Quantcast
Channel:
Viewing all 1527 articles
Browse latest View live

7 Practical Tips To Reduce Stress

$
0
0

By: Hanan Dover

Source: MuslimVillage

“Our beliefs create the world that we live in, and our beliefs and thoughts therefore also create the stress we experience.  If we think something is safe and possible to conquer, then it is.  But if we think the opposite then that will be our experiences”

–         Janice Calnan, Psychotherapist

Importance of Understanding Stress

Stress is a response to any demand (real or imagined) on the body to adapt or readjust. Stress can be beneficial in our daily life as it adds challenges, opportunities, and colour to our lives. Without stress, life could be boring, unexciting, and dull. However, there is a danger in experiencing too much stress because it can seriously affect your physical, spiritual, and mental well-being. If you are considered to be a “stress-head” where you regularly feel stressed all the time, it can often lead to problems in social and personal relationships, academic and work performance, decreased self-confidence, self-doubt, and self-defeating behaviours. It is important for your physical, spiritual, and mental health, that you find the optimal level of stress that you can learn to manage the challenges of day to day life effectively.

It is important to note that stress is unique to all of us. What is considered relaxing for one person may appear stressful to another person. It depends on the perception of the individual on their personal evaluation of an event or circumstance. The key to stress reduction is to identify strategies that fit you as an individual.

Activate Cognitive Spirituality

Every time you have any incoming negative or unhelpful thoughts, recite “A’uuzhu billahi mina Shaytan-a rajeem” to minimise and cease the effect of the whispering of the Shaytan (waswas). More importantly, it will automatically give rise to the consciousness of Allah, Most High. This phrase aids conscious awareness of wanting to seek refuge from waswas and will help in ridding the progressive development of mental ailments. Most importantly, pray and perform supplications, as Allah, the Most Merciful, is always near.

Narrated by Abdullah ibn Abbas: The Prophet (peace be upon him) said: If anyone continually asks pardon, Allah will appoint for him a way out of every distress, and a relief from every anxiety, and will provide for him from where he did not reckon (Abu Dawood).

Activate Helpful Cognitions:

Being relaxed is the key to being able to activate the mind’s problem-solving skills. The best solutions come into our thoughts after being calm, relaxed, and when fully aware of ourselves and surroundings. Taking action after being calm and relaxed is powerful and usually most helpful.

Replace the habit of worrying and feeling stressed, with the positive habit of challenging unhelpful thinking patterns that are maladaptive or self-defeating. Worrying about trivial matters has no benefit, is a waste of time, and only increases stress levels that can lead to more pronounced psychological issues. It is important to remember that most all of what you worry and fear will happen, never actually occur. Worry is something our mind creates out of fear or waswas, not reality.

Don’t carry worries for a long time because it is mentally draining and heavy on the mind. Accept the worry for a short while if you have to, then you have to let it go. Don’t hold onto excessive and unnecessary worries that are beyond your control or influence. If there is a situation beyond your control or influence, learning to just relax and let go. Letting go and even the process of forgiveness is one of the most important skills we can ever learn. Address your concerns and worries, and learn to give up your worries to Allah, Most Compassionate.

Learn Relaxation and Diaphragmatic Breathing

Diaphragmatic exercises activate the immune system of the body, and healing begins (there are many internet links about these exercises). You can substitute the counting of numbers whilst inhaling and exhaling (“in, 2, 3 – out, 2, 3, 4,” by the inclusion of dhikr. For example, when inhaling, recite in a rhythmic fashion, “Alhamdullilah” and then “Subhan’Allah” when exhaling. This will aid the belly movements. You can also use words such as “relax”, sleep”, “stay calm”, etc as your body will respond to those words provided you are thinking about what they mean as well.

These relaxation exercises can assist in many areas of one’s life, including trying to recover from an illness. Breathing rhythmically has healing properties.

Note: Do not use long phrases whilst doing the breathing exercise to aid the rhythmic process of the inhaling and exhaling at a steady pace.

Ensure that your chest is not moving up and down whilst inhaling or exhaling. Most of the movements must be made with your belly, otherwise you will feel worse.

Activities to Release and Reduce Tension

There are many ways to release and reduce tension. Good examples are to exercise (very important as it releases natural endorphins from within the body), take a quick nap, sit with your eyes closed and visualize peaceful images that will calm you, admire nature (especially nature’s green), spend time with a loved one (or with animals), meditate, practice yoga, get a massage, supplicate, prayer, read Quran, make yourself a cup of herbal tea, release incense (lavender is considered highly effective for stress-relief), etc.

All of the above will release tension, and even assist your body produce healing chemicals. When you are relaxed, healing interleukins are released into your bloodstream. Interleukins are a part of the immune system that can heal illness and infection within the body. A healthy immune system makes the body less susceptible to mental health issues and physical illnesses.

Exercise

One of the most effective ways to assist in reducing the physiological effects of worry and stress is to pull yourself and move your body.

It does not necessarily have to be rigorous exercise, but engaging in rhythmic activities like walking or  cleaning, can be healing and therapeutic exercises – as your body gets into your own bodily rhythm, you can let your mind go and problem-solve, or even just daydream for awhile. Just remember not to reinforce your worries via constant reminders.

Ask for support

It helps to have a friend, family member, Sheikh, counsellor, or colleague to talk to for support. Knowing there is someone you can talk to can often make it easier to release your worries in the form of a cathartic response, or a healthy emotional release.

The post 7 Practical Tips To Reduce Stress appeared first on Daryeel Magazine.


Gaastari (H.pylori infection)

$
0
0
Image Source: MedicineNet

Waa mar kale iyo maqaaladeenii taxanaha ahaa oo aynu maanta ku faaqidi doono xanuunka gaastariga. Cudurkan ayaa ah mid haleela qaybo ka mid ah dheef-shiidka inta badana abbaara caloosha. Ereyga gaastari ayaa isagu ah mid aynu qalad fahanay islamarkaana aan ahayn sida aynu u naqaano ama u adeegsano. Ereygan ayaa isagu asal ahaan ka soo jeeda afka laatiin-ka oo inaga afkeena u dhigmaya caloosha. Ereygani ma sheegayo cillad ku timaada caloosha bini’aadmiga ee keliya waa magaca xubintani leedahay.

Cudurkan waxa keenta nooc ka mid ah bacteria-da loo yaqaano helicobacter pylori. Bacteria-dan ayaa iyadu ka mid ah kuwa weerara isla markaana dega caloosheena. Waxa ay ku tarantaa bacteria-dani kuna uruurtaa lakabyada gudaha ugu xiga ee caloosheenu leedahay. Waxa mararka qaar ay degi kartaa qaybta hore ee midhicirka yar ee bini-aadmigu leeyahay. Sida aynu hore ugu sheegnay qoraalkeenii ka horreeyey kan, aysiidha caloosha ayaa ah mid ka mid ah wadiiqooyinka aynu isku difaacno. Hadaba bacteria-dan ayaa iyadu ka gabbata aysiidhan oo iska xigsiisa lakabyada qaar caloosheenu leedahay.

Cudurkan ayaa ah mid aad ugu badan wadamada soo koraya. waxa la sheegaa in kala badh dadka dunida ku nool ay jidhkooda ku jirto bacteria-da cudurkan keentaa in kasta oo aanay astaamaha cudurkani dadka ka soo wada bixin. Dadka ayaa ah halka rasmiga ah ee hoyga u ah ilma-aragtaydan. Waxa jira aragtiyo ay qabaan qaar ka mid ah saynisyahanada caafimaadku oo odhanaysa in dukhsigu uu walwaali karo bacteria-dan, ilaa hada se lama caddayn in bacteria-da uu sidaa ay inaga cudur inagu keeni karto.  Cudurkan ayaa ku kala badan dhulalka qaar, da’da, qoomiyada iyo wixii la hal maala. Waxa lagu ladhaa in dumarku uga nugul yihiin inuu uu ku soo noqdo caabuqani. Cudurkan ayaa ku badan dadka dhaqaalahoodu hooseeyo , iyada oo dadku inta badan qaadaan cudurkan ciyaalnimada oo la aaminsan yahay in nadaafada oo hoosaysaa ay tahay qodobka ugu muhiimsan .

Habka loo kala qaado cudurkan Ayaa isagu ah mid lagu kala tagsan yahay hase yeeshee ay jiraan meelo ay ka wada duulayaan culimada caafimaadku. Waxa la sheegaa in lagu kala qaadi karo inaad toos isu soo gaadhaan candhuufta, mataga iyo saxaro sida H.pyori. waxa intaa dheer in lagu qaadi karo biyo ama cunto aad qaadatay oo iyaguna xambaarsanaa bacteria-dan.  Tuumbada lagu dhaadhiciyo caloosha ( Endoscopy) ayaa iyaduna ah mid fudaydin karta fiditaanka cudurkan hadii aan si quman loo nadiifin.

Qodobada kor u qaadi kara in uu cudurkani ku haleelo ayay ka mid yihin in aad ku noolaato dalalka soo koraya, goobaha dadka badani degan yihiin iyo in aad la nooshahay qof qaba cudurkan.

Astaamaha cudurkan leeyahay Ayaan haba yaraatee dadka qaar yeelanin halka dadka qayb ka mid ahina ay la iman karaan astaamaha oo idil. Tan ayaa loo aaneeyaa in ay dadka qaar adkaysi u leeyihiin oo ay iska caabin karaan. Astamaaha cudurkan hadii aynu yara taxno waxa ka mid ah-:

  • Calool olol ama caloosha oo xanuunta
  • Gaajada oo kugu kordhisa calool xanuunka
  • Laab dillaac
  • Matag
  • Yalaalugo/ lallabo
  • Cuntada oo qofku ka kaco
  • Dibiro
  • Miisanka oo yaraada

Waxa aad u muhiim ah in dadkeenu fahmaan laab dilaacu inuu yahay keliya astaan ka mid cudurkan, isla markaana aanay mararka qaar keeni karin gaastari oo kale ahi. Laab dilaaca waxa keeni kara qaar ka mid ah dawooyinka, cuntooyinka qaar sida basbaaska iyo jalka saliidu ku badan tahay, uurka iyo bog dillaaca. Marar badan ayaanu laab dilaacu u baahnayn daawayn ee waxa lagu sixi karaa hab nololeedka qofka oo la hagaajiyo. Habka uu laab dilaacu ku imanayo ayaa ah in aysiidha caloosheenu kor u soo baxdo oo ay soo gaadho hunguriga, halkaas oo aan xikmada Rabi darteed u adkaysan karin walaxda ay caloosheenu hoyga u tahay. Wax kasta oo kor u qaada ama badiya aysiidha amaba se caloosha soo cadaadiya ayaa iyaguna keeni kara arrintan. Caloosha oo aad loo buuxiyo (dheregga) ayaa iyadu ah mid carin karta soo saarida aysiidh badan si loo dheef shiido dhuunigaas.

Cudurkan ayaa lagu ogaan karaa qaabab kala duwan oo mararka qaar mid qudha ahi kugu filan yahay si loo xaqiijiyo, mararka qaarna loo baahan yihiin in la adeegsado dhawr qaab si ay isu kabaan. Dariiqyada lagu ogaado waxaa ka mid ah -:

  • dhiiga oo laga baadho bacteria-dan inay soo gashay jidhkeena
  • neefsiga oo laga baadho walxaha ay bacteria-dan soo saari karto
  • saxarada oo laga baadho , shaybaadhkan waxa qaldi kara dawooyinka qaar ka mid ah oo lagu la taliyo inuu joojiyo bukaanku laba todobaad ka hor baadhitaanka
  • in lagu dhaadhiciyo tuumbada caloosha lagu eego oo lagu arki karo dhibaato hadii ay soo gaadhay caloosha isla makraana laga soo qaado cad yar oo ku yaala caloosha si loo baadho.

Cudurkan ayaa isagu ah mid laga bogsan karo hadii loo adeegsado dawooyinka saxda ah isla markaana loo qaato sida saxda ah. Waxa lagu taliyaa keliya in laga daweeyo cudurkan dadka yeesha cabashada cudurkan ama astaamihiisa. Waxa la qaataa 3 dawo oo laba yihiin antibiotics iyo mid hoos u dhigaysa aysiidha caloosha. Daawooyinka ayaa la wadaa mudo 10-14 cisho ah oo xidhiidha. Laba ka mid ah dawooyinkan ayaa iyagu ka horreeya cuntada halka xabada kale ay ka dambayso. Iyada oo lagu salaynayo goobta uu bukaanku ku nool yahay ama inuu guul darraystay qorshe daweedka hore ayaa qasabta in la adeegsado 4 dawo oo kala duwan isla markaana kor u qaadi kara cidhib tirka cudurkan.

Cudurkan ayaa keeni kara dhibaato ka weyn tii hore hadii aan si rasmi ah loo dawayn. Waxa ka mid ah-:

  • nabaro soo gaadha caloosha ( ulcers)
  • kor u kac ku yimaada haleelida kansarka caloosha
  • dhiig bax

Qofka oo qaata khudaar badan iyo vitamin C ayaa la sheegaa in ay hoos u dhigi karto caabuqa bacteria-dan. Halka taa lidkeeda cuntada oo aan si wacan loo karin ama u bandhiganta biyo wasakhaysan ama ciidu ay kor u qaadi karaan halista cudurkan. Waxa aan ka madhnayn nadaafadda oo hoosaysa, uruka dadka oo bata iyo dakhliga oo hooseeyaa oo iyagana aad loo tuhunsan yahay inay ka qayb qaataan korodhka ama fiditaanka caabuqan.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email: deeqadahab17@gmail.com

The post Gaastari (H.pylori infection) appeared first on Daryeel Magazine.

Cashar ku Saabsan Nolosha!

$
0
0

Cashar ku Saabsan Nolosha:

Nin baa jirey lahaa afar wiil. Wuxuu doonay in wiilashiisu ay wax-bartaan oo aysan noqon kuwo
si fudud oo degdeg ah wax u qiimeeya. Markaasuu mid walba baaritaan u diray, si uu u aado oo u soo fiiriyo geed Canbaruud (Pear) ah oo meel aad uga durugsan ku yiillay. Wiilkii ugu horreeyay wuxuu aaday xilli Jiilaal ah, kan labaadna Gu’, kan saddexaadna Xagaa, iyo wiilka u yar oo isna aaday xilli Dayr ah.

Markii ay wada tageen oo ay soo noqdeen, wuu isugu yeeray, si ay ugu sharraxaan wixii ay soo arkeen. Wiilkii ugu horreeyey wuxuu yiri: “Geedku wuxuu ahaa foolxumo, foorara oo qallooca”.

Wiilkii labaad ayaa yiri: “Maya e [geedka] waxaa lagu daboolay burooyin magool ah oo yididiilo miro ka buuxaan”. Wiilkii saddexaad wuu diiday; wuxuu na yiri: “waxaa ku rarnaa ubaxyo carfaya oo aad u macaan, aad na u qurux badan, waxay ahayd waxa ugu quruxda badan ee uu abid arko”. Wiilkii ugu dambeeyey na wuu khilaafay dhammaantood; isagu wuxuu sheegay geedku in uu dhugcay oo uu miro daadiyey, oo nolol iyo dhammaysnimo ka buuxdo.

Odaygii ayaa dabadeed wiilashiisa u sharraxay in ay wada saxan-yihiin, maxaa yeelay mid welibaa [geedka] wuu arkay; se, keliya hal xilli oo nolosha geedka ah ayuu arkay. Wuxuu u sheegay in geed iyo qof toonna ayan hal xilli ku qiimayn; iyo in nuxurka cidda ay yihiin, raaxada, farxadda, iyo jacaylka arrimahaa ka yimaada lagu cabbiri karo oo keliya dhamaadka nolosha ?marka xilliyada oo idil idlaadaan.

Hadaad quusato markay tahay Jiilaal, waxaad tabi doontaa balanqaadka Gugaaga, quruxda Xagaaga iyo dhammaystirka Dayrtaada. Ha u oggolaan in xanuunka hal xilli uu burburiyo farxadda inta kale oo dhan.

Nolosha ha ku qiimaynina hal xilli oo adag. Ku adkaysta jahawareerka adag waqtiyada fiicani waa hubanti in ay yimaadaan goor dambe.

W/T: Madasha Tarjumaadda HOOBAAN
Tixraac: 100 Moral Stories

The post Cashar ku Saabsan Nolosha! appeared first on Daryeel Magazine.

Beenaha Hurdada Laga Faafiyay Hurdada & Xaqiiqada Cilmiga Ah

$
0
0

Laba Xeeldheere oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa baadhis ay ku sameeyeen arrimo laga aaminsan yahay hurdada oo caan ka dhex ah inta badan ee bulshooyinka adduunka. Waxa ay ku ogaadeen in aaminsanaantaas shaac baxday ay cilmi ahaan been tahay.

Muuqaal ay faafisay shabakadda Business Insider ayaa David Roberts oo bare ka ah kuliyadda caafimaadka Aiken oo ku taalla dalka Maraykanka iyo Dr. Rebecca Rubens oo ah cilmibaadhe ka tirsan cisbitaalka Brigham oo ay leedahay kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda caanka ah ee Harvard, waxa ay ku sheegeen qaar ka mid ah arrimaha laga aaminsan yahay hurdada ee cilmigu uu beeniyey, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Daawashada talefishanka ee hurdada ka hor

Dad badan ayaa aaminsan in ay fiican tahay marka guriga la tago hurdada ka hor in waqti lagu sii qaato daawashada talefishanka, taas oo ay ku doodaan in uu yahay hab fiican oo aad jidhka ku sii dabcin karto si uu qofku hurdo u helo. Laakiin Dr. Rebecca Rubens waxa ay sheegtay caafimaadku aanu arrintaas ku talinayn.

Waxa ay sheegtay in daawashada talefishanka, gaar ahaan muraayadaha waqtigan ee casriga ahi ay sababto in qofka hurdadu ka tagto, maadaama oo uu ilayskoodu Khalkhal ku rido saacadda abuurka ah oo baraarujin u ah maskaxda iyo jidhka.

Kiniinka hurdada

Dr. Rebecca Rubens waxa ay sheegtay in ay run tahay in kiniinka hurdadu uu keeno hurdo, gaar ahaan marka la joogteeyo, laakiin caafimaad ahaan waxa uu burburiyaa habsami u socodka caadiga ah ee hurdada, oo marka ay dabiiciga tahay si tartiib-tartiib ah ugu timaadda qofku marka uu furaashak tago, laakiin marka uu kiniinka isticmaalo si aan dabiici ahayn mar keliya u soo wada degeysa.

Indho isku qabad in lagu sugo hurdada

Dr. David Roberts waxa uu sheegay in cilmigu uu beeninayo aaminsanaanta ah indhaha oo la isku qabtaa ay hurdada soo dhoweynayso. Sidaa awgeed sida aanay hurdada waxba uga tarayn in qofku uu indhaha isku sii hayo marka uu soo tooso, si la mid ah ayaanay waxba uga tarayn in marka uu sii seexanayo uu indhaha isku hayo.

Marka aad toosto haddii aad doonayso in aad hurdada ku noqoto, furaashka iska sii jiif

Dad badan ayaa aaminsan in marka ay baraarugaan, haddii ay doonayaan in ay hurdada ku noqdaan in ay fiican tahay in aanay ka kicin furaashka, laakiin Dr. David Roberts waxa uu arrintaas u arkaa khuraafaad, waxa aanu ku doodayaa in furaashka oo la sii jiifaa ay hurdo soo celisaa ha joogto e, in ay u dhowdahay in huradada ay qofka ka kaxayso. Maadaama oo jiifka badani uu kordhiyo cadaadiska uu dhiiggu ku hayo curuuqda iyo xididdada qofka.

Sidaa awgeed waxa uu ku talinayaan in qofka uu iska kaco oo si dabacsan uu isaga fadhiisto, kaddibna muddo kaddib uu dib ugu noqdo furaashka.

Qofka weyn shan saac oo hurdo ah ama ka yar ayaa ku filan

Dad badan ayaa ku andacooda in haddii la weynaado ay baahida hurdo ee jidhku ku soo ururto shan saac ama ka yar. Laakiin Dr. Rebecca Rubens waxa ay ku doodaysaa in cilmi ahaan ay arrintaasi qalad tahay, cilmibaadhiso badan oo la sameeyeyna ay ka marag kaceen in shan saac aanay qofka weyn hurdo ahaan ugu filnayn. “Waa suurtagal in lix saac aydadka qaar ku filnaato.. laakiin waa khuraafaad in lix saac ka yari ay qof hurdo ahaan ugu filnaan karto” ayaa ay tidhi Dr. Rebecca Rubens. Iyada oo intaas ku dartay in xeeldheereyaashu ay ku talinayaan in qof kasta oo qaangaadh ahi uu helo hurdo toddoba illaa siddeed saacadood ah.

Hurdo yaraanta waa lala qabsadaa

Dr. Rebecca Rubens waxa ay sheegaysaa in aanay run ahayn aaminsanaanta sheegta in qofku hurdo yaraanta la qabsado, oo marka uu muddo saacado yar seexdo ugu dambaynta hurdada uu u baahan yahay ay saacadahaas yar ku soo ururto.

Waxa ay sheegtay in sida uu jidhku caafimaad ahaan ugu baahan yahay nafaqo ku filan, in uu si la mid ahna u baahanyahay hurdo ku filan.

Dr. Rebecca waxa ay caddaysay in cilmibaadhisaha lagu sameeyey dadka dhibaatada hurdo yaraantu haysaa, ay caddaynayaan in iyaga oo aan is dareensanayn ay firfircoonidooda maskaxeed iyo jidheed si joogto ah hoos ugu dhacaan.

Xaaladaha hurdo yaraantu keento ee aanu qofku dareemin sababtooda runta ah waxaa ka mid ah madax xanuun yar, iyo khatar ka weyn oo ah in isaga oo hawlaha muhiimka ah ku jira si aanu is dareemin uu hadba saddex ilbidhiqsi u gama’do, taas oo khatarteeda leh marka uu qofku shaqo feejignaan u baahan ku jiro, tusaale ahaan gaadhi wadista.

Talada ugu fiican ee ay dhakhaatiirtu siinayaan qofka lulo / hurdo dareema isaga oo gaadhiga wadaa in uu sida ugu dhaqsaha badan joojiyo, jidka hareertiisa oo ugu yaraan uu daqiiqado seexdo. Caadi ahaan dadka safarrada badan ee habeenkii galana talada ku habbooni waa in ay hurdo fiican seexdaan, in aanay habeenkii saacadaha dambe socon, in ay ka fogaadaan cuntooyinka dufanku ku badan yihiin iyo in aanay isticmaalin maandooriye iyo wax kasta oo ay is leeyihiin hurdada ayuu kaxeeyaa.

Khubaradu waxa ay darawallada gaadiidka kula talinayaan in ay caadaystaan jimicsiga jidhka, gaar ahaan waqtiyada ka horreeya safarka. Waxa aanay caddeeyeen in cabbitaannada tamarta kordhiya, ama baraarujiye jidhka, daaqadaha gaadhiga oo la furto sida dadka qaar sameeyaan, ama rikoodhka gaadhiga oo cod dheer lagu dhegeystaa in aanay wax muhiim ah ka tarin baraarugsanaanta uu darawalku u baahan yahay.

Darawalku haddii uu isku arko hammaansi badan, ama maskaxda oo baxaysa ama maahaysa waxaa waajib ku ah in uu safarka joojiyo si uu muddo gaaban u seexdo, haddii kale waxaa dhici karta in ilbidhiqsiyo aanu dareensanayn ay maskaxdu gama’do, waana mid ka mid ah sababaha shilalka gaadiidka keena.

Daraasad ay hay’adda nabadgelyada waddooyinka Maraykanku samaysay 2014 kii ayaa lagu ogaaday in darawallada gaadiidka safarrada gala kaxeeyaa ay boqolkiiba 37 seexdaan ilbidhiqsiyo aanay dareemin oo inta ay gaadhiga wadaan ah, iyo in qiyaas ah boqolkiiba 21 shilalka gaadiidaka ee foosha xun, boqolkiiba 13 shilalka dhaawacyada xun geysta iyo boqolkiiba 6 guud ahaan tirada shilalka dhaca in ay sababtoodu tahay darawalka oo isaga oo aan is dareensanayn gam’ay.

Daraasad kale oo sannadkii 2016 ka la sameeyeyna waxa ay daahfurtay in darawallada shilalka galaa ay u badan yihiin kuwa seexda wax ka yar 5 saac maalin kasta, iyo darawallada afar iyo labaatankii saac ee u dambeeyey seexday wax ka yar 7 saac.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa in ay wax fudud u arkaan hurdada saddexda ilbidhiqsi ah ee darawalku gam’ayo, laakiin waxa aanay dareensanayn in haddii gaadhi uu ku socdo 100/km in saddexda ilbidhiqsi ee la gam’ay uu soconayo masaafad dhan 80 mitir. Waa siddeetan mitir oo aanu waxba kala socon xaaladda gaadhiga iyo jidka uu marayo iyo waxa hareerihiisa ka socda oo dhan. Marka sidaas loo eego waa la dareemi karaa culayska khatarta ka dhalan karta.

Hurdo in aad hesho ayaa muhiim ah laakiin waqtiga aad maalintii ka seexanaysaa muhiim ma’aha

Dr. David Roberts waxa uu beeniyey aragtida dad badani aaminsan yihiin ee ah in jidhku hurdo u baahan yahay, laakiin aanay muhiim ahayn saacadda uu maalintii ka seexanayaa. Waxa uu sheegay in maskaxda aadamuhu ay leedahay saacad abuur ah oo si dabiiciya u jaangoysa waqtiga ku habboon hurdada, iyo guud ahaan waqtiyada kala duwan ee nolol maalmeedka qofka muhiimka u ah.

Dr. David Roberts waxa uu sheegay in cilmibaadho lagu sameeyey dad shaqadoodu ay tahay kalkaaliyeyaal caafimaad iyo shaqaalaha gurmadka madaniga ah ee dab-damisku ku mid yahay, in lagu ogaaday in dhibta ugu badani ay ka soo gaadho saacadaha badan ee ay habeenkii soo jeedaan, inta badanna ay ku keento xaalado caafimaad oo ay ka mid tahay waden xanuun, iyo miisaankooda oo kordha.

Jimicsia ka horreeya hurdada

Dad badan ayaa aaminsan jimicsiga ugu yaraan afar saac hurdada ka hor la sameeyaa in uu Khalkhal ku abuuro hurdada. Dr. David Roberts waxa uu sheegay in cilmi ahaan aan arrintaas wax caddayn ah weli loo haynin, laakiin haddana waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in ana la jimicsan ugu yaraan hal saac hurdada ka hor.

Riyadii xalay oo aad xasuusataa waxay calaamad u tahay in aad si fiican u seexatay

Dad badan ayaa ku dooda fikir ah, qofka oo subaxdii xasuusta riyooyin uu habeennimada arkay in ay calaamad u tahay in uu hurdo fiican seexday.

Cilmibaadhisaha hurdada lagu sameeyey waxa ay muujinayaan in aanu xidhiidh ka dhexeyn xasuusashada riyada habeenkii iyo nooca hurdo ee uu qofku seexday. Waxa aanay sheegayaan, xaaladda qofku marka uu subaxdii tooso ku sugan yahay in ay tahay calaamadda ugu fiican ee uu ku garan karo in uu hurdo fiican seexday.

Khuuradu saamayn kuma laha hurdada

Dr. David Roberts waxa uu sheegay khuuro dhawaq dheer ah oo uu qofku habeenkii sameeyaa in ay calaamad u tahay, in ay dhuuntu xihdantahay, neefsiga dabiiciga ahina aad cidhiidhi ugu yahay, neeftaas cidhiidhiga ku maraysa hawo mareenka ayaana sababaysa in hilibka gudaha sanka iyo dhuuntu uu gariir sameeyo, kaddibna aynu maqalno dhawaqa khuurada loo yaqaanno.

Waxa uu dhakhtarku sheegay in khuurada noocan ahi ay khatar ku tahay nolosha qofka, oo marar badan ay dhici karto in uu neef qabatoobo, ama in ay keento xaalad ah in qofka ay neeftu ka go’do.

W/D: Kamaal Marjaan

WARGEYSKA GEESKA AFRIKA

The post Beenaha Hurdada Laga Faafiyay Hurdada & Xaqiiqada Cilmiga Ah appeared first on Daryeel Magazine.

Su’aalo Ay Tahay In Aynu Nafteenna Weydiinno Ka Hor Inta Aanu Dhammaan Sannadka 2020

$
0
0

Subax kasta waxa uu qofka fikirayaa la soo toosaa rajo cusub iyo yididiilo ah in uu u qaado tallaabo hor leh oo uu ugu dhowaanayo xaqiijinta riyada uu ku hammiyo rumaynteeda.

Haddaba maadaama aynu ku jirno bilihii u dambeeyay 2020, waxaa muhiim ah in uu qofku naftiisa ku sameeyo xisaab xidh, si uu u garto inta ay le’eg tahay guusha uu gaadhay, iyo illaa xadka uu u dhowaaday himiladiisa. Si qofku uu xisaab xidhkaas u sameeyana waxaa qasab noqonaysa in uu naftiisa weydiiyo su’aalo ay jawaabtoodu u noqoto marag uu si fiican ugu xaqiiqsan karo in uu sannadkaas dhammaanaya guul ka gaadhay ujeedooyinkiisa.

Qormadan oo aynu soo turjunay waxa aynu ku eegaynaa su’aalahaas muhiimka ah ee qof kastaa in uu is weydiiyo laga filanayo:

– Waa maxay wixii ugu weynaa ee magaca iyo faanka ii noqday sannadkan? Waxaa laga yaabaa in qofka marka lagu yidhi naftaada xisaabi sannadkii tegey, uu u qaato in laga rabo in uu soo ururiyo qaladaadkii iyo guuldarrooyinkii sannadkaas soo maray, laakiin waa in aynu ogaanno in nolosheennu ay isugu jirto tognaan iyo tabnaan, guusha aynu gaadhaynaana ay ku eegtahay inta ay tahay awooddeenna. Sidaa darteed ayaa ay u fiican tahay in bilowga su’aalaheenani ay noqdaan kuwo aynu ku eegayno dhinaca togan, innaga oo beeninayna aragtida qaldan ee dadka qaar qabaan ee ah in qofka oo guusha uu gaadhay ku farxa kuna faanaa ay tahay isla dhacsanaan iyo in qofku dagmo.

Waxaa muhiim ah in marka uu qofku su’aashan ka jawaabayo aanu qaadan aragtida dadka kale. Adigu su’aasha is weydii kadibna naftaadu ha ka jawaabto.

– Sheeg caqabaddii ugu weynayd ee aad sannadkan la kulantay? Waa arrin nolosha ka mid ah in aynu hadba badweyn iyo duruufo kala duwan galno. Ujeedada aynu ka leenahay in qofku xasuusnaado duruuftaas adagi waa in ay ka caawiso garashada awooddeena runta ah, oo hadda kadib hawsha aynu galayno iyo itaalkeenna muuqda iyo ka dadbanba isku qiyaasno. Waxa kale oo ay xasuustani innaga caawisaa in aynu casharro iyo cibaaro kala soo baxno duruuftaas.

Sannadkka 2020 maxaa ugu muhiimsanaa ee aad baratay? Haddii aad hareerahaaga eegto waxa aad maalin kasta arkaysaa dad qabanaya hawlo kaa caawinaya in aad gaadho waxa aad doonayso. Dadkaas oo haddii aanad caawimada heli lahayn ay kugu adkaan lahayd in aad guul gaadhaa.

Marar badan waxa aynu baranaynaa in xushmaynta  dadka kale ay marar badan mucjiso abuurto, tusaale ahaan dhoolla caddayn  ama garabka oo aad u salaaxdo ruux waqti adag maraya ayaa marar badan kor u qaadi karta awooddiisa, suurtagalna ay tahay in ay ka caawiso ka gudubka duruuftaas.

– 365 maalmood ayaa ina soo maray ee ma ku raaxaysatay? Waxaa hubaal ah in sannadka ay ku jiraan maalmo farxad iyo nayaayiro badan iyo maalmo dareen murugo iyo duruufo adag aad martay. Waa in aynaan noqon dad dhanka xun uun wax ka eego oo sannadka intiisii foosha xumayd xasuusan. Aynu maskaxda ku soo celinno maalmihii qosolka iyo farxadda innagu dhaafay, aynu xasuusanno shaqooyinkii niyadwanaagga innagu reebay iyo buugaagtii aynu akhrinnay innaga oo ku raaxaysanayna oo aan mar keliya waqtiga dareemin.

– Maxaad isku dayday ee aad ku fashilantay? Ma jiro qof ka geesisan ruuxa ku dhici kara in uu qirto qaladaadkiisa. Dhammaanteen qaladaad ayaa aynu samaynaa, laakiin in innaga mid ah ayuun baa qaladaadkooda wax ka barta. Xasuuso qaladkii kuugu weynaa ama fashilaaddii kugu darnayd ee aad soo martay sannadka, kadib is weydii inta aad duruus ka baratay iyo sida ay mustaqbalkaaga u anfici karaan. Si aynu fashilaaddeenna u xasuusanno waa in marka ay innagu dhacdo aynu qornaa.

– Waqti intee le’eg ayaa aad la qaadatay dad ku jecel?  Waxa la ogaaday in waxyaabaha ugu murugada badan ee qofka soo maraa ay tahay in uu isku canaanto in qof jecel ama uu jecel yahay aanu siinin waqtigii ku habboonaa in uu la qaato. Noloshu waxa ay ku socotaa xawaare aad u dheeraynaya, taas ayaana sabab u ah in mar kasta uu qofku u darbanaado baacsashada shaqada iyo arrimaha uu noloshiisa ka dabbarayo, waxa ay sababtay in qofku uu illaawo muhiimadda ay leeyihiin dadka muhiimka ah ee noloshiisa ku jira. Tusaale ahaan waqti intee le’eg ayaa aad la qaadataa waalidkaa oo dabcan jecel in aad waqti isu heshaan? Waqti ma siisaa xaaskaaga iyo ubadkaaga? Asxaabtaada aad jeceshay waqti ma la qaadataa? Haddii jawaabtu ay ‘Maya’ tahay waxaa hubaal ah in haddii dadkan qaar ka mid ahi kaa hor dhintaan ama waqti idin kala durkiyo oo aad is arki kari weydana in aad qoomamayn doonto maalmihii badnaa ee uu kaa agdhowaa ee aad waqtiga siin weyday.

Haddii xaaladdaas oo kale sannadkan ku soo martay ka fikir in aad sannadka soo socda hadduu alle idmo wax ka beddesho oo aad jadwalkaaga meel kaga darto waqti aad dadkaas la qaadato.

– Wax Akhris: Buugaagta aad sannadkan 20120 akhriday ee noloshaada saamaynta ku yeeshay waa kuwee? Wax akhrisku waa furaha koowaad ee guusha wax kasta oo aynu doonayno. Wax akhrisku waxa uu ka mid yahay hawlaha ay waajib tahay in aynu nolol maalmeedkeenna waqti uga samayno. Muhiimaddu ma’aha tirada buugaagta aad akhriday, oo mararka qaarkood si kasta oo ay u badan yihiin, aan macno badan soo kordhin, waxa se muhiim ah in buugaagta aad akhriyeysaa ay noqdaan kuwo noloshaada saamayn ku leh, kaana caawin kara in aad hesho talo iyo fikir aad kaga gudbi karto caqabadaha kala duwan.

Haddii sannadkaan intiisa badan kaaga dhammaaday adiga oo aan hal buugba akhriyin, maxaa diidaya in aanad ceebtaas mar kale ku noqon oo imika sii diyaariso tirada iyo nooca buugaagta ay tahay in aad sannadka 2021 akhrido.

-Kamaal Marjaan

The post Su’aalo Ay Tahay In Aynu Nafteenna Weydiinno Ka Hor Inta Aanu Dhammaan Sannadka 2020 appeared first on Daryeel Magazine.

Madax Xanuunka Qubeyska Kadib

$
0
0

Bismillah,

Waxaan qoraalkaan kaga jawaabaynaa madax xanuunka la dareemo markuu qofka madaxa dhaqdo ama qubeysto, taasoo waagii hore la aaminsanaa inuu khaas u yahay dadka qaba goonjabka ama “Migraine”, waxaana lagula talin jiray dadkaas inay daawada goonjabka qaataan qubeyska ka hor ama kadib, laakiin cilmibaaris lagu sameeyay dalka Hindiya (India) waxaa la ogaaday in madax xanuunkaan uu yahay mid ka duwan kan goonjabka.

Maxaa keeno madax xanuunka qubeyska?
Wuxuu madax xanuunkaan ka yimaadaa isbadalka heerkulka ku dhaco madaxa markii la dhaqo, cilladaan badanaa waxaa lagu arkaa dumarka, sababtuna waa timaha oo badan iyo madaxa oo daboolan, taasoo madaxa ka dhigayso mid huur ah ama hawadu ku yar tahay, markii madaxa la dhaqo isla markiiba wuu qaboobaa, jirkuna wuxuu isku dayaa in heerkulkii dabiiciga ahaa ee madaxa inuu soo celiyo, taas waxaa ka dhalanayo in murqaha qoorta iyo madaxa isku hayo ay giigsamaan ama kogaan si madaxa loogu soo jiido dhinaca jirka oo diirrimaad u helo, halkaas ayuuna xanuunka ka yimaadaa.

Sidee loo dareemaa madax xanuunkaan?
Waxaa la dareemaa in madaxa ay galayso hawo qabaw oo kale, wareegga madaxa oo idilne xanuun saa’id ah ayaa laga dareemaa sida qadaadka, dhafoorrada, dhagaha korkooda, mararka qaarne dhagaha guux ayay yeeshaan. xanuunkaan waxaa la dareemaa 30 daqiiqo illaa 1 saac kadib qubeyska, saacad ama laba saac kadibne wuu iska baaba’aa markii heerkulka madaxa caadi ku soo noqdo, dhibaato kalane ma reebo madax xanuunkaan.

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?
Waxaa looga hortagi karaa adigoo biyaha madaxa ku dhaqaysid qandac ka dhigo, meel banaan ah madaxa ha ku dhaqin, hana ku qubaysan, daaqadda musqusha iska xir, markaad ka soo baxaysidne madaxa ku duuduub shukumaan ama maro hawadu ayasan ka gudbayn.

Markaad madaxa qallajisidne isla markii ku shub saliid si qallaylka iyo qabawga u yaraado, xanuunkane kaaga tago.

Sidee lagu joojin karaa madax xanuunkaan?
Waxaa lagu joojin karaa si fudud maadaama cilladu ay tahay murqaha qoorta oo giigsan.

Labadaada gacmood ayaad ku qabanaysaa madaxa adigoo suulasha ku aadinayo dhegaha gadaashood meesha muruqa wayn uu ka galo madaxa, markaas waad cadaadinaysaa muddo 30 ilbiriqsi ah adigoo madaxa iyo qoorta is ku dhawaynaysid. Inta aad sidaa samaynayso neef dheer ayaad qaadanaysaa waana soo saaraysaa, xanuunkane wuxuu kaaga tagayaa hal daqiiqo gudaheed insha’llah.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

Somalidoc.com

The post Madax Xanuunka Qubeyska Kadib appeared first on Daryeel Magazine.

Habab Caawinaya In Macaanka Dhiigga La Dejiyo

$
0
0

In sonkorta dhiiggu ay kor u kacdaa waxa ay ka mid tahay calaamadaha muujiya macaanka, haddii aan la xakamayna waxa ay keentaa khataro caafimaad oo nolosha halis ku ah. Heerka sonkorta oo kor ku kacdaa waxa ay muujinaysaa in maadadda Gulukoostu ay ku badatay dhiigga.
Gulukoostu waa sonkor uu jidhku caadi ahaan u baahan yahay maadaama oo ay tahayu il muhiim ah oo uu ka helo tamarta, laakiin dhibaatadu waa in ay heerkeeda dabiiciga ah ka badato. Hormoonnada Insulin iyo Glucagon ayaanay shaqadoodu tahay nidaaminta heerka sonkorta dhiigga, sida oo kale hormoonnada Adrenaline iyo Cortisol ayaa ka qaybqaata xakamaynta kor u kaca sonkorta dhiigga.

Warbixintan caafimaad oo lagu faafiyey shabakadda Aljazeera ayaa sheegaysa in dadka macaanka noociisa koowaad qabaa ay dhibaatadoodu tahay hormoonka Insulin oo ku yar jidhkooda, laakiin dadka macaanka nooca labaad qaba jidhkoodu waa uu samaynayaa xaddi ku filan oo hormoonka Insulin ah, laakiin dhibaatada haysataa waa awooddii Gulukoostu ku gaadhi lahayd Unugyada oo aan jirin.
Labada xaaladood ee aynu xusnayba waxaa kor u kaca heerka sonkorta dhiigga waxa aanay dhaawac xun gaadhsiisaa neerfayaasha, Indhaha, keliyaha iyo xididdada dhiigga.

Haddaba dadka qaba macaanka noociisa koowaad waxaa waajib ah in ay helaan dawo ah maadadda Insulin, mana jiro hab kale oo ay ku xakamayn karaan kicitaanka sonkorta. Laakiin dadka macaanka noociisa labaad qaba waxaa jira habab ay sonkorta dhiggooda ku yarayn karaan, oo lagaba yaabo in ay mararka qaarkood dawo ka maarmi karaan. Iyada oo ay marwalba waajib tahay in bukaanku uu dhakhtar la tashato inta aanu isticmaali dawo macaan ah iyo marka uu isticmaalo kaddib, wax kasta oo uu dawo ahaan u isticmaalayana ay tahay in uu dhakhtarka kala tashado.

HABABKA UGU FIICAN EE BUKAANKA MACAANKU AY KU DHIMI KARAAN HEERKA SONKORTA DHIIGGA WAXAA KA MID AH:

  1. ISKA JIR QULUBKA

Qulubka iyo culayska nafsiga ahi waxa ay kordhiyaan heerka hormoonka Cortisol oo isaga iyo hormoonno kale oo uu ka mid yahay Glucagon ay keenaan in ay kor u kacdo heerka sonkortu. Haddaba haddii aad xaaladahan nafsiga ah isku aragto naftaada kula dagaal xasiloonida, sida oo kale samee jimicsi maalinle ah.
In qofku uu hurdu ku filan seexdo ayaa iyaduna kaalin muhiim ah ka ciyaarta dejinta xaaladahan nafsiga ah. Cilmibaadhiso kala duwan ayaa caddeeyey in hurdo yaraantu ay kor u qaaddo hormoonnada keena diiqadda iyo qulubka.

  1. CUNTOOYINKA LEH KAARBOOHAYDARAYT KA

Cuntooyinka hodanka ku ah Karboohaydaraytku waxa ay si dhaqso ah kor ugu qaadaan heerka sonkorta dhiigga, sidaas awgeed qofka qaba macaanka waxaa lagula talinayaa in aanu cunin cuntooyinkan. Waxa aanay dhakhaatiirtu kula talinayaan cuntooyinka ay ku yar tahay Kaarboohaydaraytka oo ay ka mid yihiin cuntada badarka / firiga ah ee ay Soomaalidu waddaniga u taqaanno, sida qamandiga, digirta iwm, iyo sida oo kale khudaarta.

Cuntooyinka ay dhakhaatiirtu dadka macaanka noocyadiisa leh uga digayaan waxaa ka mid ah Daqiiqada cad iyo cuntooyinka ay ku jirto sonkortu.

  1. MIISAANKA

Bukaanka qaba macaanka noociisa labaad, talada ugu mudan ee ay dhakhaatiirtu siinayaan waa in uu miisaank dhimi, haddii uu miisaankiisu inta dabiiciga ah ka badan yahay. Mar kasta oo uu miisaanka qofku kordho, waxaa kordhaya xaddiga uu jidhkiisu uga baahan yahay hormoonka ‘Insulin’ halka mar kasta oo uu miisaanku yaraado ay hoos u dhacdo heerka sonkorta dhiiggu.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegayaan in guusha ugu fiican ee miisaan dhimistu ay tahay in qofku uu muddo lix bilood illaa hal sano ah ku dhimi boqolkiiba 5 miisaankiisa. Taas oo ay sheegeen in ay tahay bar bilow fiican oo uu qofku halkaas hoos uga sii wadi karo miisaanka.

TALOOYIN CAAWINAYO IN MACAANKA DHIIGGA LA DEJIYO (2)

  1. DUFANKA BADAN
    In dufan iyo iidaan xoolaad ay cuntadu lahaataa waxa ay u fiican tahay caafimaadka, laakiin dufanka oo ku bataa waxa ay keentaa khataro caafimaadka. Sidaas awgeed talada ugu fiicani waa in qofku ka dheeraado dufanka badan iyo gaar ahaan dufanka xoolaha, sida xaydha iyo baruurta, maadaama oo dufankani sababo in jidhku uu iska caabbiyo maadadda Insulin ee uu u baahan yahay.
    Waxa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in la cuno cuntooyinka leh asiidhada dufanka ah, sida dufanka Kalluunka.
  2. CABBITAANNADA QAAR
    Cabbitaannada ay ku badantahay sonkorta dabiiciga ah sida sharaabka khudradda laga miiraa waxa ay ka qaybqaataan in sonkorta dhiiggu ay korodho. Laakiin cabitaannada ay ka mid yihiin shaaha guud ahaan iyo gaar ahaan shaadhka cagaaran waxa ay dejiyaan sonkorta waana ay u fiican yihiin dadka macaanka qaba. Waxa uun muhiim ah in sonkor aan lagu darin.
  3. JIMICSI
    Qofku marka uu jimicsanayo muruqyadu waxa ay qabtaan shaqo ka badan inta ka badan marka uu qofku shaqo caadiya qabanayo, taasina waxa ay kordhisaa tamarta ay isticmaalayaan oo dabcan iyaduna gubaysa sonkorta ku jirta dhiigga.

Maadaama oo uu jimicsigu gubayo Guluukoos badan hoosna u dhigayo heerka macaanka jidhka ku jira, sida oo kalana caawinayo dhimista miisaanka waxa ay khubaradu ku talinayaan in jimicsi joogto ah oo ku habboon ay joogto u sameeyaan bukaanka macaanku.
Dadka aan hore u caadaysan jimicsiga waxa ay xeeldheereyaashu kula talinayaan in bilowgaba aanay jimicsiga ku talaxtegin, tusaale ahaan ha ku bilaabaan socod masaafad yar ah, kaddibna ay si yaryar hadba in ugu kordhiyaan.

  1. QOROFAL
    Qorofalku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu waxtarka badan dhinaca dhimista sonkorta dhiigga. Qorofalka oo si joogto ah loo isticmaalaa waxa ay yaraysaa sonkorta dhiigga, laakiin waxaa waajib ah qofka macaanka qabaa inta aanu Qorafalka ama dawo kale oo kasta oo dhaqan ah isticmaalin in uu la tashado dhakhtar takhausus ah, iyo in aanu iskii wax ka beddel ama joojin ugu samayn dawada dhakhtarku u qoro.

Qaabka qorofalka loo isticmaalayaa waa in lagu darsado shaaha ama bunka, sida kale waxaa lagu dhex daro karaa saldaatada cuntada la raaciyo.

Jimciyadda Jarmalka ee bukaanka macaanka ayaa ku talinaysa in qofka macaanka qabaa uu xaddi yar ka isrticmaalo khudradda leh macaanka, sida muuska iyo cinabka, waxa aanay ku talinayaan khudradda ay sonkortu ku yartahay ee uu tufaaxu ka midka yahay.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Facebook Page: Marjaan

The post Habab Caawinaya In Macaanka Dhiigga La Dejiyo appeared first on Daryeel Magazine.

Nabarrada Caloosha (Peptic Ulcer Disease)

$
0
0

Nabarrada caloosha (Peptic Ulcer Disease):

Waa mar kale iyo taxanaheenii caafimaad oo maanta aynu ku soo qaadanayno maqaal daba socda qormadeenii todobaadkii hore.

Nabarrada caloosha waa mid ka mid ah xaaladaha caafimaad ee mudooyinkan dambe ku soo badanaya dadkeena.  Xaaladan caafimaad ayaa ah mid ka dhalata kolka uu khalkhal ku yimaado lakabka ugu xiga gudaha caloosheena iyo qaybta sare ee midhicirada.

Xanuunkan ayaa ah mid ay keeni karaan asbaabo badan oo kala duwan. Waxa ugu caansan bacteria-da H.Pylori iyo daawooyinka qaarkood.

Caabuqa bacteria-da H.pylori ayaa ah mid aad loola xidhiidhiyo nabarada ay bukaanadu ku yeeshaan qaybo ka mid ah dheef-shiidkeena. Dhaawaca ay soo gaadhsiiso ilma aragtaydani caloosha aadamaha ayaa ah mid uu ka dhalan karo cudurkan aynu maanta faaqidayno. Abuurta Ilaah inoo sameeyey ayay ka mid tahay inaynu yeelano dheecaano inaga caabiya aysiidha caloosha si aanay wax yeelo ugu gaysan unugyada dheef shiidkeena.

Dawooyinka qaarkood gaar ahaan kuwa xanuun biiyaha ah ayaa iyaguna ah  qaar keeni kara nabaradan. Dawooyinkan ayaa iyagu xaniba dheecaano dahaadha isla markaan ilaaliya nudaha ay leeyihiin qaybo ka mid ah dheef shiidkeenu.

Dheeliga ku imanaya dheecaanadii dhibta geysanayay iyo kuwii dhawrayay ayaa ah habka  ugu weyn ee ay ku imanayaan nabaradani.

Qodobada kor u qaadi kara halistan inaad u bandhigtanto:-

  • Sigaarka
  • Cabidda balwadaha kale
  • Werwer joogto ah
  • Cuntooyinka basbaaska badan

Astaamaha xanuunkan ayaa imanaya kolka uu jidhkeenu xakamayn kari waayo. Waxa ka mid ah :-

  • Calool olol
  • Laab dilaac
  • Dibiro
  • Yalaalugo (lalabo)
  • Cuntada duxda badan oo kor u qaada
  • Matag uu dhiig ku ladhan yahay
  • Saxarada oo madaw noqota sababtuna tahay dhiig ku dhex jira
  • Miisaanka oo luma

Xanuunkan ayaa lagu ogaadaa siyaabo kala duwan oo ay ka mid yihiin

  • Dhiiga oo la baadho
  • Saxarada oo la baadho
  • Tuumbada  caloosha lagu dhaadhiciyo ( Endoscopy)
  • CT-Scan
  • KlIyo qaar kale

Qodobka ugu muhiimsan baadhitaankan ayaa ah in laga soo qaado cad yar oo muunad ah goobta nabarku yahay si loo ogaado xogtiisa oo dhamays tiran.

Dawooyinka cudurkan ayaa ah mid lagu saleeyo hadba sababta keentey xaaladan. Tusaale ahaan hadii ay tahay bacteria sababta ka dambaysa cilladan waxa waajib noqonaya in loo bilaabo dawooyinkii lagu cidhib tiri lahaa.waxa Iyana muhiim ah in la siiyo bukaanka dawooyinka yareeyo aysiidha caloosha. Qofka waxa laga ma maarmaan ah in lagula taliyo yaraysiga dawooyinka jabiya xumada ama xanuun biiyaha iyo balwadaha oo idil. Waxa dhacda marar badan xaaladan oo la dhayalsadaa inay kalifto qaliin degdeg ah ka dib marka uu bukaanku galo xaalad degdeg ah oo u baahan badbaado dhakhso ah.

Nabaradan ayaa ah qaar intooda badan bogsada waxaa se suurto gal ah inay jiri karaan nabarada qaar ku guul darraysta inay bogsadaan.

Nabaradan waxa ay keeni karaan hadaan wax laga qaban xaalado caafimaad oo marar badan qofka halis noloshiisa gelin kara. Waxa ka mid ah :-

  • Dhiig bax keeni karaya dhiig yaraan
  • Gidaarada caloosha oo dalool ku yimaado isla markaana u nuglaada caabuqyo is daba socda
  • In ay xidhanto wadiiqada cuntadu marayso
  • Kansarka caloosha

Ma jiro wax rasmi ah oo lagaga hortegi karo cudurkan laakiin waxa aad hoos u dhigi kartaa fursada uu kugu beegsan karo adoo ka taxadaraya bacteria da caloosha iyo inaad u adeegsato dawooyinka sida ugu haboon.

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email:deeqadahab17@gmail.com

The post Nabarrada Caloosha (Peptic Ulcer Disease) appeared first on Daryeel Magazine.


Hadaad Isku Aragto Arrimahaan, Jaceyl Dhab Ah Ayaa Ku Haya

$
0
0

Jaceyl dhab ah, jacaylka, qofka ku jecelWali jaceyl dhab ah ma ku helay? Waa suaal jawaabteedu adagtahay balse waxa ka adag hadaa lagu waydiiyo “Qofkad xidhiidh la leedahay dareen jacayl ah ma u qabtaa?” Hadaad 12-kan qodob ee hoos ku xusan aad isku aragtid ama qaar ka mid ah, ogow jacaylkii dhabta ahaa ayaa ku haya:

1. Waa qof special ah: marku jacayl ku hayo qofkad jeceshahay dadka kale la barbar dhigi maysid. Adiga indhahaaga wuxu ku noqon doona qof special ah dadka kale ka duwan oo la mid ahayn.

2. Waa qof dhamaystiran: waxa kaliya arki doonta sifaadkiisa ama sifaadkeeda wanwanaagsan, wax kaste u qofkan aad jeceshahay sameeyo dhinaca positive-ka ayaad ka arki doonta. Arki maysid sifaadkiisa ama sifaadkeeda xunxun.

3. Waxaad noqon doonta qof isku dhex daadsan: marna appetite-ka kaa lumi, marna hurdada iska waayi doonta, walwalka kugu badan doona marku xidhiidhkeenu wax noqdo ama aad is qabsataan.

4. Markaad dhibaato hor timaadaan oo xalidaan xidhiidhkeenu wu sii xooganaan doona: markaad carqalado la kulantaan oo si wanaagsan uga baxdaan waxa sii xooganaan doona xidhiidhka idin ka dhaxeeya.

5. Maskaxdaadu ka guuxi doona: dadka jacaylku hayo wakhtigooda boqolkiiba shan iyo siddeetan (85%) waxa maskaxdooda ka dhex guuxa qofka ay jecelyihiin.

6. Waxaad jeclaysan doonta markaste inaad ag joogtid: intaad ka fogtahayna karaahi ayu kugu noqon doona waanad dhibsan doonta.

7. Inaad mustaqbal la yeelatid ayaad rajayn doonta: waxaad ka sii fakiri doonta sida mustaqbalka aad u wada noolaan lahaydeen iyo meeshad wada dagi lahaydeen.

8. Wax kasta waad u huri doonta: qofka aad jeceshahay waxa idin ka dhexeen doona xidhiidh caadifi ah, dhibaatada haysa iyo xanuunku dareenmo waad la dareenmi doonta. Sidaa darted wax kaste waad u huri doonta adigo doonaya inaad ka farxisid.

9. Dharkan mu jeclaan doona?:  Waxaad is waydiin doonta markaad maryo cusub iibsanaysid ama aad dhar hore u lahayd labisanaysid inu jecleysan doono.

10. Waxaad noqon doonta qof hinaasi badan.

11. Caadifadaada ayaa ka awood badnaanaysa hamadaada: inkasto ay hamadu tahay wax bani aadmiga lagu abuuray laakin markaad qofka aad u jeceshahay caadifadaada ayaa ka awood badan doonta hamadaada.

12. Isma kontrooli kartid (out of control): dareenkaagu wuxu noqon doonta wax awoodaada ka baxsan.

Laakin nasiib daro jacaylku maaha mid waara. Waa marxalad aad u xiiso badan oo nolosha ku jeclaysiin doona ama ku nacsiin doona laakin marnaba waari maayo oo mar uun bu dareenkaasi tagi doona. daryeelmagazine.com ayaa ku leh dareenka waxa badali doona waxa loo yiqaano “attachment” oo ah ku xidhnaasho aad ku xidhnaanaysid qofkaad jeclayd oo aanad ka maarmi doonin.

The post Hadaad Isku Aragto Arrimahaan, Jaceyl Dhab Ah Ayaa Ku Haya appeared first on Daryeel Magazine.

10 Calaamadood oo kuu Tilmaamaya Inaad Ka Xaalad Wanaagsan Tahay Sida Aad Mooddo

$
0
0
  1. Waad nooshahay
  2. Waxaad awood u leedahay inaad dibadda u baxdo oo aad soo daawato bilicda iyo abuurta Eebbe.
  3. Waxaad maqli kartaa codadka shimbiraha dhawaaqa san.
  4. Xalay gaajo kumaadan seexan.
  5. Guri saqaf leh baad kasoo toostay.
  6. Waxaad xidhatay dhar aan lagugu qasbin oo aad adigu doorashadaada ku xidhatay.
  7. Waxaad ka fekeraysaa mustaqbalkaaga, kan reerkaaga iyo tallaabooyinkii aad ku wanaajin lahayd, taasina macnaheedu waxa weeye inaad leedahay han, hiigsi, rabitaan iyo doorasho aad ku go’aamin karto mustaqbalkaaga nooca uu u eekaan karo.
  8. Waxaad leedahay xigto, xigaal iyo saaxiibbo ku jecel oo xiisa u qaba in aad maalin uun nolosha ku kulantaan.
  9. Waxbaad akhrin kartaa.
  10. Eebbe ku jecel baad leedahay. ?

W/Q: Mubarak Hadi

The post 10 Calaamadood oo kuu Tilmaamaya Inaad Ka Xaalad Wanaagsan Tahay Sida Aad Mooddo appeared first on Daryeel Magazine.

Dhibaatooyinka Laga Qaado Jacaylka Aan Lagula Wadin & Talooyin Muhiim Ah

$
0
0

Waa in ayu mar walba xasuusnaano in wax kasta oo nolosha innagu soo maraa uu yahay fursad aynu ku ogaan karno xaqiiqada nafteenna, isla markaana aynu aqoonsanno in aanay jirin waayo-aragnimo aan faa’iido lahayn, haddii ay ugu liidato waxaa hubaal ah in aynu ka baranayno casharro aynu kala soo baxno, si ay innooga caawiyaan in nolosheenna mustaqbalku ay noqoto mid ka duwan tii aynu soo marnay.

Sheeka-baraleyda iyo filimada Hollywood ee malo-awaalka ah, ayaa lagu arkaa laba qof oo is jecel oo inta ay is calmadaan noloshooda inta hadhay farxad ku dhammaysto. Laakiin, nolosha runta ahi sheekooyinkaas quruxda badan waa ay ka duwan tahay. Waxa ay u badan tahay in jacaylku aanu sidiisaba garowshiyaba ka helin dhinaca kale.

Qormadani oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljasiira waxa ay ka warramaysaa duruufaha nolosheed ee qofku uu la kulmo marka uu la noolaado jacayl aanu dhinaca kale la wadin iyo waxa ay tahay in uu sameeyo, si uu uga adkaado duruufahaas dhibta badan.

Xeeldheere lagu magacaabo Sisal Morasca ayaa warbixin uu sii daayey talefishanka ‘Channel’ ee dalka Kanada’ waxa ay ku sheegtay in inkasta oo ay suurtagal tahay in raggu ay ku dhacaan jacaylka dumarka, oo aanay gabadhu la wadin, haddana runtu ay tahay in haweenku ay yihiin kuwa dhibta ugu badan kala kulma xaaladda jacayl ee aan lala wadin.

Dumarku abuur ahaan ayaa ay u samaysan yihiin dabeecadda ah in ay wax kasta u raadiyaan faahfaahin dheeraad ah iyo in ay u fiirsadaan sida uu ku yimi iyo macneyaasha ku duugan, taasina marar badan waxa ay keentaa in faahfaahinta ay helaan ay noqoto mid iyaga khatar ku keenta. Dhibta haweenka hela waxaa ka mid ah in dhoolla caddayn yar oo ay qofka kale ku aragtay, dhaqaaq dabacsan iyo deymo ama sheeko si gaar ah u dhisani ay sabab u noqon karaan in markaba ay gabadhu u qaadato in ninkaasi uu dareen jacayl u muujiyey, marar badanna ay dhacdaba in iyaduna sida ay ruuxaas uga fikirayso ay marka dambe jacayl run ah u qaaddo.

Caadi ahaan jacaylku qofka uu ku dhaco waxa uu ku beeraa dareen xiisaynaya in uu fasirto oo fahmo macaamilka dhinaca kale, isaga oo weliba ku qiimaynaya sida ay isaga niyaddiisu jeclaan lahayd.

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in qofka aad jeceshay oo aad ogaato in aanu jacaylkaas kula qabin, ay dhibaato aad u xanuun badan qofka qalbigiisa ku keento.

Marka uu xaalka qofkan oo kale ugu ladan yahay waa marka qofka uu jeclaaday ee kaga baxay ama la wadi waayey u hayo xusuuso aan fiicnayn. Waayo mar kasta oo dareenka caashaq soo laba kacleeyo, maskaxda qofku waxa ay sawiranaysaa ceebaha iyo dhaliilaha ay qofkan u hayso, sidaa awgeed waxa ay isku samirsiinaysaa in aanu ahayn qofkii ku habboonaa in uu jacayl u hayo.

Tallaabooyinka ugu horreeya ee uu qofku kaga gudbi karo duruufaha adag ee ka dhasha jacaylka lala wadi waayey, waa in uu naftiisa u sameeyo waqti tacsiyeed u gaar ah. Waa hab dadka ku xeeldheer cilmiga bulshadu kula taliyaan qof kasta oo gooya xidhiidh uu qof kale la’ lahaa, xitaa haddii uu yahay xidhiidh bani’aadamnimo oo caadiya.

Waa run in jacaylku uu xusuusta qofka ku sii jirayo muddo, laakiin waxaa muhiim ah in qofku uu naftiisa ugu celceliyo xaqiiqada ah in qofkan uu jeclaa aanu u soo socon, sidaa awgeed ay ku qasban tahay in ay la qabsato duruufaha nololeed ee qofkaas la’aantiisa ah.

Marka aynu fahanno xaqiiqada ah in jacaylka aynu qabnaa uu yahay mid aanu dhinaca kale innala wadin, waxaa qasab ah in aanay maskaxdu helin waqti badan oo ay kaga fikirto dhibta heshay ama ku sawirato maalmihii wanaagsanaa ee qofka aynu jecelnahay aynu la soo wadaagnay.

Waxaa muhiim ah in aynu nafta ku mashquulinno hawlo kale oo u diida in ay hesho firaaqo ay kaga fikirto ruuxa ay jeclayd. Waa run in ay adagtahay in qofka la jecel yahay dhayal lagu illaawaa, laakiin waxaa suurtagal ah in maskaxda laga ilaaliyo in ay hesho waqti ay ku qaadato xusuusta jacaylkaas.

Talooyin wax ku ool ah:

In habeen iyo dharaar dhexdood aynu jacayl kaga bogsannaa, waa arrin ma dhacdo ah. Maskaxdana ku hay in aanay dadku isku mid ka ahayn u nugaylka dhibta ka dhalata caashaqa guulaysan waaya.

Xeeldheereyaasha cilmiga xidhiidhka bulshadu waxa ay kula taliyaan qof kasta oo waaya ruux uu jeclaa, geeri iyo gaabsi midka uu doono ha ku waayo ee, in uu maro tallaabooyinkan:

Oohinta: In qofku mararka qaarkood nafta u fasaxo in ay oohin ku cabbirto culayska nafsiga ah ee uu ka qaaday jacaylka lagaga baxay ama lagu diiday, waxa ay nafta siisaa nafis dheeraad ah iyo in ay aqbasho in qofka ay jeceshay aanu diyaar u ahayn in uu dhibtan oo dhan la qaybsado, sidaa awgeed ay xanuun badan illowdo.

Heesaha iyo filimada: Marar badan dadka xaaladdan oo kale ku dhacdaa waxa ay miciin bidaan dhegeysiga heesaha calaacalka ah iyo daawashada filimada laga jilayo xaalado la mid ah kuwa ay ku jiraan. Waana run in ay xanuunka haya dhaymo u noqon karaan, oo ugu yaraan daqiiqadaha uu daawanayo ama dhegeysanayo uu wax badan ku raaxaysto, laakiin khubarada cilmiga bulshadu waxa ay qirayaan in ay dawashada filimadan ama dhegeysiga heesahani keliya sii hurinayso dareenka laabta qofka gubaya.

Jarista xidhiidhada: Qofka xaaladdani ku dhacdo waxaa lagula taliyaa in uu jaro dhammaan xidhiidhada bulsho ee uu leeyahay, ugu yaraan in uu waqti xaddidan joojiyo. Waa run in ay tahay arrin aan hawlyarayn, gaar ahaan marka qofka jacaylka kaga baxay ama ku diiday uu yahay qof u dhow, sida marka ay isku shaqo, jaamacad ama deegaan yihiin iyo marka ay ehel yihiinba.

Xusuus tirtir: Waxaa fiican in qofku uu iska fogeeyo ama ka takhaluso dhammaan sawirrada, farriimaha, qoraallada iyo shay kasta oo xusuusta jacayl maskaxda ku soo celinaya.

Dib ugu noqon hab fikirkaaga: Waxa ay khuabrada cilminafsigu ku talinayaan in qofka xaaladdani heshaa uu ku dadaalo in uu beddelo hannaanka uu u fikiro, iyo in uu ku dadaalo in xusuustiisa ku riixo in ay ka fikirto arrimo ka duwan kuwa ay marka hore ka fikiri jirtay, sida in uu hawlo cusub bilaabo, in uu safro ama in uu shaqo kale u wareego.

Naftaada waqtgi la qaado: Xeeldheereyaashu waxa ay ku talinayaan in qofka xaalad jacayl lagaga baxo ama lala qaadi waayaa uu ku dadaalo in uu naftiisa u sameeyo waqti gaar ah oo ay kelideed isla shawrto, si uu dib ugu noqdo waxa ka qaldan sida ay naftiisu arrimaha nololeed u kala mudnaysiiso, iyo waxa uu mustaqbalka doonayo.

W/D: Kamaal Marjaan

The post Dhibaatooyinka Laga Qaado Jacaylka Aan Lagula Wadin & Talooyin Muhiim Ah appeared first on Daryeel Magazine.

Talooyin Caafimaadka Jidhka & Naftaba U Fiican Oo Uu Bixiyey Dhakhtar 105 Sano Jir Ahi

$
0
0

Shigeaki Hinohara oo ahaa dhakhtar u dhashay dalka Jabbaan ayaa tiriyey talooyin uu u arko in ay qayb ka yihiin caafimaad wanaagga qofka, iyo cimri dhererkiisa. Qoraaga Sarah M. ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay majaladda Santi waxa ay ku sheegtay, Dr. Shigeaki Hinohara oo 105 sano jir ku geeriyooday in uu ka mid ahaa hormuudka caafimaadka ku dhisan aragtida ka hortagga ah, cilmibaadhiso badanna ku sameeyey caafimaadka jidhka iyo maskaxda. Waxa aanu qoray 75 buug oo uu siyaabo kala duwan ugu soo bandhigay arrimaah caafimaadka ka hortagga ah, iyo talooyin qofka ka caawinaya caafimaad qabka.

Dr. Shigeaki Hinohara kitaabkiisa loogu iibka badan yahay oo soo baxay muddo yar kaddib geeridiisii, waxa uu ku soo bandhigay talooyin caafimaad oo uu sheegay in ay yihiin sirta ka dambaysay in cimrigiisa 105 ta gaadhay uu ku dhammaysto caafimaad qab jidheed iyo maskaxeed labadaba.

Miisaankaaga la soco

Miisaanka dheeraadka ah iyo buurnidu waxa ay caqabad ku noqdaan ku raaxaysiga nolosha, waxa aanay sababaan cimri degdeg, sidaa awgeed mar kasta hubi in aad u noolaato hab nololeed caafimaad qab, cuntada aad cunaysaana ha noqoto mid jidhka waxtar u leh.

Jimicso

Si quruxda jidhkaaga iyo kala shubnaantiisu u korodho, ku dadaal in aad dhaqdhaqaaq samays. Fooqa sallaankiisa fuul oo wiishka ha raacin, meel aad lug ku gaadhi kartana gaadhi ha u kaxaysan, isbeddelkaas fududi waxa uu jidhkaaga ka gubayaa dufan badan, waxa aanu qayb ka qaadanayaa ilaalinta miisaanka.

Ku dadaal cunista cuntada caafimaadka qabta

Xitaa haddii dareenkaaga dhadhamo xiiseeyo cuntooyinka warshadaysan, ku dadaal in aad ka fogaato caadaysiga cuntada diyaarsan iyo ta qasacadaysan. Is weydii in cuntada aad cunaysaa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayso nafaqaynta jidhkaaga, dooro cuntooyinka caafimaadka qaba, una fiican caafimaadka, sida cuntooyinka hodanka ku ah faytamiinnada iyo macdanaha jidhkaagu ka heli karo tamarta uu u baahan yahay.

Jimicsiyada jidhka furfura iyo is illowsiinta xanuunka

Mararka qaarkood waxaa dhacda in aad kaar iyo walbaar aanad arkayn dareento. Ku dadaal jimicsiyada iyo hawlaha kaa caawinaya hoos u dhigidda karaka.

Iskaga fogow caadifadda nafta warwarka ku abuuraya

Marmarka qaarkood waxaa dhici karta in dareennada nafsadeed iyo caadifaddu ay qofka ku abuuraan xanuun jidheed oo run ah. khalkhalka jidheed iyo ka nafsiga ahina waxa ay keenaan diiqad iyo in qofku hoos u gubto, sidaa awgeed ku dadaal, in aad maskaxdaada dib ugu noqoto, naftaadana dib u weydiiso arrimaha culayska ku haya ama saamaynta ku leh oo dhan, kaddibna ka shaqee in aad tirtirto xusuustooda iyo ka fikirkooda.

Berri ha ka warwarin

Noloshu waa taxane ay ku xeeran yihiin dhacdooyin kala duwan oo aan la sii saadaalin karin waxa ay berri ku aaddan tahay. Dadku waxa ay inta badan naftooda ku caddibaan warwar iyo in ay nafta ku cusleeyaan ka fikirka waxa berri dhici doona, waxa ay is illowsiiyaan in timaaddada aanay cidi waxba ka weydiinayn.

Maadaama oo aanad adigu go’aan iyo talo midna ku lahayn waxa berri dhacaya, waxaa kula gudboon waxa aad samayn karto oo ah in aad farxadda, quruxda iyo jacaylka maanta ka shaqayso.

Dhinaca togan wax ka eeg

Haddii aad maskaxdaada ku nafaqayso afkaar togan, waxa uu jidhkaagu awoodi kari waayayaa in uu helo tamar is cusboonaysiisa. Ku dadaal in aad dhinaca togan wax ka eegto, shayga intiisa xumi ha kuu joogto ee inta wanaagsan arag, waxa aad isku arki doontaa in aad nolosha macno badan ka samaysay.

Naftaada ku cabbee farxad, jacayl iyo in ay ka fikirto nimcada tirada badan ee ay haysato, si aad noloshaada oo dhan u faraxsanaato.

Aqoonta aad hayso dadka la wadaag

Dr. Shigeaki Hinohara waxa uu noloshiisa ku dadaali jiray in cilmiga iyo aragtiyaha uu hayo dadka la wadaago, waxa aanu ku taliyey in sidaas la yeelo. In aad waayoaragnimada aad hayso iyo aqoontaada kala duwan bulshada gaadhsiisaa waxa ay naftaada ku abuuraysaa farxad iyo in ay dareento in ay waajib gudatay. In aad naftaada ka raalli noqotaana waxa ay ka mid tahay dareennada la dagaalama calaamadaha gabowga iyo xanuunnada nafsiga ah.

Hawlgab ha gelin inta aad caafimaad qabto

Inkasta oo ay dadka adduunku caadaysteen in marka ay da’ cayiman gaadhaan hawlgab noqdaan, wixii ay hore u soo shaqaysteen iyo bisilka la siiyana ku noolaadaan, haddana waxa uu Dr. Shigeaki Hinohara aaminsan yahay in ay taasi tahay tallaabo naftada caafimaadkeeda dhaawici karta.

Waxa uu ku talinayaa in inta aad ogtahay in aad shaqadaada si fiican u qabsan karto, kuna guulaysan karto ka midho dhalinteda, isla markaana aad jeceshay qabashada shaqadaada, in aanay jirin sabab kugu kallifta in aad hawlgab gasho, si kasta oo ay da’daadu u weyntahay.

Jadwal hawleed yeelo

Waxaa ugu daran nolosha in aad soo toosto adiga oo aan geranayn hawlaha rasmiga ah ee uu kuu yaalla ama sida ay u kala mudan yihiin iyo halka ay tahay in aad ka bilowdo. Samayso qorshe maalinleh ah oo aad ku kala garato waajibaadka shaqo ee kuu yaala, adiga oo u horreysiinaya kuwa ay tahay in aad dhaqso u gudato.

Marka aad qorshe samaysanayso waa in aad maskaxda ku hayso natiijada ay tahay in aad hawshaas ku gaadho, si aad u garato in hawshaa qabashadeeda aad ku guulaysatay iyo in kale.

Maal jacaylku waa cimri degdeg

Dadka badankoodu kuma raalli noqdaan maalka ay hayaan iyo hantidooda, mar kasta lacag urursi iyo in hayntoodu ay korodho ayaa u ah bartilmaameed.  Arrintaasi waxa ay keentaa dhibaato ah in qofku aanu weligiina nafta ka raalli noqon iyo in aanu dhadhamo farxadeed helin.

Baro in dhaqaalaha hadba inta ku soo gasha aad ka samaysan karto nolol aad ku raalli noqoto kuna raaxaysan karto. Ha ka fikirin in aad maal badan hesho ee ka fikir in maalka aad hayso maamulkiisa aad barato.

Adba hibo waad leedahay

Qof kastaa hibo Alle geliyey ayaa ku jirta, waa dhab in dadka qaar ay hibadaasi si fudud uga soo muuqato, laakiin ogow kuwo badanna iyaga ayaa hibada ku jirta soo saari kara ee. Qof kastaa qof kale waa uu ak duwan yahay, naftaada u sheeg in ay nooc gaar ah ka tahay nafaha kale ee ku xeeran. Ku dadaal in aad barato waxa aad hibo u leedahay, kana shaqee in aad soo saarto.

Laakiin macnuhu ma’aha in aanad dadka kale ku tiirsanaan, waayo waxaa hubaal ah in aad mar kasta u baahan tahay cid dhammaystirta nusqaanta kugu jirta, kuguna hanuunisa jidka guusha.

W/D: Kamaal Marjaan

The post Talooyin Caafimaadka Jidhka & Naftaba U Fiican Oo Uu Bixiyey Dhakhtar 105 Sano Jir Ahi appeared first on Daryeel Magazine.

Aqoon U Yeelo Xanuunka Xaniinyo Duubadka

$
0
0

Xaniinyo duubadka waa xaalad halis oo degdeg ah waxeyna ubaahantahay wax kaqabasho si loobadbaadiyo xaniinyaha raggu isku laablaabmo sigaar ah xididda dhiigga qaada iyo xariga loo yaqaano spermatic cord, xaaladdaan waxey leedahay xanuun daran iyo barar.

Isku duubanka xiniinta waxa ay hakinaysaa qulqulka dhiigga soo gaara xaniinyaha taas oo horseedaysa in durba bararo xaniinyaha, arintaan hadan dhaqso looga hortagin keenaysa dhaawac xooggan oo gaara xaniinyaha.

Maxaa sababa xiniinyo duubad?

Labada xiniinyo ee ragga waxa ay ku dul fadhiyaan qaab dhismeed ahaan kiishka qooraha loo yaqaan, ee ka hooseeya xubinta galmada ragga, xiniinyaha oo ku dhex jira kiishka waxa jirka kale ku xira xariga loo yaqaano Spermatic cord xariggaan gudahiisa waxaa kujira xididdo, dareemayaal, vas deferens oo ah shahwa sii gudbiye, Pampiniform plexus oo ah aroorayaal yaryar oo isku tagay iyo Tunica vaginalis oo ah xuubka ku dahaaran xiniinyaha. Xiniinya duubadka waxaa loo yaqaanaa marka xariggaan uu isku duuduubmo, ka dibna joojiya qulqulka caadiga ah ee dhiigga siiya xaniinyaha.

Ilmaha yar ayaa ku dhasha mararka qaar xanuunkan xaniinyo duubadka ah, maadama aysan lahayn nudayaasha muhiimka u ah fadhiga xaniinyaha aysan wali samaysmin taas oo ka mid aha sababaha uu kuyimaado xanuunkaan.

Da’da 12-16 jirka ayaa badana wiilasha lagu arkaa xaniinyo duubadka, walaw si guud uusan xanuunkaan caan u ahayeyn.

Waxyaabaha lala xiriiryo in ay keenaan xanuunkan waxaa kamid ah:

  • Dhaawac ama jug xaniinyaha gaarta
  • Aalaamitada badan
  • Qabawga daran,
  • Taariikh hore oo xiniinyo duubad ah.

Dawaynta iyo xalka xaniinyo xanuunka uu keeno waa mid qalliin degdeg ah u baahan si mar kale xaniinyaha loogu dhajiyo kiishka qooraha.

Calaamadaha lagu garto:

Haddii calaamadhan la arko waxaa qasab ah in dhaqso looga jawaabo xanuunka xaniinyaha, si aysan u dhiman unugyada xaniinyaha maadama qulqulka dhiigga hakad ku imaanayo sidaana shaqadii xaniinyaha samaayn kuyeelanayso, calaamadaha waxaa kamid ah:

  • Hal dhinac oo qooraha ah oo si dhaqsa ah kubarara
  • Midabka jismiga qooraha oo doorsooma
  • Labada xaniinyo oo kala waynaada
  • Calool xanuun
  • Lalabbo iyo matag
  • Xummad

Dhaqtarka habdhiska kaadi mareenka ayaa hubinaya jiritaanka xiniinya duubadka hadii bukaanka calaamadaha kor ku xusan qaarkood ama idilkood lagu arko.

Waxa kale ee dhaqtarku samaynayaa baaritaan xaniinyaha iyo qooraha la xiriira isaga oo gacanta ku taabanaya hareeraha xubinka galmada, halkaas oo si rasmi ah lagu xaqiijinayo jiritaanka xanuunka.

Baaritaannada daruuriga ah waxaa kamid ah:

Baarista kaadida si Infekshan looga baaro Ultrasound: Shucaac eegtada uur kujurta ama in la adeegsao baaritaanka loo yaqaan Nuclear medicineBaxnaaninta iyo daweynta xaaladdaan

Waxaa dhici karta in aan qalliin loo baahan xaaladaha qaar, balse badana sida caadiga ah waxaa qasab noqota in duubmidda iyo isdhexgalka uu xaniinyuhu sameeyoqaab si qalliin ah lagu kala fujiyo, fogeeyo kadibna si caadi ah lagu soo celiyo shaqada xiniinta. Afar iyo labaadanka saac ee ugu horreeya ayaa ah fursadda badbaadada xaniinyaha si uusan hawlgab u noqon ama aysan qatarta caafimaad u kordhin.

Haddii ay suurogali waydo in la badbaadiyo xaniinta ama dhaawaca soo gaaray uu waynyahay waxaa la sameeyaa qalliin loo yaqaan orchiectomy oo lagu saaro mid kamid ah xaniinyaha ama labadooda.

barocaafimaad

The post Aqoon U Yeelo Xanuunka Xaniinyo Duubadka appeared first on Daryeel Magazine.

6 Sababood Oo Qofka U Nugleeya Dhaxanta, QABOW JOOGTO AH OO AAD DAREENTAA WAA CALAAMAD CAAFIMAAD DARRO

$
0
0

U adkaysiga dhaxanta dadku si dabiici ah ayaa ay ugu kala duwan yihiin, laakiin haddana u nugaylka badan ee dhaxanta ayaa ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin in ay sababtiisu tahay xanuunka mararka qaarkood aan qofka niyaddiisaba ku soo dhicin.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah sababahaas caafimaadka la xidhiidha ee ay dhakhaatiirtu sheegayaan in ay keeni karaan in qofku si joogto ah u dhaxamoodo.

1. Xanuunka qanjaha hunguriga (Thyroids):

Qanjaha hunguriga ee afka qalaad lagu yidhaahdo Thyroids iyo qanjidhka afka qalaad lagu yidhaahdo Pituitary oo ku dheeggen maskaxda qaabilsanna soo deynta hormoonnada, isla markaana shaqo wadaag la’ ah qanjidhka dhuunta ayaa shaqooyinka kale ee ay qabtaan waxaa ka mid ah in ay jidhka qofka diirimaad fiican siiyaan. Tusaale ahaan qanjidhka dhuuntu waxa uu kululeeyaa jidhka waxa aanu isu dheelli tiraar heer kulka jidhka.

Haddaba haddii ay dahcdo in qanjidhkani uu shaqadiisa gabo ama yareeyo waxaa qasab ah in qofku uu dareemo dhaxan, taas oo qanjidhka kale ee Pituitary ee aynu sheegnay in uu la shaqeeyo siinaysa amar uu ku soo daayo hormoon shaqadiisu ay tahay in uu baraarujiyo qanjidhka hunguriga (Thyroids) oo fara in uu soo daayo heer kul inta hadda ka badan, laakiin taasna waxaa ka dhalanaysa dhibaato kale oo ah marka ay qanjaha Thyroids soo daayaan xaraaradda in aanay xakamayn karayn xaraaraaddaas oo ay wadayaan illaa ay gaadho heer uu haddana qanjidhkii maskaxda ee Pituitary marka uu dareemo heer kulka sii badanaya isna bilaabo in uu iska caabbiyo, aakhirkana ay dhacdo in qanjidhka Dhuuntu uu gebi ahaanba shaqada joojiyo ama aad u yareeyo.

Marka aynu soo koobna qofka dhaxanta sida aan caadiga ahayn ugu nugul, waxaa la gudboon in uu hubiyo caafimaadkiisa qanjaha.

2. Cillad ama khalkhal ku jira wareegga dhiigga:

Habsami u socoshada wareegga dhiiggu kaalin muhiim ah ayaa ay ku leedahay habaynta iyo isu dheelli tirka heer-kulka jidhka. Haddii cillad ama khalkhal ku yimaaddo wareegga dhiiggana dhibaatooyinka ka dhasha waaa ka mid ah, in qofku uu dhaxan xoog ah ka dareemo cagaha (Inta kabta lagu xidho) iyo gacmaha intooda hore (faraha iyo baabacooyinka).

Sababo badan ayaa keena in uu khalkhal ku yimaaddo habsami u wareegga dhiigga iyo in uu jidhka wada gaadho, waxaana ka mid ah, xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga. Tusaale ahaan haddii wadnaha ama  xididdada dhiiggu ay daciif yihiin oo aanay sidii loogu talogalay u awoodayn in ay shaqadoodii dabiiciga ahayd u wada qabsadaan, tusaale ahaan waxaa ku adag in wadnuhu uu awood leh u afuufo dhiigga, taas oo keenaysa in darafyada iyo xubnaha fog aanu dhiiggu si fiican u gaadhayn, kuwa ugu fog marka wadnaha loo eegana waxa ay noqonayaan gacmaha hore iyo cagta inteeda hoose. Sidaa awgeed iyaga ayaa dhaxanta u nuglaanaya.

3. Xanuunka macaanka:

Macaanku inta badan waxa uu dhaawac ku keenaa hab-dhiska neerfeed ee loo yaqaanno Peripheral Nerve, oo ah neerfayaasha maskaxda iyo xangullaha oo ah xarunta hab-dhiska neerfayaasha ku xidha gebi ahaanba qaybaha kale ee jidhka aadamaha.

Calaamadaha lagu garto cudurka macaankana waxaa ka mid ah, qofka oo kabuubyo ka dareema cagaha hoose (Inta kabta lagu xidho) iyo labada gacmood, sababtuna waa neerfayaashaa aynu soo sheegnay ee macaanku dhaawacayo ayaa masuul ka ahaa in ay ishaarada heer-kulka jidhka u diraan maskaxda, si ay maskaxdu u soo deyso hormoonnadii isu dheelli tiri lahaa, taasi marka ay meesha ka baxdo ayaanay dhacaysaa in qofka macaanka qabaa uu dareemo dhaxan xoog ah.

4. Hurdo yaraanta:

Hurdo yaraantu waxa ay keentaa dhibaatooyin caafimaad oo tiro badan, waxaa ka mid ah hab-dhiska neerfaha oo ay xaalado caafimaad darro ku keento iyo maskaxda oo ay ka khalkhaliso shaqadeedii ahayd in ay isu dheelli tirto nidaaminta heerkulka jidhka.

Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Jyvaskyla ee dalka Finland ayaa ay khubaradu ku baadheen raadka taban hurdo la’aantu ku keeni karto caafimaadka qofka, waxa aanay tijaabo u qaateen Labaatan dhalinyaro ah oo ay muddo lixdan saacadood ah hurdo u diideen, taas oo lagu ogaaday natiijadan ah in heerkulka jidhka dhalinyaradani uu si aad ah hoos ugu dhacay hurdo la’aanta awgeed. Haddaba waxaa ka muuqanaysa in qofka hurdadu ku yar tahay uu si gaar ah ugu nugul yahay dhaxanta.

5. Xadiidka oo ku yar dhiigga:

Xadiidku waa curiyo muhiim u ah dhiigga aadama, haddii uu xadkiisa hoos uga dhacana qofku waxa uu halis u yahay dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan. Xadiidku waxa uu unugyada dhiigga cas ka caawiyaa in ay hawlahooda si habsami ah oo tayo leh u qabsadaan, marka ay unugyada dhiigga casi si sax ah hawshooda u qabsadaanna waxaa ka dhasha in neefta Ogsajiintu ay si sax ah u wada gaadho dhammaan qaybaha jidhka. Dhinaca kalana haddii xadiidku hoos u dhaco, waxaa ka dhalanaysa in unugyada dhiigga casi si sax ah u shaqayn waayaan, waxaanay keenaysaa in neefta ogsejiin jidhka wada gaadhi weydo, sidaa awgeed qofka xadiidku ku yar yahay waxa uu u nuglaadaa qabowga, gaar ahaan waxa uu dhaxan daran ka dareemaa xubnaha wadnaha ka fog oo ah gacmaha iyo lugaha hoose.

6. Miisaanka oo inta caadiga ah hoos uga dhaca:

Miisaanka qofka oo ka yaraada inta dabiici ahaan saxda ku ah dhererka iyo caafimaadka qofka ayaa keena dhaxan joogto ah, sababtuna waa in jidhku uu waayayo xaddi ku filan oo ah dufan oo ka ilaaliya qabowga. Sidoo kale miisaanka oo si aad ah hoos ugu dhacaa waxa uu saamayn taban ku yeeshaa habsami u shaqaynta dheefshiidka, kaas oo isna dhankiisa saamayn ku yeesha heer kulka jidhka.

Cilmibaadhis aynu kasoo xiganay Aljazeera ayaa sheegaysa in xeeldheerayaasha caafimaadku ay muhiim u arkaan in qofku ka taxaddaro in dufanku uu jidhkiisa ku ururo iyo sidoo kale in ay muhiim tahay in aanu miisaanku si xad dhaaf ah hoos ugu dhicin si aanu dufanku uga dhammaan jidhka, waxa aanay hoosta ka xariiqeen in miisaanka dabiiciga ahi uu jidhka ka caawiyo in uu isu dheelli tirmo heer-kulkiisu.

Ugu dambayntii waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofka dareema in qaabka uu dhaxanta u dareemayaa ka badan yahay sida caadiga ah ay muhiim tahay in uu dhakhtar u tago si uu arrintaas u ogaado isagana hubiyo in ay jiraan sababo caafimaad darro oo ugu wacan u adkaysi la’aanta dhaxanta.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

The post 6 Sababood Oo Qofka U Nugleeya Dhaxanta, QABOW JOOGTO AH OO AAD DAREENTAA WAA CALAAMAD CAAFIMAAD DARRO appeared first on Daryeel Magazine.

Aqoon U Yeelo Xanuunka Riixa Ama Tufta (Osteoarthritis)

$
0
0

Xanuunka riixa (Osteoarthritis) waa xanuunka ugu badan ee kudhaca kala goysda, wuxuuna saameeyaa malaayiin qof oo ku kala nool dunida daafaheeda. Xanuunka riixa wuxuu yimaadaa marka carjawda u dhaxeysa lafaha ee ku yaala kala goysyada ay duugoobaan.

Inkastoo xanuunkaa kala goysyada uu ku dhici kara xubin kasta oo jidhka kamid ah, hadana waxa uu badanaa ku dhacaa kala goysada gacmaha, jilbaha, sinta iyo lafta dhabarka.

Astaamaha riixa waa kuwa inta badan la maareyn karo, in kastoo aan dib loo celin karin waxa sababaya carjawada iney duugoowdo. Qofka oo joogteeya nolol dhaqdhaqaaq leh, iyo joogteynta miisaan fiican ayaa ah arrimo lagu gaabin karo sii socoshda xanuunkaan iyo yarenta Xanuunka kala goysyada.

Astaamaha xanuunkani waa kuwo si tartiib ah ku soo muuqda, kedibna ka sii dara hadba sida uu wakhtiga isku guro, astaamaha iyo calaamadaha riixa waxaa kamid ah:

  • Xanuun: kala goysyada ayaa xanuuna xilliga socoshada ama socoshada kadib
  • Damqasho: kala goyska ayaa damqada marka cadaadis yar la saaro
  • Adeyg: adeyga kala goyska ayaa inta badan la dareemaa marka hurdada laga soo tooso subaxdi
  • Dabacsanaan la’aan: lugta oo aan si buuxda loogu dhaqaajin kara habka kala duwan
  • Dareen isxoqitaan: waxaa laga yaabaa inaad dareentid in lafaha ay is xoqoyaan marka aad soconeysa ama dhaqdhaqaajisid
  • Kasoobax lafo oo aad ka dareentid hareeraha kala goyska xanuunsan.

Riixa wuxuu yimaada marka carjawda kala ilaalisa darafaha lafaha ay duugoowdo. Carjawda waa nude adag oo suurta gelisa dhaqdhaqaaq aan isxoqid laheyn.

Riixa wuxuu ka dhashaa marka carjawda xunxun yeelato, kedibna ay dhammaato ama duugowdo, waxaa soo hadhaya lafa isxoqaya.

  • Da’ weyn: halista waa mid la korta da’da
  • Jinsiga: dumarka ayaa unugul iney la darsaan riixa, in kastoo aan la garaneyn sababta
  • Buurnida: cayilka wuxuu ka qeyb qaataa imaanshaha riixa sababtoo ah miisaanka dheeriga wuxuu cadaadis saarayaa lafaha culeyska qaada sida lafaha bowdada iyo jilbaha.
  • Dhaawac soo gaadha kala goysyada: dhaawacyada dadka kasoo gaadha ciyaaraha iyo shilalaka waa kuwo badiya halista xanuunka.
  • Shaqooyinka qaar: shaqada hadii ay u badan tahay mid cadaadis saareysa kala goysyada
  • Hiddo: dadka qaar ayaa dhaxla waxyaabaha fududeeya in xanuunka uu yimaado
  • Lafaha sida aan caadi aheyn usameysan.

Riixa waa xanuun kasii dara wakhtiba wakhtiga ka dambeeyo, adeyga kala goyska ayaa noqon kara mid adag, qofkana waxaa ku adkaada shaqo maalmeedka. Dadka qaar ayaan awoodin iney shaqeeyaan. Marka xanuunka kala goyska uu noqdo xad dhaaf, dhakhaatiirta waxaay ku taliyaan in lagu bedelo xubinta xubin macmal ah.

Wakhtiga hadda aan joogno, lama joojin karo waxa sababaya riixa, hasa yeeshee astaamaha waa kuwa si buuxda loo maareyn karo ayadoo la sameynayo isbedel xaga nolosha ah, terabiga jidhka ah, dawooyin iyo qalliin. Jimicsiga iyo gaadhidda miisaan caafimaad ayaa ah inta badan siyaabaha loo maareeyo riixa. Dhakhtarka wuxuu ku talin karaa in bukaanka uu isticmaalo dawooyinka xanuunka joojiya, iyo terabiga jidhka ah.

Hadii ay intaas shaqeyn waayaan, dhakhaatiirta waxa ay inta badan ku taliyaan in la sameeyo qalliin lagu badalayo gebi ahaan kala goyska xanuun, oo laguna badalayo kala goys macmal ah oo ka sameysan bir ama caag heer sare ah.

-Barocaafimaad

The post Aqoon U Yeelo Xanuunka Riixa Ama Tufta (Osteoarthritis) appeared first on Daryeel Magazine.


Waxyaabaha Sababa Suuska Ama Bololka Ilkaha (Tooth Decay)

$
0
0

Bololka ilkaha waa dhaawac ama burbur soo gaara ilkaha, bololka ilkuhu wuxuu bilowdaa marka geermiska afku uu bilaabo inuu sameeyo aashito dhaawacaysa illiga. Dalool ayaa ku samaysmi kara illiga, hadii aan si dhakhso ah looga hortagina daloolkaas wuxuu sababi karaa xanuun, caabuq iyo ilka burbur.

Ilkuhu waxay leeyihiin sadix lakab.

  • Lakab sare oo adag oo loo yaqaan enemel.
  • Lakab dhexe oo loo yaqaan dentin.
  • Iyo qaybta dhexe ee iligga oo loo yaqaan pulp. Qaybtaan waxay ka kooban tahay neerfayaal iyo xiddido yar yar oo dhiiga siiya iligga.

Hadaba hadii lakabyo badan uu saameeyo dhaawaca ama daloolka illiga soo gaaray, khatarta ka imaan karta way siyaadaysaa.

Maxaa sababa bololka ilkaha?

Ilka bololku waa xaalad iska caadi ah, inta badana ku dhacda dadka badankiisa. Waa xaalada labaad ee ugu soo laabashada badan, marka laga reebo durayga ama hargabka oo ah xaalada koowaad ee qof walba saamaysa. Ilka bololku wuxuu badanaa ku dhacaa caruurta iyo dhalinyarada yar yar, laakiin wuxuu ku dhici karaa qof walba.

Caadiyan waxaa jirta nooc bakteeriya ah oo laga helo afkeena. Geermiskaas wuxuu badalaa cuntada aan cunno, khaas ahaan cuntooyinka sonkorta ka kooban. Hadaba marka ay kulmaan bakteeriya, haraaga cuntada ee ilkaha dhexdooda ku harta iyo candhuufta, marka intaas oo shay isku tagaan waxay sameeyaan huuro oo ah shay isku dhag dhagaya. Huuradu waxay ku dhagtaa ilkaha. Khaas ahaan waxay si adag ugu dhagtaa gaws danbeedyada ama gawsaha gadaale, waxayna kaga dhagtaa halka ciridka iyo gawsku iska galaan iyo darbiyada ama dhinacyada daloolka. Huurada oo aan afka laga nadiifin mudo badan waxay keentaa nadaafad daro, khaas ahaan waxay sababtaa waxa loo yaqaan daamur ilkeed, oo ka kooban shay adag oo ku dhagaya halka ciridka iyo iligu iska galaan. Daamur ilkeedka iyo huuradu labaduba waxay sababaan caabuq ku dhaca cirridka iyo ilkaha laftirkooda.

Maxaa kamid ah waxyaalaha siyaadin kara ilka bololka?

  • Caday la aanta iyo ilkaha oo aan si joogto ah loo nadiifin
  • Cunnista cunnooyinka sonkortu ku badan tahay
  • Isticmaal la aanta maadada fluoride, oo ah maado biyaha lagu daro, waxayna ka hortagtaa bololka ilkaha
  • Candhuufta oo kugu yar
  • Sigaar cabida
  • Dadka qaba cudurka sonkorowga

Astaamaha:

Ilka bololku badanaa malahan astaamo lagu yaqaan ilaa ilkuhu god yeeshaan ama caabuq ku dhaco ilkaha.

  • Ilkaha oo xanuuna
  • Dikaan ama xanuun ku dhaca ilkaha ayaa ah astaanta ugu badan ee lagu garto bololka ilkaha.
  • Cirridka oo barara khaas ah iliga caanuqu ku bilowday agagaarkiisa. Tani waxay noqon kartaa astaan lagu garto bololka ilkaha siiba noociisa ugu khatarta badan.
  • Afka oo soo ura.
  • Illiga oo madoobaad noqda.
  • Sidee looga hortagaa

Si joogta ah u nadiifi ilkahaaga

  • Cadayaso sadix jeer ama labo jeer maalin walba, khaas ahaan subixii markaad toostid iyo habeenkii markaa seexanaysid.
  • Isku day inaad sanad walba hal mar u tagtid dhakhtarka ilkaha si looga hortago ilka bololka.
  • Xasuusnow in kahortago ka wanaagsan yahay dawaynta.
  • Ha cunin cunto markaad seexanaysid. Cuntada la cuno habeenkii marka la seexanayo waxay dhex gashaa ilkaha hadii lagu seexdana waxay sababtaa ilka bolol.
  • Iska yaree cuntooyinka sonkortu ku badan tahay, sonkortu waa cuntada bakteeriyadu ugu jeceshahay, sidaa daraadeed iska yaree cuntooyinka sonkorta badan.
  • Caruurta oo lagu siiyo caanaha masaasada xilliga ay jiifaan waxay keentaa in ilkaha cunugu bololaan.
  • Ka ilaali caruurta mac macaanka badan, isla markaasna ku tarbiyee ilmahaaga sida loo cadaydo.

Barocaafimaad

The post Waxyaabaha Sababa Suuska Ama Bololka Ilkaha (Tooth Decay) appeared first on Daryeel Magazine.

Arrimaha Sababa Kansarka Beerka Iyo Calaamadaha Lagu Garto (LIVER CANCER)

$
0
0

Kansarka beerka waa kansar kasoo bilowda unugyada uu beerka ka sameysan yahay ee loo yaqaano hepatocyte. Beerka waa xubin ku yaala qeybta kore ee uurkujirta, wuxuu ka hooseeyaa muraqa kala bara xabadka iyo uurkujirta.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo kansar ah kuna dhaca beera. Nooca ugu badan ee dadka ku dhaca beerka waxaa la yiraahdaa Hepatocellular carcinoma, kansar kasoo farcama unugyada shaqada qabta ee beerka ku jira. Waxaa jira noocyo kale oo aan caan aheyn sida intrahepatic cholangiocarcinomaiyo hepatoblastoma.

Kansarada saameeya beerka kuligood ma ahan kuwo kasoo askumay beerka, waxaa jira kansarro kasoo bilowdo xubno kale oo jirka kamid ah kuna faafaa beerka, sida kansar xiidmaha, kansarka sambabaha.

Astaamaha kansarka beerka:

Dadka badankoodu malahan astaamaha iyo calaamadaha. Waa muhiim inaad la kulantid dhaqtar hadii aad isku aragtid astaamaha hoos u qoran.

  • Miisaanka oo luma isku day la’aan
  • Abataytka oo luma
  • Qeybta kore ee uurkujirta oo xanuun laga dareemoLalabo iyo matag
  • Awood la’aan iyo daal guud
  • Barar caloosha ah
  • Maqaarka oo huruud/jaale noqda
  • Saxara oo cadaad ama dambas u ekaata

Maxaa sababa kansarka ku dhaca beerka?

Waxaa jira sababayaal la ogyahay iyo kuwa aan la ogeyn, sida infekshanda qaar ee cagaarshoowga waxay sababi karaan kansar beerka ku dhaca.

Kansarka beerku wuxuu imaan karaa marka uu qalad ka dhex dhaco hidda sidayaasha ku jira gudaha unugyada beerka.

Haslista sababi karta xanuunkaan

  • Infekshanka raage ee Cagaarshoow B iyo Cagaarshoow C: fayrus yada HBV iyo HCV waxey kordhiyaan halista kansarka beerka
  • Cirrhosis: beerka oo boog yeesho waxey soo dedejisaa kansarka beerka
  • Sonkoroow: dadka la nool xanuunka sonkoroowga waxey halis ugu jiraan in uu ku dhoco kansarka noocaan ah
  • Beer subagga: beerka oo ay ku badan tahay dufinta waa halis kale oo sababi karta kansarkaan
  • Suntan Aflatoxins: waa sun ka dhalata cunooyinka aan si wanaagsan loo keydinin, sida galeyda iyo lowska. Suntan waa mid ku badan wadama Afrika.
  • Cabidda khamri xad dhaaf ah: khamriga wuxuu dhaawac aan laga noqon karin gaarsiiyaa beerka.

Baaritaanka kansarka beerka

Waxaa jira baaritaano iyo nidaamyo la maro si loo baaro xanuunkaan waxaana ka mid ah:

  • Baaritaanka dhiigga: waxaa laga ogaan karaa dheecaanada beerka soo dayaa iney cilladeysan yihiin iyo in kale
  • Baaritaanada sawirka: waxaa inta badan la isticmaalaa kombuyuutarada ultrasound, CT iyo MRIIn qeyb laga soo jaro beerka laguna baaro mikarskoob.

Sidee baa loo daweeyaa?

Kansarka beerka waxa lagu daweeyaa qaabab kala duwan, sida in qofka la siiyo dawooyinka kansarka laakin sida ugu fiican waa in la jaro qeybta burada leh hadii burada aysan ku faafin beerka iyo jirka qeybihiisa kala duwan. Arintaan hadii lagu guul dareysto waxaa inta badan la sameeyaa in beerka laga bedelo qofka.

-BAROCAAFIMAAD

The post Arrimaha Sababa Kansarka Beerka Iyo Calaamadaha Lagu Garto (LIVER CANCER) appeared first on Daryeel Magazine.

Sababaha Keena Xididada Xiniinyaha Oo Weynaada (Varicocele)

$
0
0

farikoosil waa midka ugu badan ee madhalees ku sababa ragga waana markii ay weynaadaan ama balaartaan xididada dhiiga ka qaada xiniinyaha oo geeya sambabada si dhiiga loogu soo daro ogsijiin, Xididadaan oo dhumucdooda kabalaarta ayaa loo yaqaana varicocele.

Waa xaalad lagu arko in badan oo ragga ka mid ah. Waxaa la qiyaasaa in 100kii ninba 15 kamid ah lagu arko xaaladdaan.

farikoosil waxaa uu hoos udhigaa soo saarida shahwada, taasoo keeni karta in ninku uu noqdo ma dhalays.

98% iyo in kabadan waxaa lagu arkaa farikoosil xiniinta bidix. farikoosil waxuu sababi karaa in xaniinyahu aysan samayn wax koriimo ah, taas oo sidoo kale keeni karta in tayada shahwada noqoto mid hooseeysa oo aan bacrimin kara ugxanta dumarka.

Maxaa sababa?

Inta badan ma cada waxa sababa farikoosil, balse waxaa la aaminsan yahay in weelalka u dhaxeeya veinska ku dhexjira tubada soo qaada minida ay isusoo dhawaadaan taaso sababaysa in dhiiga maraya xididadaasi uu la kulmo cadaadis, kadibna uu waynaanayo ama balaaranayo dhumacda xididka. Tani waxay dhaawici kartaa xaniinyaha waxayna bilow u noqon kartaa dhalma la’aan. Xalaadaan waqtiga ugu badan ee la arko ayaa ah xiliga qaangaarnimada.

Astaamaha Lagu Garto:

farikoosil malahan wax astaan ah inta badan, waxaana laga yaabaa inay marmarka qaar la dareemo xanuun kaasoo kasii dara marka la istaago, xanuunka ayaa iska taga marka loo jiifsado dhanka dhabarka. Calaamad kaliya ee la arki karo ayaa ah xididada veinska ee haraga xaniinyuhu ku jiraan oo ishu qaban karto, kana balaaran ama dhumuc weyn marka ay caadiga yihiin.

Waa maxay khataraha ka dhalan kara?

Khataraha ka dhalan kara farikoosil ayaa ah kuwo ku kooban taranka ninka. Inta badan waxaa lagu arkaa xaniinta bidix waxaana yaraada ama isku soo urura xaniinta taasoo saamayn ku yeelanaysa heerka shahwad samaynta. Yaraanshaha shahwada iyo tayadeeda ayaa ugu danbeyn keenaya in taranka ninku uu noqdo mid aan mira dhalayn.

Ma la dawayn karaa?

Farikoosil inta badan uma baahna wax dawo ah waana mid iska xalismata, haday keenayso xanuun ama calaamado muuqda oo la arki karo ama dhalma la’aan waxaa lagama maarmaan in la daweeyo. Qaabka ugu badan ee loo daweeyo ayaa ah qalliin taasoo lagu furayo xididka ay isu soo dhawaadeen weelalkiisu, si dib loo soo celiyo isusocodka dhiiga ee xaniinyaha. Qalliinka kadib waxaa dhici kara in ay dib usoo noqoto farikoosil ama in dheecaan uu galo haraga xaniinta hydrocele.

Talo:

Hadii aysan jirin wax xanuun ah ama dhalma la’aan ah oo uu sababayo farikoosil waxaa wanaagsan inaadan xiran dharka kugu dhagan ama aadan isku dhajin suunka tani waxay yarayn kartaa cadaadiska dhiiga ee xididada xaniinyaha. Marwalba la tasho dhaktar waayo xaaladaan waa mid ugu danbeyn keeni karta dhalmo la’aan.

-Barocaafimaad

Facebook Page : Barocaafimaad

The post Sababaha Keena Xididada Xiniinyaha Oo Weynaada (Varicocele) appeared first on Daryeel Magazine.

Muuqa mise hadafka!!

$
0
0

Nin baa hadda ka hor wuxu ku fikiray siduu lacag badan u heli lahaa, wuxuu furtay goob lagu xanaaneeyo xawaaynka duurjoogta ah sida libaaxa, shabeelka, waraabaha, maroodiga iwm.

Wuu sameeyay goobtii kadib albaab weyn oo laga soo galo ayuu u sameeyay lacagta lagu gelayana wuxuu ka dhigay $300.

Qof soo gala waa la waayay kadib $150 ayuu ka dhigay. Haddana wax soo ag istaaga wuu waayay illaa uga dambeyntii uu ka dhigay in bilaash lagu soo daawado qeybta libaaxa.

Kadib maxaa dhacay? Dadkii ayaa ku soo jabay oo soo buuxdhaafiyay xaruntii. Baabuur weyn oo shabaqle ayuu ku yiri dadkii fuula illaa 200 qof ayaa fuulay kadib wuxuu dhex geeyay meeshii libaaxa ku xirnaa. Intii baabuurkii ka soo degay ayuu albaabka laga baxo quful weyn ku dhuftay kadibna ku soo fasaxay libaaxii,

Buuq oohin iyo cabaad ayaa dadkii ka dhamaaday, kadib ayuu ku yiri qofkii $500 heysta ayaan ka furayaa illaa qof walbaa uu bixiyay lacagtii.

CASHARKA SHEEKADA: Markaad nolosha ku dhex socoto, iska jir dalabyada rakhiiska ah ama bilaashka ah, waxay noqon karaan kuwo laga cabsado oo dhib kuu keena. Ma jiro ganacsi bilaash ah.

W/Q: Siciid Xagaa afrax.
Injineerka dabiiciga ah.

The post Muuqa mise hadafka!! appeared first on Daryeel Magazine.

Dhab Ahaan Ma U Wada Baahannahay Waxbarashada Dugsiga?

$
0
0

“Iskuuladu waa dayeyn
Dammiinimaday dhigaan
Dartay uma soo lug gu’in” ~Hadraawi.

Markaan dib u xusuusto sannadihii dugsiga, waxa ay iila muuqataa in gebi ahaanteen, carruurnimadii, waxa aan qaban jirnay uu ahaa wax-akhris, wax-qoris, wax-barasho si niyad ah, oo dedaal ah oo aynu fadhinnay uun kursiga iyo miiska iskuulka ama ka guriga halka wakhtigii la la qaadan lahaa asxaabtu ay sii baaba’aysay sannad walba. waxa aan si adag ku xasuusan karaa aniga oo aanay gacantayda wax buug ahi ku jirin. Carruurta casrigan waxa ay haystaan kansho aad u yar, aroorta hore ilaa casar-liiqa waxa ay ku dhammaystaan dugsiga, haddana waxa ay ku daba-qabtaan waxqabadkii dugesiga kadib. Miridhada u soo hadheyna waxa ay ku buuxiyaan cayaaraha Koombuyuuterrada iyo shabakadaha bulshada.

Ilmo walba barihiisa ugu horreeya, ha noqdo mid lacag ku qaata ama yuusan ku qaadan e, waa waalidkiis kaas oo si joogto ah wax u soo barey waana sidaas oo kale haddii dib loogu laabto sooyaalka aadanaha. Tani waxa ay u muuqan kartaa caqli gal, haddii aan idhaahdo qof walba wuxuu bari karaa waxa ay iska og yihiin iyagu. Jiilal badan ayaa ku soo baxay habkaas iyadoo loo adeegsanayo habkan korriinka iyo waxbarashada caadiga ah. Waqtiyo hore waxaa jiray faylasuufyo ama hal-abuurro heer sare ah, oo aragtiyahooda iyo fikradahooda aan la fahmin. In ay ku guulaystaan si ay u horumariyaan falsafaddooda, waxa ay ku xidhnayd hammigooda, awooddooda, iyo kartidooda si ay dadka ugu qanciyaan dhabnimada weedhahooda.

Shaki la’aan, inta ugu badan waalidiintu waa kuwo u baqa musaqbalka carruurtooda, kaas oo ay si guud u aamineen in uu ku bilaabmo waxbarashada. Carruurtu waxa ay ku dhashaan kaliya falcelin, waxayna ka bilaabmataa halkan; sida wax loogu cuno qaaddo, koobna wax loogu cabo, sida loo hadlo iyo sida loo socdo, xitaa sida looga falceliyo xaalado kala gedisan. Waxa aan u akhrinnaa buugta iyo sheekoyinkii aan la kornay. Tani waxay dhammaataa illaa inta ay ka gaadhayaan da’da dugsiga marka aynu u wareejinno waxbarashadoodii Barayaasha dugsiga, dadka way ku adkaataa in ay ogaadaan ad-adaydgooda iyo daciifnimadooda, midabbada ay xiiseeyaan.

Waydiinta muhiimka ah in la is waydiiyo ayaa ah in waxbarashada dhaafsiisan caadooyinka guud ay noqonayso nooca aynu soo wada marnay illaa jiilal badan: ee ah 2+2=4 iyo HOOYO in loo higgaadiyo H-O-O-Y-O? Ma jirto doorasho muhiim ah iyo wada-tashi aan la oggolayn. Carruurta waxa dhab ahaan lagu qasbaa in ay aqbalaan waxa cunno ahaan la siinayo. Waxa ay nu ku ururinaa maskaxaha carruurteenna macluumaadyo fara badan kuwaas oo xataa lagayaabo in aanay u baahnayn mustaqbalkooda qaangaadh ahaaneed. Carruurta yaryar laga yaabee in ahaanshiyahoodu uusan ahayn waxbarasho uun, laakiin dabiici ahaan waa kuwo wax baadha, garaadaysta, oo daymo leh, waxa ay jecelyihiinna waxa ay u bartaan si fudud, iyagoo iska indho tiraya mawduucyada, wixii ka baxsan bedka ay xiisaynayaan.

Waxbarashada aan ahayn dugsiga caadiga ah, mararka qaarna loo yaqaan dugsiyada lagu baro ilmaha waxa uu jecel yahay (fun-schooling), waxa la odhan karaa waa kan ugu rajo wacan, halka aanay waxbarashadu ahayn hadafka ugu qiimaha badan, laakiin ay si guud u saamaynayso waxqabadka maalin laha ah ee carruurta ee muhiimka u ah waxa ay xiisaynayaan. Dabcan ma aha uun in aad fasal la fadhiisanayso carruur kale, ood shanqadh la’aan iyo feejignaan u dhagaysanayso baraha si aad u hubiso in aadan waxba seegin, adoo u malaynaya in hadhow lagu waydiinayo.

Inantaydu waxa ay baratay wax-akhrinta iyada oo 4 jir ah, halka aanan warba uga hayn waxa ay ku wacan tahay. Waxa aan xasuustaa waydiimaheedii ay marba mar i odhan jiratay side loo akhriyaa erayga ama ereygan. Maalin inta ay soo qaadatay buug ayay tidhi “hadda ayaan akhrinayaa”. Waxa aan u maleeyey in ay ula jeeddo in ay isku madadaalinayso, rogiddeedii bogagga iyo ka sheekayn teedii sheeko xariir aan u akhrin jiray. Si kedis ah, waxaanba u xaqiiqsaday in dhab u AKHRINAYSO. Waan la ashqaraaray oon ku bilaabay waydiin, waata aayar ii sharraxday in ay si dhab ah u rabto in ay ogaato waxa lagu qoray buug taallay khaanadaha qolka walaalkeeda ka wayn, kuwaas oo aanay cidi u akhrin.

Dabcan waxa suurogal ah in carruurta la jeclaysiiyo wax aanay xiiso u qabin, laakiin muhiimadda ugu wayni ay tahay in loo dooro fursad qiimo leh oo dabacsan, maxaa ku jaban caruurtu mihnaddooda ay ku baadhi lahaayeen adduunkan, halka aynu ku xidhnay miiska wax-akhriska ee aan uga dhignay in ay si niyad leh uga bartaan buugta habka adduunkan loo qorsheeyey?

Muhiimadda ugu balaadhan ee dugsiga mihnaddu waa in carruurtu ay xilli walba ku jiraan waxbarasho, ma aha uun kaliya in ay ka bilaabmato 9-ka illaa 5-ta: waxa ay si dabiici ah u yaqiinsanayaan dhinaca ay xiisaha u qabaan, waxa ay helayaan habka ugu fudud iyo shqsiyadda ay u baahan yihiin si ay waxaas uga soo dhalaalaan, xataa waxa ay dejisanayaan shaqo joogto ah, haddii ay dareemaan in ay daruuri tahay…. Sida qof kasta oo qaangaadh ah, oo rajeynaya in uu waxbarto, uu sameyn lahaa. Haddaba, maxay tahay sababta ay carruurta ugu dhaqmaan si ka duwan?

Mid ka mid ah qoraayada aan xiiseeyo, waa Gerald Durrell e, muu soo marin waxbarashada dugsiga, markii uu ahaa wiil da’yar, waxa uu waalidkiisa kula doodi jirey baahida ay leedahay nidaamku dugsiga ahi. Gerald walaalkiisa ka wayni, wuxu ku odhan jiray Gerald, xammaasadda uu u hayo dhirta ubaxlayda ah iyo xayawaannadu in ay tahay uun “mid ku meel gaadh ah oo uu iskaga tegi doono marka uu yar koro,” sidaa darteed, waxa uu u baahan yahay in uu barto xisaabta, suugaanta, juquraafiga, taariikhda, iqk, halka ay hooyadood ugu warcelin jirtey “xammaasadda uu u qabo dhirta iyo xayawaannadu ay soo bilaabmatay isaga oo 2 jir ah, dhammaadkeedu aanu u muuqan sannadahan iyo wax dhowba.” Markii ay ku soo laabteen dhammaadkii 1930-meeyaddii, Gerald waxa u caddaatay sida ay u adkayd in shaqo la helo xilli yar ka hor dagaalkii 2-aad, laakiin isagu waxa uu si fudud u raacay wixii uu xiisaynayay oo waxa uu caawimaad ahaan shaqo uga bilaabay meelo lagu gado xayawaannada, beerta xayawaanka iyo safarrada loogu kuurgalo ururinta duurjoogta, waxa ay u noqotay casharro joogto ah oo waxa uu si qoto dheer u sii dhexgalay cilmiga maaddadii uu jeclaa. Muddo ka dib waxa uu noqday qofka ugu caansan dabeecadyahannada iyo duurjoogyahannada. Waxa loo aqoonsaday asaasaha ururro daryeela duurjoogta sida [Durrell Wildlife Conservation Trust, iyo the Durrell Wildlife Park], waxa uu qoray tobaneeyo buugta maadda ah, yeelkeede, haddana xambaarsan macluumaad badan oo cilmiyeed.

Dabcan, waxa ay leeyihiin faa’iidooyin iyo khasaare, taageero iyo nacab waxbarashada soo jireenka ah iyo tan mihnadda ahiba. Hayeeshee, waayadan danbe waxa taageero aad iyo aad ah ay ugu muujiyeen kan danbe. Maahan wax fudud, dabcan, waxa aad u adag in aad buriso fekrad soo jireen ah oo aad ku dhiirato go’aan aad leedahay. In aad raacdo fekrad iska caam ah, halka, ilamahaagii yaraa ee dugsiga mihnaddu uu u korayo isagoo si buuxda ugu diyaarsan mustaqbalka, carruurtaaduna noqondoonaan kuwo noloshooda oo dhan waxbarta, iyaguna wax is bara, halkii ay ka sugi lahaayeen in uu qof kale wax baro.

  1. Kaliya waxa loo baahan yahay in la ogaado shuruudaha ka dhigaya mihnadda mid hadaf leh, sida in heerka ku-fooganaanta waalidku ay ku xidhan tahay dabeecadda gaarka ah iyo jaad-gooninimada carruurta, helidda agabka, dhiirranaanta ilmaha ama waxqabadyada is-dhexgalka dhammaan qoyska, hellida dhagaystayaal balaadhan iyo awoodda Saykoolojiyeed ee waalidka iyagoo raacaya go’aankooda iyadoo loo eegaynin diidmo badan oo ka imaanaya waxbarashada caadiga ah si uu u noqdo qof aqoon leh, faraxsan oo waxwalba ku filan.

W/Q: Kristina Khabalashvili
W/T: Madasha Tarjumaadda Hoobaan
Tixraaca: https://www.fetelina.com/do-we-really-need-schools

The post Dhab Ahaan Ma U Wada Baahannahay Waxbarashada Dugsiga? appeared first on Daryeel Magazine.

Viewing all 1527 articles
Browse latest View live