
Galleyda waa cunno siyaabo kala duwan loo isticmaalo, waxayna xambaarsan tahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan, waxaana halkaan ku soo aruurinay kuwa ugu muhiimsan. Galleydu waxay kulansatay nafaqo kala duwan, waxaa laga helaa barootiin, faybar, fitamiin C, fitamiin B1, folate, magnesium, potassium, zinc, iron, copper iyo manganese.
Caafimaadka dheefshiidka:
Galleydu waa il qani ku ah fiber oo u fiican dheefshiidka. Waxay la dagaallantaa calool istaagga, iyo baabasiirka, waxayna ka hortagtaa kansarka mindhicirrada caloosha ku dhaca.
Waxaa ku badan kalooriska (calories):
Haddii miisaanka ilmahaaga uu hooseeyo cunnada ugu dar galley. 100-kii garaam oo galley ah waxaa ku jira 342 oo kalooris ah, si darteed si dhakhso ayay u kordhisaa miisaanka.
Caafimaadka lafaha:
Galleyda waxaa ku badan macdanaha magnesium, iron, copper iyo phosphorus kuwaas oo u wanaagsan caafimaadka lafaha. Macdanahaani waxay lafaha ka ilaaliyaan dildillaaca iyo inay duqoobaan.
Caafimaadka maqaarka:
Galleydu waxay qani ku tahay maadooyin sunsaarista kuwaas oo ilaaliya muuqaalka dhalinyaronimo ee maqaarka. Marka laga soo tago joogtaynta cunista galleyda, saliideedana waa la marsadaa dubka, waxayna hodan ku tahay maado la yiraahdo “Linoleic acid” oo maqaarka waxtar u leh.
Ka hortagga dhiig yarida:
Dhiig yari waa tirada unugyada dhiigga cas-cas oo ka yar sidii caadiga ahayd. Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jirka oo dhan. Galleyda waxaa laga helaa xadiid, fitamiin B iyo folic acid oo ka hortagga dhiig yarida.
Xakamaynta kolestaroolka:
kolesterool waa nooc dufan oo kale ah kaas oo laga helo dhiigga. Waxaa jira dhawr nooc oo uu u qaybsamo cholesterol-ku kuwaas oo kala ah; kolestaroolka wanaagsan (LDL) iyo kolestaroolka xun (HDL). Cunnooyinka dufanka leh waxay kordhiyaan heerka kolestaroolka xun, taas oo daciifisa wadnaha islamarkaana horseedi karta xanuunada wadnaha. Galleyda waxaa laga helaa maadooyinka fitamiin C, “carotenoids” iyo “bioflavonoids” kuwaas oo uroon caafimaadka wadnaha iyagoo xakameeya heerka kolestaroolka xun, islamarkaanaa kordhiya qulqulka dhiigga ee jirka.
Caafimaadka uurka:
Galleydu waxay muhiim u tahay hooyada uurka leh, maxaa yeelay waxay ka helaysaa maadada “Folic acid” oo hooyooyinka lagula dardaarmo inay cunaan markay uurka leeyihiin, waxayna muhiim u tahay korriimada uurjiifka, waxay ka ilaalisaa inuu ku dhasho miisaan yari iyo cillado kale. Si fiican u mayr galleyda, sidoo kale la tasho dhakhtarkaaga haddii aad isku aragto gacmaha iyo cagaha oo ku barara.
Ka hortagga kansarka:
Galleyda waxaa ku badan maadooyinka sunsaarista kuwaas oo xanniba shaqada xididada xorta ah (free radicalsee sababa cudurka kansarka. Waxaa kaloo galleyda ku jira walxaha “phenolic” iyo “ferulic acid” oo yareeya cabbirka burooyinka kansarka naasaha iyo kansarka beerka.
Ka hortagga dhiig karka:
Galleyda waxaa ku jira walxo la yiraahdo “phenolic phytochemicals” oo la dagaallama dhiig karka caafimaadka wadnahana xoojiya. Cunista galleydy waxay hoos u dhiigtaa halista wadne qabadka iyo faalliga (stroke)
Xanuunka kala-goysyada:
Dadka waa wayn ee da’da ah ee ka cawda xanuunka kala-goysyada waa in si joogto ah loo siiyo galleyda maadaama ay tahay il qani ku ah magnesium, iron, fitamiin B iyo barootiin.
Caafimaadka aragga:
Galleyda waxaa ku jirta maaddo la dhaho “beta-carotene” oo indhaha faa’ido ugu jirto oo kordhisa awoodda aragga. Markii galleyda la cuno, maadadaas waxaa la geeyaa beerka, kadib beerka wuxuu u bedelaa fitamiin A oo muhiim u ah awoodda aragga iyo caafimaadka maqaarka.
The post Faa’idooyinka Galleyda Iyo Xanuunada Ay Jirka Ka Difaacdo appeared first on Daryeel Magazine.