Ugu horrayn waxaan wada ognahay kalsoonidu in ay tahay wax la abuuri karo sidoo kale qofka inuu isku kalsoonaado waa wax la abuuri karo hadii qofku uu layimaado dhowr waxyaabood . Hadaba waxaan isku dayayaa in aan idiin soo gudbiyo 10 wax yaabood oo hadii aad samayso aad noqon kartid qof isku kalsoon.
1- Ku Qanci Naftaada Qaddarka Allah .
– Wax waliba waxaa ka horeeya inuu qofka ku qanco wixi alle uu uqoray hadii kheyr ay yihiin iyo hadii shar ay yihiinba , uuna u arko in ay yihiin waxa kheyrka ugu jira , waana tiir kamid ah tiirarka iimaanka .
– Qofka kalsooni buuxda maba helo ilaa uu ku qanco qaddarka alle hadaba si aad noolashaada oo dhan ugu guulaysato waxaa wanaagsan in aadan ka quusan naxariista alle oo aysan ku niyad jabinin dhacdooyinka ka dhaca adduunka korkiisa.
– Qaddarka alle oo aad ku qanacdo waa furaha farxad, waayo maxaaba ku murogo-galinaya hadii aad wax kasta wanaag u aragto kuna qanacdo.
– Waa fursad ay haystaan dadka islaamka ah oo kaliya waana halka ay ka abuuranto kalsoonida dhabta ah ee qofku noolashiisa iyo nafsadiisaba u qaado.
2- Jooji fikradaha aan wanaagsanayn .
– Fikradaha aan wanaagsanyn wax ay u qaybsami karaan kuwa afka aad kaga dhawaaqdo iyo kuwa niyada laga dhaadhiciyo , waxa ayna sabab u noqdaan qofka in ay ka dhigaan wixii uu nafsadiisa ka dhaadhiciyay . intooda badan waxa ay caqabad ku noqdaan horrumarkaaga mustaqbalka iyo halka aad tiigsanaysay.
Hadii aan qaar kamid ah kasoo qaato waxa ay noqon karaan sidan
. Waxba ma baran karo
. Ma awoodo in aan sameeyo arinkaa ( arintaas) .
. Waxan hubaa in aan guulaysan doonin.
. Ma jirto cid doonayso in ay i dhagaysato.
. Qof hebel oo kale ma noqon karo.
3- U fikir si wanaagsan una hadal si wanaagsan .
– Waxaa layiri garaadkaagu waa in aad hanato ama in aad hagrato, sidaa awgeed dadka mar waliba u fikiri sida wanaagsan waxaa kordha caqligooda waana dad aragti fog leh. Waa dad aan marnaba ka quusanayn guusha mustaqbalka.
Hadaba waxaa wanagsan qofka inuu yiraahdo .
. Wax waan qaban karaa ( insha allaah) .
. Wax waan badali karaa ( insha allaah)
. Wax waan baran karaa ( insha allaah) .
. Waan guulaysanayaa ( insha allah) .
. dadkuna way i dhagaysandoonaan ( Insha allaah)
. Wixi aan doonana waan noqon karaa ( insha allaah )
Waa in aan wax ka badalnaa sida aan u fikirayno iyo sida aan u hadlayno hadii aan doonayno in aan guulaysano.
4- U dhawoow dadka wanaagaaga jecel .
– Bani aadamku mawada sinna waxaa dhici karta in aad la’kulanto dad wanaagi aad samaysaba xumaan u arka oo niyad jabkaaga farxadoodu tahay.
-Hadaba si aad uga dheeraato ( fogaato) arintaa waxaa habboon in aad u dhawaato dadka hadii aad khaldantana ku waaniya oo aan ku dhaleecayn hadii aad wax wanaagsan qabatana kuu qiraya wanaagi aad samayso kuguna dhiirigaliya. Taasi waxa ay keeni kartaa in aad adigana ku sii dhiirato in aad mar waliba samayso waxa wanaagsan.
Sidaa awgeed cida aad soo dhawaysanayso ha ahaato qof wanaaga wax ka yaqaana oo guushaada ku farxa .
5- Aqoonso wixi aad ku wanaagsan tahay :
– Allah (SW) qof waliba waxa uu siiyay wax uu ku wanaagsan yahay, hadaba isku day in aad ogaato wixi aad ku waanagsan tahay kadibna waxaad diirada saarataa si aad uga guul gari lahayd balse waa in aysan noqon wax diinta islaamka ka hor imanaya.
– Qofka markii uu ogaado waxa uu ku wanaagsan yahay waxaa u sahlanaanaysa inuu maro amaba helo wadadii gaarsiin lahayd guusha.
6- Noqo qof Aqbala Ammaanta .
– Waxaa wanaagsan qofku inuu aqbalo hadii amaan loo jeediyo waayo amaanta oo aad aqbashaa waxa kasoobixi kara dhowr sifood oo kalsoonidaada dhisaya .
. Ruuxii ku amaanay oo aad ka aqbasho waxaa suurtagal ah markale inuu ku amaano.
. Naftaada waxa ay dareemaysaa in aad wax wanaagsan qabatay.
. Waxa aad ogaatay sifo kamid ah sifooyinka aad ku wanaagsan tahay.
– Waxaa dhacda marmarka qaar qofki la amaanay halki uu kalsooni ka qaadi lahaa inuu kalsooni daro ka qaado waayo , hadii lagu amaano oo aad dhahdo
. Uma malaynayo in aan sidaa ahay.
. Maxaad niyada iigu dhisaysaa .
. Amaanta iga daa iwm ( iyo wixi lamidka ah) .
Waxaad ogootaa hadii aadan aqbalin Amaanta laguu soo jeediyo oo adan kamahad celinin adiga ayaa isku qiray in aad tahay qof aan u qalmin in la’ amaano waxa ayna kamid tahay wax yaabaha ugu waa-wayn ee qofka ku keena ( ku rida ) kalsooni daro.
7- Jooji Naftaada in aad la bar-bardhigto dadka kale .
– Hadii aad doonaysid in aad dhisto isku kalsoonaasho Waaa in aadan noolashaada kaga qiyaas qaadan dadka kale waayo dadku mawada sina .
– Hadii aad aragto qof kaa lacag badan ogoow ( ogow) adigana qof baa kaa faqiirsan ( saboolnimo)
– Hadii aad aragto qof kaa caafimaad badan ogoow waxaa jira qof aan haysan caafimaadka aad haysato.
– Hadaad aragto qof kaa qurux badan ogoow waxaa jira qof aad ka qurux badan tahay .
– Hadaad aragto qof kaa caqli badan ogoow waxaa jira qof kaa caqli yar ( caqli gaaban) .
– Hadii aad aragto qof kaa cilmi badan ogoow waxaa jira qof kaa aqoon yar ( aqoon liita) .
Hadaba waa in aad ku qanacdaa wixi aad haysato amaba aad haybada u leedahay . Waa in aad dareentaa adiguba in aad dad badan wax ka sareeyso , waa in aadan isliidin ( is yasin) oo aadan dad iska yeelyeelin ( mat-matalin) , hadii wax lagu dayanayo adiga isku day tusaale wanaagsan in aad noqoto ee ruux aan ilaah ka baqayn tusaale yuusan kuu noqon .
8- Shaqada sida ay ukala’ yartaha ukala’ hor mari .
– Waxaa wanaagsan in aad kala saarto xamaasada iyo awooda wax qabadkaaga waayo mar’marka qaar waxaa dhacda in aad si xamaasad ay ku jirto wax u go’aansato adigoo laga yaabo awoodaada in ay xadidan tahay . waxaana dhacda maalinta koowaad in aad hawshii qabato balse dhowr maalmood kadib in aad ka caajisto waayo xamaasadi ayaa ku daysay.
Hadaba si ay taasi u dhicin waa in aad marka koowaad ka fikirtaa halka kuugu fudu ee aad hawsha ka bilaabi karto iskuna daydaa in aad ka guul gaari karto.
Sababta waxa ay tahay hadii aad wax isku daydo oo ad mudo kadib ka caajisto kana tagto waxaad dareemaysaa in aad tahay ruux wixii uu go’aansado aan ka’ guul-kaari karin , waxaana laga yaabaa in ay kalsooni daro kugu beerto .
Waxaa habboon in aad hawl kasta ka eegto ( ka fiiriso ) halka aad isleedahay wax waad ka qaban kartaa amaba natiijo ayaad ka gaari kartaa. Midna ogoow muhiimadu ma ahan in aad qabato ( samayso) wax wayn oo wanaagsan balse waa in aad qabataa wax yar oo waddo wanaagsan loo maray misana laga guul gaaray.
9- Dulqaad u lahow Naftaada .
– Ugu horrayn waa in aad ogaataa dadkii dunida ugu guul dara badnaa hadan in ay noqdeen kuwa ugu guusha fiican tusaale yar:
Thomas Edison waxa uu ahaa ninkii alifay nalka aan hada iftiinsano ( shidano) , waxaa layir kun jeer ayuu isku dayay balse wuu ku fashilmay markii kow iyo kunaad ayuu u shaqeeyay markaas ayaa waxaa lagu yiri
”Thomas Edison Soo kun jeer ma aadan fashilmin ? waxa uu ku jawaabay :
” Maya , ee waxaan soo ogaaday kun waddo oo natiijada ku gaarsiinaysa ” waxa uu yiri aqoon baan soo kordhiyaay ee fashil ma ahan.
Noolasha waa qofba siduu u fasirto hadaba khalad mar kaa dhacay yuusan sabab u noqon in aad ka quusato himilooyinkaaga mustaqbalka .
Marmarka qaar waxaa dhici karta in aad marto waddooyin badan ooo aan ku gaarsiinayn halki aad doonaysay, Taasi macnaheedu ma ahan in aad ka qaado niyad jab balse waa in aad u aragtaa in aad soo ogaatay wado kamid ah waddooyinka loo maro guusha.
Midna ogow qofkii ku kalsoonaada wax qabadkiisa waxa ay dhaxalsiisaa inuu kalsooni u qaado wixi ka soo baxa.
Isku day in aad dulqaad ka muujiso noolasha dhinacyadeeda ad-adag si aad noolashaada dambe ugu noolaato noolal wanaagsan.
10-Naftaada ka taxaddir ( taxaddar) .
– Qofka oo nafsadiisa ka taxaddira waxa ay u kordhisaa kalsooni iyo inuu farxad ka helo noolashiisa. Waxaa jirta dhowr wax’ yaabood oo aan wada ognahay balse aan u soo qaatay xasuusin un. waxa ayna kala yihiin
.Qubayska oo la joogteeyo.
. Cadayga oo la joogteeyo.
. Qofka inuu jirkiisa ka taxadaro hadii ahaan lahayd wax yaabaha udgoon ( carfaya ) ama is qurxin .
. Dharka kiisa nadiifka ah in la xerto.
. Qofka oo isku daya inuu jimicsi sameeyo hadii uu awoodo.
. Si wanaagsan inuu qofku u seexdo habeenki ugu yaraan 7-9 sacadood.
Intaan aan soo sheegay waxa ay kamid yihiin wax yaabaha aas aasiga ah ee qof waliba u baahan yahay inuu siwanaagsan uga taxaddiro. waxaadna ogaataa nadaafadaada oo aad ilaalisaa waxaad ku kasban karta dadku in ay kuu arkaan ruux wanaagsan.
Ugu dambayntii waxaan Allah (SW) waydiisanaynaa inuu qalbiyadeena kalsooni ka buuxiyo oo aan noqon dad noolasha adduun aysan werwergalinin Aakhirana janno hela . Aamiin
Hadii aad khaldamay shaydaan xagiisa ayay ka ahaatay hadii aan wax saxayna Allah (SW) ayaa i waafajiyaay.
Xigasho: dhalinta maanta
The post Ma doonaysaa in aad noqotid qof isku kalsoon? appeared first on Daryeel Magazine.