Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Qofku Ka Heli Karo Cabista Biyo Ku filan

$
0
0
  1. Biyuhu waxa ay qayb weyn ka yihiin samaysanka carjowda ku jirta xaglaha (Xubnaha laabma), waxa aanay caawiyaan in lafuhu si dabacsan u dhaqdhaqaaqaan iyo in ay qabtaan nabarrada dusha kaga imanaya lafta. Waxa kale oo biyo cabbistu ay yaraysaa dhibaataa xanuunka afka Ingiriisiga ‘Gout’ lagu yidhaahdo oo ah boog iyo caabuq ku samaysma xubinta faraha suulka lugaha ee dadka ay dhiiggooda ku badan tahay maadadda asiidhka ah ee ‘Uric’.
  2. Jidhku waxa uu dhididka ku waayaa biyo badan, gaar ahaan xilliga kulaylka, sidaa awgeed haddii aanu qofku biyo ku filan cabbin, waxaa dhacaysa in jidhkiisa ay ka wada baxaan maaddooyinka muhiimka ah ee cusbada iyo Bootaasiyaamta.
    Calaamadaha lagu garto in qofka ay maaddooyinkani jidhkiisa ka baxeen waxaa ka mid ah afka oo ingaga, qofka oo dawakhaad dareema ama shaqada jidhka oo uu Khalkhal ku dhaco.
  3. Biyuhu waxa ay kelyaha ka caawiyaan in ay iska saaraan qashinka dhiigga ay ka reebaan, sidaa awgeed haddii aanay kelidu helin biyo ku filan, waxaa dhacda in qashinkaas oo asiidho ahi uu ku ururo, ugu dambayntana keeno in kelyaha ay daboosho barootiinta Myoglobin oo ka kooban ogsajiin iyo xadiid.
    Waxa kale oo uu ingagga jidhku sababi karaa in ay kelida ku samaysmaan dahgaxaan, iyo caabuq ku dhaca kaadi mareenka.
  4. Biyo yaraantu waxa ay maskaxda ka dishaa u fiirsiga iyo in ay si deggen arrimaha uga baaraan degto, waxa kale oo ay dhaawac gaadhsiisaa awoodda xusuusta degdegga ah.
    Si aad dhibaatooyinkaas uga badbaaddo cab biyo kugu filan. Haddii aad 70 kiiloogaraam tahay waxaa kugu filan afar koob maalintii, laakiin mar kasta oo miisaankaagu sii batoi, biyaha aad u baahanaysaana waa ay sii kordhayaan.
  5. Cilmibaadhsaha kala duwan ee lagu sameeyey waxtarka biyuhu waxa ay sheegeen in qofka oo maalintii cabba laba ama saddex koob oo ah biyo ka dheeraad ah inta uu jidhku u baahan yahay, in ay yaraadeen dufanka, sonkorta iyo milxid dhiiggiisa ku jiraa, sida oo kalana ay korodho heerka kalooriyada uu jidhkiisu gubayaa. Taas oo macnaheedu yahay in miisaanka dheeraadka ahi uu hoos u dhaco.
  6. Waxa ay biyo cabbista badani caawisaa shaqada dheefshiidka, waxa aanay abuurtaa in qofku uu dhereg dareemo, taas oo iyaduna ka hor istaagaysa in uu cunto badan cuno waana mid kale oo ka mid ah hababka ay biyuhu u dhimi karaan miisaanka dheeraadka ku ah qofka.
  7. Biyuhu haddii ay jidhka ku yaraadaan waxa ay ku keenaan ingag, taasina waxa ay saamayn taban ku yeelataa xididdada dhiigga. daraasado arrintan lagu sameeyeyna waxa ay muujinayaan in dhibta wadnaha ka soo gaadha biyo yaraanta jidhku ay la mid tahay dhibta sigaarka ka soo gaadha.

Biyaha oo jidhka ku yaraadaa waxa ay keenaan hoos u dhac ku yimaadda xaddiga dhiigga ee jidhka, taasina waxa ay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaadda wareegga dhiigga, iyo in uu kordho ama degdego garaaca wadnuhu.

Tijaabooyin lagu sameeyey raadka ay biyo yaraantu ku keento shaqada wadnaha ayaa muujiyey in haddii biyaha oo qofka ku yar awgeed uu wadnuhu kordhiyo garaaca ama dedejiyo, ay 15 illaa 20 daqiiqo kaddib xaaladdu caadi ku soo noqonayso haddii uu biyo ku filan cabbo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Marjaan media

The post Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Qofku Ka Heli Karo Cabista Biyo Ku filan appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles