Quantcast
Channel:
Viewing all 1527 articles
Browse latest View live

Healthy Benefits Of Walking Everyday!

$
0
0

There are many health benefits of walking.

Walkers have less incidence of cancer, heart disease, stroke, diabetes and other killer diseases. They live longer and get mental health and spiritual benefits.

Walk and Exercise to Add Healthy Years to Your Life:
Analysis of research data shows that moderate and high levels of physical activity added disease-free years to life.

Walk Away From Colds:
Walking and Exercising Prevents Colds
Exercise and walking have been shown by research to reduce your risk of catching a cold. Find out more about exercise and your immune system and how to prevent catching a cold.

Walk and Live Longer Through Walking:
Research shows that walkers have a lower death rate
Walking Prevents Cancer and Glaucoma
Walking reduces the risks of developing cancer and glaucoma, according to research studies.

Walking Downhill Lowers Blood Sugar:
Research shows that walking only downhill had surprising benefits in lowering blood sugar levels and LDL cholesterol.

Walk More, Walk Faster Says the CDC:
Most walkers aren’t walking far enough, often enough or fast enough to get the full health benefits, according the Center for Disease Control.

Here are a few steps you can take to develop your own walking program:

Find ways to make your walking enjoyable, by listening to music, books on tape, or teaching tapes. Some people prefer to just enjoy nature and life around them, and the time to think, pray, or just let their mind wander. The more you enjoy your walks, the more likely you are to walk consistently.

Make it a daily habit – Walking daily makes you a much better “fat-burner” than if you are walking two to three days a week. And, most people that make the switch will tell you that it’s easier to walk every day. You don’t have to think about whether it’s a walk day or not and get geared up for it – you just do it every day and your body gets used to it. It soon becomes a normal part of your day and you begin to look forward to it.

Incorporate “intervals” into three or four of your walks each week. Intervals are brief periods (about one minute) of more intense exercise mixed into your walking sessions. For example, you would do a one minute interval of faster walking about every five minutes throughout your exercise session.

Walk with light (one to two pound) hand weights two to three days per week. Swing your arms and also use a variety of arm movements while walking to tone your upper body muscles and further increase your basal metabolic rate.

If at all possible, do your walking first thing in the morning. Over 90% of people who walk consistently, walk first thing in the morning. If you want to walk consistently, odds are in your favor if you hop to it early.

Look for situations throughout your day when you can do a little more walking. Welcome the opportunity to walk a little extra during your daily activities. For example, when safe to do so, park way out in the parking lot of Wal-Mart or your grocery store and hike to the store.

Make one day a week your “easy day.” Make this a very leisurely walk. Enjoy the sights and sounds around you and appreciate how good your walks are starting to feel as you lose weight and tone your muscles.By taking these steps you’re making this time each day a special time to take care of yourself.

Make that a priority in your life and don’t let anyone or anything keep you from that time. Walking every day will have a positive impact on all aspects of your life, including your weight and fitness level!

The post Healthy Benefits Of Walking Everyday! appeared first on Daryeel Magazine.


Astaamaha Cabeebka Iyo Sida Looga Hortago (Vaginal Infection Yeast)

$
0
0

Cabeebka waxaa sidoo kale loo yaqaana infekshanka khamiirka ah ee xubinta galmada dumarka, waa xaalado caan ah oo soo wajahda dumarka. Waxaa sababo cabeebka il ma aragto loo yaqaano Fungus Candida, waxaa la dareemaa cuncun daran iyo barar.

Waxaa lagu qiyaasaa in afarti dumarba ay saddex dareento cabeebka waqti kamid ah nolosheeda. Mar hadii uu kugu dhaco waxay u badan tahay inuu mar kale kusoo wejihi doono.

Cabeebka kama mid ahan infekshanda laisugu gudbiyo galmada.

Maxaa sababa cabeebka

Candida waa il ma aragto si dabiici ah ugu nool hareeraha farjiga. Tarmiideedna waxaa taako ku haya bakteeriya la yiraahdo lactobacillus bacteria. Hasa yeeshee bakteeriyada ma ahan mid shaqeyn karta hadii jirkaaga ay ka jirto isku dheeli tirnaan la’aan. Tani waxey sababeysaa in cabeebka oo ah tarmida il ma aragtada candida.

Isku dheeli tirnaan la’aanta sababi karta iney il ma aragtada taranto waxaa kamid ah:

  • Qalajiyaasha (Waxey hoos u dhigaan bakteeriyada lactobacillus oo ah mid u wanaagsan jirka oo ku nool gudaha farjig)
  • Uurka
  • Sonkoroow aan la xakameyn
  • Difaaca jirka oo daciif noqda
  • Cunta aan wanaag saneyn oo la cuno, sida cunnooyinka sonkorta badan
  • Khalkhal ka dhaca hormoonada jirka
  • Walwal
  • Hurdo la’aan

Astaamaha cabeebka

Cabeebku wuxuu leeyahay astaamo qaar ah oo iswata. Astaamaha waxaa ka mid ah:

  • Cuncun
  • Dareen kuleyl
  • Dhecaan yar ama badan oo ka yimaad farjiga
  • Xanuun xiliga galmada
  • Barar
  • Finan

Hadii waqtiga uu ku haayo infekshanka ay badan tahay waxaa ka sii dara astaamaha kore

Mala daweyn karaa?

Cabeebku waa infekshan si fudud loo daweyn karo hadii uu yahay mid sahlan.

Hadii uu yahay mid daran waa in si mintidnimo ah loola dagaalama.

Sidee looga hortagaa?

Marar badan waxaa laga yaabaa inaad garan kartid waxa kugu sababay cabeebka. Tusaale ahaan dumarka qaar waxey dareemaan infekshanka marka ay qaataan qalajiye (antibiotika). Hadii aad garan kartid waxa halista kugu ah waad ka hortagi kartaa.

Siyaabaha qaar ee looga hortago waxaa kamid ah:

  • Ha xiran surwaal ama kastuumo/nigsaan kugu dhegan
  • Ha isticmaalin tambooniga la geliyo gudaha farjiga
  • Hala fariisan dhar qoyan
  • Cun cunto isku dheeli tiran
  • Cun ama cab caanaha garoorka ah
  • Haku qubeysan/meyran biyo kulul
  • Hoos gashigaaga ku dhaq biyo kulul

-BAROCAAFIMAAD

The post Astaamaha Cabeebka Iyo Sida Looga Hortago (Vaginal Infection Yeast) appeared first on Daryeel Magazine.

Cudurka Cagaarshoowga C (Hepatitis C):

$
0
0

Hepatitis C (Cagaarshoow C):

Cudurkaan waa infekshan uu sababo fayrus, fayruskaan ayaa weerar kusoo qaada beerka wuxuuna sababaa in beerku caabuq ku dhaco. Dadka intooda badan wax calaamado ah kama soo muuqdaan, ama waxaaba la oran karaa dadka qaarkood ma oga in cudurkaan hayo iyo inkale ilaa inta beerka uu kasoo gaarayo dhaawac weyn.
Cudurka cagaarshoow wuxuu leeyahay qaybo badan qeybta cagaarshoowga C waxaa loo tix galiyaa inuu yahay midka ugu khatarta badan.
Waxaa la iskugu gudbin karaa in qofku taabto dhiig ka yimid qof kale oo cudurkaan qaba.

Astaamaha cagaarshoowga C:

Cudurkaan wax calaamado ah oo lagu garto majiraan ilaa uu ka gaarayo xaalad halis ah oo dhaawac wayn laga dareemayo beerka. Balse waxaa jiri kara calaamado yar yar oo dadka qaarkood isku arki karaan sida:

  • Daal
  • Lallabo ama cunto xumo
  • Calool xanuun
  • Midabka kaadidada oo mugdi noqda
  • Qandho
  • 6
  • Murqo xanuun.

Saan horay u sheegnayba marka cagaarshoowga C uu qofka ku dhaco waxaa calaamadahiisu ay kasoo baxaan waqti danbe oo dhawr sano lagu qiyaasi karo. Waxaana kamid ah calaamdahaas;

  • Qofka oo si sahlan ku dhiig baxa
  • Maqaarka oo cun cuna
  • Dareere caloosha fariista
  • Lugaha oo barrara
  • Miisaanka oo hoos u dhaca
  • Wareer iyo isku dhex yaac xaga maskaxda ah oo mararka qaarkood dhaca

Sababaha cagaarshoowga C:

Cagaarshoowga C waxaa sabbaba fayrus loo yaqaano HCV

Fayruskaan waxaa la iskugu gudbin karaa taabashada dhiiga, hadii aad isticmaashid irbad ama sakiin uu isticmaaalay qof cudurka qaba waxaa sahal noqonaysa inuu cudurku adna kugu dhaco.

Yaa khatar ugu jira cagaarshooga C?

Cudurkaan oo ah mid si sahlan ku faafa waxaa jira dad badan oo halis ugu jira;

  • Hadaad tahay shaqaale caafimaad, siiba hadii ay ku mudday irbad qofqabo soo isticmaalay.
  • Hadii aad qabtid cudurka AIDs ka
  • Hadii aad isticmaashay qalab caafimaad oo si fiican loo nadiifin
  • Hadii aad tahay maxbuus
  • Hadii aad tahay qof xili hore laga badalay xubin jirkiisa kamid ah sida beerka
  • Ilmaha ay dhashay hooyo qabta Cudurkaan

Waa maxay dhibaatooyinka ka imaan kara xanuunkan?

Waxaa jira dhibaatooyin dhawr ah oo ka dhalan kara hadii Cudurkaan uu bukaanka hayo waqti dheer sida 20-30 sano

  • Cudurka loo yaqaan beer subag oo beerka ku dhaca kaasoo shaqada beerka daciifiya.
  • Inuu kansarka beerka kugu dhaco
  • Hadaan la dawayn cagaarshawga C wuxuu sababayaa in gabi ahaanba shaqada beerku istaagto ayadoo beerku noqonayo hawl gab.

Ka hortaga cagaarshoowga C:

Mar walba xusuusnoow kahor tagu wuxuu ka fiican yahay daweenta, sidaa daraadeed ka difaac naftaada cudurkaan adoo qaadanaya talooyinkaan;

  • Ka fogoow isticmaalka dawooyinka wasakhoobay ama dhacay
  • Iska ilaali isticmaalka qalabka caafimaadka oo horay loo soo isticmaalay sida, irbadaha, sakiinta, iyo wixii lamid ah
  • Sida diinteena suuban qabto galmada xaaraanta ah waxaa laga qaadaa cuduro halis ah, cudurka cagaarshawga C waxaa lagu kala qaadi karaa galmada sidaa daraadeed kafogoow galmada xaaraanta ah.

Talo Bixin:

Ugu danbaytii waxaa lagugula talinayaa inaad;

  • iska daysid isticmaalka daroogooyinka halista ah
  • Inaad ku dadaashid nadaafada cuntada iyo biyaha aad cabaysid
  • Inaadan qaadan dawo uusan dhakhtar kuusoo qorin sababtoo ah dawooyinka qaarkood uma fiicna caafimaadka beerka

BAROCAAFIMAAD

The post Cudurka Cagaarshoowga C (Hepatitis C): appeared first on Daryeel Magazine.

Muhiimadda Qashin Saaridda Jirka!

$
0
0

Qashin saaridda jirka waxa kaliya ay sameyn karto ma ahan qurxinta maqaarka, ee waxey kaloo siyaadin kartaa heerka tamartaada, kor uqaadista habka dheefshiidka iyo yareynta miisaanka.

Qashin saaridda jirka ma ahan arin si dhaqsa ah uridda miisaanka. Ujeeda waa in culeyska laga qaado xubnaha jirka qashin saara sida kilyaha, beerka iyo mindhiciraha sidoo kale qashin saarka wuxuu kor uqaadayaa shaqada xubnahaas. Hadii aad u baahan tahay inaad culeyska ka qaado xubnahaas ama aad mararka qaar qashin saarto jirkaaga, raac qodobadaan oo isku day inaad sameysid hal mar bil kasta.

Qorshahaan waxaa loogu talo galay inuu socdo todobo cisho.

Marka hore waa inaad fiirisaa cunnadaada oo aad go’aan sataa xiliga aad rabtid inaad bilowdid qashin saaridda jirkaaga, kedib waa inaad ka fogaataa barnaamijyada caqabad ku noqon kara qorshaha sida, xafladaha iyo aroosyada. Ogoo dadka qaar waxey dareemaan madax xanuun ama saxaro jilicsan. Waa arin ka dhalata joojinta cunnooyinka qaar. Astaamahaan waa kuwo intooda badan yaraado inta u dhexeysa 24-48 saacadood.

Cunnooyinka laga foogaado.

  • Buskutka
  • Xalwada
  • Nacnaca
  • Sodhada
  • Malabka
  • Caanaha
  • Bariiska
  • Baasatada
  • Sonkorta
  • Sigaarka

Cunnooyinka lagu raaxeysto

  • Miraha: fawaakihaad kasta
  • Qudaarta: qudaar kasta oo cusub ama fresh ah
  • Kaluunka
  • Hilibka aan cadiinta laheyn
  • Fuulka
  • Ukunta/beydka
  • Saliid saytuunka
  • Lawska
  • Shaaha cagaara, shaaxa aan kafeyga laheyn
  • Biyaha: hal ilaa saddex litir maalin kasta

Qorshaha qashin saarka ee todobada maalin

  1. Marka hore qashin saar niyadda. Adigoo ku xirnaanaya diinta, ku tukanaya salaada masjidka
  2. Cabidda biyo lagu daray liima dhanaan: hanoqoto waxa ugu horeeya ee aad cabtid subaxdi
  3. Jimicsi: ugu yaraan soco ama rucleey 1 saac maalin kasta oo ka mid ah todobadaas maalin
  4. Cun qudaarta aan la karin sida karootada/dabacase, barbarooni, yaanyada
  5. Isku day inaad maalin kasta cabtid saddex litir oo biyo ah. Biyaha waxey caawinayaa kilyaha si ay u qashin saaraan dhiigaaga.
  6. Xoq jirkaaga oo dhan: maqaarka oo lagu xoqo buraash wuxuu caawinayaa in dhiiga uu gaaro jirka oo dhan, ka bilow xoqitaanka lugaha iyo gacmaha adigoo u sii gudbaya jirka oo dhan. Ka fogoo xoqidda meelaha jilicsan sida, dhuunta, wejiga iyo meelaha boogaha leh. Marka aad isku xoqdid buraash kedib qubeyso adigoo ku meyranaya biyo qabow ah, si dhiiga uu ugu qulqulo maqaarka oo dhan.
  7. Calaali cunnada ugu yaraan 10 ila 15 jeer inta aadan liqin ka hor. Calaalin taas waxey howsha ka fududeyneysaa habka dheefshiidka.
  8. Soon maalmaha isniinta iyo khamiista: waxaa la aamin san yahay soomidda laba maalmood isbuuc kasta in ay nadiifiso jirka, ayadoo u sahleysa in difaaca jirka uu gudaha ugalo meelaha godadka cunnada ay ku harto ee kamidka ah habka dheefshiidka, waxaa sahlan in difaaca jirka uu cagta mariyo wax walba oo jirka dhib u keeni karo, sidaa darteen soonku wuxuu wadada u nadiifinayaa difaaca jirka.

Fiiro gaar ah: Ha qashin saarin jirkaaga hadii aad leedahay uur, naasnuujineysid, tahay qof da’ ah, qabtid dhiig kar, tahay qof caato ah ama arintaan ay tahay mid kasoo horjeedo talada dhaqtarkaaga.

BAROCAAFIMAAD

The post Muhiimadda Qashin Saaridda Jirka! appeared first on Daryeel Magazine.

Cabbista Bunka Ama Kafeega Iyo Caafimaadka

$
0
0

Bunku oo ka mid ah cabitannada dunida loogu isticmaalka badan yahay, ayaa ka mid yahay cabitaannada dunida loogu khilaafka badan yahay waxtarkooda iyo dhibtooda, daraasado badan ayaa iftiimiyey in uu sababo dhibaatooyin caafimaad oo u badan dhinaca wadnaha. Sababta ugu badanina waa maadadda Caffien oo ku badan, taas oo aan u fiicnayn dadka qaba xanuunnada wadnaha, dhiigkarka, keliya xanuunka iwm. Laakiin sidaas oo ay tahay haddana waxa ay xeeldheereyaal badani ku taliyaan in aan la joojin cabbista bunka oo ay sheegaan in sababta isla maadadda Caffiene ta iyo sida oo kale maaddooyin lidka mariidka ah oo ku jira in uu qofka u leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo aan la soo koobi Karin. Waxaa ka mid ah in uu u fiican yahay caafimaadka beerka, maskaxda iyo ganaca. Faa’iidooyinkaas waxaa ka mid ah:

  1. Maadadda Caffeine waxa ay awood u leedahay in ay xoojiso heerka dheefsiga cuntada. Sidaas awgeed waxa uu bunku caawiyaa gubista xaydha iyo dufanka, sidaas awgeedw axa uu la dagaalamaa caloosha. Cilmibaadhiso lagu sameeyey maadadda Caffeine ayaa lagu ogaaday in ay awoood u leedahay gbista boqolkiiba 10 xaydha dadka buurnidu ku badan tahay.
  2. Xarunta caafimaadka ee Johns Hopkins Medicine ayaa shabakaddeeda internet ka ku baahisay warbixin sheegaysa in bunku uu yareeyo khatarta dhimashada kadiska ah.
  3. Bunku waxa uu yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka macaanka noociisa labaad. Cilmibaadhis lagu sameeyey arrintanina waxa ay iftiimisay in qofka sida joogtada ah bunka u cabba ay ku yar tahay cabsida ah in uu ku dhaco xanuunka macaanku. Daraasaddan waxaa lagu ogaaday in koob bun ah oo la cabbaa ay boqolkiiba 7 hoos u dhigayso khatarta ah in macaan uu qofka ku dhaco.
  4. Bunku waxa uu kordhiyaa tamarta qofka, waxa aanu yareeyaa dareenka daalka iyo burburka jidhka, taas oo ay sababteedu tahay maadadda Caffeine ee ku jirta. Marka uu qofku bunka cabbo jidhka ayaa nuuga kaddibna waxa uu raacaa dhiigga isaga oo sidaas ku gaadha maskaxda. Caffeine tu marka ay maskaxda gaadho waxa saamayn ku yeelataa shaqada qaybo ka mid ah dareen-sideyaasha taas oo sababta in ay xoogeysato shaqada unugyo neerfeedku.
  5. Bunku waxa uu xoojiyaa xusuusta waxa kale oo uu wanaajiyaa dabeecadda iyo xaaladda nafsadeed ee qofka.
  6. Bunku waxa uu kordhiyaa heerka hormoonka Adrenaline ka, oo ah hormoon jidhka u diyaariya shaqada culus. Sidaas awgeed bunku waxa uu wanaajiyaa shaqada jidha oo uu ka saaro wahsiga iyo daalka.
  7. Bunku waxa uu ilaaliyaa caafimaadka beerka oo la aaminsan yahay in uu ka hortago beerka oo burbura ama shaqadiisa gaabiya. Waxa kale oo uu bunku yareeyaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco xanuunka Kansarku.
  8. Waxa kale oo uu bunku yareeyaa khatarta ah in qofka u uku dhaco kansarka gacanta iyo malawadka.
  9. Bunku waxa uu ka hortagaa khatarta ah in qofka u uku dhaco wadne xanuunku. Koob ama laba bun ah oo maalin kasta la cabbaa waxa ay caawisaa ka hortagga wadne xanuunka iyo in wadnuhu uu ka gaabiyo xaaladda dadka qaar ku dhacda ee ah in wadnuhu uu awoodi kari waayo in uu jidhka gaadhsiiyo xaddi ku filan oo dhiig ah.
  10. Waxa uu yareeyaa khatarta xanuunka qallalka gariirka wata keena ee Parkinson’s oo burburiya habdhiska neerfaha qofka. Unugyada maskaxda ayaa ku guuldarraysta in ay soo daayaan xaddiga loo baahan yahay ee maadadda kiimikaad ee Dopamine. Xaaladaha uu xanuunka Parkinson’s keeno waxaa ka mid ah dhibaato dhinaca dhaqaaqaaqa jidhka ah, gariir xoog badan, iyo maskaxda oo awoodi kari weyda in ay isku xidho xarakaadka ay xubnaha jidhku samaynayaan.
  11. Bunku waxa uu ka hortagaa in hidde sidaha DNA uu qaybo u jajabo. Waa arrin dabiici ah in DNA uu jajabo, laakiin haddii uu jidhku awoodi waayo in uu dib u kabo waxaa ka dhasha xanuunka Kansarka.
  1. Xarunta caafimaadka ee caanka ah ee Johns Hopkins Medicine ayaa shabakaddeeda internet warbixin ay ku baahisay waxa ay ku sheegtay in cabbista Bunku ay yarayso xanuunka Alzheimer. Cilmibaadhayaal arrintan daraaseeyey ayaa ogaaday in dumarka da’doodu 65 jir iyo ka weyn tahay ee bunka maain kasta cabba in ay yartahay khatarta ah in uu asaasaq ku dhaco.
  2. Bunku waxa uu yareeyaa khatarta ah in maskaxda uu dhiig ku furmo ama ka xidhmo.

Dhibaatooyinka caafimaad ee bunka

Inkasta oo uu bunku leeyahay faa’iidooyinkaas tirada badan ee aynu badankooda qaybtii hore ee qormadan ku soo aragnay, haddana waxa uu cilmigu ogaaday in ay jiraan dhibaatooyin caafimaad darro oo bunku uu qofka ku keeni karo, gaar ahaan marka uu qofku isku badiyo cabbista bunka ama markiisa hore uu leeyahay xaalado caafimaad darro oo bunku uga sii dari karo. Dhibaatooyinkaas waxaa ka mid ah:

  1. Bunku waxa uu kordhiyaa garaaca wadnaha.
  2. Bunka oo la isku badiyaa waxa uu qofka ku keenaa xaalado nafsadeed ay ka mid yihiin walaac iyo cadho badan.
  3. Bunku waxa uu raad xun ku yeeshaa hurdada oo uu dadka qaar ka yareeyo.
  4. Bunku waxa uu keenaa calool olol.
  5. Bunku waxa uu si ku meelgaadh ah u kiciyaa dhiigga, laakiin isagu ma keeno dhiigkar. Sidaas awgeed waxa fiican in qofka dhiigkarka lihi uu ka taxaddaro cabbista bunka.

Intee ay tahay in bunka laga cabbo?

Maadaama oo aynu xusnay in bunku uu faa’iidooyin caafimaad iyo dhibaatooyin caafimaad darro leeyahay, waxaa muhiim ah in la is weydiiyo sida ugu habboon ee bunka loo cabbi karo iyada oo dhibta ka iman kartana laga taxaddarayo. Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ya ku talinayaan in qofku aanu maalintii ka badsan 3 koob oo bun ah, laakiin dhibaato kuma ay sheegin in uu illaa shan koob gaadho. Inkasta oo ay tahay in loo eego hadba xaaladda caafimaad ee qofka.

Caadi ahaan ma fiicna in jidhka uu galo xaddi ka badan 400 oo miligraam oo maadadda Caffeine ahi maalin kasta.

Waxaa xusid mudan in tirada koobabka bunka laga cabbayaa ay aad ugu xidhan tahay xaddiga Caffeine ta ee koob kasta ku jirta, taas oo ku xidhan hadba sida loo diyaariyey bunka iyo nooca uu marka horeba yahay bunku. Tusaale ahaan koobka bunka aadka u culus ah, iyo bunka la kariyaa ee iyo bukna nooca ka baxa dalka Turkiga koobkiisa waxaa inta badan la qiyaasaa in ay ku jirto 30 mililitir oo maadadda Caffeine ah, laakiin bunka u samaysan nooca Isbareesada loo yaqaanno waxaa la qiyaasaa in koobkiiba ay ku jirto Caffeine qiyaasteedu dhan tahay 40 illaa 74 miligraam ama ka badan.

Digniin:

  1. Dumarka uurla leh iyo qofka bukaanka ah guud ahaan xanuun kasta oo uu qabo, waxaa muhiim ah inta aanu bun cabbista bilaabin in uu la tashado dhakhtar xaaladdiisa ka war haya ama takhasuuska ah.
  2. 400 mililitir oo Caffeine ah ayaa uu jidhku maalintii u baahan yahay, laakiin ogow in maadaddan Caffeine ta ana laga helin bunka oo keliya, balse ay sida oo kale ku jirto shaaha iyo cabbitaaka Cola.
  3. Iska jir in aad bunka sonkor ku darto.
  4. Iska jir bunka ama cabbitaan kastaba in aad ku cabto kulaylka aadka ah, waayo daraasado kala duwan ayaa ka marag kacaya in Kansarka hunguriga ku dhacaa uu xidhiidh la leeyahay kulayla cabbitaanka oo dhaawaca dhuunta, sida oo kale waxa uu sababi karaan nabarro gubasho oo ku smaaysma hunguriga.

W/D: Kamaal Marjaan

Facebook page: Marjaan

The post Cabbista Bunka Ama Kafeega Iyo Caafimaadka appeared first on Daryeel Magazine.

Dhibaatooyinka In Markasta Moobilka Hoos Loo Fiiriyo & Xalka Ugu Fudud

$
0
0

Teknolojiyada waxay noqotay mid cajiib ah oo hadana cabsi badan. Daraasad ayaa tilmaameysa halka uu gaarsiisan yahay dhibka uu jirkeena u leeyahay in maalinti oo dhan la fadhiyo. In kastoo ay shaqada teleefonka ay ahayd mid wicitaan un loogu tala galay, xiliga aan joogno waa la casriyeeyay oo waxaa loo badan telefono caaqil ah ama kambuyuutaro yar, kuwaas oo si dhekhsa ah nagu xiriiriyada wax kasta oo aan jeclaano.

Madaxa dadka waa mid hoos ujeeda oo indhaha ku haya labtob ama telefonada caaqilka ah. Dadka waxay sii luminayaan awooda ay ku wadi karaa wada hadal iyo iney fiiro gaar ah u yeeshaan wax kale.

Ma ogtahay in aad hoos u fiirisid aaladaada ay ka dhigan tahay sida in canug 7 jir ah uu madax kaaga fadhiyo adigoo istaagsan.?

Marka aad qoraysid fariin ama aad ka jawaabeysid email, ma ogtahay inaad u dulqaadaneysid 20 kiilo oo cadaadiss ah.

Fiiri sawirka hoose iyo cadaadka ay ka dhigan tahay inaad u dulqaadaneysid marka aad isticmaaleysid mobilekaaga.

Si aad u ilaalisid joog wanaagsan, waa in dhagahaaga ay la siman yihiin garba haaga. Sidaan waxay hoos u dhigeysaa cadaadiska jirkaa xitaa iney hoos udhigto hormoonka kortisol. Hasa yeeshee joog xun wuxuu cadaadis saarayaa laf dhabarka, taas oo dhameyn karata murqaha iyo kala goys yada dhabarka.

Xalka ugu fudud waa in aad meel ku tuurtid mobeelka, laakin maadaama aysan taa macquul ahayn, waxaad isku dayi kartaa inaad mobeelka hortaada keentid, yacni heer ku aadan indhahaaga, inta aad qoorta soo laabi lahayd.

Sidoo kale waxaa arintaan ay taabaneysaa isticmaalka labtobka iyo alaadaha kala duwan ee aan isticmaalno maalin kasta.

BAROCAAFIMAAD

The post Dhibaatooyinka In Markasta Moobilka Hoos Loo Fiiriyo & Xalka Ugu Fudud appeared first on Daryeel Magazine.

Xanuunka Caadada (dysmenorrhoea)

$
0
0

WAA MAXAY XANUUNKA CAADADA?

Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea.

Aad ayey u xanuujisaa dumarka qeybta hoose ee caloosha ayada dhabarka ilaa cajirada gaarta waxaa loo qeybiyaa labo nuuc:

  1. Qeybta koobaad (primary dysmenorrhoea ) waa xaalad caadi ah oo minka ayaa aruura oo dhibkale makeeno
  2. Qeybta labaad (Secondary dysmenorrhoea waxaa sababa xanuuno ku dhaca minka sida in dahaarka qeybo kamid ah minka ay ku samaysmaan tubooyinka ama mindhicirada. ama in buro minka ay ku dhexsamaysanto markaana dhiigbax iyo xanuun daran imaado. iyo caabuq in uu ku dhaco minka ama tubooyinka.

Waxaa xanuunka caadada lagu daawayn karaa guriga. Hase-yeeshee, haddii xanuunka caadadaada u aad u xun yahay, waxaa lagaga baahan doonaa inaad u tagto Dhakhtar Guud (GP).

CALAAMADAHA:

Calaamdaha dumarka wey ku kala duwanaankaraan balse dumarka inta badan waxey dareemaan murqo xanuun ku dhaca calooshaada hoose. Mar-mar, waxuu xanuunka kuu qabanayaa si xoog leh, waqtiyo kalena waxuu ahaan karaa xanuun fudud, laakin joogsi la’aan ah.

  • madax xanuun
  • yalaalugo
  • daal
  • xaalad kacsanaan
  • walaac
  • war-wareerid, iyo shuban.

Waxuu caadi ahaan xanuunka caadada bilaabanayaa markii uu dhiigga bilaabanaayo, inkasto oo ay dumarka qaarkood xittaa ay la kulmi karaan xanuun dhoowr maalin ka hor intuusan bilaaban caadada.

Waxuu xanuunka caadada socon doonaa 12-24 saacadood, inkasto oo xaaladaha xun ku hayn karo dhoowr maalmood. Xanuunka wuxuu badanaa ugu xun yahay markii dhiig-baxaaga caadada ugu badan yahay.

Xanuunka caadada waxuu caadi ahaan ku fiicnaanayaa markii aad sii waynaato. Dumar badan waxay sidoo kale dareemaan fiicnaansho ka dib markii ay carruur dhalaan.

MAXAA SABABA XANUUNKA CAADADA?

Xanuunka cadad waxaa ukala sareyaa ilaa labo nooc oo kala ah :

1-Nooca 1 aad ( primary dysmenorrhoea)
Dumarka inta ugu badan xanunka nocan ah aye dareyman dhib badan malahan kaliya gidaarka muruqeedka ee ilmo-galeenka is-qabsado deedna dhiiga garayaa yaranyo. Noocan guriga waa kula tacaali kartaa.

2- Nooca 2 aad ( secondary dysmenorrhoea)
Noocan guriga macula tacali kartid waa in aad doctor la kulantaa si uu kugu sheego waxa sababay. Inta badan waxaa keena sababa ama xaalad gaar ah sida :

  • Endometriosis (waa markii unugyada ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa).
  • Infection ka galmadala lagu kala qado (sexually transmitted infection)
  • fibroids (kansarka aan xumayn ee ku dhaca ilmo galeenka) iyo
  • Qalabka intrauterine (oo ah qalabka looga hortago uurka ee lagu xidho ilmo galeenka gudihiisa) wuxuu xittaa mar-mar keeni karaa xanuunka caadada.
  • Infection ku dhaca tuboyinka ugaxana soo qayeen (pelvic inflammatory disease).

BAARITAANKA CUDURKA:

Hadii aad dareynto xanuunka caadada ha fuddeysan waa in aad la kulantaa dhakhtarka dumarka (gynaecologist) si baaritaan logu sameeyo si loo ogaado hadii eey jiraan xaalado kale oo xanuunka keeni kara. Baartianda la diro waxaa ka mid ah :

  • Pelvic ultrasound (oo ah baaritaan dhawaaq lagu sameeyo sidii loo soo saaro muuqaalka xubnaha dhalidda ee gudaha ku jira) .
  • laparoscopy (oo la geliyo microscope yar meel laga jeexay caloosha hoose).
  • hysteroscopy (oo ah sawir qaade yar oo la marsiinaayo cawradaada lana gaadhsiinaayo ilmo galeenkaaga).

DAAWAYNTA

Hadii xanuunka uu yahay nooca 1 aad (primary dysmenorrhoea) gurigag kula tacaali kartaa , balse hadii uu xanuunka kugu ziyaado waa in aad doctor la kulantaa waxaa uura gal ah in eey sababeyn waxyaaabo kale.

Si uu xanuun ka kaga yaraado Dawooyinka xanuun ka lagu baabiyo oo loo yaqaano non-steroidal anti-inflammatory drug (NSAID), sida ibuprofen. NSAID waxuu wax u qabtaa qiyaas ahaan ilaa 70% dumarka qaba xanuunka caadada dhiigga.

  • Ka fogow cabida kafeega, cunida shukulaatada iyo wax walba oo la shiilo xiligaan.
  • biyaha lagu daro liinta ayaa la aamin san yahay inay ka qayb qaataan yaraynta ama hoos u dhigidda nabarada qabta haweenka xiliga caadada. Inkastoo dumarka qaarkood dareemaan in xanuunku ama nabarku kasii daro marka ay biya cabaan, balse waxaa la faham san yahay in biyaha lagu daro liin dhanaantu ay badal wanaag san u yihiin dumarka xiliga caadada.
  • cuntoyinka dufunka badan ama subaga ayaan u wanaag sanayn dumarka xiliga caadada, waxaana lagama maarmaan ah inay ku badalaan cunooyinka ay ku badan yihiin faybarka iyo cagaarka. Sidoo kale qudaarta iyo miraha nooc yadooda kala duwan ayaa faaido balaaran u leh dumarka xiliga ay dareemaan nabarka, gaar ahaan xiliga caadada
  • Ha samayn jimicsi sida orod xiligaan balse waxaa muhiim ah inaad socoto ama xataa inaad dabaalato hadii aad awoodi karto. Dhaqdhaqaaqa saaidka ah ayaa la aamin san yahay inuu keeno daal iyo xanuunka oo kasii dara balse socodka ayaa ah xanuun baabiye lagu kalsoonaan karo.
  • Masaajo marso: xiliga caadada ayaa waxaa muhiim ah in lamarsado masaajo wareega iyo caloosha, tani waxay sare u qaaday saa qulqulka dhiiga waxayna yarayn kartaa xanuunka. waa arin sahlan oo gabadh walba awoodo waxaana muhiim ah inaad joogteyso masaajada xili walba oo aad dareento xanuunka caadada.
  • Seexo hurdo kugu filan: Qasab maahan inaad hurdada baarto maadaama xilliga caadada aysan hurdadu ku imaan si sahal ah, hadana waxaa muhiim ah inaad abuurto jawi wanaang san oo ay hurdo ku imaan karto adoo isku diyaarinaya dhan walba, sida gogosha oo aad ka dhigto mid lagu gam’i karo iyo inaad u seexato dhinaca aad nafiska ku dareemayso

BAROCAAFIMAAD

The post Xanuunka Caadada (dysmenorrhoea) appeared first on Daryeel Magazine.

Cilladda Cunugga Madaxiisa La Ruxay (Shaken Baby Syndrome)

$
0
0

Cilladda cunugga madaxiisa la ruxay oo caafimaad ahaan loo yaqaano “Shaken Baby Syndrome” waa cillad halis ah oo dhaawac u gaysata maskaxda dhalaanka yar yar.

Waxay cilladani dhacdaa marka waalidka ilmaha dhalay ama qof kale oo wayn uu si xoog ah u ruxo madaxa ilmaha yar, taasoo sabbabaysa in dhaawac halisah uu soo gaaro unugyada maskaxda, dhaawaca maskaxda ilmaha soo gaaray wuxuu kaloo keenayaa in ilmuhu uu awoodi waayo inuu hawo ama neef ku filan qaato.

Cillada ruxitaanka madaxa ilmaha waxaa loo aqoonsan yahay xaalad jirdil oo kale ah sababtoo ah waxay cilladani keeni kartaa in maskaxda ilmuhu si joogto ah dareenku uga tago amaba ay si joogtaa u dhimato.

Calaamadaha lagu yaqaano caruurta cilladani haleeshay:

  • Soo jeedka oo ku adkaada ilmaha
  • Neef qaadashada oo dhib noqota
  • Cunto xumo
  • Laleemo
  • Matag
  • Maqaarka oo cawiif noqda
  • Qallal
  • Baaralays
  • Kooma

Marka laga soo tago calaamadaha aan kor kusoo xusnay waxaa kaloo jiri kara calaamado kale oo qarsoon oo aan la arki karin sida; dhiig maskaxda ku furma, dhaawac soo gaara xangulaha, feeraha, qoorta, qalfoofta madaxa iyo lafaha surka.

Cilladani waxay kaloo leedahay xaallado meel dhexaad ah taasoo ilmuhu uu u muuqanayo mid caadiyabalse waqti kadib waxaa kasoo muuqan kara calaamado ay cilladu horay ugu sababtay sida, wax barashada oo ilmaha dhib ku noqota,fahan la’aan, iyo dhoohanaan.

Maxaa sabbaba cilladan?

Dhalaanka yar yari waxay leeyihiin qoor ama luqun aad u jilicsan oo murqaheedu aysan awood u lahayn inay culayska madaxa hayso.

Hadaba hadii ilmaha yar si xoog ah loo ruxo qoortiisa ama surkiisa, maskaxdiisa curdanka ah ayaa u guuraysa gadaal ama horay maadaama uusan ilmuhu wali sifiican u korin maskaxdiisu ma qabsan darbiyada qalfoofta madaxa, guuritaanka ay maskaxdu ka guurtaybooskeedii hore waxay dhaawac u gaysanaysaa unugyada iyo xididada maskaxda, taasoo keenaysa jug, barrar iyo dhiig bax maskaxda gudaheeda ka dhaca.

Cilladani waxay dhacdaa marka waalidka ilmaha dhalay ama qof kaleoo ilmaha hayay uu isagoo xanaaqsan ama is leh ilmaha amusi uu si xoog ah ilmaha madaxiisa u ruxo.

Cilladan ma keento dhaq dhaqaaqyada yar yar ee ilmaha lagu dhaq dhaqaajiyo dhabta hooyada ama dhicitaan yar oo uu dhalaanku meel gaaban kasoo dhaco, ama ciyaarinta hooyadu ilmaheeda ku ciyaaraiiso dhabteeda.

Yaa khatar ugu jira cilladan?

Waxaa jira waxyaalo badan oo ka dhigi kara suurta gal in dhalaanka yar yar uu khatar u gallo cilladaan;

  • Waalidiinta yar yar ee aan xirfada badan u lahayn haynta ilmaha
  • Isku dhex yaacida waalidka
  • Khal khal ku yimaada guriga oo keeni kaara in cunuga meel kasoo dhaco ama wax kusoo dul dhacaan
  • Isticmaalka daroogada
  • Xaalada qosyska oo kacsan
  • Walwal soo wajaha waalidka

Sidoo kale waxaa la isku raacay in raggu yihiin kuwa ugu badan ee ilmaha ku keeni kara cilladaan maadaama aysan isku khibrad ahayn ayaga iyo dumarka marka laga hadlayo xifdinta ilmaha.

Waa maxay dhibaatooyinka ay la kulmi karaan caruurta ay cilladaan soo wajahdo?

Daqiiqado yar oo aad ruxdid madaxa ilmuhu waxay sabbabi kartaa dhimasho ama dhaawac halis ah oo maskaxda dhalaanka soo gaara.

Balse hadii ilmuhu ka badbaado dhimasho waxaa imaan kara dhibaatooyin kale oo ilmaha la soconKara intuu noolyahay sida

  • Indha la aan
  • Dhago la aan
  • Korida ilmaha oo soo daaha
  • Wax barashada oo dhib ku noqota
  • Dabeecad qalafsanaan
  • Qallal

Sidee looga hortagi karaa?

Hadii ilmahaagu joojin waayo oohinta waxaa laga yaabaa inaad isku daydid inaad bood bootisid si uuoohinta u joojiyo balse ogoow taasi xal maahee waa khatar aadan ogayn oo ilmahaaga dhib u keeni karta.

Hadaba waalidka waxaa looga baahan yahay inay ilmahooda kataxadaraan si jacayl kujirana ula dhaqmaan kana ilaaliyaan khataraha ku dhici kara.

Hadii ay jiraan dad kale oo ilmahaagaaad u dhiibtid marka aad mashquulka tahay waa inaad hubisaa inay yaqaanaan sida ilmaha loo hayo loogana ilaaliyo khatarta, iyo waliba inay yaqaanaan khatarta ay cilladani ilmaha u keento.

Barocaafimaad

The post Cilladda Cunugga Madaxiisa La Ruxay (Shaken Baby Syndrome) appeared first on Daryeel Magazine.


Maxaa Sababa Dhalma La’aanta (Infertility)

$
0
0

Dhalma la’aanta (infertility) waa in xaaska ay qaadi weyso uur ayadoo ay jirto isku day ah iney qaado uur mudo 6 bilood, iyadoo ay sameeyneyso galmo aan laga gaashaaman (unprotected sex) ninka ama naagta ayaa noqon kara dad ay haysato dhibaato xaga bacriminta ah, dumarka ka weyn 35 sano dhalma la’aantooda waa marka ay qaadi waayaan uur, ayagoo loo galmoonaaya si joogta ah.

Dhalma la’aanta kama dhigna inuu qofku yahay ma dhalays, 15% lamaanaha waa kuwa aan heli karin ilmo, laakin 1% ilaa 2% oo kaliya ayaa ah kuwo madhaleys nimo ay lasoo deristo, kala bar lamaanayaasha aan dhali karin ilmo ayaa ugu dambeyta dhala ilmo ayagoo isticmaalaya caawinaad caafimaad.

Dhalmo la’aanta waxay la darsi kartaa ragga iyo dumarka,waana xiisad ay lasocoto dareen dambiila nimo ah.

Lamaanaha isku dayaya iney helaan ilmo ayaa looga baahan yahay iney la tashadaan dhaqtar, khaas ahaan hadi mid kamid ah uu qaato daawooyin ama uu qabo xaalad caafimad, sababtoo ah dawooyinka qaar ayaa hoos udhiga fursadaha uurqaadista.

Maxaa sababa dhalma la’aanta ee ragga?

Sababha ugu caansan ee ragga aysan udhali ayaa katimaada dhibaatoyinka xaga minida sida:

Cadadka manida oo yar: Shahwada waxaa ku dhex jira mani (sperms) tasoo ah 50% waxa loo baahan yahay si ay ubacrimiso ukumaha dumarka.
Dhaqdhaqaaqa manida oo yar: waxaa loo baahan yahay iney manida udhaqaaqdo meesha ay taalo ukunta si ay u bacrimiso, hadii aysan dhaqaaqin waxa bacrimin ah ma sameynkarto
Manida oo si aan fiicnayn usameysmata
Meeshi ay minida kasoo bixi lahayd oo xiranta
Dhibaatada kale ee ku dhici karta ragga ayaa ah, iney hoos udhacdo soo saarka manida si ku meel gaar ah, waxayna dhici kartaa marka uu dhaawac soo gaaro xiniinyaha, sida marka ay kululaadaan in mudo ah, ama ninka uu isticmaalo kiimikooyin ama dawooyin saameyn kara manida. Cabidda khamriga iyo cabidda sigaarka ayaa hoos udhigi karo cadadka mani ee ku jirta shahwada, sidoo kale ragga kaweyn 40 sano ayaa hoos udhaca awooda ay wax ku bacrimin karaan.

Maxaa sabab dhalma la’aanta ee dumarka?

Sababta ugu wayn oo ay dumarka u dhali karin ayaa ah, ugxaantooda oo aan soo sarin ugun, waxaa kaloo jira dhibaatooyin ka dhici kara tubada ay soo raacdo ukunta oo loo yaqaano Fallopian tube, sababtoo ah mararka qaar tubooyinka ayaa waxaa xiri kara nabar ka dhalasha infekshan loo yaqaano Endhomitriyoosis. Cabidda sigaarka ayaa hoos udhigi karta fursadaha dhalmada ee dumarka, wuxuu kaloo siyaadiyaa fursadaha in uurjiifka uu galo tubooyinka soo qaada ukumaha.

Da’da ayaa ku noqon karta dumarka mid aan usaamixin iney qaadaan uur, fursadaha in ukunta la bacrimiyo ayaa hoos udhac wayn ku yimaada mar hadii dumarku ay gaaraan 35 sano, waxaa dhif ah in dumarku ay qaadaan uur wixi ka dambeeya 45 sano.

Dhibaatooyinka kale ee sababi kara dhalma la’aanta waxaa ka midka in xaaska ay cayilantahay ama ay caata siyaada tahay.

Talo:

Marka laga soo tago ilmaha oo ah hibbo uu rabbi nagu maneystay, waxaa jiri karta labada isqaba iney dareemaan dareen dambiila nimo ah oo midba midka kale uu hoos ka eedeynayo, laakin waxaa wanaagsan in marka hore la ogaado in ay tahay hibo uu Rabbi dhiibo, kadib waxaa kaloo jiri karta waqtiya badan oo dhacdooyinka ka dhaca jirka aysan saamaxayn in uu uur yimaado, si kastaba ha ahaatee waxaa wanaagsan lamaana kasta oo rajeynaya iney uur helaan in ay wax ka bartaan waxyaabaha fududeyn kara iyo wax yaabaha cusleyn kara, hadii loo baahdana in la raadiyo warbixin caafimaad oo laga heli karo macluumaad buuxa oo ku saabsan dhalma la’aanta.

Barocaafimaad

The post Maxaa Sababa Dhalma La’aanta (Infertility) appeared first on Daryeel Magazine.

Waxyaabaha Keena Neefta Ku Xiranta Hurdada (Sleep Apnea)

$
0
0

Neefta oo qofka ku dhegta xilliyada hurdada siiba habeenkii ayaa ah khatar caafimaad oo taxadarkeeda leh. Marka uu qofku khuuriyo ama uu aad u daalanyahay ayuu badanaa la kulmaa xaaladan. Neefta ayaa noqota mid hakad ku jirta mudo udhaxaysa ilbiriqsiyo ilaa daqiiqad. Waxayna dhibaato ku keentaa waqtiga uu qofku ku seexan karo hurdo ku filan, waxaa dhacda inuu qofku soo tooso marka uu marxaladaan lakulmo. Dadka khuurada saa’idka ah leh ayaa ugu badan dadka la kulma xaaladan.

Waxaa loo qaybiyaa xanuunkaan la xadhiidha hurdada saddex qaybood oo leh sababo kala duwan. Inta badana astaantaan waa mid raagta oo aan si dhaqso ah looga kabanin. Waxaa kamid ah saddexda qaybood:

  • Obstructive sleep apnea: oo ah nooca ugu caansan lana xadhiidha marka ay murqaha dhuunto dabcaan.
  • Central sleep apnea oo ah marka ay maskaxdu u dirin wax fariin ah ama fariin ku filan murqaha kontoroola hawo qaadashada iyo saarida.
  • Complex sleep apnea ayaa ah nooc ay ku midaysan yihiin labada kor ku xussan

Waxaa sababa neefta qofka ku dhegta oo loo aaneeyaa qodobo kala duwan kuwaasoo wax laga qaban karo. Hadii la daweeyo sababta keentay ama meesha laga saaro, astaantaanta meesha ayay ka baxaysaa. Neefta oo xidhanta waxaa ay timaadaa marka ay dabcaan murqaha sare ee ku shaqada leh neef qaadashada, waxaa jira hilib ka danbeeya cadka dalqaha kaasoo isku gudbiya hawo mareenka, waxay yaraanaysa hawada galaysa hunguriga wuxuuna qofku isku dayayaa inuu si xoog ah ku qaato hawada. Marka ay dabcaan murquhu waxaa yaraanaya dhumucda hawo mareenka, hawada la qaadanayo ayaa yaraanaysa, dhiigga ayaa waxaa ku yaraanaya oksijiinta. Maskaxda ayaa helaysa fariimaha ah in hawo qaadashadu yartahay waxaana ay soo dirtaa fariimo ah in la furo afka si loo helo hawo qofka ku filan, taasoo keenta in qofku uu tooso. Qodobada kale ee lala xidhiidhiyo astaantaan waxaa kamid ah dadka qoorta gaaban, dadka cayilan, dhaxal, sigaarka iyo dadka daroogada isticmaalaba.

Hadii aan la daweyn astaantaan waxaa yimaada xanuuno kale sida xanuunada wadnaha, Macaanka, dhiigkar, walwal, iyo sas. Lamaanaha ayaa ah sidoo kale ah kuwo isku dhib qaba marka ay xaaladaan timaado.

Astaamaha sleep apnea:

  • Khuurada ayaa ah sababta ugu weyn waxaana keena marka ay isu ururaan murqaha hunguriga cad, dadka qoorta gaaban.
  • Hawa qaadashada oo hakad gasha mudo sikino ilaa daqiiqad ah
  • Hurdada oo laga soo kaco mararka la dareemo marxaladaan
  • Hurdada marka laga soo tooso oo la dareemo af qalayl iyo cuno xanuun
  • Subixii oo la dareemo madax xanuun.

Daaweynta:

Hadii ay tahay astaan yar oo aan wax dhib badan ah ku hayn qofka waxaa badanaa lagu xalin karaa qaab la xadhiidha nolosha oo wax laga badalo sida, sigaarka oo la joojiyo, miisaanka oo la dhimo, hadii qofku uu qabo xasaasiyad ama sanboor waxaa lagu dabiibaa qaab daweyn ah. Hadii astaantaan ay tahay mid heersare gaadhay waxaa jira qalab la isticmaalo kaasoo lagu furo hawo mareenka sare.

Talo:

Yaree miisaankaaga, hadii aad khuuriso isku day inaad ogaato waxa khuurada sababay una hel xal adoo booqanaya dhakhtar.

The post Waxyaabaha Keena Neefta Ku Xiranta Hurdada (Sleep Apnea) appeared first on Daryeel Magazine.

Maxaa keena Dhagaxa Xameetida (Gallstones)?

$
0
0

Xameetida waa xubin ku taala dhinaca midig ee qaybta sare ee caloosha, waana  xubin sida kiishka oo kale u samesay, shaqadeeda ugu weyna ay tahay kaydinta iyo soo daynta dheecaanka Bayl waqti munaasab ah si dheefshiidka loo fududeeyo. Xameetida waxa ay ku xirantahay beerka iyo xiidmaha yar yar qaab taxane ah kuwaas oo waddo u ah dheecaanka bayl.

Dhagxaantaan ayaa ku sameysma xameetida dhexdeeda, ama dhuunta xameetida ka so baxda. Qiyaastaa dhagxaantaan ayaa noqon kara mid ciida oo kale ah, mid lamid ah ukunta oo kale. Dhagaxa ku sameysma xameetida ayaa noqon kara hal , kuwa badan , amaba mararka qaar waxaa dhacda in ay isugu jiraan dhagaxyo yar yar iyo kuwa weynba. Dhagaxa xameetida ayaa waxaa wehliya xanuun soo bood ah gaar ahaan dhinaca sare ee midigta caloosha, taa oo ay ka dhalatay dhagxaantan oo xiraya marinadii billiary.

Maxaa sababa dhagaxa xameetida

In kastoo ayna jirin sabab gaar ah oo keenta dhagaxa xameetida in uu sameysmo hadana waxaa la’aamin san yahay in isu dheelitir la’aan ku timaada walxaha dheecaanka bayl uu ka sameysan yahay in ay keenan dhagaxa xameetida. Waxaa dhacda in dhagaxa xameetida ay sameysanto hadii dheecaaanka bayl ay ku badantahay maadooyinka qaar sida kolesteroolka, bilirubin, amaba marka cusbada ay ku yartahay dheecaanka. Sida aan loo ogayn waxa sababa dhagaxa xameetida sidaa si la mid eh ayay cilmi baaris yahanada ayna u fahansanayn waxa sababay isu dheelitir la’aanta ku dhacaysa dheecanka bile.

Labada nooc ee dhagxaanta xameetida ee sameysma waxa ay kala yihiin kuwa kolestoroolka iyo kuwa midabka leh. waxaa dhacda in dheecaanka bayl in ay ku adkaadaan xameetida gudaheeda taas oo keenta dhagaxa xameetida ku sameysma, 80% ee dhagaxa xameetida waxa ay ka sameysan yihiin kolesterool, halka 20% ay ka sameysan yihiin cusbada kalshiyamka iyo maada bilirubinka, kuwani waxaa looyaqaanaa dhagxaanta midabka.

  • Dhagaxyada kolesteroolka midabka ay leyihiin  badanaa waa jaalle –cagaar midabkooda , kuwaas oo ay ka sameysmeen dhagxaan kolesterool ah .
  • Dhagxaanta midabka  kaduwan waxa ay ka sameysan yihiin maadada bilurbinka ah midabkooda waa mugdi  oo aan saa u muuqan.

Xameetida waxa ay u baahantahay in ay dheecaanka bayl ay banaanka u soo bixiso si ay shaqadeeda u qabato habsami u socodka shaqadeedana loo ilaaliyo. Waxaa dhacda mararka qaar in ay dheecaanka bile ayna baanka xameetida wada imaan tan oo keenta in dheecaanka uu ku bato xameetida gudaheeda, arinkaan ayaa sababa in dhagaxa xameetida uu sameysmo

Yaa halis ugu jiro?

Inkastoo uu jirkaaga soo saaro kolestarool si dabiici ah, waxaa qaadan kartaa kolestarool kaa badan cunto ahaan. Dhagaxa xameetida waxa ay ku badan tahay in ay ka imaadaan cunooyinka la cuno waxa ay ka kooban yihiin. Dadka halista ugu jiro dhagaxa xameetida waxaa ka mid ah

  • Dadka miisaankooda culus yahay
  • Dadka cuna cunooyinka ay ku badantahay kolestaroolka
  • Dadka qaba xanuunka sonkorowga nooca 2 aad
  • Dumarka
  • Waqtiga uurka
  • Dadka da’da ah gaar ahaan kuwa 60ka iyo kor usii dhaafaya
  • Dadka qoyskeeda qaba amaba laga helay dhagaxa xameetida
  • Dadka isticmaalaya dawooyinka hoos u dhiga kolesteroolka.

Ha hilmaamin in aad dawooyinkaaga qaadatid, aadna ku qaadato waqti , ha joojin dawooyinka aad qaadanaysid  adigoon kala tashan dhaqtarkaaga .

Waa maxay astaamaha?

Waxaa laga yaabaa oo badanaa dhacdo in qofka ayna kasoo muuqan wax astaan ah, xanuunka ayaa ladareemaa marka uu dhagaxa xameetida xiro marinada. Dhaqtarkaaga marka aad soo booqato ayaa laga yaabaa in uu ka arko raajada dhagaxa ama waqti qaliinka caloosha laguugu sameynayo.

Mararka qaar ayaa astaamaha laga yaaba in ay kasoo muuqdaan dadka qaar. Astaamaha soo muuqan kara waxaa ka mid ah

  • Qandho
  • Xanuun lama filaan ah oo soo booda ah oo sii xoogeysanaya midigta sare ee caloosha
  • Cagaarshoow
  • Lalabo ama matag
  • Saxaro sida dhoobado oo kale ah
  • Indhaha ama maqaarka oo midabka jaale kasoo muuqda sida cudurka joondiska

Sidee looga hortagi karaa dhagaxa xameetida:

Xanuunka dhagaxa xameetida waa mid la maaraynkaro oo dhibaatada ku imaan karta qaab nololeedka la xakamayn karo, waxaa adag in laga hortago dhagaxaan sameysmaya. Sida ugu wanaagsan ee lagu yareyn karo amaba hoos loogu dhigi karo in dhagaxaan uu ku sameymo xameetida waxaa ka mid ah

  • Cun cuno dheelitiran oo haka boodin waqtigooda
  • Cab biyo kugu filan adigoo ku dadaalaya in aad qaadato xadi kugu filan
  • Miisaankaaga oo halmar hoos loo rida waxa ay tahay wax yaabaha aad u saacida in dhagaxaan uu samaysmo

Talo:

Ilaali balanta aad la dhigato dhaqtarkaaga oo la socodsii halka ay marayso xaaladada caafimaad. Laxariir goobta caafimaad kuugu dhow amaba la socod sii dhaqtarkaaga hadii aad iska dareemto astaamaha kor ku xusan iyo hadii ay jiraan wax isbadal la xariira qaab nololeedkaaga.

Waxaa laga yaabaa in dawooyinka qaar aad qaadatid ama in aad ka mid tahay dadka halis ugu jira xanuunka, mar walba la socodsii xaaladada iyo isbadalada aad ka doonaysa  dawooyinkaaga dhaqtarkaaga.

Barocaafimaad

The post Maxaa keena Dhagaxa Xameetida (Gallstones)? appeared first on Daryeel Magazine.

Qanjirka Thyroid-ka Oo Shaqo Yareeya (Hypothyroidism)

$
0
0

Qajirka loo yaqaano thyroid waxaa uu ku yaalaa dusha sare ee curta, waxaana uu soo daayaa hormoono wax ku ool u ah shaqada jirka, sida kuwa kontoroola habka loo yaqaano metabolism (habka burburinta ama dhisida nafaqada taasoo jirku u isticmaalo tamar ahaan).

Waxaa kale oo ay maamulaanama kontoroolaan shaqooyin kale oo aad u tira badan sida, neefsashada, garaaca wadnaha, neerfayaasha maskaxda iyo xungulaha, miisaanka jirka, awooda murqaha, heer kulka jira iyo cadadka k olesterolka. Marka ay yaraato soo deynta hormoonada laga soo daayo qanjirkaan waxaa ay saamayn balaaran ku yeeshaan dhamaan shaqadii ay qaybta ka ahaayeen.

Dumarka gaar ahaan kuwooda da’da weyn ayuu ugu badan yahay xanuunkaan. Inta badan ma sababa wax calaamad ah markuu bilowga yahay. Balse hadii aan la daweyn waxuu keenayaa calaamado ama cilado hor leh sida cayil xad dhaafa, kalagowsyo xanuun, dhalmo la’aan iyo xanuuno saamayn ku yeesha wadnaha.

Astaamaha

Calaamadaha xanuunkaan waxay ku xiranyihiin intuu le eg yahay cilada haysata soo saarid la’aanta hormoonada ee qanjirkaan.

Waxaa dhacda in bilowgaba la dareemo

  • daal saa’id ah (maskixiyan iyo jismiyan)
  • Cayil, balse markii ay yaraato habka metabolism-ka jirku waxaa soo ifbaxa calaamado hore leh sida
  • Cayil xad-dhaaf ah
  • Qabow jirka oo dhan laga dareemo ama dhaxan
  • Calool istaag
  • Maqaarka oo engega
  • Murqaha oo daciifa
  • Muuqaalka wajiga oo isbadal
  • Kalagoysyada oo xanuuna
  • Timaha oo khafiifa
  • Xasuusta oo yaraata iyo heerka cholesterolka oo sare u kaca

Maxaa Sababa?

Waxyaabaha sababa xanuunkaan waxaa kamid ah:

  • Difaaca jirka oo si qaldan u weerara unugyada uu ka samaysan yahay thyroidka kasoo burburiya ama dhaawaca ugu danbeyna sababa in aan la soo deyn hormoono lamid xadi ah kuwii horey loosoo dayn jirey
  • Daawooyinka lagu daweeyo hyperthyroidism ( marxalad lasoo daayo hormoono aad u tira badan xadi ahaan)
  • Qaliin lagu sameeyay qanjirkaan
  • Shucaaca lagu daweeyo kansarka khaas ahaan kan madaxa ama qoorta kudhaca
  • Macdanta loo yaqaano iodine oo jirka ku yaraato

dhamaantood waa sababayaal uu lee yahay xanuunkaan, waxaa kaloo jira in dadka qaarkiis ku dhashaan iyo in sidoo kale dumarka uurka leh ay la kulmaan marxaladaanba.

Hadii aan la daweyn xanuunkaan waxuu sababayaa cilado kale oo hor leh, sida cuna bacuuc, wadna xanuun iyo xasuusta ama fahamka oo luma. Waxaana lagama maarmaan ah in la daweeyo markii la ogaado inuu bukaanku lee yahay xanuunkaan.

Waa wax aad u sahlan in la daweeyo xanuunkaan iyadoo la tixgalinayo hadba waxa sababay. Inta badan waxaa lagu daweeyaa qaab daaweeyn ah ama qaab qaliiin ah

Talo:

hadaad isku aragto wax la xariira calaamadaha xanuunkaan la xariir dhakhtar, kana fogow inaad daawo iska gadato iyadoon dhakhtar kuu qorin.

The post Qanjirka Thyroid-ka Oo Shaqo Yareeya (Hypothyroidism) appeared first on Daryeel Magazine.

Maxaa Sabab U Ah Dhiciseynta Ilmaha (Miscarriage)?

$
0
0

Dhicinta waxay dhacdaa inta badan nuska hore ee uurka, sababta dhiciseynta wey ukala duwan tahay dumarka, in kastoo sababta aan la ogeyn mararka qaar. Dumarka uurka leh waxaa muhiim u ah iney ogaadaan waxyaabaha sababi kara xaaladaan, si ay uga baaraan dagaan ama ay isaga ilaaliyaan khataraha lala xiriiriyo dhiciseynta.

Noocyada dhicinta ilmaha

Dhicinta waa erey loo isticmaalo uurjiifka oo khasaara, waxaa jira noocyo kala duwan oo sababa, dhakhaatiirta waxay ukala qaadaan sida hoos ku qoran

  • Ogxaanta oo aan korin: ugxaan bacrimisan oo ku dheggan minka, laakin koriimada uurjiifka ma bilaabaneyso
  • Dhiciseyn buuxda: walxihi uurka oo dhan oo jirka laga soo saaray
  • Ugxaanta oo meel qaldan ku dhegta: ugxaanta bacrimisan oo ku dhegtay meel aan ilmo galeenka ahayn
  • Dhiciseyn aan dhameystirneyn uurjiifka oo dhintay ayada oo hooyadu aysan ogeyn
  • Dhiciseyn soo noqnoqota dhiciseyn soo laalaabato, laba mar am aka badan, uurka oo dilma 3da bil ee ugu horeysa
  • Halis ku soo socota uurka dhiigbax iyo calool majiir oo tilmaamaya dhiciseyn lama filaan ah

Maxaa sababa dhiciseynta

Si uurka uu u hormaro waxaa loo baahan yahay jirka hooyada inuu siiyo sahay hoormoono iyo nafaqo ah oo ku fila cunuga, uurjiifkana waa in uu si saxan u koraa inta lagu guda jiro uurka, hadii labadaan arin aysan dhicin, waxaa laga yaabaa in uurka uu dilmo xili hore

Waxyaabaha kale ee sababo dhiciseynta waxaa ka mid ah

  • Qalad ka dhaca hidda sidaha
  • Qaab nololeed aan wanaagsaneyn, sida cayilka iyo isticmalka dawooyinka qaar
  • Da’da hooyada oo weyn ama aad u yar
  • Jug
  • Xanuunka qanjirka thayrod oo aan la daweyn
  • Sonkoroow
  • Infekshan

Waa maxay astaamaha

Astaama wey ku kala duwan yihiin waxayna la xiriirtaa marxaladda uurku uu marayo, tusaale mararka qaar waxaa laga yaabaa in uurku uu dilmo ayadoon hooyadu ogeyn iney uur leedahay, calaamada qaar waxaa ka mid ah

  • Dhabar xanuun khafiif ah ama daran
  • Dhiigbixid daran
  • Cad iyo xinjiro isla socdaan oo kasoo baxa hooyada
  • Calool xanuun daran
  • Calool majiir

Waa muhiim in aad dhaqtar la xiriirtid sida ugu dhaqsiyaha badan hadii aad isku aragtid calaamadahaan

Yaa halis ugu jira

Inta badan dhiciseynta waa dabiici, hasayeeshee waxaa jirka khataro qaar oo herseedi kara dhiciseynta, waxaana ka mid ah

  • Da’ ka weyn 35 sano
  • Jug soo gaarta jirka
  • Isticmaalka dawooyinka qaar iyo maandooriyaasha
  • Isticmaalka qaxwada badan

Sidee baa looga hortagaa

Waa muhiim in hooyadu ay leedahay qorshe uurqaadisha kadib marka ay ilma kasoo dhacaan, in loo diyaargaroobo uurka waxaa ka mid ah in la xaqiijiyo in jirka uu diyaar uyahay oo hoormoonada iyo nafaqada jirka uu isku dheelitiran yahay, dhaqtarka waxaa laga yaabaa in uu sameeyo wiisito sheegi karta sababta keentay dhiciseynta.

Dhaqtarka waxaa laga yaabaa in uu kula taliyo in hooyadu aysan uur qaadin in muddo ah si jirka uu usoo kabsado, sidoo kale waxaa macquul ah in wiisito goos goos ah laga qaado hooyada muddada ay uurka leedahay.

Hadii uurka uu yahay kii ugu horeeyay ay hooyadu qaado, waa muhiim in laga taxadaro inuusan dilmin, ayadoo la iska yareynaayo cabidda qaxwada, iyo in la qaato vitamino, sidoo kale waa muhiim in hooyadu ay sameyso jimicsi fudud. Waa in aad la tashataa dhaqtarka marka hore

Talo:

Dhiciseynta ma ahan arin xaqiijineysa ineysan hooyadu uur qaadi karin mustaqbalka, inta badan dumarka waxay dhalaan ilmo ayagoo soo dhiciseeyay waa hore.

Dhiciseynta waa dhacdo dhaxdin leh oo wadata dareemo kala duwan, waa muhiim in lamaanaheeda uu u sheego in dhiciseynta inteeda badan ay ka dhalato waxyaaba dabiici ah oo aan hooyadu ku xiriirin, sidoo kale waa muhiim in lamaanaha ay qorsheeyaan uurka dambe si loo xaqiijiyo hormoonada, nafaqada iyo guud ahaan caafimaadka hooyada inuu heer sare ayahay.

Barocaafimaad

The post Maxaa Sabab U Ah Dhiciseynta Ilmaha (Miscarriage)? appeared first on Daryeel Magazine.

Xanuunka Jabtada (Gonorrhea)

$
0
0

Waa infekshan ku faafa galmada . Ragga wuxuu ka saameeyaa tubooyinka kaadida, dumarkana wuxuu ka saameeyaa afaafka hore ee ilmo galeenka iyo tubooyinka kaadida, waxay kaloo saameyn kartaa malawadka, futada, cunaha, iyo xubnaha ku jira miskaha, waxay kaloo si dhif ah kusaameyn kartaa indhaha.

Cudurka jabtadu ( gonorrhea) malahan wax dhibaato ah hadii si dhaqsa ah loo daweeyo, laakin hadii aan la daweyn wuxuu horseedi karaa dhibaatooyin caafimaad oo halis ah.

Cudurka jabtada wuxuu ku gudbaa galmada aan la iska xajin oo lagu sameeyo afka, xubinta taranka dumarka iyo futada, waxaa unugul cudurkaan dadka galmada badan la sameeya dad kala duwan, waxyaalaaha badin kara in qofku uu galmo badnaado waxaa ka mid ah isticmaalka maandooriya yaasha.

Astaamaha jabtada

Badanaa Qofka kama soo baxaan wax astaan ah ilaa inta laga gaarayo 14 cisho kadib xiliga uu la kulmay infekshanka, waxaana laga yaabaa dadka qaar ineysan kasoo bixin wax astaan ah, taasna waxay sahli kartaa inuu cudurka uu faafo, sababtoo ah qofka qaba kama warhaayo cudurka, waana marxalad cudurka uu ku siifaafi karo haduu qofku sameeyo galmo.

Astaamaha ay isku arki karaan ragga

  • Dareen gubasho ama mid xanuun xiliga kaadida
  • Kaadida oo badata
  • Malax katimaada ibta guska
  • guska oo barara ama guduudata/casaada
  • Xiniinyaha oo barara ama xanuuna
  • Cunaha oo si joogta ah u xanuuna

Astaamaha ay isku arki karaan dumarka

Dumarka badanaa kama soo muuqdaan wax astaan ah, hadiisa ay ka soo muuqatose waa astaama khafiif ah oo ay la wadaagaan arrimo kale, midaan ayaa ah mid cusleyn karta in la ogaado inuu yahay jabto ama infekshan kale, astaamaha kale waxaa ka mid ah

  • Dareen xanuun ama mid gubasho xiliga kaadida
  • Dheecaan kayimaada xubinta taranka
  • Dareenka in la kaadiyo oo bata
  • Cunaha oo xanuuna
  • Xanuun xiliga galmada
  • Xanuun daran ee qeybta hoose ee caloosha
  • Qandho

Hadii aan laga daween infekshanka jabtada, waxaa laga yaabaa inuu ku faafo dhiiga.

Dhibaatooyinka jabtada?

Dumarka ayaa uleh halis daba dheeraata oo ka soo gaarta infekshanka jabtada hadii aan laga daween, infekshan kaan wuxuu boog u yeelaa tubooyinka ugxanta dumarka qaada, boogtaas oo is hor istaagi karta in uur ay qaado mustaqbalka.

Infekshankaan wuxuu kaloo ku faafi karaa miskaha waxaana halkaas ka dhasha cudurka caabuqa ee miskaha, cudurkaan waa mid kadhigi kara dumarka mid dhalma la’aan ay la soo deristo. jabtadu waxay ugudbi kartaa uurjiifka xiliga dhalmada

Ragga waxaa soo gaari kara boog ku dhacda tubooyinka kaadida, waxay kaloo dhaawac soo gaarsiin kartaa qeybta hoose ee xubinta galmada.

Hadii xanuunka jabtada uu ugudubo dhiiga waxuu ragga iyo dumarkaba dareemaan xubno xanuun, dhaawac soo gaara wadnaha, iyo caabuq ka dhaca xuubka ku dahaaran maskaxda iyo xangulaha.

Talo:

Waxaa muhiim ah inaad joojisid galmada xaaraanta ah, waayo waa mida ugu badan ee sababta infekshanka jabtada

Barocaafimaad

The post Xanuunka Jabtada (Gonorrhea) appeared first on Daryeel Magazine.

Maxaa Keena Xaniinyo Xanuunka Xilliga Kacsiga?

$
0
0

Markii raggu kacsadaan, xidida halbowlayaasha “Arteries” geeya dhiigga xubnaha taranka way weynaadaan, meesha xididada arooriyaasha “Veins” ee dhiigga ka soo qaada xubnaha taranka ay cariiriyoobaan.

Tan waxay keeneysaa in aysan isla socon dhiigga soo galaya iyo dhiigga ka baxaya qooraha iyo guska labadaba, waxaa arintaan eebe ugu talagalay in xubintu ay ku kacdo qulqulkaan dhigga ku soo aruuray, xaniinyahane ay ku shaqeeyaan, tan waxay keeneysaa in xaniinyaha ay bararaan oo cabbirkooda uu bato 25% ka badan cabbirkoodii hore.

Haddii qofka kacsiga kadib biyo-baxo, xidadii “halbowlayaasha” iyo xididadii “Arooriyaasha” waxay ku soo laabtaan sidoodii caadiga ahayd, dhiggiina wuxuu ku laabtaa jirka intiisa kale, xubintii way dantaa, qoorihina way yaraadaan.
Haddii biyo-bax uusan dhicin, qulqulkii dhigga wuu soconayaa inta qofku uu ka dareemo xanuun iyo culeys qooraha ah oo laga yaabo qofka xitaa inuusan kaadin karin.

Badanaa raggu waxay arintaan kaga nafisaan inay galmoodaan si cadaadiska saaran xaniinyaha uu u yaraado, xaaladaan maahan mid u gaar ah ragga oo dumarka haddii ay xaaladaan ay qabsato waxay xanuun ka dareeman miskaha.

Haddii aadan samayn labadaas xal mid ka mid ah, xanuunka wuu iska baaba’aa waqti kadib, wax dhib ahne uma gaysto xubnahaaga taranka.

Waxaa kaloo la sheegaa in haddi xaaladaan ku qabsato lagu xallin karo in aad wax culus qaaddo ama aad jimicsi neefsi ah aad samayso kaas oo loo yaqaanno “Valsalva Manouver”.

-Somalidoc

The post Maxaa Keena Xaniinyo Xanuunka Xilliga Kacsiga? appeared first on Daryeel Magazine.


Cudurka Baabasiirka (Hemorrhoid)

$
0
0
© Healthwise, Incorporated.

Waa xanuun saameeya xidida loo yaqaan veins-ka futada, dhibkaan waxuu yimaada marka uu siyaado cadaadiska ka dhex jira xidadan taaso sababta inay dilaacaan, waa dhacdo sahlan laguna xalin karo qaabab aan daawo ahayn iyo daawada labadaba. Waxuu ku dhacaa inbadan oo kamid ah bulshada lana nool iyagoo ka warqaba. Waxuu ku dhici karaa gudaha maroorka (malawadka) ama maqaarka hoose ee futada.

Maxaa Sababa

Wax yaabaha ugu badan ee sababa waxaa ka mid ah,

  • Biyo aan si fiican loo cabin
  • Fadhi badan
  • Uurka
  • Da’da (dadka ugu badan oo uu saameeyo xanuunkan ayaa kawayn da’da 50sano)
  • fuuqbax joogta ah
  • calool istaag
  • saxarada oo adkaata ama waqti badan oo aan la saxaroon
  • fadhiga tirada badan
  • cayilka
  • dadka galmada ka sameeya futada, iyo dhaxalka.

Waa Maxay Calaamadaha Baabasiirku?

calaamadaha baabasiirka waxaa kamid ah,

  • Dhiig soo raaca warqada la isaga tiro saxarada,
  • Cuncun laga dareemo futada ama malawadka,
  • Futada gidaaradeeda oo barara kaasoo keena xanuun dulqaad la’aana marka la taabto,
  • fadhiga oo qofka dhiba,
  • Saxarada oo aan la kontorooli Karin mararka qaar, iyo
  • Walwal qof ka qabsada siduu u maarayn lahaa xiliguu saxaroonayo.

Daawada inta badan xanuunkan waxaa lagu xalin karaa qaabab aan daawo ahayn, waxaana kamid ah:

  • In labadsado cunada fiberka leh sida salad-ka iyo
  • In la cabo biyo badan,
  • Hadii uu qofku leeyahay fuuqbax waxaa lagama maarmaan ah inuu dhakhtarkiisa la tashado.
  • Hadii heerka xanuunkaan yahay mid aan intaasba waxba ka qaban karin waxaa badanaa lagu xaliyaa qaab qaliin ah.

Talo:

Baabasiirka waa xaalad si fudud ku imaan kara oo si fudud ku xalismi kara, mana ahan waxa ay soomaalida ka aamin san yihiin oo ah wax laga xishoodo oo dhib ah, ogoow baabasiirku ma ahan cudur ee waa astaan inta badan ka tarjunta inuu jirku hayo biyo yari ama in qofku uu suuliga ku jiro waqti dheer oo ka dhasha calool istaag, hadii aad isaga shakisan tahay inuu ku hayo baabasiir ku xali inaad cabto biyo kugu filan iyo sidoo kale inaad yareyso fadhiga badan.

  • Waxaa muhiim ah in qofku uu cuno cunooyin isu dheelitiran, khaasatana uusan ka tagin cunooyinka fiberka leh, uuna cabo biyo badan (2litir maalintii),
  • Docoshada ah in xoog la isaga keeno saxarada waxay khatar ku tahay xidida futada oo dilaaca waxaana hagaagsan inaan la sameyn docosho saaid ah.
  • Samee jimicsi,
  • Yaree cayilkaaga,
  • Aad suuliga marwalba oo aad dareento in saxaro ku hayso
  • Iskuna day inaad biyo cabto saxarada kahor

Barocaafimaad

The post Cudurka Baabasiirka (Hemorrhoid) appeared first on Daryeel Magazine.

Ha Noqon Aabbe!

$
0
0

Dhammaadka bisha guurka ugu horreysa ama ka horba, lammaanaha dhawaan aqal galay waxaa soo kulaala weydiimo arrinkooda ku qotama iyo kuwo kale ba. Waxaana ugu doorroon in ay Uur-kujir ku hubsadeen uurka hooyada.

Jawaabta weydiintaa hore waxaa laga yaabaa inay lur ku hayso inta badan dadka. Fidro kamid ah fidrooyinka Ilaahay dadka ku abuuray weeye helidda fir sal-ballaaran, jeclaanta wanaagga dunida iyo quruxdeeda. [ Hantida iyo dhashu waa muunadda dunida] Alle sarrey’e dhasha waxa uu ku tiriyey muhashooyinka dadka loo qurxiyey.

Ha se yeeshee, fursad ma siinnay nafta ay uga fekerto dhashu inay tahay muhasho baraare xigi doono ama isu rogi doonta dhibaato adduun iyo mid aakhiro?!

Dhabtii waxaa wax laga xumaado ah dhalitaanku in wax la dhalo uun noqdo yoolasha nolosha ugu waaweyn qaarkeen.

Waa miskiin dhabtii kan aaminsan Nebiga NNKH in uu ina ka doonayo keliya inaan noqonno ummad qotodheer oo ballaaran sida daad-xoorta, markuu yiri “Is-guurada, is-badiya, is-ballaariya, ummadaha kale ayaan qiyaamaha idinku faanayaa”

Maya, Ilaah baan ku dhaartay’e, majirto dan uu nebi Alle ugu faano tiro aan tayo ka dhex-lahayn ummadaha, dantooduna gacanta ugu jirto madaxda Ruushka, Maraykan iyo Israa’iil. Taa beddelkeed nebigu waxa uu doonayaa inuu ku faano ummad hoggaamisa dunida ku dhaqda caddaalad iyo shareeco; [isla-markaana] gudata shaqadii loo xilsaaray.

Intaadan ku fekerin inaad aabbe noqoto, ma ka fekertay ma se dejisay waxaad ilmahaaga u qaban doontid? Awood ma u leedahay inaad tusaale u noqotid?

Maxaad u huri doontaa si uu gadaashaa hanaqaad u noqdo, mise waxaad ka tegi doontaa dameeri dhaan-racday nolosha gabiyadeeda dalanbaabi ku ah. Mise waxaad ka yeeli doontaa qof dhib-kastoo jira hillinkiisa cagta saara? Ma waxaad ka keensan magacaaga iyo jiritaankaagu in uu ku faano mise waxaad ku dhigi doontaa ku abtirsashadaada iin daba joogta halka uu cag-dhigo ba?

Akhristahayga milgaha lehoow, ha noqon aabbe haddaadan awoodin caruurtaada inaad u fidiso inta ugu yar asaasiyaadka nolosha. Iyagu baahi uma qabaan in ay jidadka la wareegaan mac-macaan ay ku dawarsanayaan socotada, baahi sidoo kale uma qabaan xoodashada lafaha dhabarkooda jilicsan shaqaday u hayaan dadka intooda manaxayaasha awgeed. Halka waddamadeenuna baahi u qabin sare u kac fakhri hor leh.

Ha noqon aabbe haddii duruuftu carrurtaada u geyn doonto ku-biirista maleeyshiyaad ku qubeysta webiyaal dhiigga caruuta magaaloyinka Xalab iyo Baqdaad, ama ku dul caweeya taallooyin qolfoofta madaxyo dumar ee magaaloyinka Sirta iyo Taciz. Dalalkaa waxaa buux dhaafiyey laga roonayashaas.

Ha noqon aabbe, haddii aabenimadaadu liiska aqoon-darrida ku biirin doonto, tiro horle oo aan helin fursad waxbarasho iyo mid aqoon-kororsi. Dagaalka aan cadowga kula jirno waa mid aqooneed, garasho iyo ilbaxnimo, qofkii aan haysan tiirarka dagaalkgaasi na waxa uu ahaan doonaa mid guul-darraysta, kuwaas jabay ee dib dhacay ha uga rukumin boos.

Ha noqon aabbe, duruuftu haddii caruurtaada geyn doonto qaybta shaqaaqooyinka ee xabsiyada dowladda dhaqan xumidooda iyo barbaarin la’aantooda awgeed. Ama ay buux dhaafshaan tirada derbi-jiifyada, nolashaan ugama bannaana boos dad dheeraad ku ah.

Hor iyo horraan, ha noqon aabbe haddii aad dhalaysid ilmo ku ababay xiqdi iyo nacayb ama ku asqoobay cunsurinimo xun. Dagaal u joognimo u dhashay ama ka indho-saaban arrinka ummadiisa. Noloshu waa ay ka weyn tahay in ay muhasho daan-daan ahi ina asqayso, waa inaan ka kacnaa wahab-wadareedka ina saaran oo kaalinteenna fahamnaa. Waa inaan is-daba-qabanaa, fekernaa baadinimadana ka mayranaa, itaal-darrida na ka xijaabanaa. Waa inaan u jilba-laabannaa horumarinta nafteenna, quudinta shakhsiyaddeenna arradan, nafta toosinnaa, rumaynta himilooyinkeennana u kacnaa; waxay iyagu doonayaan maahee waa inaan teenna u dhago nuglaannaa.

Taasi kama dhigna in aynu isku koobno muhasho iyo dugaashi keliya, waase baaq ku aaddan horumarinta shakhsiyaddeenna, wanaajinta nafteenna, si aan u noqono aabayaal wanaagsan, caruurtoodu na ku faanto mar-kastoo la inoo ku abtiriyo.

Xasuusnow waxaad ballan la leedahay Nebiga NNKH, aanan nasabkaaga iyo magacaaga rabin; falkaaga se ku faanaya, waxaa kugu waajiba ammintaas inaad u diyaar garowdid. Ciyaalkaaga in aad dhowrtid, si wanaagsan u hanuunisid, dhanka xaqa u jihaysid. Markaas ka gadaal aabbe noqo.

W/Q: Maxammad Nafid Qaacud
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan

Tixraaca: https://www.aljazeera.net/blogs/2016/12/31/%D9%84%D8%A7-%D8%AA%D9%83%D9%86-%D8%A3%D8%A8%D8%A7

The post Ha Noqon Aabbe! appeared first on Daryeel Magazine.

Astaamaha Uurka Cusub Iyo Cunnada Uroon Hooyada Uurka Leh

$
0
0

Uurku wuxuu yimaada marka ay manida bacrimiso ugxanta laga soo daayay ugxan sidaha, ugxantu waxay soo martaa tuubada ugxan sidaha oo ah meesha bacrimiska uu ka dhaco. Ugxanta marka ay bacrismato waxay usoo gudubtaa minka oo ah meesha ay ku dhageyso. Marka ukunta bacrimisan si guul ah ay ku dhagto uur ku jirta waxaa meesha ka dhasha uur. Uurku waa hab socda mudo 40 todobaad. In kastoo habkaan uu u muuqdo mid fudud, hadana waxaa jira waxyaaba badan oo saameeyn kara uurka.

Waa maxay astaamaha Uurka?

Ka hor inta aadan iska baarin uur, waxaa laga yaabaa inaad dareentid calaamado xili hore soo baxo, calaamadaha inta badan la dareemo waxaa ka mid ah:

  • Daal
  • Xanuun sahlan oo aroortii la dareemo
  • Naasaha oo barara ama danqada
  • Jawiga ama qaabka nolosha oo isbed bedela
  • Calool istaag ama kaadida oo badata.

Dumarka qaar waxaa laga yaabaa iney dareemaan calool qabad iyo dhiig.

Dumarka qaar waxaa laga yaabaa iney dareemaan calool qabad iyo dhiig bax fudud, dhiiga baxa fudud wuxuu ka dhashaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka, inta badana wuxuu yimaada 1 ilaa 2 isbuuc gudahoda, dhiiga uma badna sida dhiiga caadada, mararka qaar waxaa laga yaaba in dhiig baxa ka dhasha marka ay ukunta bacrimisan ku dhageyso minka lagu qaldo dhiiga caada.

Astaamaha uurka waxaa laga yaabaa iney ukala duwan yihiin dumarka qaar, tusaale ahaan; waxaa laga yaabaa inaad dareentid xanuunka arooti uurka kugu horeeya, oo aadan dareemin uurka ku xiga. Astaamaha la dareemo ee uurka ma ahan kuwa kaliya ee lagu ogaan karo inuu jiro uur, sababtoo ah astaamaha qaar waxaa la wadaaag xaalado kale oo caafimaad.

Sidee lagu ogaadaa uurka?

Si loo ogaado uurka waxaa cabir lagu sameeyaa xadiga dheecaan la dhaho Human Chorionic Gonadotropin (hCG), waxaana loogu yeeraa hormoonka uurka. Hormoonka hCG waxaa la soo daayaa marka ay ukunta bacrimisan ku dhegto minka, xadiga hormoonka wuxuu bataa marka uu imaan waayo dhiiga caadada, taasna waxay tusineysaa in ogaanshaha uurka ay fududahay kadib marka caadada ay imaan weydo.

Hormoonka hCG waxaa laga helaa kaadida iyo dhiiga, faaidada ugu badan oo ay leedahay in lagu ogaado kaadida ayaa ah, in qofka asagoo qarsanaya ogaan kara, wuxuuna ku ogaan karaa si qiimo jaban, marka loo bar bar dhigo in lagu ogaado dhiig baaris.

Uurka iyo cuntada nafaqeysan

Cuno nafaqadeeda ay isku dheeli tiran tahay oo lacuna xiliga uurka waxay sara uqaadaa koriimada iyo dhismaha jirka uurjiifka, waa muhiim inaad ogaatid nafaqa noocee ah ayaad ubaahan tahay iyo meesha laga helo nafaqooyinka.
Majirto cuno mid ah oo la dhihi karo waxaa loogu talagalay uurka. Xaqiiqada ayaa waxay tahay uur iyo uur la’aanba waa muhiim in dabeecad laga dhigto cunidda cunno isku dheelitiran. Cunooyinka isku dheelitiran waxaa ka mid ah cunidda mira ama fawaakihaat badan, qudaarta, haruurka sida digirta, galeyda, qamadiga, borotiinka iyo dufinta fiican oo laga helo (kaluunka, lowska, avocadada, sisinta).

Hasa yeeshee waxaa jira nafaqooyin qaar oo ubaahan in il gooni ah lagu hayo xiliga uurka, waxaa ka mid ah nafaqooyinkaas.

  • Folic-ama folet asid (folic acid): waxay ka hortagtaa in ilmaha ay ku dhashaan iin ama cilad, Maadadaan waa Vitamin B, waxay caawisaa iney ka hortagto cilad ku timaada tuubada neerfaha, oo ah xaalad halis ah oo soo wajihi karta maskaxda iyo xangulaha.
  • Cuntada laga helo: badarka, qudaarta cagaaran, liin bambeelada, digirta la qala jiyay, iyo digirta cagaaran oo lagu kariyo cunada. Cabirka loo bahaan in lacuno xiliga uurka waa 800 micrograms.
  • kalsiyam (calcium):  wuxuu xoojiyaa lafaha. Hooyada iyo uurjiifkaba waxay ubaahan yihiin kalsiyam si ay uhelaan lafa xoog iyo ilkaha, sidoo kale kalsiyam wuxuu caafimaad wareega dhiigga, murqaha iyo habka dareemayaasha.
  • Cuntada laga helo: Wax yaabaha laga sameeyo caanaha ayaa ah meesha ugu fiican ee laga helo maadada kalsiyam sidoo kale waxaa laga heli karaa borokooli iyo cabitaanada la shiido. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 1,000 milligrams.
  • Vitamin D – wuxuu caawiyaa dhisidda lafaha
  • Cuntada laga helo ayaa ah kaluunka.
  • Borotiin (protein): borotiinku wuxuu caawiyaa koriimada. Borotiinka wuxuu lagama maarmaan uyahay koriimada uurjiifka, khaasatan 6da bil ee dambe ee uurka.
  • Cuntada laga helo- hilibka aan cadiinta lahayn, digaaga, kaluunka, ukunta ayaa ah meelaha ugu badan uu jirka ka heli karo borotiinka, sidoo kale waxaa laga heli karaa digirta cagaaran ee lagu kariyo cunada, waxyaabaha laga sameeyay caanaha iyo subaga lowska la marsado rootiga. Cabirka loo baahan yahay maalintii waa 71 grams.
  • Ayron (iron):> waxay ka hortagtaa dhiig yari.
  • Jirka wuxuu isticmaalaa maadada Ayron si uu usameeyo HB oo ah maadada xambaarta ogsijiinta kujirta dhiigga, xiliga uurka cabirka dhiigga wuu is bedelaa si jirka uu ula qabsado shaqada jirka hooyada iyo kan uurjiifkaba, sidaa darted jirka wuxuu ubaah naanaayaa Ayron dheeraad ah si loo helo HB badan oo xambaari kara ogsijiinta ay ubaahan tahay hooyada iyo uurjiifkaba.
  • Hadii aadan cunin ayron kugu filan, waxaa laga yaabaa inaad dareentid daal, waxaad kaloo unuglaaneysaa infekshan, sidoo kale waxaa kor ukacaya farsadaha in uu cunuga dhasho xiligi loogu talagalay kahor asagoo kayar culeyski laga filaayay.
  • Cunada laga helo waxaa kamid ah hilibka aan lahayn baroorta, digaaga iyo kalunka, sidoo kale waxaa laga heli karaa badarka, digirta iyo qudaarta cagaaran.

-Barocaafimaad

The post Astaamaha Uurka Cusub Iyo Cunnada Uroon Hooyada Uurka Leh appeared first on Daryeel Magazine.

10 Dabeecadood Oo Uu Nin Kasta Jeclaan Lahaa In Ay Xaaskiisu Yeelato!

$
0
0

Waa ay dhacdaa in xidhiidh guur ku dambeeyaa uu ku bilowdo deymo iyo aragtida koowaad, laakiin waxa marar badan dhacda in guurku guuldarraysto haddii aanay lammaanuhu meelaha qaarkood ka midaysnayn ama arrimaha qaar aanay isku aragti ka ahayn. Waxaa iyaduna la mid ah haddii aanu lammaanaha midkood lahayn dabeecado iyo habdhaqanno kan kale si gaarah u jecelyahay.

Shabakadda internet ka ee ‘Her Beauty’ ayaa faafisay warbixin ay ku soo bandhigtay toban ka mid ah tilmaamaha uu nin kastaa nafsad ahaan ama dareenka hoose ee niyaddiisu isaga oo aan qurux eegin jeclaan lahaa in ay xaaskiisu yeelato.

Waxaa ka mid ah tilmaamo laga yaabo in qofku uu dareemo in aanay wax xidhiidh ah la lahayn dareenka caashaqa iyo xidhiidhka lammaanaha, laakiin haddana la ogaaday in ninku uu ku xiiseeyo dumarka.

  1. GABADHA DHIIRRAN

Raggu waxa ay jecelyihiin dumarka nolosha sida ugu dhammaystiran uga noolaada, taas oo ay ka mid tahay in ay xitaa diyaar u tahay in ay u badheedho waayo iyo duruufo ku cusub, in aanay ka baqan khatarta iyo dhiirranaanta qaarkeed. Tusaale ahaan gabadha ku dhici karta in ay gasho ciyaaraha dalladda lagaga boodo diyaaradaha iyo buuraha dhaadheer. Waa sababtaas ta inta badan ay raggu xiise iyo dareen kalgacal oo gaar ah ugu eegaan dumarka caanka ah, gaar ahaan dhinaca isboortiska iyo waxyaabaha adkaysiga iyo miidaamada u baahan.

  1. GABADHA FAHMADA BADAN

In lammaanaha qoyska ahi marar badan is khilaafaan waa arrin iska dabiici ah, laakiin mucangagnimada midkood lagu arkaa waxa ay keentaa niyadxumo iyo khilaaf burbur horseedi kara.

Culmimada cilmiga bulshadu waxa ay sheegaan in raggu ay dabeecad ahaan si gaar ah u xiiseeyaan dumarka awoodda wadaxaajood leh, mar kasta oo ay wax tirsanayaan ama laga tirsanayana ku dhaca u leh gartan iyo in ay dooddeeda dhiibato, iyada oo aan ka tegeyn go’aamada labada dhanba raalligelinaya.

Lammaanaha guud ahaan iyo gaar ahaan gabadha oo rumaysan wada xaajoodku waxa ay faa’iido gaar ah u leedahay arrimaha muhiimka ah ee qoyska sida barbaarinta ubadka oo inta badan ay dabeecaddani sababto in labada waalid u midoobaan aragtida ay ku barbaarinayaan.

  1. GABADHA ISKU KALSOON

Gabadha nafteeda ku kalsooni ee qaddarisa qiimaheeda qofnimo iyo jiritaankeeda gabadhnimo, kuna qanacsan kaalinta ay nolosha kaga jirto iyo aragtida ay xambaarsan tahay difaaceedu, waa gabadh inta badan raggu ay jecel yihiin, marka doonistooda hoose ee aan damaca sharka ah ku dhisnayn loo dhaadacana ku qanacsan yihiin in rug ay la wadaagi karaan.
Sababta ugu weynina waa in ay ogyihiin xaqiiqada ah ingabadha dabeecadahaas leh ay ku badan tahay farxadda iyo niyadwanaaggu. Taas oo ay aad ugaga duwantahay gabadha dhiggeeda ah ee aan iyadu dabeecaddan lahayn.

  1. GABADHA NINKEEDA KU KALSOON
    Marka laga hadlaayo xidhiidhka lammaanaha, suurtagal maaha in labada qof ee qoyska midkood kan kale 24 ka saac ilaaliyo waxa uu qabanayo iyo siraha uu sida gaarka ah u wado.
    Sida oo kale hinaasaha iyo naf-doorbidku waxa uu qofka u horseedaa wareer adduun iyo murugo, sidaas awgeed waxa ay xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu ogaadeen in nin kastaa uu hoos u jecel yahay gabadha aan ka shakiyin daacadnimadiisa.
    Waa dareen ay gabadha qudheedu la wadaagto, laakiin qormadani maadaama oo ay ka warramayso ragga iyaga ayaa aynu ku koobnaanaynaa.
  1. KAFTAN IYO FURFURNAAN

Xeeldheereyaasha cilmiga bulshada ee u kuurgalay dabeecadaha dumarka ee soo jiita dareenka ragga ayaa ogaaday in nin kastaa dareen kalgacal u qabo in afadiisu ay noqoto gabadh furfuran, kaftan aqoon ah, noloshana farxad iyo niyadwanaag ku eegta, taas oo uu ogyahay in ay tahay dawo aan wax loo dhigaa jirin oo ka bogsiin karta waayaha adduun ee kadeedka badan iyo duruufaha murugada abuura.

  1. DHALIISHA DHEGEYSAN KARTA

Fureyaasha guud ahaan xidhiidhada caafimaad qaba oo dhan waxaa ka mid ah in labada qof mid kasta oo ka mid ahi uu rumaysto xaqiiqada ah in qof dhinac kasta ka dhammays ahi aanu jirin. Maadaama oo ay sidaas tahayna muhiim ma’aha in aad cambaarayso dhaliil kasta oo aad qofka ku aragto. Iyada oo aadamaha oo dhami uu dhaliisha necebyahay, xeeldheereyaasha cilmiga bulshadu waxa ay sheegeen in raggu ay si aad ah u necebyihiin ruuxa ceebahooda iyo dhaliilahooda dabagal ee ku ceebeeya. Sidaas awgeed waa uu ninku jecel yahay gabadha dhaliilihiisa sida ay yihiin ugu dulqaadata ee aan ka abuurin doodo khilaaf abuura iyo dhaqanno uu u arko in ay doonayso in uu beddelo dhaliilahaas.

Waa arrin ay gabadhu marar badan ku saxantahay in ay isku daydo in ay saygeeda ku baraarujiso ceebihiisa si uu u saxo, laakiin waxaa run ah in nin kasta haddana jecel yahay in sida uu yahay lagu aqbalo, sidaas awgeed isku day kasta oo gabadhu ku dhaliisho ama cambaarayso ceebihiisu waa uu sii kala fogeeyaa lammaanaha.

  1. DHALANTEEDKA

Naftu kama maaranto in ay mararka qaarkood isku maaweeliso humaag qurxoon oo ay mustaqbalka ku aragto, sida oo kale siima jiri karto haddii aanay runta iyo waaqaca nololeed waajahin. Laakiin inta badan ma dhacdo in labadaas qaybood ay isu dheellitirmaan, balse waxaa dhacda in mararka qaarkood qofka ay ku badato malo-awaalka iyo khayaaligu, halka kuwo kalana ku talaxtagaan dhinaca kale.

Raggu aalaaba waxa ay jecelyihiin in nolosha ay dhinaca adag ka eegaan, sheekooyinkoodana waxaa u badan ba’a ay soo mareen. Sidaas awgeed waxa ay jecelyihiin haweenayda dhinaca xaqiiqada nolosha waajihi karta. Nolosha ayaa sideeda caqabado iyo carin badan, sidaas awgeed waa qasab in laga fikiro sidii loola qabsan lahaa iyada oo aan dhibaato ku noqonayn sii wadista nolosha, sidaas awgeed nin kastaa waxa uu jecelyahay gabadha nolosha runteeda waajahda.

  1. KALGACAL IYO DARYEEL

Abuurta ragga ayaa ah in ay jecelyihiin daryeel, koolkoolin iyo kalgacal loo muujiyo, sidaas awgeed si gaar ah ayaa uu ninku u jecelyahay gabadha dabeecadaas leh ee xitaa qoyskiisa iyo asxaabtiisu dareemaan kalgacalkeeda, iyo qalbi wanaagga ay u hayso isaga iyo cidda ku xidhanba, waana dabeecad inta badan ragga iyo dumarkuba ka siman yihiin.

  1. HAL-ABUUR

Hal abuurka iyo curintu waxa ay qurxiyaan xidhiidhka lammaanahan. Tusaale ahaan gabadha hal abuurka leh ee awoodda in ay dareenkeeda ku cabbirto qoraal ama sawir waxa ay fursad weyn u haystaa in ay si dhow u kasbato qalbiga ninkeeda.

  1. Go’aan jileec

Noloshu maadaama oo ay caqabado iyo kadeed badantahay waxaa mar kasta qasab ah in qofku uu nafsad ahaan u diyaarsan yahay in uu go’aamo degdeg ah oo wax ku ool ah qaadan karo. Raggu waxa ay ku faanaan ama isku faaniyaan go’aan qaadasho, laakiin haween badan ayaa ka badiya ama la mid ah.

Ninku si gaar ah ayaa uu u jecelyahay gabadha awoodda u leh go’aan qaadashada. Sida oo kale waxa ay jecelyihiin gabadha ku dhaca u leh in waxa ay doonayso ay si aan gabbasho lahayn toos ugu sheegi karto.

W/D: Kamaal Marjaan

Facebook Page: Marjaan

The post 10 Dabeecadood Oo Uu Nin Kasta Jeclaan Lahaa In Ay Xaaskiisu Yeelato! appeared first on Daryeel Magazine.

Baqdinta In Cunnada Lagu Cayilo (Anorexia Nervosa)

$
0
0

Baqdinta laga qabo cunada in lagu cayila waxaa loo yaqaanaa “Anorexia nervosa” waa xaalad ku timaada dad badan, waxay la xariirtaa baqdinta uu qofku ka qabo cayilka, uuna iska ilaaliyo cunnada si uusan u cayilin. Qofka ayaa walwal ka muujiya inuu miisaanku u kordho. Xaaladdaan ayaa ah mid maskixiyan ah. Waxayna caan kutahay miisaanka jirka oo aad u hooseeya iyo cunnada oo aan oomateet loo hayn ama la iska ilaaliyo.

Hadii uu qofku ka fogaada cunnada ama uusan cunin xadi ku filan waxaa lasoo darsa xaaladdo caafimaad darro sida nafaqo la’aan, dhiigyari, calool istaag, wadna garaac, timaha oo bida, hurdo la’aan, dumarka oo caadada waaya ama dhiiga caadada oo ka badan inta caadiga ah, walwal iyo xaalado kale oo ay ka mid tahay anorexia.

Maxaa Sababa Anoreksia?

Sababta saxda ee xaaladdaan looma garanayo si wanaagsan, balse waxaa la’aaminsan yahay inay la xariirto habab badan oo is biirsaday sida xaaladdaha deegaanka iyo kuwa maskaxda.

Inkastoo aysan si dhab ah u cadayn, waxaa la aaminsanyahay inay jiraan hidda wadayaal usahla qofka inuu u nuglaado xaaladdaan. Dadka ubadan xaaladdaan caafimaad ayaa ah dumarka da’da yar, sababtuna waa inay ka fakaraan sidii aysan u cayili lahayn si ay u yeeshaan qaab wanaagsan, tan ayaa ah mid maskixiyan oo ka hor istaagta cunnada.

Yaa halis ugu jira?

Xaaladdaan la xariirta maskaxda ayaa ah mid saamayn balaaran ku leh dad badan oo bulshada ka mid ah. Waxaa kamid ah, dumarka da’da yar, dadka leh waalid ama qaraabo hoose oo xaaladdaan lasoo darsay, isbadala nolosha ku yimaada sida geerida qof la jecelyahay, deegaan cusub, furiinka, xariir qof aad jeclayd oo dhamaaday, orodyahanada, dadka xayeysiiya dharka ama ka shaqeeya warbaahinta modelada.

Waa maxay astaamaha?

Astaamaha iyo calaamadaha xanuunkaan ayaa ah kuwo la xariira caato saa’id ah, walwal, gaajo iyo baqdin laga qabo cunnada si aan loo cayilin.

Walwalka iyo cabsida ayaa ah kuwo runta ka fog oo khiyaali ah oo qofku naftiisa ku abuuro. Waxaa kamid ah astaamaha iyo calaamadaha anoreksia, miisaanka jirka oo aad u hooseeya, caato, daal, hurdo la’aan, dawakhaad, faraha oo midabkoodu buluug isku badalo, timaha oo luma ama daciifa, xaada jirka oo aad u jilicda, caadada oo la waayo amaka badan xadigeeda caadiga ah, calool istaag, qabow oo aan loo adkaysan karin, cabirka dhiiga oo hooseeya, iyo garaaca wadnaha oo aan talantaalli ahayn, cunnada oo laga caaganaado.

Side loo daryeelaa?

Daaweeynta xaaladdaan waa mid sahlan, waxayna la xariirtaa qaybo kala duwan sida nafaqada, wadnaha iyo maskaxda, hadii uu qofku yahay mid miisaankiisu aad u liito waxaa haboon in la dhigo isbitaalka inta uu ka soo noqonayo miisaanku ama laga arkayo calaamado isbadal wanaagsan ah. Dhakhtarada bartay cilmiga nafsiga ayaa ugu mudan inay la tacaalaan bukaanka si ay usoo kabsadaan.

Talo:

Cabsida laga qabo cunnada si aan loo cayilin waa mid khiyaali ah, cayilka oo la iska ilaaliyo waxaa ugu wanaagsan cunno isku dheelitiran oo la cuno iyo jimicsi, ha ka goyn jirkaaga wax uu u baahanyahay. Miisaanka oo dhuma ma noqon karo anoreksia oo keliya ee waxaa jira xanuuno badan oo la xariira, isku day inaad dhakhtar la xariirto hadii miisaankaagu saa’id u dhacayo.

Barocaafiimaad

The post Baqdinta In Cunnada Lagu Cayilo (Anorexia Nervosa) appeared first on Daryeel Magazine.

Viewing all 1527 articles
Browse latest View live