
Raqaygu waa miro dhanaan oo ka baxa dhulka ay inta badan Soomaalidu dagto, waxaa ku jiro maadooyinka magnesium, potassium, iron, calcium, phosphorus, copper, fiber, vitamin C, vitamin B1, vitamin B2 iyo vitamin B3.
Qoraalkaan waxaan ku soo gudbinaynaa faaidooyinka caafimaadka ee raqayga ama xamarta laga helo, sii akhri:
Caaafimaadka dheefshiidka:
Hab-dhiska dheefshiidka ee jirku shaqooyinkiisa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah in uu cuntada u burburiyo cuntada kana dhigo qaybo yaryar oo jirku uu ka nuugi karo. Raqaygu waxa uu sare u qaadaa caafimaadka dheefshiidka, cuntada ayuu qofka u furaa, wuxuu yareeyaa daacada iyo dibbirada, wuxuuna hoos u dhigaa aashitada caloosha. Raqaygu si dhakhso ah ayuu caloosha u jilciyaa, waxaa kaloo lagu daaweeyaa shubanka.
Ka hortagga gaas calooleedka:
Nabarrada caloosha (Peptic ulcer) waa mid ka mid ah xaaladaha caafimaad ee mudooyinkan dambe ku soo badanaya dadkeena. Xaaladan caafimaad ayaa ah mid ka dhalata kolka uu khalkhal ku yimaado lakabka ugu xiga gudaha caloosheena iyo qaybta sare ee midhicirada. Xanuunkan ayaa ah mid ay keeni karaan asbaabo badan oo kala duwan. Waxa ugu caansan bacteria-da H.Pylori iyo daawooyinka qaarkood. Caabuqa bacteria-da H.pylori ayaa ah mid aad loola xiriiriyo nabarada ay bukaanadu ku yeeshaan qaybo ka mid ah dheef-shiidkeenna. Walxaha loo yaqaanno polyphenolic ee ku jiro raqayga waxay ka hortagaan nabarrada caloosha.
Caafimaadka wadnaha:
Wadnahu waa xubinta jirka u qaabilsan inay gaarsiiso dhiiga, ogsijiin iyo macdanta kale ee muhiimka u ah jirka iyadoo marsiinayso xididada halbawlayaasha ah ee dhiiga ka qaada wadnaha una safriya qeybaha kale ee jirka. Cilmibaarisyo dhowr ah oo lagu sameeyay raqayga ayaa lagu ogaaday inay yihiin miro uroon caafimaadka wadnaha. Flavonoids-ka ku jira raqayga waxay hoos u dhigaan kolestaroolka xun, waxayna sare u qaadaan kolesteroolka wanaagsan, wuxuu ka hortagaa dufanka nooca loo yaqaanno “triglycerides” ee dhiigga. Raqayga waxaa ku jirto macdanta potassium oo ka qeyb qaadata kantaroolista cadaadiska dhiigga.
Ka hortagga cudurka kansarka:
Raqayga waxaa buuxo maadooyinka sun-saarista ee loo yaqaanno “antioxidants” kuwaas oo ka hortaga howlgabka kilyaha iyo kansarka ku dhaca kilyaha.
Hargabka iyo ifiilada:
Cabitaanka raqayga oo la joogteeyo waxay xoojisaa difaaca jirka wuxuuna ka hortagaa hargabka iyo ifilada sababtoo ah wuxuu hodan ku yahay vitamin C. Cabbista koob cabitaanka raqayga ah waxay yaraysaa calaamadaha hargabka.
Caafimaadka beerka:
Raqaygu wuxuu ilaaliyaa caafimaadka beerka. Cuntada kalooriska badan leh waxay horseedi kartaa cudurka beerka xeyrta leh. Waxaa caadi ah in subag yar uu ku sameymo gudaha beerka. Laakin haddii heerka subaga uu ka bato 5 ilaa 10 boqolkiiba miisaanka beerka, waxaa dhacaya cudurka beer subaga leh. Raqaygu wuxuu ka hortagaa cudurka beerka xeyrta leh.
Cudurka macaanka:
Miraha raqaygu waxay dejiyaan heerka sonkorta dhiigga, waxaa ku jira dheecaan burburiye lagu magacaabo “alpha-amylase” oo hoos u dhigta heerka glucose-ta dhiigga. Gulukoostu waa sonkor uu jirku caadi ahaan u baahan yahay maadaama oo ay tahayu il muhiim ah oo uu ka helo tamarta, laakiin dhibaatadu waa in ay heerkeeda dabiiciga ah ka badato.
Caafimaadka lafaha:
Raqayga waxaa ku jira macdanaha magnesium iyo calcium oo ilaaliya badqabka iyo caafimaadka lafaha. Maadooyinkan waxay ka hortagaan lafo-beelka iyo in lafuhu si fudud ay u jabaan.
The post Ahmiyadda Caafimaad Ee Raqayga Iyo Cudurrada Uu Daawada U Yahay appeared first on Daryeel Magazine.