Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Ahmiyadda Ay Leedahay In Cuntada Lagu Darsado Miraha Qoondarka, Cudurrada Ay Ka Hortagaan Iyo Dadka Aan Loo Ogolayn

$
0
0
miraha qoondarka, saliibka, flax seeds,
image source: wisegeek.com

Miraha qoondarka ama saliibka (flax seeds) waxay ka mid yihiin cunnooyinka loo yaqaanno “superfooods” kuwooda ugu waxtarka badan. Waa il muhiim u ah oo laga helo barootiinta dhirta, walxaha lidka hurka (anti-inflamatory), dufanka omega 3 iyo faybar. 

Qoondarka waxaa la helaa isagoo ah miro, budo, bur, kiniini ah iyo saliid laga sameeyay oo la yiraahdo “flax seed oil”. Faa’iidooyinka tirada badan ee mirahaani ay xambaarsansan yihiin waxaa loo tiiriyaa maadooyinka ay hodanka ku yihiin ee lignans, omega 3 iyo faybar.  

Nafaqooyinka ku jira miraha qoondarka: 

Qoondarka waxaa laga helaa barootiin, dufanno caafimaadka uroon, faybar, calcium, iron, magnesium phosphorus, potassium, zinc, folate, fitamiin C, fitamiin B1, fitamiin B2, fitamiin B3, fitamiin E, fitamiin K. 

Faa’iidooyinka caafimaad ee miraha qoondarka: 

Hoos u dhigista halista kansarka: 

Qoondarka waa dalagga ugu badan ee ay ku jirto maadada ”lingnans” oo ka kooban hormoonka estrogen iyo sunsaaraha “anti-oxidant”, labadadaan shay waxay yareeyaan halista kansarka, gaar ahaan kansarka naasaha iyo kansarka qanjirka xiniinyaha ee borosteytka. Dumarka waxaa lagula taliyaa inay joogteeyaan miraha qoondarka si ay u yaraato halista kansarka naasaha khaasattan haweenka dhaxalka u leh cudurkaan. 

Caafimaadka wadnaha: 

Qoondarka waxaa ka buuxo saliidda omega 3, faybar iyo maadada “phytosterols” kuwaas oo kobciya caafimaadka wadnaha. Cunista qoondarku waxay kordhisaa kolestaroolka fiican “HDL” waxayna yareysaa kolestaroolka xun “LDL”.

Ka hortagga calool istaagga: 

Mirahaan waxaa ku badan faybarka oo jilciya saxarada, kana hortago calool istaagga iyo xanuunka mindhicirrada kacsan (irritable bowel syndrome) 

Xakamaynta sonkorowga: 

Qoondarka waxaa ku jiro walxo yareeya heerka sonkorta dhiigga. Daraasad lagu daabacay Joornaalka Nafaqada waxaa lagu arkay in cunista qoondarku ay firfircooni geliso dheecaanka insulin-ta ee kontaroola cudurka sonkorowga. Insulin-tu waa dheecaan uu soo daayo ganacu (Pancreas) oo ka qayb qaadata in ay sonkortu (Glucose) ay gasho unugyada jirka si ay uga soo saaraan tamar uu jirku isticmaalo, isla markaana uu hoos u dhaco xadiga sonkorta ah ee wareegaysa dhiigga.

Miisaan dhimista: 

Mirahaan waxaa ku yar kaarbohaydareetka, waxaana ku badan faybar. Waxay ka qayb qaadataan qashin saarka mindhicirrada, miisaan dhimista iyo yareynta jamashada macmacaanka. Faybarku wuxuu daahiyaa cunno shiidista wuxuuna qofka ka abuuraa dareen dhereg ah. 

Hoos u dhista dhiig karka: 

Dufanka omega 3, maadooyinka faybar iyo “lignans” ee ku jira qoondarka waxay ka ka hortagaan dhiig karka. Daraasad lagu daabacay joornaalka “Clinical Nutrition” ayaa lagu arkay in qoondarku uu yareeyo labada lambar cadaadiska dhiigga ee kala ah “systolic blood pressure” iyo “diastolic blood pressure”. 

Hoos u dhista calaamadaha howlgabnimada dhalmada (menopause): 

Maadada lignans ee ku jirta qoondarka ayaa la ogaaday inay waxtar u leedahay haweenka ku jira howlgabnimada dhalmada Waxaa daraasad la sameeyay lagu arkay in qoondarku uu caawiyo yareynta kuleelka habeenkii (hot flashes) ee ay dareemaan dumarka aan isticmaalin daawada “oestrogen” xilliga howlgabnimada dhalmada. Sidoo kale, qoondarku wuxuu ka hortagaa halista cudurka lafo burburka (osteoporosis) ee haweenka. 

Kobcinta caafimaadka maqaarka iyo timaha: 

Dufanka omega 3 ee buuxa qoondarka wuxuu waxtar u leeyahay maqaarka iyo timaha, wuxuuna yareeyaa kor qallaylka, finanka, xanuunka maqaarka ku dhaco ee “eczema” iyo iyo timo buburka. 

Cilladaha laga qaado miraha qoondarka haddii la iska badiyo: 

  • Dibiro iyo gaas 
  • Calool xanuun 
  • Calool istaag ama shuban 
  • Lalabo 
  • Amateedka yari 

Haweenka uurka leh waa inay ka fogaadaan qaadashada qoondarka sababtoo ah waxaa ku jirta maadada “phytoestrogens”. 

The post Ahmiyadda Ay Leedahay In Cuntada Lagu Darsado Miraha Qoondarka, Cudurrada Ay Ka Hortagaan Iyo Dadka Aan Loo Ogolayn appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles