
khubarada ku xeel nafaqada iyo cuntada ayaa ku talinaya in qofka soomaya uu cuno mooska xilliga suxuurta maadama uu faa’iido badan u leeyahay jirka. Waxaa muhiim ah in dadka soomaya ay doortaan cuntooyinka ku habboon suxuurta oo ah cuntada ugu muhiimsan ramadaanka.
Cilmi baarisyo la sameeyay waxaa la ogaaday in Moosku uu ka caawiyo jirka bini’aadamka in uusan dareemin harraad badan taas oo u wanaagsan qofka sooman, maadaama looga baahan yahay in uusan wax biyo ah cabbin maalintii oo dhan. Moosku waa faakiho ama furuuto si fudud loogu dhargo, nafaqo badanna leh, islamarkaana qofka dareensiisa dareen dharagsanaan ah saacado badan taas oo qofka ka caawinaysa inuusan gaajo dareemiin inta uu sooman yahay.
Moosku waa furuuto macaan, waxaana uu kulansaday nafaqo tiro badan oo aasaasi u ah caafimaadka. Waxaa lagaa helaa macdanaha Potassium, magnesium, manganese, fitamiinnada C iyo B6, faybar, birta, barootiin iyo maadooyinka jirka sunta ka saara.
Mooska waxaa ka buuxdo maadada potassium taas oo kaalin wayn ka qaadata caafimaadka wadnaha, maadadaani waxay ka qayb qaadataa xakamaynta cadaadiska dhiigga. Cuntooyinka qaniga ku ah potassium waxay caawiyaan hoos u dhigista milixda iyadoo la raacinayo kaadida. Potassium waxay kaloo ka hortagtaa cudurka faaligga iyo dhagaxaanta kilyaha, waxayna ka gacan ka gaysataa caafimaadka lafaha murqaha.
Mooska wuxuu wanaajiyaa dheefshiid-ka, waxaa ku badan faybarka, kaas oo calool istaagga hortago, dheefshiidkana u wanaagsan.
Mooska wuxuu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas awgeed dadka buur-buuran oo cuntada kontarooli karin waxaa lagula taliyaa inay cunaan moos aan si fiican u bislaanin.
Mooska waxaa ku jira sonkor dabiici ah, taas oo macnaheedu in laga helo tamar badan oo qofka sooman ka caawinaysa inuu helo firfircooni iyo awood nafaqo uu howl-maalmeedka ku qabsado islamarkaana uu cibaado uga faa’iidaysto bishaan barakaysan isagoo aan dareemin daal iyo tabar darro.
Moosku waxa uu wanaajiyaa niyadda waxaa ku jirta maadada “Tryptophan” oo ka qayb qaata dareenka xasiloonida iyo farxadda.
Cuntooyinka kale ee ku wanaagsan suxuurta:
Ma ogtahay cuntada ugu habboon ee lagu suxuurto markii la fiiriyo dhinaca caafimaadka, gaajo la’aanta iyo harraad yarida ay tahay QAMADIGA iyo cuntooyinka laga sameeyay? waxaa soo raaco timirta iyo caanaha gaar kuwa la fadhiisiyay.
Boorashka: waxaa laga helaa barootiin iyo carbohydrates, waxaa ku badan faybar si sahal ahna wuu u milmaa. Waxaad ku suxuuran kartaa boorash, moos iyo caano aad isku darsatay. Boorashku uu caawiyo nidaaminta kalastaroolka dhiigga iyo yaraynta khatarta cudurka macaanka isla markaana waxa uu jirka ka saaraa dufanka dhibaatada ku keeni kara, waxa uu sida oo kale ilaaliyaa dheelitirnaanta maadadda Isnuliinta ee jirka ku jirta.
Ramadaanku waxaa ka mid yahay waqtiyada ugu fiican ee la abuurto caadooyin wanaagsan sida joogtaynta cuntooyinka uroon caafimaadka iyo fayow-qabka iyo iska goynta cuntooyinka caafimaadka u daran.
The post Ahmiyadda Ay Leedahay In Mooska Lagu Darsado Suxuurta Iyo Cuntada Ugu Fiican Ee Lagu Suxuurto appeared first on Daryeel Magazine.