Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Cagaarshowga Nooca B (Hepatitis B) Iyo Dhibaatooyinka Uu Jirka Gaarsiiyo!

$
0
0

Beerka waxa uu ku yaala ama u badanyahay dhinaca midigta ee caloosha, waaxa uu qabtaa shaqooyin badan oo muhiim ah taas oo muhiim u ah dheefshiidka jirka. Cagaarshowga waa caabuq ku dhaca beerka. Waxaa badanaa sababa infekshan uu keeno fayrus.

Noocyada Cagaarshowga

  • Cagaarshoow A
  • Cagaarshoow B
  • Cagaarshoow C
  • Cagaarshoow D iyo
  • Cagaarshoow E.

Cagaarshoow B waa infekshan khatar ah oo ku dhaca beerka, waxaana sababa fayrus loo yaqaano Hepatitis B. Dadka qaar uu ku dhaco infekshankaan waxaa laga yaabaa inuu ku noqdo mid joogta, oo macnaheedu ay tahay in cagaarshoow B ay la nool yihiin muddo ka badan lix bilood. Cagaarshoow B oo joogta ah wuxuu siyaadiyaa khatarta ah in uu beerku hawl gabo, kansarka beerka iyo beer subaga.

Dadka uu ku dhaco badankood infekshanka cagaarshoow B waxaa suurta gal ah iney si buuxda uga bogsoodaan xitaa hadii calaamadaha iyo astaamaha cagaarshoowgu ay yihiin kuwo daran. Halka caruurta ay u badan yihiin inuu ku noqdo mid joogto ah.

Waxaa jira tallaal loogu talo galay in looga hortago cagaarshoowga B, hasa yeeshee ma jirto wax dawo ah oo lagu dabar goyn karo hadii uu qofku qaado cagaarshowga B. Waxaa jira tillaabooyin la raaco qofku hadii uu ku dhaco cagaarshoow B si uusan usii faafin.

Astaamaha

Calaamadaha iyo astaamaha cagaarshoow B waxey noqon karaan kuwa khafiif ah ama daran, waxey inta badan soo ifbaxaan hal ilaa afar bilood kedib marka qofku uu qaado infekshanka. Calaamadaha iyo astaamaha cagaarshoow B waxaa ka mid ah:

  • Calool xanuun
  • Kaadi madow
  • Qandho
  • Kala goysyo xanuun
  • Aabatayt la’aan
  • Lalabo iyo matag
  • Daal iyo dabar darri
  • indhaca iyo maqaarka oo jaale/huruud noqda

Maxaa Sababa?

Cagaarshoowgaan waxaa sababa fayrus loo yaqaano Hepatitis-B.

Siyaabaha lagu kala qaado:

  • Galmada
  • Cirbad wadaag
  • Hooyada oo u gudbisa uur-ku-jirka
  • Cirbad si kama ah u mudda qofka gaar ahaan xirfadlayaasha caafimaadka.

Cagaarshowga B wuxuu noqon karaa mid degdeg ah (Waqti gaaban) iyo mid joogta ah oo (daba dheeraada).

Cagaarshowga B ee degdeg ah: wuxuu inta badan qaataa waqti ka yar lix bilood. Difaaca jirka ayaa inta badan ka nadiifiya jirkoo idil fayruska noocaan ah. Waxaa suurta gal ah in qofku uu ka bogsoodo xanuunkaan bilo kooban gudahooda marka uu ku dhaco qof qaan gaar ah. Hasa yeeshee waxaa macquul ah inuu noqdo mid raaga hadii uu ku dhaco caruurta.

Cagaarshoowga B ee joogtada ah: wuxuu inta badan qaataa in ka badan lix bilood. Xalaadaan ayaa ka dhigan in difaaca jirka uu ka quustay ka nadiifinta jirka infekshakaan. Sidaa darteed waxa suurta gal ah in qulofku uu ebid la noolaado infekshankaan, waxaan laga yaabaa inuu horseedo xanuuno halis ah oo ku dhaca beerka, sida beer subaga iyo kansarka beerka.

Caruurta ayaa u nugul hadii uu ku dhaco marka ay da’dooda ka yar tahay 5 sano in infekshanku uu noqdo mid joogta ah. Sidoo kale cagaarshoowga joogtada ah waxaa laga yaabaa in aan la ogaan tobanaan sano ilaa inta uu qofku uu caafimaad ahaan u darsado ama uu ku dhaco cudurada saameeya beerka.

Waxaa siyaada halista ah inuu kugu dhaco infekshankaan hadii aad:

  • Sameysid galmo xaaraan ah
  • In aad la sameysid qof aadan baarin
  • La wadaagtid qof cirbad
  • in Aad la nooshahay qof qaba cagaarshoow B
  • In Aad tahay xirfadle caafimaad
  • U safartid wadamaha uu caan ka yahay sida Afrika, bartamaha, bariga iyo koonfurta aasiya iyo bariga yurub.

Khataha ka dhasha Cagaarshoow B

  • Beerka oo yeesho boogo
  • Kansarka beerka
  • Beerka oo hawl gaba

Talaalka Cagaarshowga:

Fadlan hadii aad awood uleedahay in aad iska tallaasho cagaarshow B iska tallaal, waana laga heli karaa Somalia.

Waxaa la heli karaa talaalada noocyada cagaarshoow A iyo B. waxay hada quburada caafimaadku ku mashquulsan yihiin in lasoo saaro talaalka cagaarshoowga nooca C, D iyo E mar dhow.

Barocaafimaad

The post Cagaarshowga Nooca B (Hepatitis B) Iyo Dhibaatooyinka Uu Jirka Gaarsiiyo! appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles