Quantcast
Channel:
Viewing all 1527 articles
Browse latest View live

Garasho U Yeelo xanuunnada lagu Daaweeyo Biyaha Kaabajka Iyo Qaabka Loo Isticmaalo

$
0
0

Dadku badanaa waxay kaabajka u karsadaan khudaar ahaan, ansalaatana waa laga dhigtaa, laakiin weli weli ma maqashay cabitaanka biyaha kaabajka? Biyaha kaabajku waa cabitaan faa’ido weyn u leh caafimaadka kana hortagga xanuunno dhowr ah.

Kaabajka waxaa ka buuxo maadooyinka sun-saarista oo ay ugu horreyso maadada loo yaqaanno “Polyphenols” taas oo ka hortaggta dhaawaca ay unugyada jirka gaarsiiyaan waxa loo yaqaanno “free radicals” oo sababa cudurka kansarka.

Kaabajku waa khudrad qani ku ah nafaqo kala duwan, sida fitamiinnada A, B, C, iyo K, waxaa kaloo ku badan macdanaha potassium, magnesium iyo calcium.

Halkaan waxaan ku soo aruurinay faa’iidooyinka waa wayn ee laga helo cabitaanka kaabajka, waxay kala yihiin:

Xoojinta difaaca jirka:

Kaabajka waxaa ku jira maadooyin lagama maarmaan u ah kobcinta caafimaadka guud. Cabbista koob cabitaanka kaabajka ah waxa uu caawiya la dagaallanka noolaha halista badan ee loo yaqaanno pathogens iyo infekshannada.

Caafimaadka beerka:

Waxaa kaabajka ku badan maado la yiraahdo “indole-3 carbonite” oo beerka ka caawiso sunsaarista islamarkaana sare u qaada caafimaadka beerka.

Ka hortagga kansarka:

Sida aan kor ku soo xusnay kaabajka waxaa ka buuxo maadooyinka sunsaarista kuwaas oo la dagaallama “free radicals-ka” sidaas darteed waxa ka hortaggaa cudurka kansarka.

Daawaynta boogaha caloosha:

Kaabajka waxaa ku badan maadooyinka phytonutrients, sidaas awgeed waxaa uu caawiyaa in xuubka caloosha iska caabbiyo weerrada aashitada. Tani waxay caawisaa daawaynta boogaha caloosha iyo kobcinta caafimaadka mindhicirrada.

Kobcinta awoodda aragga:

Kaabajka waxaa ku jira maada beta-carotene, taaa oo caawisa caafimaadka aragga indhaha. Cabbitaanka kaabajka oo la joogteeyo waxay ka hortaggaa cillada “macular degeneration” waxay kobcisaa caafimaadka indhaha.

Caafimaadka maqaarka:

Cabbitaanka kaabajku wuxuu uroon yahay maqaarka, waxa uu ka hortagaa finanka iyo kor qallaylka. Kaabaj waxaa ku jira fitamiin K oo xoojiyo teedka dabiiciga ah ee maqaarka, isla markaana caawiyo dedejinta bogsashada nabarrada iyo booga jirka soo gaara.

Caafimaadka lafaha:

Waxaa kaabajka ku jira macdanaha calcium, magnesium iyo potassium kuwaas lagama maarmaan u ah caafimaad qabka lafaha, cabitaanka kaabajku waxa uu adkeeyaa lafaha waxaana kor u qaaraa caafimaadkooda.

Sunsaarista jirka:

Cabbitaanka kaabajka oo la cabbo subaxdii caloosha oo maran waxa uu caloosha iyo beerkaba ka sifeeyaa sunta.

Sifeynta dhiigga:

Kaabajku waxa uu ka mid yahay khudaarta kuwa ugu badan ee laga helo maadooyinka sun saarista, waxa uu sunta ka nadiifiyaa dhiigga waxaana uu ka hortagaa dhiig karka.

Ka hortagga sonkorowga:

Kaabajka waxaa Alle ku abuuray walxo sonkorta hoos u dhiga, waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ay tahay inay ku dedaalaan dadka dhaxalka u leh sonkorowga si ay hortagaan cudurkaan.

Miisaan dhimista:

Cabbitaanka kaabajka waxa la aaminsan yahay inuu ka mid yahay cabitaannada ugu fiican ee la isku caateeyo, waxaa laga helaa nafaqo muhiim ah mana lahan dufan iyo kalooris xad dhaaf ah, waxa uu jirka ka sifeeyaa sunta waxaana uu si weyn u caawiyaa miisaan dhimista.

Qaabka loo diyaariyo:

Kaabaj aad jarjartay iyo biyo isku dhig habeenkii si ay iskugu milmaan, kadibna subaxdii miir oo cab biyaya adigoo ku darsanayaa liin dhanaan.

Digniin: Kaabajka ceyriinka ah waxaa ku jirta walxo la yiraahdo “goitrogens” oo saamayn ku yeelan kara shaqada qanjirka thyroid-ka. Dadka qaba cilladaha qanjirka thyroid-ka, waa inay dhakhtarkooda kala tashadaan ka hor inta aysan cabbin cabbitaanka kaabajka.

The post Garasho U Yeelo xanuunnada lagu Daaweeyo Biyaha Kaabajka Iyo Qaabka Loo Isticmaalo appeared first on Daryeel Magazine.


Sababtaan Awgeed, Joogtee Cunitaanka Masagada

$
0
0

Masagadu waa haruur nafaqo badan caafimaadkana uroon, waa haruurka shanaad ee loogu beerasho badan yahay adduunka, waxaa ka horreeya heedda, bariiska, qamadiga iyo galleyda.

Qiimaha caafimaad ee masagada ayaa qasab ka dhigaya in la joogteeyo cunisteeda madaama ay ka hortagto cudurro aan si fudud looga bogsan. Masagada waxaa Alle ku abuuray walxo ka hortagga noocyo kansarka ka mid ah, waxay dhistaa lafaha, waxay kantarooshaa macaanka waxayna ka hortagtaa dhiig yarida.

Masagada waxaa ku badan barootiinka, birta iyo faybar, waxaa kaloo ku jira macdanaha phosphorus, magnesium, copper, calcium, zinc iyo potassium.

Daraasado dhowaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in masagada ay tahay badar aan lahayn “gluten”, Waxaa jira dad badan oo qaba cilladda xasaasiyada maadada gluten ee ku jirta cuntooyinka qaar.

Sii akhri faa’idooyinka tirada badan ee laga helo cunista masagada:

Hoos u dhigista kolestaroolka:

Masagada waxaa ku jira maadada phytochemicals oo hoos uu dhigta kolestaroolka xun, waxaa ku kaloo ka buuxo walxo la yiraahdo “policosonals” kuwaas oo ka qayb qaata kantarooliska heerka dufanka dhiigga.

Ka hortagga kansarka:

Walxaha la yiraahdo “phytochemicals” waxay la dagaallamaan cudurka kansarka. Cunista masagada oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa kansarrada ku dhaca maqaarka iyo caloosha.

Adkeynta lafaha:

Lafaha oo daiifa waa xaalad halis badan, Masagada waxaa ku badan macdanaha magnesium iyo calcium oo lafaha adkeeya, caafimaadkoodana xoojiya. Masagadu waxay caawisaa kabniinka lafaha.

Hoos u dhigista xanuunnada wadnaha:

Masagadu waxay qani ku tahay walxaha sunta ka saaro jirka kuwaas oo kobciya caafimaadka wadnaha, waxaa kaloo ku jira fiitamiinnada E iyo B, macdanta magnesium iyo birta kuwaas oo ka hortaga cudurrada wadnaha. Faybarka ayaa la rumaysan yahay inuu u wanaagsan yahay caafimaadka wadnaha, waxaana daraasado la sameeyey ay isku waafaqeen in quudashada cuntooyinka uu ku badan yahay faybarku sida masagada ay hoos u dhigaan xayrta wadnaha iyo xidida fuusha.

Gluten free:

Waxaa jira dad qaba xanuunka la yiraahdo “celiac disease” oo ah cillad difaaca jirka ah oo lid ku ah maadada la magacaabo “gluten” oo cuntada qaar ku jirta, sidaas darteed wixii cunto ah oo maadada gluten jirku ku arko wuu weeraraa, weerarkaas ayaa waxaa ku dhaawacma unugyada mindhicirrada khaas ahaan meelaha cuntada laga dhuuqo maadaama jirka uu diidan yahay in cuntadaas jirka uu nuugo. Dadka cilladaan qabo waxay cuni karaan masagadda beddelka qamadiga.

Xakamaynta sonkorowga:

Masagadu waxay si wayn u caawisaa xakamaynta sonkorowga, waxay aad ugu roontahay dadka macaanka qabo, Waxay nidaamisaa shaqada hormoonka insulin-ta waxay ilaalisaa heerka sonkorta dhiigga. Faybarka ku jira masagada ayaa  kaalin muhiim ah ka ciyaaraa kontoroolka xadiga sonkorta ee ku dhex wareegaysa dhiiga, isagoo hoos u dhigaya burburinta iyo nuugida carbohydrates-ka iyo sonkorta.

Caafimaadka dheefshiidka:

Masagada waxaa ku jira waxyaabo badan oo uroon caafimaadka dheefshiidka oo fayrbarka uu ugu horreeyo, masagadu way sahlan tahay in calooshu shiido, waxay ka hortagtaa calool istaagga. Faybarku waxa uu lagamar maarmaan u yahay shaqada dheefshiidka iyo caafimaadkiisa.

Kordhinta tamarta:

Waxaa masagada laga helaa fitamiin B6 oo caawiya in cuntada loo beddelo tamar iyo shidaal uu jirku isticmaalo. Fitamiinkaan waxa uu caawiyaa burburinta nafaqada cuntada iyo in tamar loo beddelo.

Dhiig-yarida:

Masagada waxaa ka buuxo iron, qofka joogteeya cunisteedana is ma arkaan dhiig yari, waxay uroontahay caruurta iyo haweenka uurka leh.

Sun-saarista:

Masagada waxaa lagu tiriyaa cuntooyinka ugu badan ee laga helo walxaha jirka sunta ka saaro ee antioxidants. Maadooyinka sun-saarista waxay dib u dhigaan calaamadaha duqnimada, waxay yareeyaan khatarta xanuunnada wadnaha, sonkorowga nooca 2-aad iyo qaar ka mid ah cudurrada maskaxda.

The post Sababtaan Awgeed, Joogtee Cunitaanka Masagada appeared first on Daryeel Magazine.

Ahmiyadda Caafimaad Ee Cananaaska Iyo Cabitaankiisa & Cudurrada Uu Ka Hortago

$
0
0

Cananaaska waxaa ka buuxo dheecaan burburiyeyaal, maadooyinka sunta ka saara jirka, fitamiinno iyo walxo kale oo caafimaadka faa’iido u leh.

Qiimaha nafaqo ee cananaaska:

Cananaaska waxaa ku jira fitamiinnada C, A, B6 iyo K, iyo macdanaha magnesium, calcium, phosphorus, zinc iyo potassium, waxaa kaloo laga helaa fiber, birta iyo maadada folate.

Waa maxay faa’iidooyinka caafimaad ee cananaaska?

Awood siinta difaaca jirka:

Cananaasku waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka sare u qaada difaaca jirka, waa il wanaagsan oo laga helo fitamiin C oo ah sunsaare si wayn u xoojiya hab-dhiska difaaca jirka. Waxaa kaloo ku jirta maado la yiraahdo “bromelain” oo ka qayb qaadata awood siinta difaaca jirka iyo inuu iska caabbiyo xanuunnada ka dhasha difaac yarida sida ifilada iyo infekshannada.

Caawinta dheefshiidka:

Waxaa caananaaska ku jiro faybar oo uroon dheefshiidka iyo ka hortagga cilladaha caloosha. “Bromelain” waa dheecaan burburiye caawiya burburinta barootiinka taas oo faa’ido u leh dheefshiidka.

Adkeynta lafaha:

Waxaa caananaaska laga helaa macdanaha calcium iyo manganese oo labaduba muhiim u ah adkeynta lafaha. Calcium waxay ka hortagtaa cudurka burburka (osteoporosis). Cananaaska oo la joogteeyo waxay hoos u dhigtaa halista lafo-beelka.

Ka hortagga cudurka kansarka:

Cananaaska waxaa Alle ku abuuray walxo si wayn ula dagaallama cudurka kansarka, unugyada kansarkana baabi’iya. Maadada “bromelain waxay ka hortagtaa kansarrada ku dhaca naasaha, maqaarka iyo malawadka, iyadoo firfircooni ku abuurto unugyada dhiigga cad si ay u joojiyaan koriimada unugyada kansarka.

Miisaan dhimista:

Cabbitaanka caananaaska waxaa ku jirta maadada “bromelain” taas oo shiidda barootiinka, taas oo iyana gubta xayrta caloosha. Cananaasku malahan kalooris badan sidaas darteed wuxuu aad ugu fiican yihiin dadka doonaya inay iscaateeyaan. Waxaa kaloo cananaaaska ku jira faybar kaas oo keenaya qofka inuusan gaajo dareemin waqti dheer taas oo iyana yaraynaysa jamashada cuntada.

Daawaynta xanuunka Arthritis-ka:

Bromelain waa lur bi’iye awood badan, xanuunnada lurka ama hurka u saaxiibka ah waxaa ka mid ah riixa iyo roomaatiisamka.

Xanuunka riixa (Osteoarthritis) waa xanuunka ugu badan ee kudhaca kala goysda, Xanuunka riixa wuxuu yimaadaa marka carjawda u dhaxeysa lafaha ee ku yaala kala goysyada ay duugoobaan.

xanuunka romaatiisamku (Rheumatoid Arthritis) waa caabuq joogta ah oo ku dhaca kalagowsyada gacmaha iyo cagaha, wuxuuna ugu danbayn saameeyaa labada lafood ee kulmiya.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in maadada “bromelain” ay daawo u tahay astaamaha roomatiisamka. Daraasad kale ayaa iyadana shaaca ka qaaday in maadadaani ay daawo ka tahay xanuunka tufta ama riixa iyadoo la barbardhigay daawada caanka ah ee diclofenac.

Kobcinta awoodda aragga:

Waxaa ku jira cananaaska maadooyinka sunsaarista sida fitamiin C iyo beta-carotene kuwaas oo yareeya xanuun ku dhaco indhaha loona yaqaanno “Macular Degeneration”, cilladaani waxay timaadaa qofka markuu duqoobo. Fitamiin C-ga waxa uu ka hortagaa caadka indhaha fuula. Waxay dhaqaatiirtu ku taliyaan in la joogteeyo cunttooyinka fitamiin C-ga qaniga ku ah sida cananaaska si looga hortago caadka indhaha fuulo.

Caafimaadka cirridka iyo ilkaha:

Cananaasku waxa uu la dagaallanaa bakteeriyada afka ku dhalato ee huurada keento, waxaana uu yareeyaa suuska iyo bololka ilkaha.

Caafimaadka wadnaha:

Maadooyinka sunsaarista ee ku jira cananaaska waxay ka hortagaan wadne xanuunka, waxay hoos u dhigaan kolestaroolka. Sida lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay dalka Finland iyo shiinaha, caananaasku waxa uu yareeyaa halista xanuunka xididka wadnaha (coronary artery disease)

Caafimaadka maqaarka:

Fitamiin C-ga iyo maadada beta-carotene ee ku jira cananaaska waxay la dagaallamaan waxa loo yaqaanno “oxidative stress” oo soo dedejiya astaamaha duqnimada sida maqaarka oo kaduud yeesho. Haddaba si aad iskaga caabbiso calaamadaha dhakhso u duqoobista ku dedaal cabbitaanka cananaaska.

The post Ahmiyadda Caafimaad Ee Cananaaska Iyo Cabitaankiisa & Cudurrada Uu Ka Hortago appeared first on Daryeel Magazine.

KANSARKA DHIIGGA (LEUKEMIA): Sababaha Keena, Astaamaha Lagu Garto Iyo Sida Looga Hortago

$
0
0

Kansarka dhiigga ( leukemia) Waa kansarka haleela unugayada jirka u sameeya dhiigga. Unugyadaan oo ay kamid yihiin dhuuxa iyo limfiga ayaa aassaas u ah sameynta unugyada dhiigu ka koobanyahay. lukiimiya waxay la xidhiidhaa unugyada cad ee dhiiga. Unugyadaan ayaa jirka u qaabilsan inay ka difaacaan waxyaabaha soo weerara oo ay kamid yihiin ilma qabatadu. Unug kamid ah dhiiga cad oo aan qaangaar ahayn ama dhamaysan habka uu ku noqon karo unug waxtar leh ayaa dhuuxu ka sameeyaa koobi aad ubadan. Unuga aan qaangaarka ahayn waxaa uu qabsadaa boosas badan oo soo saari lahaa unugyada kale ee dhiiga siiba kuwa cad. Tani waxay keenaysaa in soo saarida unugyada cad iyo kuwa kale ee dhiigga ee caafimaadka qaba ay hoos u dhacaan.

Soosaarida unugyada cad oo aad u farabadan kuwaasoo aan caadi ahayn ama aan qaangaarin, waxay qabsanayaan inta badan boosaska dhuuxa iyo limfiga ee soo saara unugyada kale ee dhiigga. Waxay ku fidaan xubno kale oo ay kamid yihiin beerka iyo beeryarada halkaas oo ay ka buuxsamaan, waxaana dhacaysa in xubnahaasi ay cabirkooda ka weynaado marka ay caadiga yihiin

Maxaa sababa kansarka dhiigga

lukiimiya (leukemia) waxay ka koobantahay qaybo kala duwan, kuwaasoo badankoodu ay ku dhacaan caruurta. Kaankaradaan malahan sabab gaar oo loo aaneeyo jiritaankeeda balse waxaa lala xiriiriyaa arimo ku saabsaan dhaxalka iyo kuwa laga qaado deegaanka. Waxaa kamid ah qodobada lala xiriiriyo, Down syndrome (Trisomy 21 Syndrome), Von Reckinghausen’s Disease, Fanconi’s anemia, Philidelphia chromosome (for chronic leukemia) waxyaabaha laga helo  deegaanka la xariira ayaa noqon kara kiimikada loo yaqaano benzene, feyruska, shucaaca iyo xanuunada la xidhiidha difaaca jirka.

Waa maxay astaamaha kansarka dhiigga

Bukaanka uu haleelo kansarka dhiigga ayaa la dhibaatoon kara xumad iyo dhidid tan ayaa loo sababeeyaa in unugyada dhiiga cad ay soo daayaan qandho sababa yaal kuwaasoo qayb ka qaata difaaca jirka. Lukiimiya ayaa waxay kaloo caan ku tahay cadadka dhiiga oo yaraada, tan ayaa sabab u ah bukaanku inuu dareemo wadna garaac iyo tabar yari. Difaaca bukaanka ayaa hoos u dhaca waxaana uu unuglaadaa inay haleelaan infekkshino. Heerka xinjirowga qofka ayaa hoos u dhaca waxaana dhacda in bukaanku uu lumiyo dhiig xataa hadii ay ku dhacaan wax aad u yar. Waxaa bukaanka jirkiisa laga arki karaa maqaarka hoostisa oo dhiig ku faafo.

Lafo xanuun iyo miisaanka jirka oo hoos u dhaca ayaa lagu arki karaa bukaanka qaba kaankarada loo yaqaan Lukiimiya.

Ma la daawayn karaa Lukiimiya

Daweynta kansarka dhiigga ayaa ku xiran qodobo badan oo ay kamidyihiin nooca kaankarada, da’da bukaanka, inay ku faaftay qaybaha kale ee jirka iyo guud ahaan caafimaadka shaqsiga tusaale ahaan in bukaanku uu qabo xanuuno kale iyo inkale. Waxaa jira daawooyin kala duwan oo loo isticmaalo daweynta xanuunkaan. Dadka da’da yar iyo caruurta ayaa ugu jaanis fiican waana mid inta badan lagu guuleysto daaweyntooda. Bukaanka ayaa ubaaahan baxnaanin.

The post KANSARKA DHIIGGA (LEUKEMIA): Sababaha Keena, Astaamaha Lagu Garto Iyo Sida Looga Hortago appeared first on Daryeel Magazine.

Sababaha Ay Muhiimka U Tahay In La Joogteeyo Cunista Kalluunka Iyo Noocyada Ugu Fiican

$
0
0
faaidada kalluunka, malaayga, kaluunka,

Kaalluunka waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu caafimaadka badan waxaa ka buuxo nafaqooyin aasaasi u ah caafimaadka sida barootiin, fitamiin D, calcium, phosphorous, iron, zinc, iodine, magnesium iyo potassium.

Waxa ay dhakhtaatiirtu ku taliyaan in lagu dedaalo cunista cunto isku dheellitiran taas oo ay qayb ka tahay cunista kalluunka ugu yaraan saddex jeer asbuucii maadaama laga helo fitamiinno , macdano iyo dufanka Omega3.

Faa’iidooyinka caafimaad ee kalluunka:

Ka hortagga cudurka alzhemeirs:

Cunista kalluunka waxay kobcisaa xusuusta maskaxda waxayna ka hortagtaa cudurrada xusuusta baabi’iya. Daraasad lagu sameeyay dalka Maraykanka sannadkii 2016-kii waxaa la ogaaday in cunista kalluunka oo la joogteeyo oo kobciso qeyb ka mid ah maskaxda oo loo yaqaano “Grey matter”, taas oo ka hortagta hoos u dhaca degdegga ah ee unugyada maskaxda iyo in shaqada maskaxda ay oo hoos u dhacdo xilliga waayeelnimada, sidaas darteed kalluunku waxa ka hortagaa cudurka xusuusta burburiya ee loo yaqaanno “alzhemiers disease”

Dhisida murqaha:

Si aad murqahaaga u dhisto waxa aad u baahan tahay jimicsi joogto ah iyo barootiin kugu filan, kalluunkuna waa il muhiim ah oo laga helo barootiinka. Sidoo kale fitamiin D ku filan oo jirku helaa waxa ay caawisaa hab-sami u shaqaynta muruqyada kalluunkuna gaar ahaan noocyadiisa salmon iyo mackerel waa mid ka mid ah ilaha laga helo fitamiinkan.

Xoojinta Lafaha:

Kalluunku waa il fiican oo laga helo fitamiin D. Cilmi baarisyo caafimaad ayaa xaqiijiyey in Fitamiin D uu kaalin muhiim ah ka ciyaaro xoojinta lafaha. Faytamiin D waxa uu lafaha ka caawiyaa in ay si fiican u nuugaan Kalshiyaamta kadibna ay kaydsadaan, taas oo kordhisa awooddooda.

Caafimaadka maskaxda:

Kalluunka dufanka leh waxaa laga helaa dufanka Omega3 oo aasaasi u ah caafimaadka jirka iyo maskaxda. Noocyada kalluunka ee qaniga Omega3 waxaa ka mid ah salmon, sardines, mackerel iyo anchovies.

Caafimaadka wadnaha:

Kalluunka noocyadiisa ay ka mid yihiin salmon-ka, tuunaha, mackerel iyo sardiinigu waxa ay hodan ku yihiin asiidhada duxda leh ee Omega3 oo lagama maarmaan u ah caafimaadka wadnaha. Kalluunku wuxuu yareeyaa halista wadne qabadka iyo faaligga, waana labada cudur ee ugu badan ee dunida loogu dhinto. Waxaa kaloo dufanka Omega3 uu hoos u dhigaa heerka kolestaroolka xun LDL jirka.

Daawaynta niyad jabka:

Cunista kalluunka oo la joogteeyo waxay caawisaa kobcinta heerka hormoonka serotonin ee maskaxda, kaas oo yareeyaa astaamaha niyad jabka. Kalluunka waxaa lagula dagaallamaa niyad jabka maadaamaa uu yareeyo dheecaannada ay maskaxda soo deyso ee qaabilsan niyad jabka iyo murugada.

Difaaca jirka:

Kalluunka iyo guud ahaan cuntooyinka kala duwan ee baddu waa ay hodan ku yihiin maadadda zinc oo lagama maarmaan u ah samaysanka unugyada difaaca jirka.

Ka hortagga kansarka:

Cunista kalluunka oo la joogteeyo waxa ay hoos u dhigtaa halista kansarrada ku dhaca malawadka, afka, hunguriga iyo xameetida.

Ka hortagga xanuunka difaaca jirka ee khalkhalsan (autoimmune diseases):

Kalluunku waxa uu ka hortagaa xanuunnada ka dhasha difaaca jirka ee khalkhalsan sida sonkorowga nooca 2-aad. Fitamiin D-ga laga helo kalluunka waxa uu caawiyaa difaaca jirka iyo burburinta sonkorta dhiigga.

Ka hortagga isbedellada niyadda ee xilliga caada ka hor (PMs):

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba xanuunka xiliga caadada. Dumarka xaaladaan la kulma waxay lagula taliyaa inay ku dedaalaan cunista kalluunka.

Aragga indhaha:

Dufanka Omega3 ee laga helo kalluunka waxaa kor u qaadaa caafimaadka indhaha, waxa uu nafaqeeyaa murqaha iyo neerfeyaasha indhaha. Cunista Kalluunku waxay wanaajisaa awoodda aragga indhaha waxayna ka yaraysaa khatarta xanuunnada indhaha ku dhaco.

Kobcinta tayada hurdada:

Joogtaynta cunista kalluunka waxay kobcisaa nidaaminta wareegga hurdada. Daraasado la sameeyay ayaa lagu ogaaday in cunista kalluunku ay wanaajiso tayada hurdada sababtuna waa fitamiin D uu kalluunku hodanka ku yahay kaas oo qofka ka caawiyo inuu hurdo fiican helo.

The post Sababaha Ay Muhiimka U Tahay In La Joogteeyo Cunista Kalluunka Iyo Noocyada Ugu Fiican appeared first on Daryeel Magazine.

Cuntooyinkan Haku Casheynin Habeenkii Sababtana Ogow

$
0
0

Ma ogtahay in qofka oo hurdo ku filan heli waaya ay kordhiso khatarta cayilka saa’idka ah? Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka ay hurdadu ku yartahay ay aad u badsadaan cuntooyinka kaloorisku ka buuxo.

Hurdo la’aantu waxay jirka u keentaa khalkhalxagga dharagta iyo gaajada ah, cilmi baaris la sameeyay sannadkii 2016-kii ayaa arintaan lagu xaqiijiyay.

Hurdadu waxay yareysaa miisaanka qofka, dhafarkuna wuxuu keenaa cayil, waxay cilmibaarayaashu arkeen in dadka dhafro in ay boqolkiiba 30% ay kaga halis badan yihiin cayilka dadka hurdada helo, taasna waxaa lala xiriiriyay in hurdo yarida ay yareyso maado la yiraahdo “leptin” taasoo qofka dharagta dareensiiso waxuu kaloo dhafarka kordhiyaa maadada loo yaqaano “Gherlin” oo ah hormoonka dareensiiyo gaajada sidaas darteed hurdo yaraantu waxay sababtaa in qofku cuntada uu iska badiyo.

Hurdo la’aanta uu stress-ku keeno iyo hurdo la’aantu nafaqo darradu (fitamiin la’aantu) keento waxaa badanaa sababo cuntooyinka uu qofku cuno habeenkii ka hor hurdada.

Waxaa jira cuntooyin laga qaado hurdo la’aan oo ay tahay inaad cunistooda ka fogaato habeenkii kuwaas oo aan maqaalkaan ku soo aruurinay.

Kafeega:

Khubarada caafimaadku waxa ay ka digeen in kafeega (bunka) la cabo hurdada ka hor, waayo maadadda Caffeine ee ku jirtaa waa baraarujiye ka hortaga hurdada taas oo uusan macnuhu ahayn in maadaddani gama’a uun qofka ka hor istaagayso, balse sidoo kale marka uu gam’o waa ay u diidaysaa in uu hurdo xeeldheer seexdo.

Shukulaatada Madow:

Waxaa shukulaatada madow ku jira maadooyinka “caffeine” iyo “Theobromine” oo labadaba laga qaado hurdo xumo iyo hurdo aan tayo lahayn.

Cabbitaannada soodhaha:

Cabbitaannadaan waxaa ka buuxdo maadada caffeine oo kicisa hab-dhiska neerfaha, taas oo horseedaysa in qofku uu soo jeedo habeenkii oo dhan. Cabbitaannada soodhaha (soda) iyo kuwa loo yaqaanno “energy drinks”waxaa ku badan caffeine-ta sidaas darteed hurdada ayay u daran yihiin, waana in la iska ilaaliyo habeenkii.

Cuntooyinka dufanku ku badan yahay:

Cuntooyinka dufanka badan leh sida beegarka waqti dheer ayay qaadataa in la shiido sidaas darteed uma roona dheefshiidka waxay keenaan dibbiro iyo cillado dheefshiid, tanina waxay horseeda hurdo xumo.

Badarka sonkorta badan leh:

Badarka sonkortu ku badan tahay waxay kiciyaan sonkorta dhiigga taas oo saamaysa hurdada islamarkaana qofka ka hor istaagta inuu helo hurdo xasiloon.

Basbaaska iyo xawaashka badan:

Cuntooyinka kulul ee baskaaska leh iyo filfisha leh waxay kiciyaan gaaska, waxay sababaan laabjeex, taas oo saamaysa tayada hurdada islamarkaana waxay sababtaa in qofka habeenkii oo dhan soo jeedo.

Barootinka badan:

Habeenkii oo lagu casheeyo cunto barootiinku ku badan yahay sida hilibka xoolaha iyo digaagga, waxay yaraysaa barootiinka loo yaqaanno “tryptophan” kaas oo qaabilsan soo saarista hormoonka lagu magacaabo “serotonin” oo muhiim u ah dejinta maskaxda iyo hurdada.

Pizza-da:

Dufanka badan iyo aashitada yaanyada waxay saamayn taban ku leeyihiin tayada hurdada waxaa kiciyaan laab jeexa, waxay keenaan in qofka habeenkii oo dhan uu soo jeedo

Sonkorta badan:

Macmacaanka sida xalwada iwm oo habeenkii la cuno waxay sababtaa Khalkhal shaqada hoormoonada ah, taas oo waxyeellaysa tayada hurdada, sidaas awgeed ma fiicno in habeenkii la cuno macmacaan.

Waxay dhakhaatiirtu ku taliyaan in habeenkii la cuno casho aan cuslayn sababtoo waxay calooshu u baahantahay nasiino habeenkii sida jirka qeybihiisaha kalaba ay ugu baahan yihiin. Waxaa la cuni karaa digir aan sonkor badan iyo saliid lagu darin ama qamadi.  Cuntooyinka hurdada u fiican waxaa ka mid ah mushaarida, mooska, caanaha, malabka iyo lawska.

The post Cuntooyinkan Haku Casheynin Habeenkii Sababtana Ogow appeared first on Daryeel Magazine.

Talooyin Ku Anfacaya Marka Aad Gaadhigaaga Shidaal Ku Shubayso

$
0
0

1. Gaadhigaaga shidaalka ku shub subaxda hore. Waaberiga heerkulka shidaalku aad baa uu u hooseeyaa. Laga soo bilaabo galabnimadii shalay iyo habeennimadii oo heerkulku si guudba hoos u dhaco ayaa sababa in uu qaboobo shidaalku. Mar kasta oo uu heerkulka shidaalku hoos u dhacana waxaa kordha cufnaantiisa. Sideedaba dareeruhu qabowga waa uu ururaa oo isku cufmaa, halka uu kulaylahana kala baxo oo uu khafiif noqdo.Halka Litir ee aad duhurnimada iyo qorrax kulaylka iibsataa ma’aha litir dhammaystiran. Laakiin, litirka aad aroorta hore iyo xilli qaboobaha iibsataa waa uu ka badan yahay litir caadi ah.

2. Iska ilaali xawaaraha bamka shidaalka kugu shubaya. Bambku waxa uu leeyahay saddex heer oo uu shidaalku u soo tuuro; in uu aayar shubo, in uu dhexdhexaad yahay iyo in uu si xoog ah u soo tuuro. Haddii gacanta bambka xoog loo cadaadiyo waxaa kordha xawaarihiisa.Mar kasta oo xawaaraha baatroolka uu bambku tuurayaa sarreeyo waxaa bata uummi baxa ku dhacaya / shidaalka hawada raacaysa, sidaas awgeed shidaal kuu tirsan ayaa hawada raacaya. Halka mar kasta oo uu yaraado xawaaruhu uu hoos u dhacayo uummi baxo.

3. Mar kasta oo shidaalka taangiga gaadhigaaga ku jiraa yaraado, waxaa halkiisa gasha hawo, sidaas awgeed in taangiga oo madhan ama xitaa kala badh ka hooseeya aad shidaal ku shubtaa waxa ay sababtaa in shidaalku si dhaqso ah u uummi bixi karo / hawada u raaci karo. Mar kasta oo shidaalka taangiga ku jiraa badanyahayna waxaa yar hawada ku jirta, taasina waxa ay yaraynaysaa shidaalka uummi baxaya.Ku dadaal in aad hal mar buuxiso shidaalka gaadhiga, kaddibna mar kasta oo saacaddu kala badh gaadho aad shidaal ka ku kordhiso.

-Kamaal Marjaan

The post Talooyin Ku Anfacaya Marka Aad Gaadhigaaga Shidaal Ku Shubayso appeared first on Daryeel Magazine.

Waa Maxay Xanuunka Cagta Oo La Jiido (Foot Drop)

$
0
0

Cagta oo la jiido waa astaan laga dareemi karo qaybta hore ee cagta, waxaa cuslaata ama uu dareenku ka tagaa/ku yaryahay qabyta hore ee cagta taasoo sababaysa in aan dhulka laga soo qaadi karin. Astaantaan ayaa la xiriirta cillado haysta neerfaha, murqaha ama qaab dhismeedka cagta. Waxay caan ku tahay astaatani inaan dhulka laga soo qaadi karayn cagta hoose waliba qaybta hore, waxaana qofka ku adkaata in si talantaali ah uu iskula helo socda, taasoo keenaysa inuu dhulka ku jiido cagta uu astaantaan ka dareemayo,

Cagta la jiido waxay mararka qaar ku biskootaa si iskeed ah iyadoo aan loo tagin dhakhtar, waxay sidoo kale noqon kartaa mid qofku uu la noolaado hadii ciladina ay ka imaanayso neerfe dhaawacmay ama go’ay iyadoo ku xiran hadba inta saameynta dhaawaca neerfuhu le’egtahay. Dadka astaantaan isku arka ayaa waxay ku xaliyaan inta badan laastiiga loo yaqaan brace kaasoo meelaynaya canqowga cagta hoose.

Maadaama uu socodku dhib ku yahay, waxaa dhacaysa in lagu arko qaybta hore ama faraha cagta hoose dildilaac iyo isbadal ku yimaadan maqaarka qaybta dhulka lagu jiidayo kaasoo ka yimaada la qabatinka dhulku jiidida cagta hoose xiliga la soconayo. Dareenka ayaa sidoo kale ka tagi kara cagta hoose qaybteeda hore.

Inta badan cagta la jiido waxaa laga dareemaa ama lagu arkaa hal lug, iyadoo marwalba ay ku xirantahay hadba cillada sababtay astaantaan, way dhici kartaa in lagu arko labada lugoodba ay saamayso cilladu.

Maxaa sababa Cagta la jiido

Astaantaan waxaa inta badan waxaa inta badan sababa cillad ku timaada neerfayaasha maamula dhaqdhaqaaqa murqaha cagta hoose, hadii uu jiro dhaawac neerfaha soo gaara waxaa yaraanaya ama meeshaba ka baxaya fariintii ka imaanaysay maskaxda ee ku wajahnayd cagta hoose, arintaan ayaa keenaysa in dareenka ay helayeen murqaha cagta hoose uu meesha ka baxo ama yaraado waxaana adkaanaysa in la dhaqdhaqaajiyo cagta hoose. Xanuunada ku dhaca murqaha oo noqon karo kuwo lagu dhashay ayaa keeni kara dareenka liita ee cagta hoose. Cillada soo wajaha maskaxda iyo xangulaha oo ay ka mid yihiin Lateral Sclerosis, multiple sclerosis ama faalug waxay qayb ka noqon karaan sababaha ay astaantani leedahay.

Neerafaha loo yaqaano peroneal nerve ayaa maamula dhaqdhaqaaqa murqaha ee cagta, waxuuna maraa labada dhinac ee bananka xiga ee bawdyaha, hadaba dadka marka ay fadhiyaan is weydaariya lugaha waxaa ku imaan kara in neerfuhu jiidmo taaso keeni karta dhaawac ku yimaada, waxaana halkaas ka dhalan kara astaanta cagta lajiido. Cilmi baaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dadka gashada dharka ku dhagan siiba saraawiisha ama dadka la kabay ee uu saaranyahay kabayga lugta ay keeni karaan dareenka uu ku yaraada qaybta hoose ee cagta, waxaana loo sababeeyey inay tahay cadaadis la saarayo neerfaha.

Daaweynta cagta lajiido

In meesha laga saaro astaantaan waxay ku xirantahay hadba cillada sababaysa, hadii la daweeyo cillada waxaa meesha ka baxay astaanta, hadiise aan lagu guuleysan daweynta cillada waxaa dhici in astaanta cagta la jiido uu qofku iskala noolaado. Qaababka loo xaliyo cillada waxaa kamid ah in la xirto laastiiga brace si uu isagu yahay qaabdhismeedka cagta, daaweyn, iyo qalliin.

Tallo:

Hadii aad isku aragto astaantaan, waxaa lagama maarmaan ah inaad la kulanto dhakhtar, sababtoo ah hadii aad kusii socoto lugta waxaa imaan kara in dareenku ka tago maqaarka hoose ee cagta qaybteeda dhulka lagu jiidayo. Hadii ay cilladu tahay mid katimid neerfe mar walba la tasho lana kulan dhakhtar.

The post Waa Maxay Xanuunka Cagta Oo La Jiido (Foot Drop) appeared first on Daryeel Magazine.


Hadmaad ogaataa inaad maskaxda ka qaangaadhay??!

$
0
0

Markay ku xiiso galin waayaan waxyaabo aad horey ugu riyaaqi jirtay

Marka deganaanshaha naftaada iyo calool samidaadu kuu noqdaan labada shay ee aad ku faro- adaygto

Markaad naftaada siin kartid wehel oo inaad adigu isbarato aad ka hormariso waxkasta
Markaad miisaanto hadalka afkaaga kasoo baxaya inta aanuu kasoo bixin ka hor

Markaad adiga oo saxsan aamusto si aanad awood ugu lumin muran aan midho dhal lahayn

Markaad naftaada iyo dadka kalaba runta u sheegi karto siday doonto ha u qadhaadhaato’e

Markaad xaalad kasta , shakhsi kasta iyo meel kasta oo aan korriimo ama hurumar maskaxeed kuu kordhinayn aad ka digo rogan kartid si fudud, saamayn maskaxeedna aanay kugu yeelan

Marka cidda keli ah ee aad is barbar dhigtaa ay tahay adiga iyo halkaad shalay taagnayd

Markaad ku mashquusho naftaada, dhaqakaaga iyo dabeecaddaada jafjafkooda

Marka aanay mabda’aaga gilgilin eray qof kale yidhi intuu doono hakuu jiree

Marka ruuxdaadu ay ku dagto qiimaynta waxyaabaha yaryar sida inaad koob shaaha/coffee ah ku cabtid deganaansho, ama neecaw qaboow’i intay wajigaaga marto ay naftaada raali ahaansho kaga tagto carabkaaguna mowlaha mahadiyo, ama madaxu kuugu dago urta ciidda oo roob yari ku shuuxay

Markaad waqti qaali ah la qaadatid qof maskaxdaad godli kara, ama aad akhridid buug aad jeceshahay oo ku dawaafiya caalam aanay cid kale tagin adiga mooyaane.

W/Q: Hamda Huseein

Facebook: Hamda Hussein

The post Hadmaad ogaataa inaad maskaxda ka qaangaadhay??! appeared first on Daryeel Magazine.

Waxaa Xaqiiqo Ah…..

$
0
0

Marka uu burbur ku dhaco ummadaha, kharaabka guryaha, ganacsiyada iyo kaabayaasha dhaqaalaha ku dhaca, waxaa ka xun burburka dhinacyada nolosha oo dhan saameeya.

Waxaa burbura anshaxa iyo akhlaaqiyaadka, waxaa hoos u dhaca hab fikirka iyo awoodda tuujinta maskaxda, waxaana luma jiheeya uu qofku ku kala garto tubta saxan iyo qallooca.

Maanta dalkeenna qofna ma diidi karo in burbur uu ku dhacay; mihnaddii caafimaadka oo dadka qaar aan anshax iyo aqoon u lahayni ay ka shaqeeyaan, sida oo kale hal-abuurkii iyo sugaanyahankii oo maanta abwaanno iyo fannaaniin shilimaad ku qaata majara habaabinta bulshada iyo daboolista foolxumooyinka ama faafiyaba ayaa buuxa.

Waxaa la mid ah askarinimadii, macalinnimadii, Wadaadnimadii, ganacsatadii iyo siyaasinimadii. Dhinac kasta oo la eego, waxaa fadhida aqoondarro, waayoaragnimo la’aan, anshax xumo, faham la’aan iyo hunguri. Xitaa shaqaalihii xafiisyada qaranka iyo kuwa madaxabannaan ayaa aynu ka dheregsannay xaalkooda.

Haddii weriye xumi dhibaato abuuri karo, dhakhtar xun baa maalin kasta dadkeenna si dayacaad ah u dila, Macalin xunbaa ubadkii barbaarintii ka kharriba, wadaad xun baa xaqii candadawla, siyaasi xun baa masiirkii umadda ku tunta oo dhiig daadiya, Garsoore xunbaa dulmiga naaxiya, shaqaale xun oo xafiis fadhiya ayaa dawladnimadii curyaamiya .. Adigu sii wad uun oo ma dhammaanayso ee ha daalin ….!!

Sida ay meelahaas aynu xusnay ay u joogaan dad kale oo fiican, aqoonna u lihi u joogaan, ayaanay saxaafaddana dad fiican oo aqoon u lihi u joogaan.

Markaas waa in aynu garawsanno in dhan waliba aynu dhaliil ku leennahay, kaddibna aynu dhexda u xidhanno in inta fiican aynu dhiirrigelinno, inta leexsan aynu toosinno, inta liidata aynu kobcinno, inta aan laylyamaynna bannaanka ka dhigno mihnadda iyo shaqada ay umadda u hayso. LAAKIIN IYADA OO AYNU DHAMMAANTEEN BANNAAN FADHINNO, YEYNAAN FARAHA ISKU FIIQFIIQIN!!!

W/Q: Kamaal Marjaan

The post Waxaa Xaqiiqo Ah….. appeared first on Daryeel Magazine.

Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Uu Keeni Karo Qorofalka (Qorfaha) Iyo Dadka Aan Loo Ogolayn

$
0
0

Qorafalku waxa uu ka mid yahay xawaashyada ugu caansan dunida oo dhan, urtiisa oo aad u udgoon laguna tilmaamo in ay nafta xasiliso ayaa ka mid ah sababaha lagu jeclaaday geedkan. Laakiin urta iyo dhadhanka fiican ee uu sameeyo oo keliya ma’aha sirta ku jirtaa, balse waa dawo hodan ku ah maaddooyin badan oo caafimaadka aad u caawiya.

Si kastaba ha ahaato ee khubarada caafimaadka dhirtu waxa ay xaqiijiyeen in geedkan oo faa’idooyinkiisa caafimaad aad u badan yihiin uu leeyahay dhibaatooyin barbar socda oo haddii lagu talaxtago cunistiisa ay khatar tahay in ay qofka haleelaan.

Dhibaatooyinka uu keenay oo Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxaa ka mid ah:

Wadne xanuun:

waxa uu kordhiyaa garaaca wadnaha, sidaa awgeed dadka wadne xanuunka leh lagulama taliyo isticmaalka qorofalka.

Heerkulka jidhka:

Isticmaalka badan ee qorofalku waxa ay kor u qaaddaa heerkulka jidhka, waxa kale oo la mid ah busbaaska, sinjibiisha, toonta iyo basasha, sidaa awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ka digaan in dadka leh jidh ama xubno ololku ay cunaan xaddi badan oo qorofal ah.

Xasaasiyadda:

Qorofalku dadka qaar waxa uu ku keenaa xasaasiyad xun, calaamadaha uu qofku ku garan karo in qorofal uu cunay uu ku keenay xasaasiyad waxaa ka mid ah sanka oo hoora, calool xanuun, wejiga iyo labada gacmood oo barara, yalaalugo badan iyo indhaha oo uu nabar ku sameeyo. Waxa kale oo uu qorofalku sababaa in wareegga dhiiggu aad hoos ugu dhaco.

Xilliga uurka:

Gabadha uurka leh uma fiicna isticmaalka qorofalku, waayo waxa uu keenaa foosha oo waqtigeeda ka soo degdegta, waxa aanu kordhiyaa ururka makaanka. Waa run in qorofalka loo cuno casiraadda laakiin waa marka aanu uur jirin.

Macaanka dhiigga:

Cilmibaadhiso caafimaad ayaa xaqiijiyey in isticmaalka badan ee qorofalku uu si aad ah hoos ugu dhigo heerka macaanka dhiigga, taas oo sababaysa in qofku uu dawakhaad dareemo, haddii isticmaalkiisa la sii wadana khataro badan o ocaafimaad ayaa uu keenaa.

Caqabad ku noqosahda dawada:

Qorofalka waxaa lagu tiriyaa nooc ka mid ah dawooyinka antibaayootigga ah, sidaa awgeed haddii ay kuu socoto isticmaalka dawo antibaayootig ah xanuunka aad doontaba u isticmaal oo, waxaa waajib ah in aanad muddadaas dawadu socoto cunin qorafalka. Waxaa laga cabsi qabaa in dawada iyo geedkan oo isna antibaayootig ahi isla falgalaan kadibna ay khatar caafimaad ka dhalato.

-Kamaal Marjaan

The post Dhibaatooyinka Caafimaad Ee Uu Keeni Karo Qorofalka (Qorfaha) Iyo Dadka Aan Loo Ogolayn appeared first on Daryeel Magazine.

Faa’iidooyinka Cajiibka Ah Ee Miraha Chia Seeds Iyo Cudurrada Ay Ka Hortagaan

$
0
0

Chia seeds waa miro Alle ku abuuray maadooyin badan oo faa’ido u leh caafimaadka. Mirahaan yaryar waxaa ku jira dhammaan nafaqooyinka ku jira kalluunka.

Mirahaan waxay ka mid yihiin cuntooyinka ugu caafimaadka badan, waa il wanaagsan oo laga helo barootiin, dufanka caafimaadka uroon iyo dietary fiber. Isticmaalka mirahaan ayaa dunida aad ugu soo badanaya waayahaan dambe sababtuna waa qiimahooda caafimaad oo la fahmay.

Mirahaan sidaad doonto ayaad u isticmaali kartaa ama aad u karsan kartaa, dabkuna ma dilo anfacooda, cuntooyinka kala duwan ayaa si fudud loogu darsan karaa sida boorashka, yoghurt-ka, cabbitaannadana waa lagu shiidan karaa. Mirahaan ma lahan wax dhadhan ah sidaas darteed cunto kasta ayaa lagu darsan karaa mana bedelayaan dhadhanka cuntada lagu daray.

Chia Seeds waxay qani ku yihiin dufanka Omega3 oo uroon wadnaha, fiber iyo maadooyinka sunsaarista. Waxaa kaloo laga helaa fitamiinnada A, iyo B3, iyo macdanaha calcium, phosphorus, manganese, magnesium, potassium, copper iyo zinc. Sidoo kale waxaa ku jira barootiin iyo birta.

Qoraalkaan waxaan ku aruurinay faa’idooyinka caafimaad ee miraha chia seeds kuwaas oo ku jeclaysiin doona inaad joogtayso isticmaalka mirahaan.

La dagaallanka macaanka:

Miraha Chia seeds waxaa ka buuxo faybar oo ka hortaga cudurka macaanka. Faybarka waxa uu door wayn ka ciyaaraa kontoroolka xaddiga sonkorta dhiiga, isagoo hoos u dhiga burburinta iyo nuugida kaarboheydareytka iyo sonkorta. Walxaha jiidjiitama ee ku jira chia seeds waxay caqabad ka dhex abuuraan dheecaan buburiyeyaasha iyo kaarboheydareytka, tan oo kontoroosha sonkorta dhiigga. Mirahaan waxay ka hortagaan sonkorowga nooca 2-aad.

Il barootin laga helo:

Barootiintu waxa ay ka mid tahay nafaqooyinka lagama maarmaanka u ah jirka aadamaha, waxayna siisaa tamarta muhiimka u ah in uu qofku u helo firfircoonida uu ugu baahan yahay hawlgudashadiisa, sidoo kale waxa ay barootiintu u fiican tahay dhismaha murqaha iyo xoojinta difaaca jirka. Chia seeds waa il muhiim ah oo laga helo barootin badan.

Miisaan dhimista:

Mirahaan waxaa ku jira nafaqooyin caawiya miisaan dhimista, waxaa ku badan faybar oo qofka dareensiiya dherag, taas yaranaysa jamashada badan ee cuntada, mirahaan waxay jirka ka saaraan sunta, waxayna yareeyaan gaajada, taas oo faa’ido u leh dadka doonaya inay iscaateeyaan. Haddii aad ku dartid chia seeds cuntada aad cunaysid waxaa kor u qaadmaya duxda cuntada. Appetite kaagana hoos bay u dhigaysaa. Arrinkana waxa uu aad uugu fiican yahay dadka buurbuuran inay cuntada ku darsadaan.

Caafimaadka lafaha iyo ilkaha:

Miraha chia seeds waxay hodan ku yihiin macdanta calcium oo aasaasi u ah caaafimaadka lafaha iyo ilkaha. Waxaa kaloo mirahaan laga helaa barootiin, magnesium, iyo phosphorous oo lafaha adkeeyaa.

Caafimaadka wadnaha:

Cunista miraha chia seeds oo la joogteeyo waxay wanaajisaa caafimaadka wadnaha, waxay kobcisaa kolestaroolka wanaagsan ee jirka, waxaa ku badan dufanka Omega3, saliidaan oo uroon caafimaadka wadnaha. Waxaa kaloo jmirahaan ku jirta maado la yiraahdo “quercetin” oo ah sunsaare ka hortaga cudurro badan sida wadne xanuunka. Sidaan aan soo xusnay mirahaan waxaa ku badan faybar oo hoos u dhiigga cadaadiska dhiigga ee sarreeya.

Mirahana waa miro ka mid ah waxyabaha uu Allah (swc) ku mannaysaty faa´iidooyin aad u tiro badan lana rabo in laga faa´iidaysto. Waxaad ka soo iibsan kartaa tukaanada iibsha alaabaha dabayciga ah.

Daryeel magazine

The post Faa’iidooyinka Cajiibka Ah Ee Miraha Chia Seeds Iyo Cudurrada Ay Ka Hortagaan appeared first on Daryeel Magazine.

Cuntooyinka Ugu Fiican Ee Lagu Afuro Iyo Hababka Looga Hortago Harraadka Maalintii

$
0
0

Jidhka aadamuhu waxa uu maalin kasta u baahan yahay ugu yaraan laba litir oo biyo ah, xilliga xagaagana baahidaasi waa ay sii korodhaa heerkulka kor u kacaya awgeed. Waxa ay si gaar ah baahidu ugu sii badataa dadka sameeya jimicsiga jidhka iyo ciyaaraha kala duwan.

Marka ay Ramadaan noqotana waxaa waajib noqota in jidhka loo kordhiyo biyaha uu helayo, si looga badbaadiyo khatarta caafimaad ee ka dhalata ingagga jidhka ay biyo la’aantu ku keento iyo kulaylka qorraxda ee jidhka dhaca, gaar ahaan marka heerkulku dhaafo boqolkiiba 40 ka oo ah marka ay keento xaalado caafimaad oo khatar badan.

Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in xilliga xagaaga uu jidhku u baahan yahay ugu yaraan saddex litir oo biyo ama cabbitaanno kale ah, sida sharaabka iyo caanaha, ama ah biyaha ku jira khudradda sida xabxabka, khayaarka iyo shamaamka iyo kuwa la midka ah.

Biyuhu waxa ay ka qayb qaataan burburinta maaddooyinka cuntada ku jira, taas oo caawisa habka ka faa’idaysiga cuntada iyo qashin qubka, waxa aanay hoos u dhigaan heerkulka jidhka.

Qofka sooman waxaa la gudboon in uu bisha soon awoodda saaro cabbitaannada kala duwan ee aan sonkorta lahayn, si aanay ugu keenin suus ilkaha ka gala ama dhiirrigelin in miisaanka qofku kordho.

Waxaa iyaduna muhiim ah in xilliga afurka la cabbo shurbadda. Waxa ay khubarada caafimaadku sheegeen in shurbaddu ku fiican tahay in la cabbo xilliga calooshu madhantahay, waayo, caloosha ayaa ay u fududahay, waxa aanay jidhka siisaa biyo.

Waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in waqtiga la afuran yahay oo dhan uu qofku hadba biyaha wax ka cabbo isaga oo aan sugayn in uu harraado, si uu jidhku u helo biyo ku filan oo ka ilaaliya ingagga.

Harraadka

Harraadku waxa uu ka mid yahay dhibaatada ugu badan ee ay inta badan dadka soomani ka cawdaan xilliga maalinnimada. Shabakadda Alcarabiya ayaa dhowaan faafisay warbixin ay ku soo ururinayso talooyinka ay xeeldheerayaashu ka bixiyeen hababka ugu habboon ee looga fogaan karo harraadka maalinnimada soonka.

Ugu horreynba waa in qofku uu caado ka dhigtaa in uu habeennimada cabbo ugu yaraan 8 koob oo biyo ah. waxaana muhiim ah in cabbitaanka biyahaas uu u qaybiyo inta u dhexeysa afurka iyo illaa suxuurta. Waxaa la ogaaday biyaha oo inyar inyar loo cabbo waqti kala durugsani in ay jidhka awood u siiso in uu biyo fiican kaydsado, si uu xilliga baahida u isticmaalo. Taas oo aad uga duwan in biyo badan mar keliya la cabbo oo keenta in biyaha jidhka dhaafayaa ay ka bataan intii ay ahayd in ay qashin ahaan u baxaan, maadaama oo biyaha badan ee mar la wada cabbay awgeed ay maskaxdu u fahmayso in biyo dheeraad ahi jidhka galeen oo loo baahan yahay in la saaro.

Ka fogoow cuntooyinka iyo cabbitaannada ay sonkortu ku badan tahay, gaar ahaan iska ilaali xilliga suxuurta. Waxaa la ogaaday in sonkortu ay dhiigga iyo unugyada jidhka ka saarto dareeraha uu u baahnaa.

Sida oo kale iska jir cuntooyinka xawaashyada badan ama busbaaska leh. Waxa kale oo muhiim ah in aad iska ilaaliso cuntada ay milixdu ku badan tahay. Waxa ay xeeldheereyaasha nafaqada cuntadu sheegeen in cunista cuntada ay xawaashka ama milixdu ku badan tahay ay jidhka ku abuurto baahi badan oo biyood.

Khubaradu waxa ay sheegeen in xilliga soonka ay fiican tahay in la cuno noocyada kala duwan ee khudradda. Khudradda waxaa ku jira biyo badan oo sababa in jidhku uu biyo kaydsado. Ugu dambayn waxaa fiican in qofku uu ka dheeraado cabbitaannada leh maadadda Caffeine oo dhibaatadoodu ay tahay in ay jidhka ka saarto macdanno  iyo biyo badan.

-Kamaal Marjaan

The post Cuntooyinka Ugu Fiican Ee Lagu Afuro Iyo Hababka Looga Hortago Harraadka Maalintii appeared first on Daryeel Magazine.

Killi Beddelid Oo Si Fiican Loo Sharraxay

$
0
0

Marka ay kiliyahaaga howl gabaan, waxaa loo baahan yahay dawo lagu bedelo shaqadi ay kiliyahaaga u qaban jireen jirkaaga. Waxaa jiro laba nooc oo dawo ah oo lagu daweeyo howl gabka kiliyaha, waxey kala yihiin kilyo dhaqis iyo killi bedelid. In kastoo bedelidda ay keento xurnimo iyo tayo sare oo nolosha ah marka lala barbardhigo kilyo dhaqis.

Waa maxay killi bedelid?

Marka laguu bedelo kilyaha, waxaa gudaha jirkaaga lagu rakibaa kili caafimaad qabta si ay u qabato shaqadi ay kiliyahaaga kuu qaban jireen. Faa’idada kale ay leedahay ayaa ah inaad u noolaan kartid sidaadii hore oo kale oo aan cunnadaada xad loo yeeleynin, in kastoo ay muhiim tahay inaad marwalba joogteysid cunno wanaagsan. Waxaa wanaagsanaanaya tamartaada iyo caafimaadkaaga.

Yaa loo bedelaa killida?

Waxaa loo bedelaa bukaanada yaryar iyo kuwa da’da ah ee la nool xanuunada kilyaha, arinta ugu horeysa ayaa ah in qofku uu yahay qof sidiisa kale u caafimaad qaba oo xamili kara qalliinka lagu sameynaayo. Qof kasta waxaa lagu sameeyaa qiimeyn dhan caafimaad iyo dhan maskaxi ah inta aan lagu sameyn qalliinka lagu bedelo killida. Dadka da’da ah ee lanool xanuunada sonkorowga ayaa sidoo kale loo sameyn karaa qalliinka lagu bedelo kilyaha.

Waxaa loo bedelaa kilyaha qofka ay shaqada kilyahiisa ka yar yihiin 15ML/Minute cabirka GFR (Gromeruli Filtration Rate)

Sidee baa loo sameeyaa qiimeynta ka hor qalliinka?

Dhaqtarka wuxuu kugu sameynayaa baaritaan buuxa oo jirka ah, waxaa sidoo kale la tixraacayaa sooyaalkaaga caafimaad, waxuu sidoo kale dalbanayaa raajooyin badan si u ugu kuur galo xaaladdaada guud ee caafimaad. Qiimeyntaan waa mid dhameystiran. Waxaad sameyn kartaa baaritaannadaan oo dhan xilli hore si aad u boosiisted habka killi bedelidda.

si loo ogaado in qofka uu qaadan karo kilida qofka ugu deeqaayo waxaa loo baahan yahay in labadaba lagu sameeyo baaritaan dhiiga ah si loo ogaado nooca dhiigooda, hadii dhiiga ay isku nooc ka noqdaan waxaa lagu sii sameeyaa laba baaritaan kale oo dhiig ah oo loo yaqaano, tissue typing iyo cross-matching

Tissue typing waxaa sidoo kale loo yaqaanaa genetic typing

Waa baaritaan dhiiga ah oo isku keenaya walxa la yiraahdo antigen oo ah calaamadeeye uu isticmaalo difaaca jirka si uu ukala saaro xubinta qofka uu lee yahay iyo tan uusan laheyn. Qof kasta waxa uu lee yahay lix calaamadeeye ah (antigen) oo aasaasi ah.  Antigen-nadaan waxey tilmaamayaa qofka ku haboon inuu killida ugu deeqo bukaanka. Waalidka iyo dhalaankiisa waxaa laga yaabaa iney 50 boqolkiiba islahadaan, halka islahaanshaha walaalaha ay u dhexeyso eber ilaa 100.

Cross-matching

Waa baaritaan dhiig oo lagu sameeyo deeqaha iyo lasiiyaha killida ugu yaraan laba mar oo kala duwan, baaritaankaan wuxuu fiirinayaa in dhiiga lasiiyahay killida uu iska caabinayo dhiig deeqaha iyo in kale, hadii aysan dhicin iska caabin waxey u dhigantaa in qofkaas loogu deeqi karo killi.

Waa sidee qalliinka lagu bedelo kilyaha

Waxaa laga yaabaa inaad la yaabtid in kilyahaaga aan laga saarin jirkaaga. Dhaqtarka waxaa laga yabaa inuu kilyahaaga u daayo meeshooda hadii aysan jirin xaalad caafimaad oo duruuri ka dhigeysa in la saaro, waxaa killida cusub lagu rakibaa meel kamid ah qeybta hoose ee uurkujirta. Hadii kilida ay kasocoto deeqe nool waxay shaqa bilowdaa isla marki, halka hadii ay kasocoto deeqe dhintay laga yaabo iney muddo qaadato iney dib u shaqeyso.

Qalliinka kadib waxaa lagu barayaa dawooyinka aad u baahan tahay inaad qaadatid iyo saameynta ay jirkaaga ku reebi karaan.

Maxaa dhacaya qalliinka kedib?

Marka aad kasoo baxdid qalliinka waxaa kuu bilaabmaya shaqooyinki ugu muhiimsanaa oo ah booqashada dhaqtarka, si killi bedelidda ay u noqoto mid guul ah waxaad u baahan tahay inaad joogteyso booqashada dhaqtarka gaar ahaan sanadkaaga ugu horeeya, waxaa marka hore u baahan tahay inaad sameysid baaritaanno dhiiga ah si loo xaqiijiyo in kilida ay si wanaagsan u shaqeyneyso.

Malaga yaaabaa in killida iyo jirkeyga ay isdiidaan?

Arinta ugu muhiimsan ay dhaqaatiirta la socodaan ayaa ah in ay dhacdo diidmo degdeg ah, taas oo macnaheeda ah in jirkaaga uu si kama ah ubilaabo inuu diido kilidi laguu geliyay.

Diidmada inta badan malahan calaamad iyo astaan buuxda oo lagu garto waana sababta ay muhiim u tahay in qofku uu sameeyo baaritaan dhiig oo goos goos ah si loo ogaado hawl gudashada killida.

Fursadaha diidmada waxey sareeyaan qalliinka kadib. Hadii killida ay kugu jirto waqti dheer waxaa yaraada fursadaha ay jirkaaga iyo killida isku diidi karaan

Diidmada jirka uu diido killida laguugu deeqay ayaa sii yaraaneysaa waa yahaan, sababtoo ah waxaa hormar lagu sameeyay dawooyinka caburiya difaaca jirka, hasa yeeshee halista way ukala duwan tahay qof kasta.

Goormaan ku laaban karaa nolosheyda caadiga aheyd?

Arintaan waxey ku xiran tahay hadba sida aad u biskootid, iyo xaaladaha kale ee caafimaad aad lanooshahay. Dadka intooda badan waxey shaqada ku laabtaan 8 todobaad kedib qalliinkooda, waxaa arintaan kaa caawin doona dhaqaatiirta kugu sameeyay qalliinka.

Sidee bey usaameyneysaa galmada aan sameeyo?

Dadka loo bedelay killida waxey sheegaan inuu kor ukac kuyimaaday howl gudashooda dhanka galmada ah, rag badan oo lagu sameeyay qalliinkaan ayaa dhalay caruur caafimaad qaba, sidoo kale dumarka laga bedelay ayaa kasheekeeya uur qaadis badan oo ku idlaatay guul. Hasa yeeshee dumarka waa muhiim ineysan qaadin wax uur ah ilaa hal sano kedib marka killida loo bedelo, waana muhiim iney la tashadaan dhaqtarkooda si uu uga siiyo talo fiican u siiyo.

The post Killi Beddelid Oo Si Fiican Loo Sharraxay appeared first on Daryeel Magazine.

Dhibaatooyinka Daacuunka (Shuban Biyoodka) Iyo Khataraha Ka Dhalan Kara

$
0
0

Daacuun waa xaalad halis ah oo ay sababto bakeeriya, xaaladaan ayaa sababta shuban daran iyo fuuqbax. Cudurkaan wuxuu caadi ahaan ku faafaa biyo wasakheysan. Xaaladaha daran waxaa lagama maarmaan ah daweyn degdeg ah, sababtoo ah waxaa suurto gal ah iney dhimasho ku dhacdo saacado gudahood. Tani waxay ku dhici kartaa xitaa dadka caafimaadka uu caafimaadkoodu wanaagsanaa inta uusan haleelin dacuunka.

Wasakh mareenada casiriga ah iyo daweynta lagu sameeyo biyaha lacabo ee wadamada horumaray waxay si guul ah uga takhaluseen daacuunka, hasa yeeshee daacuunka wuxuu wali dhibaata ku hayaa wadamada ku yaala Afrika, Aasiya iyo Latiin Ameerika. Khaas ahaan wadamada dagaalada aafeeyeen iyo sabool nimada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.

Maxaa sababa daacuun?

Daacuunka waxaa sababo bakteeriya loo yaqaano Vibrio Cholerae, saameynta halista ah ee cudurkaan waxay ka dhalataa sunta ay soo deyso bakteeriyadaan, suntaan waxay khalkhal gelineysaa macdanada jirka ku jira sida sodium iyo chloride, waana arin sababeysa in jirka uu saaro biyo badan taas oo dhalineysa shuban iyo lumista cusbada iyo biyaha jirka

Isticmaalidda biyo wasakheysan waa arinta ugu badan ee sababto daacuun, qudaarta aan si fiican loo karin iyo cunooyinka kale. Daacuunka ma ahan mid la isgu gudbiyo taabashada.

Waa maxay astaamaha

  • Shuban degdeg ah
  • Lalabo
  • Matag
  • Fuuqbax udhexeeya khafiif iyo mid daran

Fuuqbaxa uu sababo daacuunka waa mid daran inta badan, waxay sababi kartaa isu dheeli tirnaan la’aanta macdanada ku jira dhiigga. Caruurta waxay la wadaagaan astaamaha dadka waa weyn. Waxaa kaloo udheer iney dareemaan

Khatarada ka dhalan kara daacuunka

Daacuunka wuxuu noqon karaa mid halis ah, dareeraha iyo macdanada jirka oo si dhaqsa ah ku luma waxay sababi kartaa saacado gudahood inuu bukaanka kudhinto , sidoo kale caadiyan hadii daacuunka aan la daweyn waa mid loo dhiman karo. Xaddiga dhiigga oo yaraada iyo shuban waa khatarada ugu halista badan ee kadhalan karta daacuunka, dhibaatooyinka kale waxaa ka mid ah

  • Sonkorta dhiigga oo hoos udhacda
  • Maadada potassium oo heerkeeda hoos udhaca
  • Kilyaha oo fashilma

Sidee looga hortagaa?

Hadii aad usafreysid meel daacuunka uu kubadan yahay, wali fursadaha uu kugu dhici kara waa mid yar hadii aad:

  • Gacmaha iska dhaqdid marar badan
  • Cabtid biyo sijilaateysan ama la karkariyay
  • Ka fogaatid cunidda cunooyinka ceyrinka ah
  • Ka fogaatid cunooyinka caanaha laga sameeyay
  • Cuntid qudaarta iyo miraha aad adiga laftirkaaga fiiqi day ama nadiifisay

The post Dhibaatooyinka Daacuunka (Shuban Biyoodka) Iyo Khataraha Ka Dhalan Kara appeared first on Daryeel Magazine.


Naas Nuujinta Xilliga Soonka Iyo Talooyinka Dhakhtarka

$
0
0

NAAS NUUJINTA IYO RAMADAANKA:

Waxaa jira hooyooyin badan oo carruur jaqsiiya naaska, laakiin jecel in ay soomaan bisha barakaysan ee Ramadaan, kuwaas oo warwar badan ka qaba in soonku raad ku yeesha caafimaadka hooyada ama caafimaadka ilmaha ay jaqsiinayso.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyin caafimaad oo ay dhakhaatiirta takhasuska ahi u diyaariyeen hooyada ilmuhu jaqo ee doonaysa in ay soonto, kana warwarsan caafimaadka nafteeda iyo ilmaha, waxa aana talooyinkaas ka mid ah:

– Hooyada Ilmuhu jaqo ee soomaysaa waa in cabbitaan badan cabto, laga bilaabo afurka illaa afxidhka bisha Ramadaan. Waxa anay dhakhaatiirtu ku taliyeen in cabbitaanka biyaha iyo sharaabada isugu jira ee ay hooyadani cabbaysaa aanu ka yaraan 8 illaa 12 koob.

– Xilliga suxuurta waa in ay hooyadani xoogga saartaa biyo cabbista.

– Hooyada ilmaha jaqsiisa ee soomaysaa waa in ay ku afurto cunto ay ku badan yihiin Kalooriska oo looga jeedo xaddiga tamarta uu jidhku heerkulkiisa uga baahan yahay ah ee ku jirta cuntada.

– Hooyadu waa in ay badsato khudradda noocyadeeda, xilliga afurka iyo suxuurta labadaba.

– Hooyada ilmaha jaqsiisa ee soomaysaa waa in ay doorata cuntooyinka ay ka mid yihiin Caanaha, Timirta iyo khudradda ingagan.

– Hooyada ilmaha jaqsiisa ee soomani waa in ay shaqooyinka u baahan muruqa iyo dhaqdhaqaaqa jidheed u dhigato habeennimadii, oo aanay samayn inta ay sooman tahay.

– Waa in ay ku dadaasho qabowga jidhkeeda, xilliga kulaylka badani jirana ay waqti ka mid ah maalinta nasato.

– Haddii hooyada naaska nuujisa ee soomani ay xilliga ay afxidhantay dareento ingag badan, dawakhaad, ama daal jidheed ama miyir beelba waxaa lagula talinayaa in ay soonka jebiso, sida ugu dhaqsaha badanna dhakhtar ula xidhiidho.

-KAMAAL MARJAAN

The post Naas Nuujinta Xilliga Soonka Iyo Talooyinka Dhakhtarka appeared first on Daryeel Magazine.

Ahmiyadda Caafimaad Ee Baamiyaha Cudurrada Uu Ka Hortago

$
0
0

Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya waxa ay iftiiminaysaa faa’idooyinka caafimaad ee uu jidhka u leeyahay baamiyaha oo ka mid ah khudradaha dhulka Soomaalida laga helo, laakiin aanay dadku inta badan dareemin waxtarkiisan caafimaad:

Macaanka:

Nafaqooyinka iyo maaddooyinka baamiyaha ku jiraa waxa ay la dagaalamaan macaanka, waxa aanay nidaamiyaan xaddiga sonkorta dhiigga, halka mihdihiisuna ka yareeyaan macaankaas.

Daalka Nafsiga ah iyo wahsiga:

Baamiyaha waxaa ku jira laba nooc oo ka mid ah maaddooyinka mariidka/suntan dila korna u qaada xaddiga maadadda Glycogen ee beerka. Maadadda Glycogen waa shidaalka jidhka u ogolaada in uu shaqeeyo, sidaa awgeedna waxa ay dishaa daalka iyo caajiska ama wahsiga, waxa aanay jidhka gelisaa firfircooni.

Kalastaroolka xun:

Baamiyuhu waxa uu yareeyaa xaddiga Kalastaroolka xun ee jidhka ku urura.

Amateedka:

Baamiyaha waxaa ku jira gan/gas sababa in qofka in yar oo ka mid ah cuna ay hoos u dhacdo doonistiisa cuntadu, sidaa awgeed waxa uu ka qayb qaataa in qofku cunto yar cuno, taasina keento miisaanka oo yaraada.

Caafimaadka beerka:

Baamiyuhu waxa uu xakameeyaa faafitaanka cudurka beer-subagowga, waxa aanu ilaaliyaa caafimaadka beerka maadaama oo ay ku jiraan isku dhisyada lagu magacaabo Flavonoids oo nidaamiya Gulukoosta, isla markaana guba dufanka beerka.

Kalshiyaamta:

Jidhka bani’aadamku waxa uu maalintii u baahan yahay 51 Miligiraam si caafimaadka lafuhu u fiicnaadaan, wareegga dhiigguna u nidaamsamo, Kalastaroolka dhiiggu u yaraado, caafimaadka wadnuhuna u fiicnaado, waxaa mucjiso ah in xaddigaas 51 Miligaraamka Kalshiyaamta ah ee qofku u baahan yahay uu ka heli karo hal mar oo uu cuno cunto baamiye lagu sameeyey.

Aragga:

Baamiyaha waxaa ku jira Beta-Carotene iyo Faytamiin A oo ah laba curiye oo la xaqiijiyey in ay muhiim u yihiin wanaajinta aragga iyo ilaalintiisa.

Xaaladaha nafsiga ah:

Baamiyaha midhiisu waxaa ku jira maaddooyin si weyn qofka uga yareeya sakatiga, qulubka iyo culayska nafsiyadeed. Xaaladahaas oo la og yahay in ay kam id yihiin sababaha ugu badan ee buurnimada iyo macaanka keena.

Kansarka:

Barootiinta ‘Lectin’ oo ku jira baamiyaha ayaa la xaqiijiyey in uu ka hortag fiican u yahay kansarka noociisa ku dhaca naasaha, sida oo kalana waxa uu barootiinkani jidhka ka caawiyaa in uu ka takhaluso boqolkiiba 72 unugyada kanarka ee jidhka ku dhasha ah.

Habdhiska difaaca:

Baamiyuhu waxa uu kaalin mug leh ka qaataa xoojinta habdhiska difaaca ee jidhka, sida oo kalana waxa uu hodan ku yahay Faytamiinnada A iyo C oo jidhka muhiim u ah.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

-Wargeyska Geeska Afrika

The post Ahmiyadda Caafimaad Ee Baamiyaha Cudurrada Uu Ka Hortago appeared first on Daryeel Magazine.

Maxaa Jirkaaga Ku Dhacaya Haddii Aadan Cunin Khudaar Kugu Filan?

$
0
0

Waxaa xaqiiqa ah in cunista khudaarta laga helo fiitamiinno, macdano iyo maadooyin kale oo caafimaadka lagama maarmaan u ah. Cunista khudaarta oo la joogteeyo waxay ka hortagtaa cudurrada kansarka, macaanka iyo wadne xanuunka.

Faybarka ku jira khudradda waxa uu gacan ka gaystaa hoos u dhigista heerka dufanka dhiigga, waxaana uu kordhiyaa maadada folic acid ee dhiigga ku jirta, sidoo kale, faybar waxa uu aasaasi u yahay caafimaad qabka dheefshiidka.

Qormadaan waxaan ku eegaynaa calaamado caddeynaya in aadan cunin khudrad kugu filan:

Nabraha:

Fitamiin C oo jirka ku yaraada waxay sababtaa in jirku si fudud nabro u yeesho, finan, cirridka oo dhiiga, daal joogto ah, tabar yari iyo heerka bogsashada nabraha iyo dhaawacyada fudud oo hoos u dhacda. Khudradda laga helo fitamiin C-ga waxaa ka mid ah barbarooniga, basbaaska cas, khudradda caleemaha cagaaran leh iyo yaanyada.

Hargab joogto ah:

Cunis la’aanta khudradda iyo fitamiin C-ga oo jirka ku yaraada waxay keentaa inay hoos u dhacdo awoodda difaaca jirka si uu iskaga caabbiyo bakeeriyada iyo fayrasyada. Fitamiin C-gu wuxuu ka hortagaa xanuunnada difaac yarida ka dhasha sida hargabka iyo ifilada. Khudradda cagaaran waxaa ka buuxo fitaamiin C, maadooyinka sunsaarista iyo birta (iron).

Daal joogto ah:

Haddii aad isku aragto daal joogto ah waxay astaan u noqon kartaa in maadada folic acid (folate) ay jirkaaga ka maqan tahay. Folic acid oo jirka ka maqan waxay keentaa daal joogto ah iyo dhiigyari. Folic acid wuxuu la shaqeeyaa fitamiin B12 wuxuuna keenaa dhiigyari hadduu jirka ku yaryahay, waana in la siiyaa dumarka uurka leh wuxuu muhiim u yahay samayska DNA oo ah macnaheeda waa muhiim markii unug cusub la samaynaayo, haddii hooyada uurka leh aysan qaadan fitamiinkaan ama uu ku yaryahay waxaa la arkaa in ay dhasho caruur dhabar furan ama san faruuran. Folic acid waxaa laga helaa digirta, misirta iyo koostada.

Hilmaan badan:

Inkastoo illowshiyaha marmarka ah uu ku dhaco dadka oo dhan, da’a kasta, haddana haddii aad isku aragto in awoodaada wax xiftidintaada ay hoos u dhacday illowshiyanahana uu kugu batay waxay tilmaan u noqon kartaa in jirkaaga ay ka maqan yihiin nafaqooyin muhiim ah. Maadada “luten” waxaa la ogyahay inay kobciso xusuusta iyo awoodda waxbarashada. Maadadaan waxaa laga helaa kaarootada, khudradda caleemaha cagaaran, broccoli-ga, galleyda iyo yaanyada. Maadaani waxay kaloo ka hortagtaa caadka indhaha fuulo iyo xanuunka kale ee ku dhaco indhaha ee loo yaqaanno “Macular Degeneration” oo yimaada marka qofka uu duqoobo.

Stress badan:

Waxaa jira cuntooyin saamayn wayn ku leh stress-ka. Hurku ama balbalku waa falcelinta dabiiciga ah ee stress-ka, hurku waxa uu saamayn xun ku yeeshaa jirka, cuntooyinka hoos u dhiga hurka (anti-inflamatory) waxaa ka mid ah kalluunka salmon, tuunada, barbarooniga, yaanyada, saliid saytuunta, khudradda caleemaha cagaaran leh lawska, farawlaha (strawberry) iyo liin macaanta.

Murqo xanuunka:

Khudradda waxaa laga helaa maadada “potassium” oo ka hortagta murqo xanuunka, gaar ahaan xilliyada jimicsiga. Potassium, waxay jirka u tartaa inay waasiciso xididada dhiiga khaasatan markuu cadaadiska dhiigga uu kaco, waxay ka hortagtaa xanuunnada wadnaha iyo kilyaha, walwalka iyo stress-ka. Maadadaan waxay kaloo kobcisaa awoodda murqaha iyo dheefshiidka. Maadadaan waxaa lagaa helaa koostada, baradhada macaan, broccoli-ga, mushroom-ka, baradhada iyo bocorka.

Cilladaha aragga:

Cunista khudradda sida kaarootada iyo baytaraafka waxaa ku badan “carotenoids” oo ka hortagga xanuunnada aragga sida caadka iyo xanuunka “macular degeneration”

Qofka aan si joogto ah u cunin khudradda waxay kordhisaa halista cilladaha dheefshiidka sida calool istaagga, dibirada iyo baabasiirka. Khudraddu waxay ka hortagtaa xanuunka xididka wadnaha ee loo yaqaanno “Coronary artery disease”, wadne qabadka iyo xabad xanuunka.

Haddaba ku dedaal inaad joogteeyso cunista khudradda si aad kor ugu qaado caafimaadka jirkaaga iyo maskaxdaada.

The post Maxaa Jirkaaga Ku Dhacaya Haddii Aadan Cunin Khudaar Kugu Filan? appeared first on Daryeel Magazine.

Muhiimadda Ay Leedahay In La Cuno Kalluunka Xilliga Afurka

$
0
0

Kalluunka oo ka mid ah cuntooyinka marka horeba ku yar miiska cuntada ee Soomaalida ayaa ay cunistiisu sii yaraataa, xilliga Ramadaanka,  maadaama ay dad badani aaminsan yihiin in uu harraad keeno. Laakiin xeeldheereyaasha nafaqadu waxa ay ku talinayaan in xilliga soonka lagu dadaalo cunista kalluunka noociisa dufanka leh oo la ogaday in uu u fiicanyahay caafimaadka wadnaha.

Dhakhaatiir Maraykan ahaa ayaa sheegay in laba jeer toddobaadkii oo la cuna noocyada dufanka leh ee kalluunka; sida Solomonka, Tuunaha iyo nooca loo yaqaanno Mackerel ay sabab u noqon karto in ay ka hortagto ama xakamayso cudurrada wadnaha ku dhaca iyo wadne ku soo boodka kediska ah, ama wadnaha oo shaqada gaba. Si aad u sii xoojiso caafimaadka wadnahaaga ku dadaal in bisha soonka aad isticmaasho noocyadan kalluunka ah ee aynu xusnay.

Xeeldheereyaasha jimciyadda caafimaadka wadnaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in toddobaadkii laba jeer oo la cuno qiyaas ah 100 giraam oo kalluun ah, gaar ahaan noocyada dufanka asiidh ee Omega3 hodanka ku ah, ay u fiican tahay caafimaadka wadnaha. Waxa se ay ka digeen in la cuno kalluunka loo sameeyey qaabka shiilista ah.

Erik Rim iyo kooxda cilmibaadhistan la samaysay oo uu isagu hoggaaminayey ayaa joornaalka ‘Circulation’ ku qoray in ay jiraan cilmibaadhiso kale oo daahfuray in isticmaalka asiidhada Omega3 ee dufanka leh uu yareeyo ku dhicista wadne xanuunka iyo garaaca wadnaha oo khalkhal ku yimaaddo. Waxa kale oo ay sheegeen in kalluunka dufanka Omega 3 hodanka ku ahi uu yareeyo khatarta ah in ay xidhmaan xididdada dhiigga wadnaha geeya, iyo in ay dejiyaan dhiigkarka.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ka hadleen mid ka mid ah sababaha ay dad badani isaga ilaaliyaan isticmaalka kalluunka, oo ah in ay ka baqayaa in khatari kaga timaaddo suntan meerkeriga (Mercury) oo kalluunka jidhkooda la falgasha gaar ahaan nooca Tuunaha. Waxa aanay sheegeen in maadaddani ay ku jirto inta badan ee kalluunada badda, laakiin ay si gaar ah ugu badan tahay kalluunada waaweyn ee ay ka mid yihiin Libaax badeedka iyo tuunaha nooca isha weyn leh. laakiin waxa ay sheegeen in suntan meerkeriga oo jidhka gashaa aanay badin khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnuhu. Iyo in marka la is barbar dhigo khatarta kai man karta cunista kalluunka iyo faa’iidada caafimaad ee ku jirta, ay mar kasta aad u badan tahay faa’iidadiisu.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

The post Muhiimadda Ay Leedahay In La Cuno Kalluunka Xilliga Afurka appeared first on Daryeel Magazine.

Garasho U Yeelo Xaaladda Beeldareynta Borotiinka

$
0
0

Beerdareynta borotiinka waa cillad ku dhacda kilyaha, cilladdaan waxey sababeysaa in kilyaha ay borotiin badan ku daraan kaadida.

Xaaladdaan waxaa loo yaqaanaa nephrotic syndrome, waxaa inta badan sababa dhaawac soo gaara qeybo kamid ah xididda yaryarka ah ee ku jira gudaha kilyaha ee wasakhda iyo biyaha dheeriga ah kamiira dhiiga. Beerdareynta borotiintka waxey sababeysaa barar lagu arko jirka gaar ahaan lugaha iyo anqawyada, sidoo kale waxey keeni kartaa dhibaatooyin kale oo caafimaad.

Dawada nephrotic syndrome waxey isugu jirtaa daweynta waxa qarsan ee sababaya in kilyaha ay beerdareeyaan borotiin. Xaaladdaan waxey kor uqaadi kartaa halista jirkaaga uu ugu jiro iney soo wajahaan infekshano iyo in dhiiga uu xinjiroobi. Dhaqtarada waxey kula taliyaan bukaannada qaba xanuunkaan iney qaataan dawooyin iyo in ay sameeyaan isbedel dhank cunnada ah si looga hortago dhibaatooyinka kale oo ay keento xaalladda beerdareynta borotiinka.

Astaamaha

Calaamadaha iyo astaamaha ay leedahay xaaladda nephrotic syndrome waxaa kamid ah:

  • Barar daran oo lagu arko jirka gaar ahaan hareeraha indhaha, anqawyada iyo lugaha
  • Kaadi xumbo wadata
  • Misaanka oo kordha bararka awgiis
  • Daal badan
  • Rabitaanka cunnada oo yaraada

|| Fadlan booqo dhaqtarka cudurada guud hadii aad isku aragtid calaamadaha kor ku xusan. ||

Sababaha

Xaaladda beerdareynta borotiin ee loo yaqaano nephrotic syndrome waxaa inta badan sababo dhaawac soo gaara koox kamid ah xididada yarayr ee loo yaqaano (glomeruli) ee kujira gudaha kilyaha.

Glomeruli-ha waxey dhiiga kamiiraan wax yaabaha aan jirkaaga u wanaagsaneyn, xididdaan yaryar marka ay caafimaad qabaan waxey kaadida ka ilaaliyaan borotiinada (gaar ahaan borotiinka loo yaqaano albumin), borotiinkaan wuxuu muhiimad weyn u leeyahay in jirka ay ku haraan biyo xadigooda wanaagsan yahay. Marka ay dhaawacmaan xididdada yaryar waxey ogolaadaan in jirka uu borotiin badan ku beerdareeyo kaadida, kedib waxaa dhalanaya xaaladda loo yaqaano nephrotic syndrome

Waxyaabaha kala duwan ee sababi karo xaaladdaan

Waxaa jira xanuunno badan oo sababi kara in xididda yaryar ee loo yaqaano glomeruli ay dhaawacmaan, waxaana kamid ah:

  • Kilyo xanuunka sonkoroowga
  • Minimal change disease. Xanuunkaan waa midka ugu caansan ee sababa beerdareynta borotiinka ee ku dhaca caruurta, xanuunkaan wuxuu isbedel kusameynayaa shaqada kilyaha, hasa yeeshee marka nudaha kilida lagu fiiriyo mikariskoob, nudaha wuxuu u muuqdaa si caadi ah ama in uu jiro isbedel yar. Waxa dhabta ah ee sababaya isbedelka shaqada si sax ah looma garan karo.
  • Focal segmental glomerulscelerosis. Waxaa lagu yaqaanaa boogaga lagu arko koox kamid ah glomeruli, xaaladdaan waxey ka dhalan kartaa xaalado kale oo caafimaad ama waxey noqon kartaa mid hiddo ah, sidoo kale waxey ku imaan kartaa sabab la’aan.
  • Membranous nephropathy. Cilladaan ku dhacda kilyaha waxey timaadaa marka xuubka glomeruli-ha uu adkaado, sababta adkeysana ma ahan mid lagaranaayo, hasa yeeshee mararka qaar waxaa lala xiriiriyaa xanuuno kale sida cagaarshoow B, duumo, lupus iyo kansar.
  • Systemic lupus erythematosus. Waa caabuq joogta ah oo dhaawac halis ah ku sababi kara kilyaha.
  • Amyloidosis. Cilladdaan waxey dhacdaa marka walax la yiraahdo amyloid protein ay kabuuxsamaan xubanaha gudaha, walaxdaan marka kilyaha ka buuxsanto waxey saameyn ku keenaan wasakh saaridda kilyaha
  • Xinjir ku sameysanta arooraha killida. Xinjiroow ka dhaca arooraaha kilida waxey keeni kartaa nephrotic syndrome oo ah beerdareynta borotiinka.

Dhibaatooyinka wehliya beerdareynta borotiinka

  • Xinjiro ku sameysma gudaha dhiiga. Beerdareynta borotiinka ayaa sababi karta in jirka uu lumiyo borotiinada maamulo habka ay xinjirta u sameysanto, arintaan waxey kor uqaadeysaa halista ah in arooraha killida ay xinjir xerto
  • Kolesterool kacsan. Marka jirka ay ka baxaan borotiin badan gaar ahaan borotiinka albumin, beerka wuxuu isku dayayaa inuu dhiiga kusoo shubo borotiin badan sidoo kale beerka wuxuu soo daayaa kolesterool badan.
  • Nafaqo xumo. Marka jirka uu dhumiyo borotiin badan waxaa hoos udhaca miisaanka jirka, laakin hoos u dhacaas waxaa qariyo bararka jirka. Sidoo kale waxaa dhici karaa dhiigyari iyo vitamin D iyo macdanta kaalshiyaam oo yaraada
  • Dhiig kar. Dhaawaca soo gaara glomeruli iyo wasakhda kubadaneysa dhiiga gaar ahaan wasakhda loo yaqaano (Uremia) waxey kor uqaadaan cadaadiska dhiiga.
  • Kilyaha oo si degdeg ah ku fashilma. Hadii killida ay gabto awoodi ay ku nadiifineysay dhiiga dhaawac soo garay xididdada glomeruli awgeed, waxaa durbadi dhiiga buux dhaafinaya wasakh, hadii arintaan ay dhacdo waxaa laga yaabaa in loo baahdo kilyo dhaqis degdeg ah- oo ah mashiin lagu xero dhiiga si jirka looga saaro wasakhda.
  • Xanuun joogta ah oo soo wajaha kilyaha. Nephrotic syndrome waxaa laga yaabaa inuu sababo in kilyahaaga ay si tartiib tartiib ah u howl gabaan. Hadii ay shaqada killida aad hoos ugu dhacdo waxaa loo bahanayaa kilyo dhaqis ama in kilida la bedelo.
  • Dadka la nool beerdareynta borotiinka waxey halis ugu jiraan iney jirkooda ku dhacaan infekshano kala duwan.

Baaritaanka

Baaritaannada la sameeyo si loo ogaado iney jirto xaaladaan waxaa kamid ah:

  • Baaritaanka kaadida. Urinalysis waa baaritaanka kaadida ee lagu ogaado qaladaadka kaadida, sida xaddiga borotiin ee kujira kaadida, qofka lanool nephrotic syndrome waxaa laga yaabaa in laga qaado kaadi 24 saacadood si loo ogaado cabirka borotiinka saxda ah ee kujira kaadida qofka.
  • Baaritaannada dhiiga. Dhiiga waxaa laga yaabaa in lagu arko cabirka borotiinka oo hooseya (hypoalbuminemia) iyo guud ahaan borotiinnada kala duwan ee jirka. Sidoo kale waxaa lagu arkaa kolesterool heerkiisu sareeyo. Waxaa la isticmaalaa heerka maadooyinka creatinine iyo urea si loo cabiro shaqada guud ee kilyaha.
  • Baaritaanka cad yar laga soo gooyo killida. Dhaqtarka waxaa laga yaabaa inuu dalbado nidaam loo yaqaano kidney biopsy oo ah in cad yar laga soo gooyo killida si loo baaro, marka la sameynaayo kidney biopsy waxaa cirbad gooni ah la geliyaa dhanka killida, kedib waxaa lasoo gooyaa cad yar oo loo diro sheybaarka.

Dawada

Daweynta nephrotic syndrome waxaa laga bilaabaa in la daweeyo xaalad kasta oo qarsan oo sababeysa in jirka uu beerdareeyo borotiinka, dhaqtarka waxaa laga yaabaa inuu kuu qoro dawooyinka loogu talo galay in lagu maareeyo calaamadaha iyo astaamaha ka dhasha xanuunkaan, dawooyinkaas waxaa kamid ah:

  • Dawooyinka dhiig karka
  • Dawooyinka kaadida badiya
  • Dawooyinka lagu dajiyo kolesteroolka
  • Dawooyinka qafiifiya dhiiga
  • Dawooyinka lagu caburiyo difaaca jirka

Qaab nololeedka iyo sida guriga loogu daryeelo xanuunka beerdareynta borotiinka

Isbedel aad ku sameysid cunnadaada ayaa kaa caawin karta sidi aad ula qabsan laheyd xanuunka nephrotic syndrome. Dhaqtarkaaga waxaa laga yaabaa inuu kuu diro xirfadle caafimaad oo ku taqasusay cunnada si aad u ogaatid waxa aad cuni kartid si aad u yareeysid dhibaatooyinka xanuunka beerdareynta borotiinka. Cunno yaqaanka waxaa laga yaabaa inuu kugula taliyo:

  • Inaad dooratid hilib jiir ah si aad u heshid borotiin fiican
  • Inaad yareesid xadiga dufanta iyo kolesteroolka ee ku jira cunnada aad cuneysid si aad u xakameysid heerka kolesteroolka dhiigaaga
  • Inaad cuntid cunno aysan ku badneyn cusbada si aad u yareeysid bararka
  • Inaad yareysid cunnooyinka kiciya cabirka sonkorta ee dhiiga, gaar ahaan marka aad qaadaneysid dawooyinka miisaanka siyaadiya ee loogu talo galay in lagu caburiyo difaaca jirka

Dadka qaar ee la nool beerdareynta borotiinka waxaa laga yaabaa iney ku yartahay maadada zinc. Cilmi baaris dhawaan lasameeyay ayaa sheegeysa in daawada ay la socoto maadada zinc ay caawineyso caruurta la nool xanuunka nephrotic syndrome.

The post Garasho U Yeelo Xaaladda Beeldareynta Borotiinka appeared first on Daryeel Magazine.

Viewing all 1527 articles
Browse latest View live