Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Waxyaabaha Caqabada Ku ah Horumarkaaga QEYBTII 3-AAD

$
0
0

? Jooji taxadarka badan.

Waayo taxadarka faraha badan waxa uu qofku ku keenaa kalsooni daro iyo in qofku uu noqdo qof fikradaha uruuriya balse aan marnaba la imaanayn iskuday. 
Waxaa la arkaa in aad hesho fikrad wanaagsan oo shaqaynaysa balse hadaad siiso wakhti dheer oo aad uga fikirto isla fikradii wanaagsaneed ayaad u samaysaa dhowr ciladood oo aad uga harto.

Imisa goor ayaad noolashaada u hesho fikrado wanaagsan, haday ahaan lahayd mid ku saabsan wax barasho , ama mid dhaqaale samayn, ama mid guur dhisasho ah, ama mid xirfad abuur ah, balse markaad siisay wakhti dheer oo fikir ah, maanta waxaa la arkaa fikradihii kula wanaagsanaa inaad u samaysay marmarsiiyo aad kaga hartay.

Sababtuna waxa ay tahay fikrad waliba marka ay kugu cusub tahay waxaa kuu muuqanaysa hadaad samayso faaiidada kaa soo galaysa, balse hadaad siiso wakhti dheer oo fikir ah taasi waxay sababtaa maskaxdu in ay diirada saarto dhibta kaa soo gaaraysa hadaad samaayso, tasoo ugu dambayntii sabab unoqota in fursadii ay ku dhaafto adigoon waxba isku dayin.

Hadaba waxaan kugula talinayaa in aad sugin inuu kuu yimaado wakhti wanaagsan oo aad wax ku qabato, waxaan hubaa hadii fursadii ku soo martaba aad siiso wakhti aad ku tijaabiso in aad ka guul gaari doonto fursada badan oo maanta aktaada yaala balse u baahan in aad ku fiiriso aragti cusub oo ka duwan kuwii horay dib kuugu dhigay.

Qaado go’aan wanaagsan isla markaana sii wakhti aad ku tijaabiso, hadii natiijadu aysan ku qancin badel wadada aad u martay adigoon ka quusanayn go’aankaagii ilaa iyo inta aad ka guul gaarayso.

Dhalinta Maanta

facebook.com/dhalintammaanta

The post Waxyaabaha Caqabada Ku ah Horumarkaaga QEYBTII 3-AAD appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles