Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar-Yar?

$
0
0

Goormee ilmahayga cuntada ku bilaabi karaa?

Dhakhaatiirta waxay ku taliyaan in ilmaha lagu bilaabo cunto siinta marka uu gaaro 6 bilood, inta ka horaysa caanaha naaska ayuu ka helayaa calories iyo nafaqo ku filan. Dheefshiidka ilmaha waxa uu diyaar u noqdaa cuntada adag marka uu gaaro 6 bilood.

Sidee ku ogaan karaa in ilmahaygu diyaar u yahay qaadadashada cunto adag?

waxaa jira calaamado ku tusinaya in ilmahaagu diyaar u yahay cunto ku bilaabista, waxaana ka mid ah:

  • Maamulista madaxa: Waa in ilmuhu awoodo inuu si toos ah u maamulo madaxiisa oo uu toosin karo sidoo kalana isku dheelitiri karo
  • Carrabka: waa in ilmuhu  uu tufi karo cuntada isagoo adeegsanaya carrabka.
  • Fadhiga: Waa in ilmuhu fariisan karo marka la caawinayo si ay u fududaato wax liqistu.
  • Calalinta: si loogu bilaabo cunto adag waa in ilmuhu awood u leeyahay dhaqdhaqaaqa calalinta oo ay wada shaqeeyaan afka iyo carrabka iyo nidaamka dheefshiid oo uu cuntada u riixi karo hunguriga. ilmaha si fiican u bartay wax liqista waxaa lagu gartaa waxaa yaraada dhareerka ama cayga afka.
  • Miisaanka oo kordha: Cunugga diyaarka u ah cuntada adag waxaa lagu gartaa inuu miisaankiisa labajibaarmo ugu yaraanna waa inuu jiraa 4 ilaa 6 bilood.
  • Rabitaanka oo kordha (appetite): Wuxuu u muuqdaa inuu gaajeysan yahay xitaa hadii 10 mar la nuujiyo naaska maalintii.
  • La raamsiga waxa aad u cunayso: hadii ilmahaagu uu isha la raaco waxaad cunayso waxay muujinaysaa inuu diyaar yahay cunto cunista. Waxaa dhici karta inuu mararka qaarkood kugu qabsado qaadada iyo baaquliga aad wax ku cunayso.

Sidee cunuggayga ugu bilaabaa cuntada adag?

Waxaad ku bilaabi kartaa cunooyinka adag oo shiidan sida caadada ah waxaa lagu bilaabaa mushaali ama shurbad. Sidoo kale waxaa la siin karaa baradhada macaan, mooska iyo bocorka.

Marka ugu horreysa nuuji cunagga ama masaasada ku sii caanaha. Kadibna sii 2 qaado oo cunto adag oo shiidan ah, hadii aad go’aansato inaad ku bilowdo mushaalida ku qas biyo qandac ah. Sii adigoo isticmaalaya qaado/malqacad jilicsan oo caag ah si aad uga foogaato in dhaawac uu gaaro cirridkiisa.

Marka hore ku bilow inaad cunto siiso hal mar maalintii. Caruurta qaar waxay u baahan yihiin waqti dheer si ay ula qabsadaan calalinta iyo liqista cuntada.

Sidee ku ogaan karaa in ilmahaygu uu dhargay?

Waxaad ku garan kartaa calaamadahaan soo socda:

  • In ilmuhu isku liiciyo kursiga.
  • Inuu cuntada ka jeesto.
  • Hadii uu bilaabo inuu qaadada ku ciyaaro macnaheedu waxaa weeye waa dhargay.
  • Hadii uu diido inuu afka kala qaado.

Ma u baahanahay inaan cunugga u wado naaska ama masaasada?

Haa, ilmuhu wuu u baahan yahay caanaha naaska ilaa uu ka gaarayo ugu yaraan hal sano. Wuxuu ka helayaa fiitamiinno, birta iyo borotiin u sahlan dheefshiidka.

Meeqa jeer ayaan cunuggayga maalintii siin karaa cunto adag?

Marka ugu horreysa hal mar maalintii. marka uu gaaro 6 ilaa 7 bilood wuxuu u baahan yahay 2 cunto maalintii. 8 bilood marka uu gaaro waa inuu awoodi karo inuu cuno 3 cunto oo adag maalintii. 8 bilood jirka cuntada u cuno maalinta caadiga ah waxay noqon kartaa isku dar ka kooban:

  • Caanaha naaska
  • khudaarta cagaaran
  • fruit
  • Xoogaa borotiin ah sida hilib, misir iyo digaag

Waxaa jira cuntooyin aan ku  haboonayn in la siiyo ilmaha 1 sano ka yar, tusaale ahaan malabka waxaa ku jirta nooc bakteeriyada ka mid ah  oo khatar ku ah caruurta yaryar.

Muuqaalkaan hoose waxaa soo diyaarisay Ubahina Muse waxay sharraxaysa cuntooyin la siin karo ilmaha yar. Ka faa’idaysi wacan:

The post Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar-Yar? appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles