dhiigga oo hoos u dhaca, neefsiga iyo garaaca wadnaha oo inta caadiga ah ka dheereeya iyo mararka qaarkood in uu qofku miyir beelo.

Hababka looga hortegi karo

Biyaha jidhka oo inta dabiiciga ah hoos uga dhacaa waa nooc caafimaad darro ama xanuun, sida caadiga ahna cudurka in laga hortago ayaa ka fiican in la daweeyo. Haddaba habka ugu fiican ee aynu xilliga Ramadaanta uga hortegi karno in biyaha jidhkeennu ay hoos uga dhacaan inta dabiiciga ah waxaa ka mid ah:

Qorraxda:

Intii suurtagal ah in aynu ka fogaanno in qorraxdu si toos ah jidhkeenna ugu dhacdo, iyo in aynu ku dadaalno in Meesha aynu joogayno cimiladeedu dhexdhexaad noqoto, ama ugu yarana hadh fiican oo laydh heli kara ay tahay.

Haddii ay qasab tahay in qorraxdu innagu dhacdo ama meel qorrax ah aynu joogno, waxaa muhiim ah in aynu xidhanno koofiyad, iyo in shaqada aynu qabanayno aynaan aad isugu badani

Cabbitaanka afurka kaddib:

Waa muhiim in afurka kaddib uu jidhku cabbitaan aad u badan helo, biyo aad u badan oo aynu cabnaa waxa ay kor u qaadayaan heerka biyaja jidhka waxa aanay innaga caawinaynaa in maalinta xigta aanu ingag ku dhicin jidhka.

Xilliga soonkii waxaa muhiim ah in intii suurtagal ah laga dheeraado cabbitaannada, ay ka mid yihiin bunka, koolaha, Shaaha badan iyo guud ahaan cabbitaannada ay maadadda Caffeine tu ku jirto. Waxa kale oo muhiim ah in aynu ka dheeraanno sonkorta, cabbitaannadan dhammaantood waxa ay yareeyaan heerka biyaha jidhka.

Biyo keliya cabbitaan ha ka dhigan:

Waa run in biyuhu ay kaalin aasaasiya ka qaataan in aanu lumin isu dheelltirnaanta dareejaha jidhku. Laakiin ha illaawin in cabbitaannada sharaabka aynu u naqaannaa ay muhiim yihiin. Marka ay yihiin cabbitaannada dabiiciga ah, iyo khudradaha dareeruhu ku badan yahay. waxa kale oo iyaguna muhiim ah in jidhku uu helo faytamiinno, cusbo, macdanno iyo curiyeyaasha muhiimka u ah isu dheellitirka biyaha jidhka. Liinta dhanaan iyo liin macaantuna waxa ay ka mid yihiin khudradaha arrintaas kaalinta weyn ka qaata.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

The post Khataraha Ka Dhalan Kara Biyo La’aanta Jidhka Iyo Qallaylka Ee Xilliga Soonka appeared first on Daryeel Magazine.

Cuntooyin Ay Tahay In La Joogteeyo Xilliga Ramadaanka Si Looga Hortago…..

$
0
0

Soonku waxa uu jidhka ku keenaan ingag badan, iyo in dhalaalka dabiiciga ahi ka guuro. Sidaa awgeed waxaa lama huraan ah in aynu helno habka ugu dhow ee aynu ku soo magdhowi karno midabguurka ama hoos u dhaca midabka dabiiciga ah ee maqaarka ku yimi, oo inta badan sababteedu tahay hoos u dhaca ku imanaya nafaqada cuntada uu qofku ka helo, iyo duxda ama qoyaanka jidhku u baahanyahay oo ay dilayso biyo la’aanta (Harraadka) maalintii.

Haddaba waxaa muhiim ah in qofka soomani uu ka fikiro sida ugu dhaqsaha badan ee uu u soo kabi kari hoos u dhaca soonka dartii ugu imanaya quruxda maqaarka qofka sooman. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah noocyada cunto ee ay tahay in qofku uu isticmaalo xilliga ramadaanka si uu u soo buuxiyo hoos u dhacaas ku imanaya quruxda iyo dhalaalka dabiiciga ah ee maqaarka.

Biyaha:

Biyo ku filan oo uu qofku cabbaa waxa ay lagama maarmaan u yihiin in uu jidhku soo ceshado dareerihii uu ku lumiyey soonkii maalinnimada. Waxa ay sida oo kale biyuhu kaalin muhiim ah ka qaataan jilcinta maqaarak iyo in ay ka ilaaliyaan igagga, iyo coodhcoodhka. Qofku waa in uu ku dadaalo in uu cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah maalintii, si uu quruxda iyo caafimaadka maqaarkiisa u daryeelo ugana ilaaliyo ingagga.

Khudradda cagaaran iyo khudradda midhaha ah:

Dhammaan noocyada kala duwan ee khudradda caleenta ahi waxa ay hodan ku yihiin Faytamiin A iyo curiyeyaal macdan ah oo uu jidhku ka helayo nafaqada uu u baahan yahay oo dhan.

Khudraddu waxa ay jidhka u soo celinaysaa qayb ka mid ah nafaqooyinka uu u baahan yahay, waxa aanay ka ilaalinaysaa khatarta kaga iman karta fallaadhaha qorraxda ee ku dhacaysa. Labadaad dhibaato oo si gaar ah khatartoodu u badato xilliga soonka, oo uu maqaarku nugul yahay. Waxa lagula talinayaa qofka sooman in uu afurka kaddib cunto saldaato ay ku badan tahay khudradda caleenta ah.

Hilibka cas iyo hilibka cad:

Hilibka cas oo ah hilibka xoolaha iyo hilibka cad oo ah noocyada laga helo digaagga iyo kalluunku waxa ay ka mid yihiin ilaha aasaasiga u ah helidda Barootiinno saacadaha badan ee uu qofku sooman yahay siinaya barootiinno iyo tamarta muhiimka u ah. Waxa kale oo laga helaa maaddooyin liddi ku ah mariidka / suntada cuntada ka samaysanta, curiyeyaal macdaneed nafaqo ah oo unugyada maqaarka ka ilaaliya in ay dhintaan iwm.

Laakiin waxa ay dhakhaatiirtu ka digeen in qofku uu isticmaalo hilibka dufanka / baruurta leh. Waxa kale oo laga digay digaagga maqaarka yar ee sare laga fiiqay (Laga dhilay) iyo kalluunka shiilan kuwaas oo dhammaantood uu ku jiro dufan dheeraad ah oo haddii uu jidhka galo, kaxaynaya dhalaalka iyo quruxda dabiiciga ah ee maqaarka.

Cuntada firiga leh:

Cuntada midhaha ah oo ah tan dadka qaar u yaqaannaan ‘Waddaniga’ ayaa ka mid ah cuntooyinka aasaaska u ah cunto qaadashada xilliga soonka.

Cuntadan oo ay ka mid yihiin, fuulka, biiniska, digirta, salbuukada, fuulka cad (Harakoo), qamandi, hadhuudh iwm, ayaa ah cuntooyinka galka leh oo qani ku ah macddanaha iyo faytamiinnada maqaarak quudiya, duxdana u sameeya.

Beedka (ukunta):

Beedku waxa uu hodan ku yahay faytamiin B6 iyo maadadda kale ee Biotin, sidaa awgeed waxa uu xoojiyaa dhismaha unugyada jidhka iyo ciddyaha. Sida oo kale waa uu ilaaliyaa caafimaadka iyo midabka dabiiciga ah ee ee maqaarka. Maadadda kale ee Selenium oo beedka laga helo ayaa iyaduna maqaarka ka ilaalisa baraha madow ee ku samaysma.

Afakaadho:

Afakaadhuhu waxa uu hodan ku yahay Faytamiin E iyo asiidho duexeed aasaasi ah oo maqaarka ka ilaalisa dhibaatada ka soo gaadhaya waxyaabaha dibadda kaga yimaadda maqaarka sida dhaawac ay dikhowga hawada iyo ingaggu ku keenaan  maqaarka. Waxa kale oo ku jira maaddooyin liddi ku ah mariidka oo maqaarka siiya muuqaal dhalinyaronimo kana ilaaliyaha calaamadaha gabowga.

Cabbitaannada dabiiciga ah:

Cabbitaanka laga miiro khudraddu, waxa uu hodan ku yahay faytamiinno kala duwan, sidaa awgeed waxa uu maqaarka ku kordhiyaa dhalaal dheeraad ah, waxa aanu kaalin aasaasi ah ka qaataa in uu gudaha hoose ka soo qooyi maqaarka. Ku dadaal in cabbitaannadaadu ay noqdaan kuwa dabiiciga ah ee la miiro, gaar ahaan ogow cabbitaanka cananaaska iyo shamaambka oo ka mid ah khudradda maqaarka dhalaalka iyo caafimaadka gaarka ah I siiso.

The post Cuntooyin Ay Tahay In La Joogteeyo Xilliga Ramadaanka Si Looga Hortago….. appeared first on Daryeel Magazine.

Cuntooyin Ay Burburintoodu U Fududahay Dheefshiidka Oo Ay Tahay In Lagu Afuro

$
0
0

Sannad kasta bilowga bisha soon iyo horraanteedaba waxa ay dhakhaatiirtu soo saaraan talooyin caafimaad oo qofka muslimka ah ka caawinaya in uu cibaadadan qaaliga ah guto, isaga oo dhinaca kalana ka helaya caafimaadkii jidheed ee ku jiray, kana fogaanaya khatartaha iman kara haddii qaladaad qofka ka dhacaan.

Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa talooyinkaas qaar ka mid ah oo ku aaddan cuntooyinka ku habboon in uu qofku ku afuro. Cuntadaas oo ay dhakhaatiirtu ku sheegeen mid caawinaysa caafimaadka guud, si gaar ahna jidhka ugu fududaynaysa in uu soo ceshado dareerihii uu maalinnimadii soonka ku waayey, kana fogeynaysa cillado dhinaca xiidmaha ah, gaasteri iyo calool istaag.

Cuntooyinka hoos ku xusan ayaa ka mid ah kuwa ay dhakhaatiirtu marar kala duwan ku celceliyaan in ay u fiican yihiin caafimaadka caloosha iyo xiidmaha ee xilliga soonka:

Khudradda:

Khudraddu waxa ay leedahay biyo badan, waxaa ka mid ah khayaarka, xabxabka, tufaaxa iyo salladhka, sidaa awgeed waxa ay jidhka ka caawiyaan in uu soo ceshado dareerihii uu ku waayey soonkii maalinnimo.

Khudradda noocyadeeda aan cagaarnayn waxa ay qoysaa jidhka, waxa aanay siisaa tamarta uu u baahan yahay, gaar ahaan waa xabxabka, Cananaaska iyo Liin macaanta.

Shurbadda:

Shurbadda oo inta badan guryaha lagu kariyo xilliga soonku waxa ay hodan ku tahay dareeraha, in afurka la cunaana waxa ay caloosha ku baraarujisaa in ay qaabisho cuntada soo socota, waayo maadaama oo uu dheefshiidku maalinta oo dhan shaqo la’aa, waxaa dhibaato ah in hal mar isaga oo aan shaqadii ku wada baraarugin lagu bilaabo cunto shiidisteedu shaqo badan u baahan tahay. Shurbaddu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka qofka dejiya, sida fududna dheefshiidku u ridqi karo, si cuntada ka dambaysaa u soo gasho isaga oo sidii caadiga ahayd shaqada u wada bilaabay.

Timirta:

Timirtu waa ay jidhka siisaa tamar u soo bedda tamartii badnayd ee kaga luntay soonka. Waxa kale oo ay jidhka ka caawisaa in uu soo daayo dheecaannada dheefshiidka, taas oo fududaynaysa in habdhiska dheefshiidku baraarugo oo isu diyaariyo in uu si habsami ah u shiido cuntada ka dambaysa timirta.

Caanaha:

Caanaha waxaa ku jira maadadda Kalshiyaamta, iyo Barootiinno, waxa aana lagu tiriyaa cuntooyinka ka hortagga xanuunnada ku fiican. Caanaha waxaa ku jira bakteeriyo kala duwan oo u fiican caafimaadka caloosha, midhicirada iyo habdhiska dheefshiidka.

Cuntooyinkaas aynu soo sheegnay iyo in uu qofku cabbo biyo ku filani waa habka ugu wanaagsan ee uu si caafimaad qabta uga soo kaban karo tacabka iyo tamar darrada soonka, isagana ilaalin karo xaalado caafimaad darro oo qaladaad qofka ka dhaca awgeed ku iman kara.

Maraq khudrad ah:

Ku dadaal in aad cabto maraq ka samaysan khudrad aad u badan, sida khudradaha cagaaran ee ay ka mid yihiin Barakooliga, Koostada, faasuuliyaha cagaaran, dabacasaha, iyo guud ahaan khudradaha lagu ogyahay faytamiinnada iyo macdanaha muhiimka u ah jidhka. Maraq diirran oo khudrad ka samaysani waa cuntada ugu fiican dheefshiidka aan maalinta dheer wax shaqo ah soo qaban.

-Kamaal Marjaan

-Wargeyska Geeska Africa

The post Cuntooyin Ay Burburintoodu U Fududahay Dheefshiidka Oo Ay Tahay In Lagu Afuro appeared first on Daryeel Magazine.


Ahmiyadda Ay Leedahay In La Cuno Misirta (Cadaska) Xilliyada Afurka Iyo Suxuurta Iyo Qaababka Loo Diyaariyo:

$
0
0
misirta,cadaska,

Cadasku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka aadamuhu isticmaalo kuwooda ugu taariikhda fog, taas oo sida ay muujinayaan hadhaa Cadas ah oo laga helay xabaalaha qaddiimka ah ee Masar la isticmaali jiray 2400 oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS).

Cadaska (misirta) oo ah cunto loo diyaarin karo siyaabo kala duwan oo ka bilowda in uu noqdo sida fuud / maraq ku lammaan cuntada rasmiga ah illaa iyo in uu noqdo cunto rasmi ah oo iskii loo isticmaalo, ayaa si aad ah looga isticmaalaa dunida carabta gaar ahaan xilliga soonka.

Cadaska oo leh noocyo kala duwan oo isugu jira cagaar iyo midab casaan xiga mar uu gal leeyahay iyo mar aanu lahaynba waxa uu hodan ku yahay barootiin dhireed iyo gal nafaqo leh. Hal mar oo la cuno cadas karsan oo koob badhkii ahi waxa ay u dhigantaa 110 Kaloors iyo 6 illaa 6 giraam oo gan ah. Waxaa intaas dheer in cadasku aanu lahayn xaydh iyo Kalastarool, iyo in uu ku jiro asiidhka Foolik iyo Bootaasiyaam (Folic acid), maadaama oo uu gal leeyahayna intiisa yar ayaa qofka ka caawinaysa in uu dhergo. Cadasku waxa uu dhiirrigeliyaa dhaqdhaqaaqa dhuunta dheefshiidka, waxa aanu caawiyaa in aanu calool istaag dhicin.

Cadasku waa il laga helo tamarta, waxa uu hodan ku yahay ganka oo caloosha iyo guud ahaanba caafimaadka u fiican, waxa uu nidaamiyaa shaqada habdhiska dheefshiidka, oo faa’iidadeeda ay ka mid tahay in uu fududeeyo dheefshiidka cuntada, waxa aanu yareeyaa ama la dagaalamaa calool istaagga.

Maadaama ay cadaska ku jirto maadadda ‘Magnesium’ oo faa’iidooyinkeeda uu ka mid yahay in uu wanaajiyo burqashada wareegga dhiigga, iyo in neefta ogsajiintu ay jidhka si habsami ah u wada gaadho. Taasina waxa ay yaraynaysaa khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo dhiigfuranka maskaxdu.

Waxa kale oo cadaska lagu ogyahay in uu faa’iido u leeyahay dadka qaba macaanka, waxa aanu caawiyaa dhalaalka iyo quruxda maqaarka, waxa uu ka takhalusaa coodh-coodhka iyo calaamadaha gabowga. Cadaska oo carruurta la siiyaa waxa uu ka caawiyaa dhismaha lafaha carruurta.

Siyaabaha cadaska looga faa’idaysan karo bisha soonka waxaa ka mid ah in uu aad ugu fiican yahay afurka iyo suxuurta, waxa se muhiim ah in marka la karinayo aad looga yareeyo saliidda iyo guud ahaan dufanka:

Cadaska oo shurbad laga dhigay:

Cadaska ayaa marka hore biyo lagu radinayaa, kadib waa la karinayaa, kadib waa la ridqayaa / Shiidayaa, markaas kadib ayaa biyo ama fuud khudradeed lagu karinayaa, sida maraqa ayaana loo cabbayaa xilliga afurka, sida oo kale waxaa lagu dhex miiri karaa liin dhanaan. Waxa uu noqonayaa cabbitaan aad u fudud.

Cadas adag:

Waxa uun laga deynayaa biyaha badan, kadib isaga oo adag ayaa lagu cunayaa roodhi ama kimis.

Cadaskii oo cunto laga dhigay:

Dhulka Shaam waxaa aad looga isticmaalaa Cadaska oo midho ah in lagu dhex kariyo bariis, kadibna lagu dallaco basal, waxa aana la aaminsan yahay in asiidhada ku jira cadaska iyo bariisku ay isu dhafmayaan kadibna noqonayaan nafaqo beddesha hilibka.

Digniin: Cadasku waxa uu dadka qaar ku keenaa dibbiro iyo naqas badan oo caloosha ah.

-Kamaal Marjaan

The post Ahmiyadda Ay Leedahay In La Cuno Misirta (Cadaska) Xilliyada Afurka Iyo Suxuurta Iyo Qaababka Loo Diyaariyo: appeared first on Daryeel Magazine.

Waxtarka Caafimaad Ee Cabbitaanka Qasabka Iyo Xanuunnada Uu Daawada u Yahay

$
0
0

Ma ogtahay in cabista cabitaanka qasabka ay tahay hab wanaagsan oo aad kor ugu qaadi karto tamartaada iyo awoodaada?

Cabbitaankan waa mid caafimaad badan oo ay tahay in la joogteeyo, waxaa laga helaa
carbohydrates, barootiin iyo macdano ay ka mid yihiin, phosphorous, calcium, iron, zinc iyo potassium. Waa cabbitaan aan u baahnayn in sonkor lagu daro..

Haddaba sii akhri si aad u ogaato faa’iidooyinka waa wayn ee cabitaanka qasabka.

Hoos u dhigista heerka kolestaroolka:

Qasabka waxaa laga helaa waxyaabo ka ilaalin karo xididada jirka gaar ahaan kuwa wadnaha inay fariistaan dufanka kolestaroolka loo yaqaanno, xididadaas oo xirma waxay sabab u noqdaan wadne-qabadka. Qasabku waxa uu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka xun “LDL” iyo kolestaroolka loo yaqaanno “triglycerides”

Adkeynta lafaha iyo ilkaha:

Qasabku waxaa lagaa helaa macdanta kalcium oo lagama maarmaan u ah caafimaadka lafaha iyo ilkaha.

Daawaynta nabraha wajiga:

Qasabka waxa uu gacan ka gaystaa baabi’inta finanka, waxaa ku jira walxo lagu magacaabo “alpha-hydroxy acids (AHAs)” kuwaas oo caawiya unugyada dhiigga cad. Cabitaankaan waxaa uu yareeyaa balbalka ama lurka maqaarka waxaana uu la tagaallamaa infekshannada.

Baabi’inta urta aan fiicnayn ee afka:

Cabitaanka qasabku waxa uu baabi’iyaa urta afka, waxaa ku jira macdano lagaallama urta afka, cabitaankaan waxa uu adkeeyaa ilkaha waxaana uu kor u qaadaa caafimaadkooda.

Kobcinta hab-dhiska difaaca jirka:

Cabitaanka qasabka waxaa ku badan maadooyinka sun-saarista ee la dagaallama infekshannada islamarkaana kor u qaada shaqada unugyada difaaca jirka. Cabitaanka qasabku waxa uu beerka ka ilaaliya noocyada kala duwan ee infekshannada sida jooniska. Waxaa kaloo cabitaankan uu daaweeyaa hargabka, ifilida iyo cune xanuunka.

Tamar deg deg ah:

Qasabku waxa uu si dhakhso ah u kordhiyaa tamarta, jirkana wuuu qaboojiyaa waana sababta dadku ay u badsadaan cabitaankaan xilliga kulaylaha. Cabbista qasabku waa mid ah hababka ugu habboon ee aad tamartaada sare u qaadi karto, jirkaagana aad u waraabin karto islamarkaana aad iskaga ilaalin karto fuuq baxa iyo kor qallaylka.

La dagaallanka cudurka kansarka:

Maadada “flavonoids” ee ku jirta qasabka waxay laga dagaallanta oo ay dishaa unugyada kansarka gaar ahaan kuwa sababa kansarrada naasaha iyo qanjirka prostate-ha.

Caawinta daawaynta sonkorowga:

Inkastoo cabitaanka qasabku uu macaan yahay haddana waxa uu u roonyahay dadka sonkorowga qaba, waxaa ku jira sonkoro dabiici ah oo bukaanka sonkorta qaba ka ilaaliya inay heerka sonkorta dhiiggoodu ay kor u kacdo.

Hoos u dhigista Infekshannada

Dadka qaba ama ay ku soo noqnoqdaan infekshannada ku dhaca habka kaadi mareenka sida UTIs (Urinary tract infections) iyo kaadida xanuunka leh ama gubta qofka marka uu kaadinayo (dysuria) iyo kuwa qaba xanuunnada la iskugu gudbiyo galmada waxaa lagula taliyaa inay joogteeyaan cabitaanka qasabka oo lagu daray liin dhanaan iyo biyaha qumbaha. Isku-darkaan waxaa uu daaweeyaa xanuunnadaas.

Caafimaadka dheefshiidka:

Cabitaanka qasabka oo la cabbo maalin kasta waxa uu daawo u yahay cillado badan oo dheefshiidka ku dhaca sida calool istaagga, dibirada iyo calool xanuunka. Qasabka waxaa ku jirta maadada potassium oo isku-dheelitirta heerka pH-ta caloosha.

Dhagaxaanta kilyaha:

Waxaa la aaminsanyahay in sababta ugu weyn ee dhagaxaanta kilyaha sababta ay tahay markii walxaha ay ka samaysantahay kaadidu sida Kalshiyam iyo yuric asid ay bataan cadadkoodu ayna ku ururaan qaybta dhexe ee killlida ama qaybta hoose ee ay ka baxaan kanaalada qaada kaadida. Sidoo kale waxaa yar dheecaanka ama biyaha mili kara walxahaan taasoo qayb baaxad leh ka qaadata inay samaysmaan. Cabitaanku waxa si wayn uga qayb qaataa daawaynta dhagaxaanta kilyaha. Biyaha iyo dareehaha sida cabitaanka qasabka oo la badsado waxayna sababtaa inay milmaan dhagaxaantan

The post Waxtarka Caafimaad Ee Cabbitaanka Qasabka Iyo Xanuunnada Uu Daawada u Yahay appeared first on Daryeel Magazine.

Waxtarka Miraha Saytuunka Iyo Cudurrada Ay Ka Hortagaan

$
0
0

Saytuunka waa miro macaan oo caraf fiican leh, midabka korka waa cagaar khafiif ah ama huruud. Gudaha waxay ku leeyihiin iniinyo la cuni karo. Waa miro kulansaday nafaqo tiro badan iyo faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi Karin.

Miraha saytuunka waxaa laga helaa biyo, tamar, carbohydrate, barootiin, faybar, fitamiin A, fitamiin C, fitamiin B3 iyo fitamiin K, macdanaha magnesium, calcium, phosphorus, potassium, iron, folate.

Faa’idooyinka caafimaad ee miraha saytuunka:

Kobcinta caafimaadka wadnaha:

Saytuunka waxaa ka buuxo maadooyinka sunta jirka ka saaro (antioxidants) iyo fitamiinno wadnaha ka ilaaliya waxyeellada waxa loo yaqaanno “free radicals”. Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in saytuunku uu hoos u dhigo cadaadiska dhiigga iyo kolestaroolka xun islamarkaana uu kordhiyo kolestaroolka fiican. Maadada Potassium-ta eel aga helo saytuunka waxay hoos u dhigtaa cusbada jirka ee sodium-ta, waxay ka qayb qaadataa xakamaynta cadaadiska dhiigga. Waxaa kaloo saytuunka ku jira Faybar oo aad ugu wanaagsan caafimaadka wadnaha.

Miisaan dhimista:

Saytuunku wuxuu ka mid yahay miraha caawiya miisaan dhimista, waxaa ku yar kalooriska waana miro si dhakhso ah loogu dhergo sidaas awgeed wuxuu uroon yahay dadka cayilan oo cuntada xakamayn Karin.

Hoos u dhigista sonkorta dhiigga:

In sonkorta dhiiggu ay kor u kacdaa waxa ay ka mid tahay astaamaha muujiya sonkorowga, haddii aan la xakamayna waxa ay keentaa khataro caafimaad oo nolosha halis ku ah. Heerka sonkorta oo kor ku kacdaa waxa ay muujinaysaa in maadadda Gulukoostu ay ku badatay dhiigga. Daraasad la sameeyay ayaa shaaca ka qaaday in saytuunka uu hoos u dhigo sonkorta dhiigga islamarkaana uu wanaajiyo shaqada hormoonka insulin-ta. Daraasad kalena waxa ay tilmaamtay in cuntada kadib oo la cabbo shaaha laga sameeyay caleenta saytuunka ay hoos u dhigto heerka sonkorta dhiigga.

Ka hortagga cudurka kansarka:

Sida aan kor ku soo xusnay waxaa saytuunka ka buuxo maadooyinka sunsaarista kuwaas oo la dagaallama waxa loo yaqaanno “free radicals” oo ah walxaha sababa kansarka. Maadooyinka Lycopene iyo fitamiin C ee ku jira  saytuunkawaxay jirka ka saaraan sunta keenta kansarka, waxayna ka hortagaan kansarrada ku dhaca qanjirka prostate-ha iyo naasaha.

Difaaca jirka:

Saytuunku waa il muhiim ah oo laga helo fitamiin C kaas oo awood siiya habdhiska difaaca jirka, walxaha jeermiska lidka ku ah ee ku jira saytuunka waxay dilaan bakeeriyada xun ee waxay ka hortagaan fayraasyada horseedi kara infekshannada.

Caawinta dheefshiidka:

Saytuunku saxarada ayuu jilciyaa, waxa uu yareeyaa laab-jeexa iyo aashitada badan ee caloosha,  waxaa laga helaa faybarka oo ah nafaqo u wanaagsan caafimaadka qabka dheefshiidka oo ka hortagga calool istaagga.

Caafimaadka uurka:

Saytuunku wuxuu ka mid yahay furuutada uroon haweenka uurka leh iyo uurjiifta waxaa ku jirta maadada folate oo kaalin wayn ka qaadata maskaxda iyo koriimada hab-dhiska neerfaha ee uurjiifta sidaas darteed waxaa lagula taliyaa haweenka uurka inay cunaan khudaarta qaniga ku ah folate sida saytuunka.

Caafimaadka indhaha:

Saytuunku waxa uu qani ku yahay fitamiin A oo lagama maarmaan u ah caafimaad qabka indhaha, waxa uu ka hortagtaa arag-beelka waxaana uu kor u qaadaa awoodda aragga indhaha.

Caafimaadka maqaarka iyo timaha:

Cunista saytuunka oo la joogteeyo waxa ay dib u dhigtaa soo shaac bixidda calaamadaha duqnimada sida kaduudashada iyo laalaabka maqaarka, wuxuu kaloo daaweeysaa finanka iyo caabuqa maqaarka. Saytuunku wuxuu dhalaaliyaa maqaarka, waa sababta ay shirkaduhu kareemyada iyo waxyaabaha kale ee la isku qurxiyo ay ugu suuqgeeyaan in laga sameeyay miraha saytuunka.

The post Waxtarka Miraha Saytuunka Iyo Cudurrada Ay Ka Hortagaan appeared first on Daryeel Magazine.

Astaamaha Qandhada (Fever), Sababaha Keena Iyo Sida Guriga Loogu Daryeelo

$
0
0

Qandho  waa heerkulka jirka oo kor uga kaca sida caadiga ah. Qando kaligeed jiro ma aha. Caadi ahan qandhada waxay calaamad u tahay xaalad aan muuqan, badanaa infakshan ka jira jirka. Qandhada oo la ogaado  waxay sahli kartaa daaweynta iyo dabagal ku haboon calaamadaaha iyo astaanta tilmaamaya meesha uu dhibka ka jiro. Heerkulka jirka wuu is badalaa maalinta gudaheeda – subaxa  way ka sareysa galabta iyo habeenka.

Waa Maxay Astaanta Qandhada?

Waxaa aad dareemeysaa qandhada marka uu heerkulka jirkaaga ka sareeyo  sida caadiga ah, sida adiga caadiga kuu ah waxay ka duwanaan kartaa sida qofkale caadiga u ah amaba way ka sareyn kartaa 37 C.

Astaamaha qaar:

  • Dhidid badan
  • Madax xanuun
  • Qarqaryo
  • Fuuqbax
  • Tabardaro guud
  • Muruqa xanuun

Maxaa Sababa Qandhada?

Inkastoo ay qandhadu  ku xirintahay waxa sababaya, waxaa ka mid ah sabaha keena:

  • Noocyada kala duwan ee infekshanka sida hergabka .infekshan dhagta ama bronkaytis
  • Fayrus
  • Talaal cusub oo caruurta
  • Kansar
  • Dhiig xinjireyn
  • Daawooyinka qaar
  • Gubasho

Sidee Qandho Guriga Loogu Daryeeli  Karaa?

Qandhada oo lagu daryeelo guriga waxa ay ku xiran tahay sida ya u daran tahay.Qando aan wadan astaan kale caadi ahaan uma baahna daaweyn caafimaad biyo cabit iyo nasasho ayaa ku filan.

Markasto ha hilmaamin in aad ka war hayso heerkulka jirka  qaas ahaan markii ay jirto fuuq-bax ,hurdo la’aan ,matag amaba xanuun kale .

Talaabooyinka dareyeelka guriga ee Qandhada waxaa ka mid ah:

  • Hubi in heerkulka qolka qofka uu joogo in ay tahay cadi
  • Qubeyska badiu
  • Badi cabida biyaha

Sidee Looga Hortagi Karaa Qandho?

Gacmaha oo la nadifiyo lagana ilaaliyo afka ,sanka iyo indhaha.iyadoo isla markasna laga taxadirnaado waxyaabaha infekshanka keeni kara anaba heerkulka jirka kor u qaadi kara.

Maxaa Ka Filanaysaa Dhaqtarka?

Waxaad la kulmi kartaa dhaqtarka caruurta ,dhaqtarka guud ama ba dhaqtarkaaga qaaska.

Marka aad la kumayso dhaqtarka waxaad ka filan kartaa Su’aala haan oo kale waxaa u fiican in aad ogaato jawaabta:

  • Goormee astaanta ugu horeysay aragtay  amaba dareentay?
  • Maxaad ku cabirtay heerkulka jirkaaga amaba kan canugga?
  • Dawo noocee u qaadatay si aad hoos ugu dhigto heerkulka jirkaaga amaba kan canugga?
  • Astaankale aad dareemeysid miyaa jira?
  • Adiga ama canuga qof xanuunsan miyaa idin la jooga?
  • Adiga ama canuga dalka miyaad ka baxdeen mar dhow?
  • Miyee jireen wax xanuun ama hoos u dhac heerkulka ku yimid markii astaankale aad aragto?
  • Isbadal ama astaan xanuunka siyaadinaya miyaa jira?

The post Astaamaha Qandhada (Fever), Sababaha Keena Iyo Sida Guriga Loogu Daryeelo appeared first on Daryeel Magazine.

Wax Badan Ka Ogoow Cuntooyinka Shahwada Badiya

$
0
0

Dhalmo la’aanta waa dhibaato saamaysaa 8% illaa 12% lamaanayaasha dunida ku nool. Sababaha ugu waa wayn ee ragga dhalmo la’aanta ku keena waxaa ka mid ah tayo xumada manida iyo dhaqdhaqaaqa shahwada (sperm motility) taas oo saamaysa uureynta.

Waxaa jira cillado caafimaad oo saamayn xun ku yeesha tayada iyo xaddiga shahwada waxaa ka mid ah buurnida, niyad jabka iyo sigaar cabbista.

Ragg badan oo caba sigaarka ayaa la ogaaday inaysan kacsan karin ama ay waqti badan ku qaadato. Sigaarku waxuu yareeyaa soo saarida shahwada ragga waxuuna keeni karaa in kansar uu ku dhaco xaniinyahaya ragga.

Daraasaduhu waxa ay xaqiijiyeen in cunna iyo iyo nafaqada ay door muhiim ku leeyihiin galmada iyo awoodda bacriminta ee ragga. Cunista cunno isku-dheelitiran waxay sare u qaadaa tayada shahwada iyo fursadda uureynta.

Hadaba qormadaan waxaan ku soo qaadanaynaa cuntooyinka shahwada badiya waxaana ka soo xiganay shabakadda Boldsky:

Ukunta:

Waxaa la aaminsan yahay in ukuntu ay ka mid tahay cuntooyinka kordhiya xaddiga shawada ee ragga. Waxaa ku badan fitamiin E, fitamiin B12 iyo barootiin. Daraasad la sameeyay ayaa lagu arkay in fitamiin B12 uu kordhiyo xaddiga shahwada, dhaqdhaqaaqa shahwada iyo inuu ka hortago inay waxyeelo gaarto DNA-da shahwada.

Koostada:

Waxaa koostada ku jirta maadada “folate” taas oo lala xiriiriyo caafimaadka shahwada. Maadadaan oo jirka ninka ku yaraatada waxay hoos u dhigtaa fursadda uu ku soo saarayo shahwo cilladaysan. Cuntooyinka kale ee folate laga helo waxaa ka mdi ah: digirta, misirta, lawska, ukunta iyo liin macaanta.

Mooska:

Mooska wuxuu qani ku yahay fitamiinnada A, B1 iyo C kuwaas jirka ka caawiya inuu soo saaro shahwo caafinaad qabta. Waxaa kaloo mooska ku jirta maado lagu magacaabo “bromelain” taas oo oo kordhisa xaddiga shahwada iyo dhaqdhaqaaqeeda.

Shukulataada madow:

Waxay shukulataada madow ka mid tahay cuntooyinka kordhiya rabitaanka galmada, shahwadana badiya. Waxaa ku jira barootin lagu magacaabo “L-Arginine HCL” kaas oo kordhiya manida iyo xaddiga xawada.

Broccoli:

Broccoli-da waxay ka mid tahay khudaarta cagaaran, waxaa laga helaa folate iyo fitamiin C oo sunsaare ku milma biyaha. Labadaan waxay si dabiici u kordhiyaan shahwada, waxayna wanaajiyaan awoodda bacriminta ee ragga.

Rummaanka:

Rummaanka wuxuu ugu horeeyaa miraha u roon awood siinta ragga, wuxuu kordhiyaa kacsiga waana arrin la hubo. Rummaanku wuxuu badiyaa xaddiga xawada, tayada manidana kor ayuu qaadaa. Waxaa mirahaan ka buuxo maadooyinka sunsaarista kuwaas oo sare u qaadaa heerka hormoonka testosterone, rabitaanka galmada iyo tayada manida.

Lawska:

Waxaa lawska ku badan dudanka Omega3 oo kordhiya xadiga manida islamarkaana ka qayb qaata in qulqul wareegga dhiigga uu si fiican u gaaro xaniinyaha. Waxaa kaloo cunista lawska laga helaa fitamiin E iyo maadada Zinc oo muhiim u ah caafimaadka shahwada iyo kor u qaadista tayadeeda.

Yaanyada:

Yaanyada waxaa ku jirta maado sunsaare ah oo lagu magacaabo “lycopene” taas oo la arkay inay bacriminta ragga. Daraasaduhu waxa ay tilmaamaayaan in maadada lycopene ay hagaajiso dhaqdhaqaaqa iyo shaqada shahwada. Joogtee cabbista cabitaanka yaanyada si aad u hagaajiso dhaqdhaqaaqa shahwada.

Blueberrries:

Mirahaan waxaa ku jira labo maado oo la yiraahdo “resveratrol” iyo “quercetin” oo kor u qaada xaddiga iyo dhaqdhaqaaqa shahwada.

Lohodka (oysters):

Lohodka waxaa ku jirta maaddada zinc oo muhiim u ah hagaajinta heerka hormoonka testosterone iyo soo saarista shahwo caafimaad qabta. Maadada zinc oo jirka ku yaraata waxay ragga ku keeni kartaa dhalmo la’aan.

The post Wax Badan Ka Ogoow Cuntooyinka Shahwada Badiya appeared first on Daryeel Magazine.

Waxa Aad Sawirkan Ku Aragto Ayaa Sheegi Kara Nooca Hooggaamiye Ee Aad Noqon Lahayd?

$
0
0

Sawirradu waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu badan ee siri kara indhaha, waxaa marar badan dhacda in shay aad garanaysaa uu sameeyo sawirka ama humaagga wax kale oo aad uga duwan.Haddaba waxaa jira dad iyagu ka shaqeeya humaaggaas ay maskaxdu sawiranayso iyo xaaladda nafsadeed ama dabeecadda qofka. Tusaale ahaan humaagga koowaad ee indhahaagu ka qaataan waxa ay arkayaan, ayaa ay uga tusaale qaataan sirta ku duugan shakhsiyadda qofka.

Sawirka hoose iyo qoraalkanba waxa aynu ka soo qaadannay wargeyska Ingiriiska ka soo baxa ee ‘The Sun’ oo soo xiganaya Joornaalka ‘The Minds Journal’.

Marka koowaad ee aad sawirka eegtaba, waxaa kuu muuqanaya sawir aanu madow ku jirin, laakiin marka aad u sii fiirsato waxa aad arkaysaa in sawirku ka duwanaanayo kii aad qacdii koowaad aragtay. Haddaba wargeyska ‘Minds Journal’ waxa uu sheegayaa in sawirka aad marka koowaad aragtay uu yahay kan looga qiyaas qaadan karo qofka aad tahay.

1. Haddii aad aragtay lammaane da’ ah (Oday iyo Islaan)Waxa ay calaamad u tahay in aad tahay dadka abuur ahaan jecel in ay arrimaha si guud u qiimeeyaan oo aanay hoos ugu dhaadhicin tafaasiisha hoose, noloshooda qudheedana habkaas oo kale u maareeya. Waa tilmaam fiican oo qofku inta badan aanu isku dayeyn in uu ku dhaadhaco waxyaabaha macnadarrada ah, balse uu jecel yahay in uu sawirka guud uun ku xisaabtamo.

Waa qof istaraatijiya, kaalin aad u muhiim ahna ka ciyaara kaalmaha hoggaamineed ee maamulka, guushiisa waxyaabaha u sababta noqonayana waxaa ugu horreeya in uu yahay qof sawirka guud wada arkaya oo aan ku mashquulayn qayb iyo tafaasiil hoose, sida oo kalana aan waqti iyo maskax ku lumen hawlaha maamul ee fudud. Haddaba haddii aynu si kale u nidhaahno waxa aad ku habboontahay hoggaamin.

2. Saddex qof:

Marka aad muuqaalkan u fiirsato waxa aad arkaysaa in ay ku qarsoon yihiin saddex qof, waa soo horreeya oo is ag fadhiya iyo gabadh xagga dambe ka muuqata. Haddii aad ishii koowaadba saddexdaas qof wada aragtay, waxa ay calaamad u tahay in aad tahay shakhsi jecel waqtina geliya faahfaahinaha, hoosna ugu dhaadhaca arrimaha aad u yaryar ee laga yaabo in dadka kale aanay dhaadinba jiritaankooda.

Si dhow ayaa aad arrimaha ula socotaa, dhugmana ugu leedahay waxa hareerahaaga ka socda oo dhan. Waana ay adagtahay in arrimuhu kuu dhuuntaa, ama adiga oo aan dareemin ku dhaafaan. Maamul ahaan waxa aad ku fiicantahay qorshaynta arrimaha u baahan in tafaasiishooda hoose lagu daadago. Marka ay sidaas tahayna waxa aad tahay maamule fiican.

Kamaal Marjaan

The post Waxa Aad Sawirkan Ku Aragto Ayaa Sheegi Kara Nooca Hooggaamiye Ee Aad Noqon Lahayd? appeared first on Daryeel Magazine.

Hababka Jidhka Iyo Timaha Loogu Qurxiyo Saliidda Afakaadhada

$
0
0

Khudradda Afakaadhada waxaa ku jira 30 nooc oo ah faytamiinnada iyo curiyeyaasha jidhka awoodgeliya, waxaa ka mid ah faytamiinnada A, B, C, E, K iyo macdanaha iron, Copper, Magnesium, Potassium iyo Phosphorus. Waxa kale oo ku jira Proteins, Fiber iyo maaddooyin badan oo kiimikaad oo faa’iido aan la soo koobi karin u leh maqaarka iyo timaha.

Saliidda afakaadhaduna waxa ay hodan ku tahay asiidho dufaneed, iyo faytamiinnada B12, D iyo E oo si weyn u caawiya daryeelka maqaarka, kana qaybqaata daweynta dhibaatooyin badan oo soo gaadha maqaarka. Saliiddan oo si fudud u dhexgasha lakabyada kala sarreya ee jidhka iyo maqaarka lafta madaxa si ay u cusboonaysiiso unugyadu, waxa kale oo ay hodan ku tahay maaddooyinka lidka mariidka, iyo barootiinnada nudaha maqaarka da’yareeya kana ilaaliya cimridegdegga.

Maqaarka

Xeeldheereyaasha caafimaadka maqaarku waxa ay ku taliyaan in maqaarka lagu duugo dhibco saliidda afakaadhada ah, oo 10 daqiiqo inta lagu daayo, kaddib lagaga maydho biyo qabow, waxa ay maqaarka u keenaysaa dhalaal dheeraad iyo dux. Saliidda Afakaadhadu waxa ay dawaysaa xagtimaha iyo nabarrada yaryar ee wejiga ku samaysma, waxa aanay daweysaa madowga iyo gubashada qorraxda, waxa kale oo a la dagaallantaa bakteeriyada iyo jeermisyada.

Saliidda afakaadhadu waxa ay awood iyo adkaan u kordhisaa maqaarka, waxa aanay ka ilaalisaa dhaawacyada ka soo gaadha dabeecadda, sida cimilada, dabaysha, qorraxda iwm. Sida oo kalana waxa ay giijisaa maqaarka oo ay ka saarto coodhcoodhka, gaar ahaan wejiga, indhaha hareerahooda ku samaysma, waxa ay ururisaa daloollada maqaarka oo mararka qaarkood ballaadhan, waxa ay furtaa midabka dabiiciga ah, waxa aanay daweysaa furuuruca ku samaysma maqaarka oogadiisa.

Timaha

– Saliidda afakaadhadu waxa ay timaha siisaa dux ka daweysa ingagga, waxa aanay siisaa nafaqo ka ilaalisa go’itaanka iyo in ay midabguuraan.

– Saliidda afakaadhadu waxa ay kor u qaaddaa caafimaadka timaha, waxa aanay ka dhigtaa jileec dhalaalaya.

– Maaddooyinka afakaadhada ku jiraa waxa ay timaha kala dagaalamaan bakteeriyada, sidaa awgeed qofka saliidda afakaadhada isticmaalaa iskuma arko toxob (agool), waxa kale oo ay xoojisaa tinta, waxa aanay badisaa bixitaankooda.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

The post Hababka Jidhka Iyo Timaha Loogu Qurxiyo Saliidda Afakaadhada appeared first on Daryeel Magazine.


Muhiimadda Caafimaad Ee Cabitaanka Yaanyada Iyo Cudurrada Lagu Daaweeyo

$
0
0

Yaanyadu waa khudaar laga heli karo guri kasta, si fududna loo beeran karo. Sannadihii u dambeeyay waxaa aad u kordhay isticmaalka yaanyada kadib markii ay bateen qaababka loo isticmaalo sida in cabitaan laga sameeyo, kaas oo aad ugu roon caafimaadka.

Cabitaanka yaanyada waxaa ka buuxo fitamiinno, macdano iyo walxo kale oo caafimaadka muhiim u ah. Yaanyada waxaa laga helaa maadada “Lycopene” oo ka qeyb qaadata caafimaadka wadnaha, lafaha iyo yaraynta khatarka kansarka qanjirka ragga ee borostaatada, Waxay kaloo maadadani la dagaallantaa sunta jirka ku jirto.

Halkaan waxaan ku soo gudbinaynaa faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo cabitaanka yaanyada. Sii akhri.

Hoos u dhista kolestaroolka:

Cabitaanka yaanyadu waxa uu caawiyaa yaraynta heerka dufanka jirka ee sarreeya, kaas oo horseedi kara gufeysanka halbowlayaasha dhiigga iyo cudurka faaligga. Yaanyadu waxa ay jirka ka caawisaa in uu yeesho awood uu ku burburin karo sunta cuntada ka samaysanta, waxayna taasi hoos u dhigaysaa heerka dufanka.

Maaraynta macaanka:

Buurnidu waxyaabaha sababa cudurka macaanka, yaanyadu waxay yaraysaa heerka dufanka dhiigga, iyo heerka glucose-ta, taas oo wanaajisa shaqada dheecaanka insulin-ta ee dadka macaanka qaba.

Difaaca jirka:

Cabitaanka yaanyada waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista sida lycopene iyo beta-carotene kuwaas oo xoojiya awoodda difaaca jirka iyo ka hortagga xanuunnada difaaca jirka ee khalkalsan.

Ka hortagga cudurka kansarka:

Maadadda Lycopene ee yaanyada ku jirto oo ah nafaqo isla markaana ah tan sababta midabka guduudan ah ee yaanyada waxa ay jirka u leedahay faa’idooyin caafimaad oo ay ka mid tahay in ay yarayso khatarta cudurka kansarka khaaasatan kansarka sambabada, kansarka caloosha, kansarka naasaha iyo kansarka ku dhaca qanjirka ragga borostaatada.

Caafimaadka wadnaha:

Maadadda Lycopene ee aynu soo sheegnay in ay yaanyada ku jirto waxay kaloo leedahay faa’ido ah in ay xakamayso khatarta ah in qofka ay ku dhacaan cudurrada wadnaha. Waxaa kaloo yaanyada ku jira fitamiinno iyo aasidhyo yareeyaa heerka kolestaroolka dhiigga raaca iyo heerka glucose-ta kuwaas oo ka mid ah sababaha keena cudurrada wadnaha.

Miisaan dhimista:

Cabitaanka yaanyadu waxa uu ka mid yahay waxyaabaha guba dufanka ku aruurta jirka, waxaa ku yar kalooriska, waxaana uu si wayn u caawiyaa miisaan dhimista.

Daawaynta niyad jabka iyo walwalka:

Yaanyada waxaa ku jira lycopene iyo maado kale oo loo soo gaabiyo “GABA” oo u shaqaysa sida dhambaal-sidayaasha maskaxda (Neurotransmitters). Waxaa la ogsoon yahay in labadaan maado ay yareeyaan xaaladaha nafsiga ah sida niyad jabka, walwalka iyo dareen is bed bedal khaasatan dumarka ku jira xilliga dhalma joojinta.

Ka hortagga fuuqbaxa:

Cabitaanka yaanyada waxaa ku badan biyaha, sidaas darteed jirka ayuu waraabiyaa waxaana uu ka ilaaliyaa biyo la’aanta iyo fuuq baxa.

Ka hortagga lafo-beelka:

Lafa beelka (osteoporosis) waa xanuun ku dhaca lafaha, waxuu sababaa in awooda lafahu ay daciifaan ama ay khafiifaan taasoo keeni karta in laftu ay jabto xataa hadii inyar la qaloociyo. Maadada lycopene oo ah sunsaare waxay la dagaallanta waxa loo yaqaanno “oxidative stress” waxayna yareeysaa halista xanuunka lafo beelka oo dumarka ku badan. Booqo dhaqtar hadii aad gaartay xiliga dhalma joojinta oo aadna isku aragtid lafo xanuun.

Ka hortagga calaamadaha duqnimada:

Maadooyinka sunsaarista ee ku jira cabitaanka yaanyada waxay la dagaallamaan  waxa afka qalaad lagu yiraahdo “free radicals” oo ka qayb qaata soo shaac bixidda calaamadaha duqnimada. Cabitaankaan waxa uu daaweeyaa cilladaha maqaarka sida finanka iyo kor qallaylka.

The post Muhiimadda Caafimaad Ee Cabitaanka Yaanyada Iyo Cudurrada Lagu Daaweeyo appeared first on Daryeel Magazine.

Haddii Aad Tahay Dadka Aan Hore U Gam’in, Baro Habkaan Kuu Suurtagelinaya In Aad 2 Daqiiqo Ku Seexato

$
0
0

In qofka bani’aadamka ahi waqti hurdo ah helo waxaa ku xidhan caafimaadkiisa jidheed iyo maskaxeed, waxa aanay muhiim u tahay tamarta uu u baahan yahay si uu u qabsado hawl maalmeedkiisa. In kasta oo ay jiraan dad badan oo habeenkii in ay gam’ana ay ka xigto oo keliya in ay dhinaca dhulka dhigaan, waxaa jira kuwo kale oo duruufo nololeed, caafimaad ama xaalado kale oo ku xeerani u diideen in ay hurdo ku fikiraan, iyo kuwo badadn oo hurdo iyagu raadinayaba laakiin habeen oo dhan furaashka hadba dhan isu rogaya iyaga oo ku ducaysanaya in mar uun labada baad isku daboolmaan.

Haddii aad ka mid tahay dadka habeenkii hurdo la’aantu hesho, maskaxdaaduna khaati ka taagan tahay fikirka iyo shaqada xawliga ku socota ee ay isku aragto marka ay hurdo weydo, haddii aad tahay dadka raadinaya hibada quruxda badan ee ay naftu ka maarmi weyday, akhri qormadan aynu ka soo xigannay shabakadda wararka ee Aljazeera.

Waxaa jirta hab hurdo oo ciidamada si gaar ah loogu tababaro, marar badanna sir u ah oo lagu heli karo hurdo dhaqso ah, oo uu laba daqiiqadood gudahood ku gam’i karo qofku. Waa xeelad dhowaan uun la ogaaday oo sir u ahayd ciidamada Maraykanka. Waxaa loogu talagay in ciidamada jooga goobaha ammaankoodu yar yahay iyo furimaha dagaalku ay dhaqso hurdo u heli karaan, si inta ay seexdaan ay hurdada uga bogtaan saacadaha kooban ee la rabo in uu askari seexdo, kaddibna saaxiibkiisa intaas soo jeedka ku jira uu weydaarto si isna markiisa uu u seexdo.

Waa hab hurdo oo ay xeeldheereyaasha cilmiga ee ciidanka Marrayku curiyeen, si ciidanka xaaladaha adag ee hurdo la’aanta sababa ku jira, looga caawiyo in ay seexdaan. Loogana badbaado cabsida ah in askartu marka ay aad u qaadirooto ay galaan qaladaad sababtoodu tahay hurdo la’aanta iyo daalka.

Raac talooyinkan hoos ku qoran si aad uga faa’iidaysato habkan kaa caawinaya in aad hurdo dhaqso ah hesho:

  1. Dabci muruqyada wejigaaga, oo ay ku jiraan muruqyada carrabka, labada daan iyo muruqyada isha ku xeeran.
  2. Aad hoos ugu sii daa labadaada garab, adiga oo raacinaya gacanta dhammaanteed, qaybta sare ee cududda iyo qaybta suxulka ka hoosaysa ee dhudhunka. Adiga oo labada gacmoodba jiho keliya isu marinaya.
  3. Neefta xoog iskaga soo gur, neef inta caadiga ah ka baxan gudaha ka soo celi, iyada oo ay laabtaaduna waxoogaa kor u taagan tahay, labadaada lugood oo bawdyaha ka bilaabanayaana ay jidhka intiisa kale ka hooseeyaan.
  4. Intaas kaddib, 10 ilbidhiqsi waxa aad ku qaadataa in aad isku daydo in maskaxdaada aad ka faaruqiso fikirka iyo xusuusaha, adiga oo maskaxda gelinaya saddex sawir midkood uun:
  5. B) Sawiro adiga oo koraya laash dheer, oo khafiif ah oo ku jira biyo xidheen ama bad aad u deggen, waxa keliya ee aad arkaysaana uu yahay samada buluugga ah ee dushaada oo saafi ah.
  6. T) Niyadda ka sawiro adiga oo laaxo saro qol gudcur ahna ku jira.
  7. J) Adiga oo naftaada la hadlaya waxa aad muddo 10 ilbidhiqsi ah ku celcelisaa ‘Ha fikirin, Ha fikirn, Ha fikirin’.

Waxa ay khubarada cilmigu sheegeen in habkani uu yahay hab la hubiyey waxtarkiisa oo boqolkiiba 96 ay tahay rajada laga qabo in qofka sameeyaa uu ku helo hurdo fiican, gaar ahaan marka uu habkan ku celceliyo muddo 6 toddobaad ah ee uu la barto.

Haddii se ay dhacdo in habkani uu shaqayn waayo, waxa aad ogaataa in ay jirto sabab awood badan oo kaa hortaagan hurdada, taas in aad raadiso si aad dawo ugu hesho ayaana muhiim ah. Saynisyahanka ku xeeldheer caafimaadka iyo hurdada Dr. Neil Stanley oo u dhashay dalka Ingiriisku waxa uu sheegay in sababta ugu muhiimsan ee qofka hurdada u diidi kartaa ay tahay ‘xasilooni la’aan maskaxeed oo qofkan haysata’.

The post Haddii Aad Tahay Dadka Aan Hore U Gam’in, Baro Habkaan Kuu Suurtagelinaya In Aad 2 Daqiiqo Ku Seexato appeared first on Daryeel Magazine.

Maxaa Sababa Busbuska (Chickenpox), Sidee Se Looga Hortegi Karaa?

$
0
0

Busbusku wa fayrus ku dhaca caruurta, waxaana lagu gartaa oo astaan u ah finan guduudan oo cuncun leh kana soo baxa jirka oo dhan. Waxaa si fiican loo yaqaanaa in hadii uu mar kugu dhaco busbuska marlabaad kuguma dhaco. Tan iyo markii tallaalka busbuska la soo bandhigay bartamihii 1990 ka kiisaska busbusku hoos ayey u dhaceen

waa maxay astaamaha Busbuska?

Finan guduud ah oo dheecaan  leh marka ay jirka si buuxda uga soo baxaan waxay calaamad u tahay in busbus kaa soo baxay oo ayna ahayn fayrus kale calamadaahaan qaar ayaa laga yaabaa inay ahaadaan

Raadi oo la xariir dhaqtarkaaga amaba daryeel caafimaad markaad isku aragto finan aan la sharixi karin oo bilaa astaan ah gaar ahaan hadii ay la socdaan astaamaha qandho iyo qufaca. Waxaa jira kiisas badan oo laga soo xigtay hooyooyinka xiliga ay nuujinayaan caruurtooda oo ay dhacdo in ay caruurta kasoo baxaan finan oo aan heybtooda iyo sababta kenta lagaran, lakiin marka la sameeyo baaris sheybaar way soo if baxdaa asbaabah keenay finankaas .

Maxaa Sababa?

Sababta ugu horeysa ee keenta busbuska waa fayrus la yiraahdo VARICELLA-ZOSTER, inta badan busbuska waxaa lagu kala qaadaa taabasho lala sameeyo qof qaba cudurka. Waxa ay qaadataa mudo inta uu san soo muuqan finanka busbuska, waxaa sidoo kale la iskugu gudbin karaa candhuuf, hindhiso iyo in aad taabato finanka iyagoo qoyan taas oo sahlaysa gudbinta.

Sidee Looga Hortagi Karaa?

Si loo ilaaliyo fidida cudurka waa in caruurta laga ilaaliyaa meelaha ay ku kulmaan caruurta kale sida iskuulada  iyo goobaha caruurtu ku ciyaaraan.

Talaallka busbuska waa sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo fayruska keeno cudurka.

The post Maxaa Sababa Busbuska (Chickenpox), Sidee Se Looga Hortegi Karaa? appeared first on Daryeel Magazine.

Faa’idooyinka Macdanta Manganese, Dhibaatooyinka Laga Dhaxlo Hadday Jirka Ku Yaraato Iyo Cuntooyinka Laga Helo

$
0
0

Manganese waa macdan inta badan laga helo xameetida, beerka, kilyaha iyo lafaha. Macdantaan waxay aasaasi u tahay shaqada dheecaan burburiyeyaasha, nuugidda nafaqada ee jirka, bogsashada nabraha iyo kobaca lafaha. Waxay caawisaa hormoonnada galmada, waxay kaloo muhiim u tahay shaqada maskaxda iyo neerfayaasha, sidoo kalena waxay kaalin wayn ka ciyaartaa in jirku uu nuugo macdanta kalsiyaamta iyo nidaaminta heerka sonkorta dhiigga, tan oo ka hortagta cudurka lafo beelka iyo hurka ama lurka (inflammation).

Haddii aadan cunin cuntooyinka macdantaan laga helo waxaa dhici karta inay jirkaaga ku yaraato taas oo sababta dhiig yari, khalkhalka hormoonnada, difaaca jirka oo daciifa, amateed xumo, lafaha oo jilca, daal joogto ah iyo dhalmo la’aan.

Si aad uga hortagto manganese la’aanta ku dedaalka cuntooyinka qaniga ku ah macdantaan ee aan halkaan ku xusayno. Ka faa’iidaysi wacan:

Boorashka:

Boorashku waxa uu ugu horreeya cuntooyinka ugu fiican ee lagu quraacdo, halkii koob oo boorash ah waxaa ku jirta 7.7 mg oo manganese ah. Boorashka waxaa ka buuxo maadooyinka sunsaarista, fiber iyo beta-glucan sidaas darteed wuxuu ka hortagaa buurnida, sonkorowga iyo xanuunnada wadnaha.

