Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Niyad Jabka Caruurta Ku Dhaca Iyo Qaababka Loola Tacaalo, QEYBTII 2-AAD

$
0
0

Daweynta

Daweyntu waxa ay u qaybsamaysaa mid muddada dheer ah oo loo baahan yahay dhakhtar ilmaha caawiyo, si looga hortago in xanuunkani uu ilmaha ku keeno dhibaatooyin caafimaad darro oo jidheed ama dhimirka ah. Caadi ahaanna daweynta qulubku waxa ay qaadataa muddo dheer, waxa aanay u baahantahay sabir in loo yeesho iyo in ilmaha lagu simo illaa marka uu gaadhayo xaalad uu ammaan dareem.

Waxaa jira habab kale oo uu waalidku ilmaha uga caawin karo in uu si dabiici ah uga bogsado xanuunka, gaar ahaan ilmuhu marka uu gaadho da’da wax kala garashada, waxaana ka mid ah:

Jimicsi joogto ah oo loo sameeyo maalin kasta: qasab ma’aha in uu noqdo jimicsi uu tababare maamulayo ama lagu jimcsado qalab casriya. Waxaa ku filan in ilmuhu waalidkii la lugeeyo cabbaar laydha furan.

In la ilaaliyo waqtiyada dawada:

Dawada oo aan si joogto ah loo qaadan iyo nidaamkii dhakhtarku u dhigay oo la qaldaa waxa ay sababtaa in qofku uu bogsan waayo, sidaas awgeed waxaa muhiim ah in waalidku uu ilmaha u dhowro waqtiyada hurdada.

Cuntada ilmaha oo laga dhigo mid waafaqsan halbeegga caafimaadka, taas oo si weyn uga caawin karta in uu ka bogsado xaaladaha nafsiga ah.

In ilmaha lagu dhiirrigeliyo waqti go’an oo uu seexdo, taas oo laga dhigo caado aan laga baydhin.

In ilmaha loo sameeyo waqti loo sheekeeyo:

ilmaha siyaabaha loo caawin karo waxaa ka mid ah in laga warransiiyo, laguna dhiirrigeliyo in uu dareenkiisa cabbiro. Ilmaha in la tuso muhiimadda uu leeyahay, sheekadiisana si buuxda loogu dhegraariciyo, iyo in loo sameeyo wax kasta oo ku dhiirrigelinayo in uu hadlo waxa uurkiisa ku jira.

Ilmahaaga uga sheegee u xoogsheegashada:

In ilmaha ay carruurta faciisa ahi u xoogsheegato marka uu dugsiga iyo goobaha ciyaarta joogo ama ay jiraan koox iyo qof ku cawaandadooda marka uu bannaanka u baxaa waxa ay ku keentaa xaalado nafsadeed oo mele khatar ah gaadhi kara. Sidaas awgeed ilmahaaga uga sheegee dabeecadda xoogsheegasho ee carruurta qaar ay yaqaannaan iyo xaalado dhacay oo sheegaya carruur waalidkood u sheegtay iyo sida ay muhiim u tahay taasi, waxaa dhici karta in arrintani ay ilmaha ku dhiirrigeliso in uu isna kaaga warramo haddii uu xaalkan oo kale qabo.

Hawlaha guriga oo laga yareeyo:

Ku dadaal in ilmaha qulubka qaba aad ka yarayso culayska uu guriga kala kulmo, gaar ahaan haddii uu ilmuhu gaadhay da’da 14 jirka iyo ka weyn oo ah marka uu koritaanka ugu badani ku socdo, laguna arko isbeddel dhinaca dabeecadda ah iyo xaalado nafsadeed. Waxaa iyaduna muhiim ah in ilmuhu marka uu da’dan gaadho laga yareeyo cadaadiska lagu saarayo in uu natiijo aad u weyn ka gaadho imtixaanaadka dugsiga, ama in lagaba fisho in uu kaalin sare gaadho, waayo ilmaha da’dan ku jiraa nafsad ahaan uma dulqaadan karo cadaadiska la saarayo.

XAKAMEE WAQTIGA SHAASHADDA

Waalidku waa in uu xaddido waqtiga uu ilmuhu ku ciyaarayo qalabka teknoolajiyada iyo ciyaaraha Fiidyowga, kuna dhiirrigeliyo in uu qabto hawlaha kale ee carruurtu isku maaweeliso ama uu la ciyaaro saaxiibbadii. Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in arrintaas ay ka caawinayso in uu mustaqbalka xidhiidh togan la yeesho bulshada. Sida oo kale ilmaha waa in lagu dhiirrigeliyo la xidhiidhka dadka kale ee guriga ama dugsiga la jooga.

ILMAHAAGA KALA HADAL MEELAHA UU U XOOGGAN YAHAY

Ilmahaaga dhiirrigelin u samee, ugana sheekee meelaha uu u xooggan yahay iyo waxyaabaha uu ku wanaagsan yahay.

KU DHIIRRIGELI IN UU KAAGA WARRAMO DAREENKIISA

Ilmahaaga ku dhiirrigeli in uu kaaga warramo dareenkiisa iyo fikir kasta oo maskaxdiisa ku soo dhaca, xitaa haddii uu ku fikirayo geeri. Qalbigiisa deji ugana sheekee xaaladaha nafsiga ah ee uu ilmuhu maro marka uu korayo, u sheeg xitaa in aad adigu soo martay duruufahaas oo kale sidaas awgeedna aanay ahayn in la is dhiibo.

KU TABABAR IN DHIBAATOOYINKA SOO MARA UU SI TOGAN U EEGO

Ilmahaaga ku caawi in dhibaatooyinka soo maraya iyo hawlaha u yaalla uu u jejebiyo qaybo iyo tallaaboyin yaryar oo uu mid kasta gaarkiisa xal ugu raadiyo isaga oo sida ay u kala mudan yihiin u kala horreysiinaya, si uu guul uga gaadho.

KA HORTAGGA XAALADAHA NAFSIGA AH

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegayaan in ay jiraan sababo badan oo ilmaha ku keena in uu qulub dareemo. Waxaa ka mid ah labadiisa waalid oo midkood la xidho, ama si kedis ah uu uga tago. Waa dhacdooyin mar kasta la filan karo, sidaas awgeed waa in uu waalidku la diyaar ahaadaa hababka ugu habboon ee ilmaha loogu diyaarin karo xaaladahan oo kale loogana hortegi karo. Waxa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in si arrimahaas looga hortago loo baahan yahay:

IN LAGU BARAARUGSANAADO KHATARTA UU QULUBKU KU KEENI KARO ILMUHU MARKA UU YAR YAHAY:
Waa in uu si gaar ah uga warhayaa xaaladda ilmaha, una hubiyo in aanay jirin sababo ilmaha ku keeni karaa; waxaa ka mid ah:

  • In ilmuhu aanu lahayn xanuun kuwa lala noolaado ee aan dawada lahayn ah.
  • In labada waalid ama midkood uu leeyahay xanuunno nafsi ah ama qulubku ku badan yahay.
  • Ilmuhu uu la kulmo shoog, sida in qof u dhowi uu geeriyoodo.
  • In lagula kaco xadgudub jidheed, maskaxeed ama jinsi ah.

HA KALA DAAHIN DABIIBKA:

Haddii aad ilmahaaga ku aragto calaamado muujinaya in uu qabo xaalad nafsiya sida qulubka, waxaa waajib ah in aad raacdo talooyinka aynu soo xusnay adiga oo si gaar ah ugu fiirsanaya in ay wax u taraan. Haddii aad aragto in xaaladdu ay weli sii jirtana ilmaha u gee dhakhtar.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

The post Niyad Jabka Caruurta Ku Dhaca Iyo Qaababka Loola Tacaalo, QEYBTII 2-AAD appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles