
isu-tagga lamaanaha isqaba wuxuu xambaarsan yahay faa’idooyin caafimaad oo halkaan lagu soo koobi karin, sida ka hortagga cudurrada wadnaha ku dhaca, ka hortagga xanuunka caadada, xoojinta murqaha kaadi heysta iyo helidda hurdo wanaagsan. Sidoo wuxuu wanaajiyaa niyadda, wuxuuna ka qayb qaataa miisaan dhimista.
Baaritaan lagu sameeyay 1000 qof oo caafimaad qaba, jir ahaanna firfircoon, kuwaas oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa lagu ogaaday in waqtiga ugu fiican ee galmo la sameeyaa aysan ahayn habeenkii.!
Hadaba waa goorma waqtiga ugu fiican ee galmo la sameeyo?
Sida ay sheegeen xeeldheereyaashu, waqtiyada ugu fiican ee galmo la sameeyaa waa saddexda galabnimo (3 PM). Waqtigaan waa xilliga ugu wanaagsan ee ragga iyo dumanka ee ay u badan tahay inay isle’eg yihiin hormoonnadooda iyo rabitaankooda. Sida aan ognahay, hormoonnadu waxay saamayn wayn ku leeyihiin nolosha galmada iyo dareemada galmada kadib.
Waxaa la aaminsan yahay in galmada waqtigaan ay ragga ka dhigto kuwo niyad ahaan joogga inta lagu guda jiro howshaan. Waxa wanaagsanaada awoodda ninku uu leeyahay inuu diirrada saaro baahiyaha haweeneyda iyo qancinteeda.
Xilliga kale ee ugu fiican ee galmo la sameeyaa waa aroortii, sababtoo ah waa waqtiga uu ugu sarreeyo hormoonka ragga ee testosterone ee jirkoodu uu soo saaro xilliga hurdada.
Daraasad lagu sameeyay wadanka Ingiriiska ayaa shaacisay in lammaanaha isu tagga subaxdii hal saac kadib marka ay soo toosaan ay sare u qaado tayada galmadooda, sababtuna waxay ku sheegeen labo arrimood oo kala ah:
Kow, qofku si wacan ayuu nastay kadib hurdadii fiicnayd ee habeenkii, taas oo hagaajisa awoodda iyo diirrad-saaryaha lammaanaha ee xilliga galmada.
Labo, galmada kadib jirku wuxuu soo saaraa hormoonnada “endorphins” kuwaas oo qofka siiya tamar iyo farxad maalinta oo dhan.
Faaidooyinka caafimaadka ee galmada aroortii:
Rabitaanka galmada oo kordha:
Subaxda hore waa xilli qofku uu dareemayo nashaad iyo firfircooni, qulqulka dhiigga ee xubnaha tarankana waa mid aad u wanaagsan xillagan, sidaas darteed waxaa kordha rabitaanka galmada.
Maqaar ifaya:
Galmada aroortii waxay kordhisaa soo saarista hormoonka “oestrogen”, taas oo sare u qaadaa caafimaadka iyo dhalaalka maqaarka dumarka.
Caafimaadka wadnaha:
Galmada subaxdii waxay yaraysaa cadaadiska dhiigga. Marka cadaadiska dhiiggu uu joogo heerkiisa dabiiciga ah waxaa hoos u dhaca khatarta wadne qabadka.
Ka hortagga faalligga (stroke):
Galmada subaxda hore waxay hoos u dhigtaa cadaadiska dhiigga, waxay kaloo balaarisaa halbowlayaasha, xinjirowga dhiiggana way ka hortagtaa, sidaas darteed waxay yaraysaa halista faalliga.
Daawaynta niyad jabka:
Galmada aroortii waxay gacan ka gaysataa daawaynta niyad jabka sababtoo ah waxay maskaxdu soo deysaa hormoonka “oxytocin” kaas oo loo yaqaanno “hormoonka farxadda”, oo awood u leh daawaynta niyad jabka.
Xoojinta difaaca jirka:
Galmada subaxda hore waxay awood siisaa difaaca jirka waxayna caawisaa in jirku uu la dagaallamo cudurrada.
Miisaan dhimista:
Galmada aroortii waxay gubtaa kalooriska sidaas darteed waxay caawisaa miisaan dhimista.
Xigasho: Shabakadda Boldsky
.
isu-tagga lamaanaha isqaba wuxuu xambaarsan yahay faa’idooyin caafimaad oo halkaan lagu soo koobi karin, sida ka hortagga cudurrada wadnaha ku dhaca, ka hortagga xanuunka caadada, xoojinta murqaha kaadi heysta iyo helidda hurdo wanaagsan. Sidoo wuxuu wanaajiyaa niyadda, wuxuuna ka qayb qaataa miisaan dhimista.
Baaritaan lagu sameeyay 1000 qof oo caafimaad qaba jir ahaanna firfircoon, kuwaas oo iskugu jira rag iyo dumar ayaa lagu ogaaday in waqtiga ugu fiican ee galmo la sameeyaa aysan ahayn habeenkii.!
The post Xilliga Ugu Fiican Ee Isu-Tagga Lammaanaha (Ma Ahan Habeenkii) appeared first on Daryeel Magazine.