Digirta soya-da:

Soya-da waa il muhiim ah oo laga helo manganese iyo barootiin. Cunista digirtaan oo aad joogteyso waxaad ka helaysaa manganese, waxayna hoos u dhigaysaa heerka kolestaroolka.

Qamadiga:

Waxaa ku badan manganese iyo fiber. Qamadigu waxa uu nidaamiyaa heerka sonkorta dhiigga iyo heerka cadaadiska dhiigga. Waxaa kaloo qamadiga ku jirta maadada “luten” oo muhiim u ah caafimaadka indhaha.

Lawska almond:

Lawskaan waxaa ka buuxo manganese, fitamiin E, fitamiinno iyo macdano oo kale oo aasaasi u ah caafimaadka. Cunista lawska almond oo la joogteeyo waxay wanaajisaa xusuusta, waxay ka hortagtaa sonkorowga, xanuunnada wadnaha iyo kansarka. Quraacda ayaad subax walba ku darsan kartaa lawskaan.

Toonta:

Toonta waxay ka mid tahay geedo daaweedyada uu nabigeenna suuban naxariis iyo nabad galyokorkiisa ha ahaatee uu nagala dardaarmay in aan cudurrada iskaga daawayno, waxay qani ku tahay macdanta manganese, waxaa kaloo Alle ku abuuray maado la yiraahdo “alicine”, Waxay kor u qaadaa difaaca jirka iyadoo yaraysaa halista hargabka iyo ifilada. Waxay ilaalisaa heerka kolestaroolka, waxayna xakamaysaa cadaadiska dhiigga.

Dhageyaraha:

Waa dhir daaweed kale oo qani ku ah manganese. Dhageyarahu waxa uu yareeyaa hurka ama lurka (inflammation), xanuunnada hurka u saaxiibka ah waxaa ka mid ah xanuunnada lafaha sida roomaatiisamka iyo riixa.

Chickpeas:

Waa digir caafimaad badan, waana il kale oo laga helo macdanta manganese, digirtaan waxay isku-dheellitirtaa kolestaroolka, waxay kaloo uroon tahay dheefshiidka, saxaradana way jilcisaa sababtoo ah waxaa ku badan fiber-ka.

Bariiska bunniga ah (brown rice):

Bariiskaan isagana wuxuu ka mid yahay cuntooyinka laga helo manganese. Cunista bariiska bunniga ah waxay yaraysaa kolestaroolka xun iyo halista kansarka sida kansarka malawadka, kansarka naasaha, kansarka qanjirka ragga ee prostate-ka:

Cananaaska:

Cananaasku isagnu wuxuu qani ku yahay manganese. Waxaa uu xoojiyaa difaaca jirka, wuxuuna ka hortaggaa cudurka kansarka, wuxuu ka hortaggaa calool istaagga, wuxuuna kobciyaa caafimaadka cunno mareenka.

Mooska:

Waxaa mooska laga helaa manganese iyo macdano kale, wuxuu ka hortaa wadne qabadka iyo faaligga, wuxuu wanaajiyaa caafimaadka kilyaha. Mooska wuxuu sare u qaadaa caafimaadka dheefshiidka, waxaa ku badan maadada “Fiber-ta”, taas oo calool istaagga ka hortagta, dheefshiidkana aad ugu roon.

The post Faa’idooyinka Macdanta Manganese, Dhibaatooyinka Laga Dhaxlo Hadday Jirka Ku Yaraato Iyo Cuntooyinka Laga Helo appeared first on Daryeel Magazine.

Asbaabahaan Awgood, Joogtee Cunista Qamadiga

$
0
0

Dad badan kuma baraarugsana qiimaha caafimaad ee qamadiga ama sarreenka, hadaba halkaan waxaan kugula wadaagaynaa toban faa’iido oo ku jeclaysiin doona cunista qamadiga iyo cuntooyinka laga sameeyo.

Goormee ayuu qamadigu dhibaato keeni karaa?

Waxaa xusid mudan inay jiraan cillado la xiriiriyo qamadiga sida xasaasiyadda qamadiga iyo xanuunka celiac (celiac disease) oo ah cillad difaaca jirka ah oo lid ku ah maaddo lagu magacaabo “gluten” oo cuntada qaar ku jirto sida qamadiga, sidaas awgeed wixii cunto ah oo maadada gluten jirku ku arko wuu weeraraa, weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacma unugyada mindhicirrada khaas ahaan meelaha cuntada laga nuugo maadaama jirka uu diidan yahay in cuntadaas jirka uu nuugo. Celiac waa cillad ka mid ah xanuunka difaaca jirka ee khalkhalsan (autoimmune diseases).

Gluten waa barootiin ku jira qamadiga kaas oo cillado ku keeni kara dadka qaar. Xasaasiyadda qamadiga waxay ku badan tahay caruurta marka loo barbardhigo dadka waa wayn.

Marka laga soo tago cilladahaas qamadigu waxa uu leeyahay faa’iidooyin tiro badan oo aan la soo koobi karin, waxa uu yareeyaa halista sonkowrowga, wadne xanuunka iyo dhiig karka.

Qamadiga waxaa laga helaa barootiin, carbohydrates, fiber, calcium magnesium, phosphorus, manganese, potassium, folate iron, zinc iyo fitamiin B3.

Faa’iidooyinka caafimaad ee qamadiga:

Il barootiin laga helo:

Barootiintu waxay ka mid tahay nafaqooyinka lagama maarmaanka u ah jirka bani-aadamka, waxayna siisaa tamarta muhiimka u ah in uu qofku u helo firfircoonida uu ugu baahan yahay hawlgudashadiisa, sidoo kale waxa ay barootiintu u fiican tahay murqaha iyo nudeyaasha. Qamadigu waa cunto caafimaadka uroon barootiinna qani ku ah.

Sifeynta:

Joogtaynta cunista qamadiga waxay ka mid tahay qaababka ugu fiican ee dhiigga loo nadiifiyo. Sidoo kale, qamadigu wuxuu kordhiyaa dhiigga sababtoo ah waxaa laga helaa iron.

Miisaan dhimista:

Cunista cunnooyinka uu faybarka ku badan yahay waxay qofka dareensiisaa dharag, waxayna ka hortagtaa in cunnada la iska badiyo. Qamadigu waxa uu hoos u dhigaa halista buurnida.

Caafimaadka wadnaha:

Qamadigu waxa uu yareeyaa halista wadne qabadka iyo faaliga, waana labada sabab ee ugu badan ee dunida loogu la’do, dhowr diraasadood oo lagu sameeyay dadka joogteeya cunista qamadiga waxaa la arkay inay aad ugu yar tahay wadne qabadka iyo stroke-ga.

Caafimaadka dheefshiidka:

Qamadiga waxaa ka buuxo maadada fiber oo muhiim u ah caafimaad dheefshiidka, fiberka wuxuu culeys ka dhigaa saxarada si jirka uusan ugu dhicin calool istaag iyo shuban. Cunno ay u dheelitiran tahay fiber waxey nadiifisaa xiidmaha waxayna ka hortagtaa xaaladaha halista ah ee ku yimaado habka dheefshiidka sida kansarka mindhiciraha waa weyn iyo boogaha caloosha.

Ka hortagga kansarka:

Qamadiga waxaa ku jira fitamiin E, selenium, iyo fiber kuwaas oo u wanaagsan ka hortagga cudurka dilaaga ah ee kansarka gaar ahaan kansarka ku dhaca mindhicirrada waa wayn. Maadada manganese waxay la dagaallantaa waxa loo yaqaanno (free radicals) oo kor u qaada halista kansarka iyo xanuunnada raagga.

Yaraynta inflammation-ka:

Inflammation-ka wuxuu keenaa xanuunno badan oo raaga, sida cudurka neefta, wadne xanuunka, cudurka maskaxda ku dhaca ee loo yaqaanno alzheimers disease, roomatiisamka iyo caabuqa xangulaha. Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cunista qamadiga oo la joogteeyo ay yareyso lurka ama hurka (inflammation).

Ka hortagga cudurka sonkorowga nooca 2-aad:

Qamadigu wuxuu xakameeyaa heerka sonkorta dhiiga, wuxuu wanaajiyaa shaqada hormoonka insulin, sidoo kale wuxuu sare uqaada nafaqada laga soo nuugo dheefshiidka, wuxuu kaloo ka hortagaa buurnida oo ka mid ah sababaha keena cudurka sonkorowga,

The post Asbaabahaan Awgood, Joogtee Cunista Qamadiga appeared first on Daryeel Magazine.

Viewing all 1527 articles
Browse latest View live