Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Muhiimadda Macdanta Zinc Iyo Calaamadaha Lagu Garto Haddii Ay Jirka Ku Yaraato!!

$
0
0

Zink (zinc) waa macdan aad muhiim u ah jirka oo wax yar haddii ay jirka ku yaraato ay dhibaatooyin badan keento.

Zinc-ga wuxuu ku xigaa macdanta feerada ama birta (iron) xaga ku badnaashaha jirka.

Zinc-ga wuxuu ka qayb qaataa hawsha 300 falgal-dadajiyaal (enzymes) oo jirka muhiim u ah, wuxuu ka qayb qaataa dhambalidda unugga iyo samaysanka DNA-da iyo Borotiinka.

Zinc wuxuu muhiim u yahay korriimada unugyada jirka, raysashada nabraha, dhananka, dayacritka xubnaha, difaaca jirka, lafaha, xinjiroobidda dhiigga, maskaxda, korrinka uurjiifka, samaysanka shahwada yo hawlo kale oo muhiim u ah jirka.

Hadduu zinkiga uu ku yaraado jirka wuxuu keenaa ama ku lug leeyahay cudurro 50 kor u dhaafaya, wuxuuna ugu horreeyaa macdanta ugu yaraanshaha badan wadama hormaray sida maraykanka.

Zinkiga waxaa laga helaa cunnada aan ka helno badda sida kalluunka iyo Oysterka, Digaagga, beerka, looska, xubuubka iyo caanaha.

Nus inta jirka ku jirto oo zinc ah waxaa laga helaa murqaha. waxaa kaloo laga helaa lafaha, indhaha, qanjirka borostaytaka, xaniinyaha, maqaarka iyo kilyaha.

Calaamadaha lagu garto in macdanta zinkiga ay kugu yartahay ayaa ka mid ah:

  • Miisaanka lumis
  • Infakshan joogto ah
  • Kacsi darro iyo Hami yari
  • Korriimo la’aan
  • Daahidda qaan-gaarnimada
  • Maqaar qalfoofid
  • Cunno xumo
  • Daal, Tabardarri iyo Caajis maskaxeed
  • Shuban
  • Xarriiqmo dheer oo oogada ka soo muuqdo
  • Dhibco cadcad oo ciddiyaha ku samaysmo
  • Difaaca jirka oo wiiqmo
  • Findoob
  • Murqo-burbur
  • Caadka Indhaha
  • Ilko suus.

Hadduu jirka ku yaraato macdanta zinkiga waxaa lagu daaweeyaa kaniiniyaal kor u qaada heerka zinkiga jirka.

Haddii aad isaga shakisantahay in zinkiga uu kugu yaryahay la xiriir takhtar.

Haddii aad qaadatid daawada zinkiga adigoo aadan u baahneyn waad ku sumoobeysaa.

W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi

The post Muhiimadda Macdanta Zinc Iyo Calaamadaha Lagu Garto Haddii Ay Jirka Ku Yaraato!! appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles