Quantcast
Channel:
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Cuntooyinka Ka Hortagga Caadka Indhaha Fuula

$
0
0

Bikaaca isha waa halka ama meesha iftiinku ka gudbo. Haddaba haddii caad uu fuulo halkii
iftiinku kasoo gali lahaa insha waxaa yaraada aragga qofka, caadka indhaha fuula waxa uu keena arag isku darsan, waxa uu ugu horreeyaa xanuunnada aragga lumiya. Caadku waxa uu fuuli karaa hal il ama labada ilba. Khatarta caadka waxay la korortaa da’da.

Haddaba qoraalkaan waxaan ku soo qaadanaynaa toddobo cunto oo u wanaagsan caafimaadka indhaha kana hortagga caadka indhaha taas oo lagu xaqiiqiyay cilmi baaris la sameeyay waxayna dhakhaatirtu ku taliyaan in la joogteeyo cuntooyinkaan si looga gaashaanto xanuunnada aragga lumiya ee caadku uu ugu horreeyo.

Cuntooyinka ka hortagga caadka indhaha fuula:

Karootada:

Maadada “beta-carotene” ee ku jirta kaarootada waxay ka ka hortagtaa dhaawaca sonkorta isha ay gaarsiiso iyo caadka indhaha fuulo. Kaarootadu waxay kaloo ka hortagtaa daawana u tahay xanuun ku dhaco indhaha loona yaqaanno “Macular Degeneration”, cilladaani waxay timaadaa qofka markuu duqoobo. Waa xanuun keena arag khaldan; xarriijimaha toosan waxa la moodaa inay qalqaloocaan isla markaana waxyaabaha aad aragto waxa aad moodaa inay ka wayn yihiin ama ka yar yihiin inta dhabtii ay yihiin, waa xanuun la xariira duqowga, markasta oo qofku uu duqoobo khatarta uu ugu jiro cudurkaan way korortaa.

Lawska:

Lawska waxaa ku badan fitamiin E, kaas oo ka hortaga caadka indhaha fuulo iyo xanuunka loo yaqaanno macular degeneration. Noocyada lawska ee fitamiin E-ga qaniga ku ah waxaa ka mid ah; almond, peanut, cashew iyo walnut.

Barbarooniga:

Barbaroonigu wuxuu u fiican yahay xididada dhiigga ee indhaha, wuxuuna hoos u dhigaa halista caadka indhaha, waxaa ka buuxo fitamiinnada A, C iyo E oo kor u qaadaa awoodda aragga indhaha.

Khudaarta caleemaha cagaaaran:

Khudaarta cagaaran sida koostada iyo sukuumada (collards) waxaa ku badan fitamiinnada f C iyo E, waxaa kaloo ku jira maadooyinka lutein iyo zeaxanthin oo ka hortagga xanuunnada aragga lumiya sida caadka indhaha iyo burbur goobeedka (macular degeneration).

Liin macaanta:

Isku dhisyada Carotene Compounds oo ku jira liin macaantu waxa uu si weyn u caawiyaa wanaajinta aragga. Waxa kaloo ay qani ku tahay fitamiin C oo la dagaallama caadka indhaha fuulo. Cabitaanka liin macaanta waxaa laga helaa 30% illaa 50% ee maadooyinka lutein and zeaxanthin ee loo baahnaa.

Caanaha iyo cuntooyinka caanaha laga soo dheegto:

Caanaha iyo cuntooyinka laga soo dheegto sida caanaha la fariisiyay ee loo yaqaanno yoghurt-ka iyo burcadka (cheese) waxaa ku jira fitamiin A iyo zinc oo ah labo nafaqo oo kaaliin mug leh ka qaata caafimaadka indhaha. Fitamiin A waxa uu ilaaliyaa wiilka isha, halka macdanta zinc-na ay caawiso aragga habeenkii iyo ka hortagga caadka indhaha.

Baradhada macaan:

Bataati macaanta waxaa il muhiim ah oo laga helo maadada beta-carotene oo siyaadiso awoodda aragga iyadoo ka hortagta caadka indhaha, engegga ama qallaylka indhaha iyo indho beelka habeenkii.

Canabka cas:

Canabka cas waxaa ku jirto maado la yiraahdo “resveratrol” oo muhiim u ah ilaalinta caafimaadka indhaha, waxaa kaloo ku jira “lutein” iyo “zeaxanthin” oo ilaaliya xuubka islamarkaana ka hortagga caadka indhaha.

Qajaar qaarka (bitter melon):

Qajaar qaraarka wuxuu xoojiyaa aragga wuxuuna ka hortagaa caadka indhaha maadaama ay ku jiraan dhowr maaddo oo indhaha wax u tara sida “carotene labadiisa nuuc, Lutein, Zeaxanthin”, iyo fitamiinnada A iyo C.

The post Cuntooyinka Ka Hortagga Caadka Indhaha Fuula appeared first on Daryeel Magazine.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1527

Trending Articles