
Ubadka Allaa bixiyo, laakiin dadaalku waa lagama maarmaan, haddii aad doonayso inaad uur yeelato waxaa jira waxyaabo badiya fursadda uur qaadista oo ay tahay inaad ogaato.
Galmo joogto ah:
Waa in adiga iyo saygaaga aad si joogto ah galmo u samaysaan si ay u siyaaddo fursadda uur qaadista.
Miisaankaaga la soco:
Waxaad u baahan tahay inaad miisaankaaga ilaaliso marka aad isku dayayso inaad uur yeelato. Miisaanka xad dhaafka ah wuxuu hoos u dhigaa fursadda uur qaadista. Haddii aad uur yeelan wayso, dhakhaatiirtuna ay ku dhahaan wax cillad ah ma qabtid, ku dadaal inaad miisaankaaga yaraysid haddii aad cayilan tahay.
Jimicsi:
Jimicsiyada qaar waxay dabciyaan murqaha waxayna caawiyaan qulqulka hormoonnada. Ha samaynin jimicsi adag oo cadaadis saari kara ilmo galeenkaaga.
Xilliga ugxanta:
Waqtiga ugu fiican ee uur la qaado waa marka ugxanta la soo daayo ee ay u baahan tahay in la bacrimiayo. inkastoo dumarku ay ku kala duwanaan karaan waxaa maalintaas lagu qiyaasaa in ay ku aadan tahay maalinta 14-aad wareegga caadada, si aad maalinta saxda ah u ogaato waa in marka hore caadadaada ay tahay mid saxan oo aan khalkhal ku jirin.
Haddii ay caadadaadu saxan tahay waxaad calaamaysataa ama meel ku xarriiqataa maalinta ugu horreyso oo dhiigga ama caadada kugu dhacdo, kadib maalintaa markii laga xisaabiyo kala bartanka ama maalinta ugu dhaxaysa ayaa fursadda ugu fiican jirtaa.
Dhareerka minka afkiisa:
Xab cad, nadiif ah oo jiidjiidmayo oo la isku arko caadada ka dib waxaa loo yaqaanaa “fertile cervical mucus” waxayna tilmaan u tahay in ugxan la soo daayay, bacrin diyaar u tahay si ay haweenta uur u qaaddo. Cilmi baaris ayaa shaacisay in maalinta ugu habboon ee galmo la sameeyo si uur loo qaado ay tahay markaad isku aragto xabkaan. Xabka “Cervical Mucus” wuxuu wanaajiyaa socodka xawada (sperm motility) iyo inay gaarto ilmo galeenka.
Ka fogoow sigaarka:
Sigaarku wuxuu yareeyaa dhalmada, wuxuuna kordhiyaa fursadda uurka ilmo qoolan. Ilmaha ku abuurma minka banaankiisa waxaa loo yaqanaa ilma qoolan (Ectopic Pregnancy). Uurka noocaan ah wuxuu dhacaa marka ukun bacrimisan ay ku dhegto boos aan aheyn booski loogu talogalay oo ah dhinacyada minka.
Akhriso: Aqoon Uyeelo Cuntooyinka Caawiya Joojinta Sigaar Nuugista
Cun cuncooyinka dhalmada wanaajiya:
Waxaa jira cunnooyin caawiya wanaajinta dhalmada, waxaa ka mid ah saliidda omega3, koostada, kaabajka, cauliflower, broccoli-da, baytaraafka, baradhada macaan, kaarootada, digirta, lawska, furuutka, caanaha, yoghurt-ka, iyo ukunta. Ku dedaal cunno isku dheellitiran.
Tayada xawada ee lamaanahaaga
Aad ayay muhiim u tahay in saygaagu uu ku dedaalo waxyaabaha kor u qaada tirada iyo tayada xawada (sperm). Waa inuu joogteeyo hab nololeed caafimaad leh, sida inuu ku dedaalo cunno nafaqo leh, jimicsi joogto ah, hurdo wanaagsan iyo inuu ka fogaado balwadaha.
Akhriso: Waxyaabaha Dabiiciga Ah Ee Badiya Shahwada Ragga
Akhriso: Cunista Lawsku Miyay Kordhisaa Shahwada Ragga?
Iska ilaali welwelka:
Welwelku waxuu ka mid yahay cadawyada ugu xun ee dhalmada. Waalidiinta iyo qaraabadu iyagoo aan ogayn bay ka qeyb qaataan buuq gelinta guriga lamaanaha cusub, sababtoo ah lamaanaha oo bilooyin isqaba ayaa lagu wareeriyaa su’aalo keeni kara inay fakar iyo welwel ka qaadaan, su’aalahaasi waxay ka yimaadaan labada dhinac ee qoyska, wiilka waxaa la waydiiyaa: “Haye, gabadhii uur ma kuu yeelatay”, usbuucyo kadib isla su’aashii ayaa lagu soo celceliyaa iyadoo lagula talinayo inuu gabadha iska soo baaro inaysan madhalays ahayn.!!!”, sidoo kale gabadhii iyadane culeys ayaa laga soo saaraa dhinaca qaraabadeeda: “Abaayo, maxaa kugu dhacay, weli uur ma lihid, heblaayo oo kaa dambaysay uur ayay sidaa?” dhakhtar u taga ee isa soo baar. Arintaan waxay keentaa cabsi, welwel iyo shakki soo kala dhex gala lamaanaha cusub.!
Waxaan talo u soo jeedin lahaa lamaanaha dhibkaan haysto inaysan dheg jalaq u siin talooyinka nuucaan ah oo ay ka helayaan waalidiinta, qaraabada iyo dariska, sababtoo ah welwelka iyo fakarka ay abuurayso ayaa kufilan inay ka hortag u noqoto inaad uur isku yeelataan, midda kale waa in lamaanahada da’doodu ka yar tahay 35 sano aysan dhakhtar ugu tagin baaris cillad uur sanadka ugu horeeyo gudihiisa, haddii lamaanuhu ay da’doodu ka wayn tahayne 35 sano, way la xiriiri karaan dhakhtarka markay 6 bil isaqabaan, ayna isla joogaan.
Akhriso: 7 Hab Oo Looga Hortago Walwalka Iyo Isku-Buuqa!
Sources: Boldsky & Somalidoc
The post 9 Waxyaalood Oo Caawin Kara Inaad Uur Qaado appeared first on Daryeel Magazine.