Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Sida Loo Dheeraado Iyo Cuntooyinka u fiican kordhinta dheerarka

$
0
0
cuntooyinka u fiican dheerarka,

Waxaa jira dad badan oo walaac ka qaba dheerarkooda, waxay dareemaan khajilaad marka la weydiiyo cabbirka dheerarkooda, sidoo kale waxay dareemaan cuqdad iyo liidasho haddii lagu foorjeeyo gaabnidooda. Hadaba qormadan waxaan kaga hadlaynaa sida loo kordhiyo dheerarka iyo cuntooyinka u fiican.

Maxaa saamayn ku leh dheerarkaaga?

Gaabnida iyo dheerarka waa arrin Alle u khaas ah oo hidde ahaan waalidkaaga aad uga dhaxashay. Daraasado lagu sameeyay caruur mataano ah, saynisyahannadu waxa ku ogaadeen hidde-sideyaasha iyo sida uu u saameeyaan cabbirka dheerarka, waxaa la arkay in haddii ilmaha mataanaha uu midkood dheer yahay in kan kalana ay u badan tahay in isaguna uu dheeraado. Isla daraasadani waxay tilmaamay in sababta keenta kala duwanaanshaha dheerarka ee dadka ay 60% illaa 80% tahay hidde, halka 20% illaa 40% ay tahay nafaqada.

Hormoonka koriinka ee bani-aadamka oo ka kooban 191 asiidhada amino waxaa soo saara qanjirka Bituwitary (Pituitary gland). Hormoonkani wuxuu door weyn ka qaataa koriimada, qaab dhismeedka jirka, dheefsiga cunnada iyo cusboonaysiinta unugyada. Hormoonka koriinku wuxuu ka shaqaysiiya koriimada dhammaan nudeyaasha jirka.

Marka qofku uu soo dhowaado dhammaadka qaan-gaarnimada waxaa joogsada koritaanka dheerarka. Si kastaba ha ahaatee, cunista cunno caafimaad leh oo la joogteeyo waxay caawin kartaa kororka joogga qofka.

Cuntooyinka u fiican kordhinta dheerarka:

Miraha raspberries:

Mirahani waxay qani ku yihiin hormoonka “melatonin” kaas oo kordhiya soo saarista hormoonka koriinka. Sida lagu arkay daraasad la sameeyay, melatonin waxa uu ka shaysiiyaa qanjirka Pituitary si uu soo saaro hormoonka koriinka ee caawiya kordhinta dheerarka. Sidoo kale, miraha raspberries waa il hodan ku ah fitamiin C, manganese iyo ganka loo yaqaanno “dietary fibre”.

Ukunta:

Ukuntu waa cunno kale oo kobcisa soo saarista hormoonka koriinka sababtuna waa maadada “choline” ee ku jirta. Choline-tu waxay muhiim u tahay shaqada unugyada iyo samayska lafaha waxayna caawisaa kordhinta dheerarka iyo awoodda qofka. Waxaa kaloo ukunta laga helaa barootiinta noocyadeeda ugu tayada fiican. Barootiintu waa curiye aasaasi u ah dhismaha muruqyada iyo nudeyaasha jirka.

Caanaha:

Caanaha waxaa ku badan nafaqooyin aasaasi ah sida fitamiin A, kalsiyaam, fitamiin E, fitamiin D iyo fitamiin B. Caanaha waxaa ku jira dhammaan 9-ka asiidhada amino ee aas-aasiga ah waana cunno laga helo barootiin dhamaystiran. Asiidhada amino ee ku badan caanaha, waxay door weyn ka ciyaaraan in jirku si dabiici ah u soo saaro hormoonka koriinka ee aadamaha.

Hilibka lo’da iyo digaagga:

Hilibku waa cunno hodan ku ah barootiin. Cunista hilibka lo’da iyo digaagga waxay caawisaa dhisidda nudeyaasha iyo murqaha waxayna dhiirrigelisaa soo saarista hormoonka koriinka ee aadamaha.

Kalluunka dufanka leh:

Kalluunka dufanka leh sida salmoonka iyo tuunaha waxaa ka buuxa barootiin iyo faytamiin D. Barootiintu waxay muhiim u tahay dhismaha nudeyaasha iyo kordhinta dheerarka.

Digirta sooyada:

Sooyadu waa cunno ay nafaqo ka buuxdo oo kodhin karta dheerarka qofka haddii si maalinle ah loo isticmaalo sababtuna waa asiidhka amiino ee loo yaqaanno “l-arginine” ee ku jira Sooyada. Digirtani waxay kordhisaa heerka hormoonka koriinka. Sidoo kale, waxay wanaajisaa cufnaanta lafaha iyo nudeyaasha.

Lawska:

Lawska wuxuu muhiim u yahay koriimada lafaha iyo murqaha maadaama ay ka buuxaan barootiinno kala duwan. Lawsku waxaa kaloo ku jira asiidhka “gamma-aminobutyric” kaas oo dhiirrigeliya in qanjirka pituitary uu soo saaro hormoonka koriinka.

Akhriso: 9 Cudur Oo Lawsku Dawo Iyo Ka Hortagba U Yahay

Hababka kale ee loo kordhiyo dheerarka:

  • Ku dedaal jimicsiga: jimicsigu waxa uu kordhiyaa soo saarista hormoonka koriinka, waxa uu xoojiyaa lafaha waxaana uu wanaajiyaa dheefsiga cunnada.
  • Iska ilaali waxyaabaha koriinka hoos u dhiga: Sigaarka iyo khamriga waxaa la xaqiijiyay in korriinka dheerarka qofka ay saameeyaan.
  • Ku dedaal cunno isku-dheelitiran
  • Qaab fadhigaaga iyo socodkaaga sax: Ha noqon dadka markay fadhiyaan horay u fooraarsado ama markay socdaan goobada isku yeelo, tan waxay keenaysaa in lafdhabartaadu ay qalloocato, kadibna dheerarkaaga uu yaraado.
  • Seexo hurdo kugu filan: Daraasado la sameeyay waxaa lagu arkay in qofka oo heli waaya hurdo ku filan ay yareyso heerka hormoonka koriinka.

-Hirsi Ahmed

The post Sida Loo Dheeraado Iyo Cuntooyinka u fiican kordhinta dheerarka appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles