Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Shig Shiga Caruurta Iyo Dadka Waa Wayn (Stutturing)

$
0
0

Shigshig (stutter) waa xaalad la xiriirta hadalka, oo saameyn balaaran ku leh qeexnaanta hadalka, iyo dareeriska hadalka.

Dadka shig shiga way garana yaan waxa ay rabaan iney dhahaan, laakin waxay dhibaato ka qabaan dhihidda, tusaale waxaa maqcuul ah iney ku soo celceli yaan ama ay dheeree yaan erey, ama iney jooji yaan ayagoo ku guda jira hadalka, ayagoon sameyn wax cod ah

Shigshigga wuxuu ku badan yahay caruurta waxayna qeyb ka tahay barashadalka hadalka. Caruurta waa ay shigshigaan xiliga hadalkooda iyo luqada aysan si buuxda u hormarin si ay ula jaan qaadaan waxa ay rabaan iney dhahaan. Caruurta intooda badan wey ka koraan shigshigga.

Mararka qaar, shigshigga wuxuu noqon karaa xaalad raagta, tani waxay saameyn ku yeelan kartaa kalsoonida uu qofka isku qabo iyo xiriirka dhex mari kara dadka kale.

Caruurta iyo dhalinta shigshiga waxay ka faaidi karaan dawooyinka qaar, sida taba barka hadalka, iyo la tashiga maskaxiga.

Maxaa sababo shig shiga

Cilmi baarin ayaa wali lagu raadi nayaa waxa saba shigshigga raaga, wax yaabaha sababi kara waxaa ka mid ah

Qalad ka jira xaruunta maamulka hadalka. Cilladaha jirta ayaa ah isuduwidda, waqti yeenta, dareenka, iyo soo gudbinta

Hiddo: shigshigga wuxuu u badan yahay in lagu arko qoyska, sida in lagu helay dhaxal hiddo, oo ah qalad ka jirka xaruunta hadalka ee maskaxda

Xaalad caafimaad: shigshigga mararka qaar wuxuu mararka qaar ka dhashaa xanuunada faalug, jugta iyo dhaawacyada kel ee maskaxda

Waa maxay astaamaha shig shiga

Astaamaha shigshigga waxaa ka mid ah.

  • Bilaabidda ereyga iyo jumladda oo dhib noqota
  • Ereyada iyo codka oo la dheereeyo
  • Codka, ereyga oo lagu soo celceliyo
  • Aamus naan yar oo u dhexeysa
  • Ku darid ereyo dheeri ah sida “aaamm”, hadii ay dhib noqoto ku daridda ereyga xiga
  • Dhuujis iyo adkaansho, ama dhaqdhaqaaqa wajiga ama qeybaha kore ee jirka, si loo soo saaro erey
  • Walwal laga qabo hadalka
  • Awoodda qof lagula hadlo oo yaraato

shigshigga waxaa la socon karo

  • Il jibis dheqso badan
  • Bishimaha iyo daanka oo nuux nuux sada
  • Wajiga oo isu soo uruura
  • Madaxa oo deg deg u nuux sado
  • Gacmaha oo la adkeeyo sida feer duubasho oo kale

Shigshigga wuxuu ka dari karaa marka uu qofku farax san yahay, daalan yahay, ama uu walwal san yahay, ama marka uu qofku iska warqabo, ama uu cadaadis saaran yahay. Marxaladaha sida in dad badan laga hor hadlo ama teleefan lagu hadlo waa arin si khaas ah dhib ugu ah dadka shigshiga.

Hasa yeeshee dadka shigshiga si caadi ah ayey iskula hadli karaan ama u heesi karaan ama ku hadli karaan luqad kale ayagoon shigshigin.

Halista lala xiriiryo

Fursadaha shigshigidda waxaa ka mid ah

Qof qaraaba ah oo shig shiga, koriimada caruurta oo daahda, ragga ayaa uga badan dumarka, iyo walwalka

The post Shig Shiga Caruurta Iyo Dadka Waa Wayn (Stutturing) appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles