
Mooska waxa uu ka mid yahay qudaarta caafimaadka u roon. Cunidda moosku waxay kordhisaa tayada faya-qab iyo caafimaad ee aadanaha. Sida khubarada caafimaadku sheegeen cunista moosku waxay korisaa nudayaasha la dagaalama kansarka. Moosku waxa uu leeyahay tamar waxaana laga helaa maadada Potassium ka oo faa’iido weyn u leh caafimaadka. Waa kuwan tiro faa’iidooyin ah oo laga helo cunista 2 xabo oo moos ah maalin walba.
- Wuxuu yareeyaa Niyad-jabka (Depression): Moosku wuxuu yareeyaa heerka cadaadiska maskaxda ee ka dhasha wel-welka, walbahaarka iyo caloolyowga.
- Waxa uu daweeyaa gaasta : moosku waxa uu ka hortagaa gaasta iyo nabarada ku samaysma caloosha iyo mindhicirada. Sidoo kale moosku waxa uu daweeyaa gaasta iyo nabarada caloosha.
- Moosku wuxuu ilaaliya Tayada dhiiga: moosku waxa uu ilaaliya tayada iyo caafimaad qabka nudayaasha dhiiga. Cun 2 moos ah subax walba si aad uga badbaado dhiig-la’aanta.
- Waa u daawo calool istaagga:– Maadaama moosku leeyahay Baal “Fiber” waxa uu daweeyaa calool istaaga. Cun 2xabo oo moos ah maalin walba oo ka takhalus calool istaaga.
- Waxa laga helaa tamar “Energy”:- Mooska waxa ku jira 3 sonkorood oo dabiici ah oo kala ah fructose, glucose iyo sucrose kuwaasoo ka caawiya jidhku inuu helo tamar ku filan.
- Wuxuu xoojiyaa lafaha:- Moosku waxa uu xoojiyaa lafaha. Moosku wuxuu fududeeyaa nuugista calcium ka oo ah maaddo lafaha u roon. Sidaa darted waxa uu lafaha ka dhiga kuwo caafimaad qaba oo xoogan.
- Wuxuu la dagaalama cudurada: Moosku waxa uu yareeya sumowga jidhka waxana uu jidhka ka nadiifiyaa wasakhda.
- Wuxuu kordhiyaa xusuusta: cunidda moosku waxay sare u qaadaa awooda xusuuseed ee qofka. Xaddi badan oo ah Maadooyina tryptophan, potassium iyo magnesium ee ku jira moosku waxay sare u qaadaan xusuusta.
- Waxa uu yareeyaa halista dhiig-karka: Moosku waxa uu yareeyaa halista qofku ku qaadi karo xanuunka dhiig-karka “Dilaaga aamusan”. Maadaama mooska ay ku yartahay maadada Sodium isla markaana ay ku jirto Potassium badan wuxuu 10% yareeyaa halista dhiig-karka.
- Wuxuu isu-miisaama dheecanada jidhka “hormones”: mooska waxa ku jira xaddi badan oo maadooyinka Potassium iyo Vitamin B6 kuwaasoo u roon soo saarista xadiga dheecaan walba ee loo baahan yahay.
- Wuxuu caawiya Luminta miisaanka dheeriga ah: Moosku waxa uu sahlaa saarista iyo luminta baruurta aan loo baahnayn ee jidhku kaydiyo.
- Moosku waxa uu yareeya xanuunada maskaxda: xaddi magnesium ah oo ku jira Moosku ayaa yaraysa xanuunada ku dhaca maskaxda sida Alzheimer’s ka iyo Parkinson’s-ka. Moosku waa qudaar qiima ahaan jaban asee faa’iido weyn uleh caafimaadka iyo faya-qabka. Cun 2 xabbo oo moos ah maalin walba oo hel faa’iidooyinka caafimaad ee ku xusan. Jooji Qaadka iyo sigaarka oo cun qudaarta uu u horeeyo moosku. Qudaarta cagaarani waa furaha caafimaadka iyo fayaqabka. Qaadka iyo sigaarkuna waa furaha cudurka iyo caafimaad darrada.
W/Q: Cadceed Cadeysey
E–mail : cadeysey65@gmail.com
The post Faaidooyinka Mooska (CUN 2 XABBO MAALIN KASTA) appeared first on Daryeel Magazine.