In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud ahaan qof kasta iyo dadka ku xeeran, ayaa ka mid tahay tiirarka guusha xidhiidhka labada qof adkeeya. In hawl la maamulo ama laga midho dhaliyana waxaa lagama maarmaan u ah in kalsooni ay ka dhex jirto dadka ku wada lug leh. Maamule kasta oo doonaya in uu meel sare gaadhsiiyo hawsha loo igmaday ama in uu guul u soo hooyo awooddiisa maamul waxaa la gudboon in uu bilowgaba kalsooni ka dhex abuuro dadka la shaqaynaya isla markaana uu adkeeyo kalsoonida u dhexeysa isaga iyo bulshada.
Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Carabiya ayaa soo ururinaysa Afar siyaabood oo uu Jacak Welsh oo ah Maareeyaha Maxadka Jack Welsh ee cilmiga maamulka, lehna khibrad maamul oo 40 san ahi aaminsan yahay in ay xoojiso kalsoonida dadka dhexdooda ah:
– Noqo deeqsi: Deeqsinimadu waa mid ka mid ah sifoyinka hoggaamineed, ruuxa deeqsiga ahina ma’aha ka gacanta furan oo kaliya, balse waa qofka dadka oo dhan badhaadhaha iyo barwaaqada la jecel, wanaagga uu helo ruux kasta la raba, isla markaana hanneeya waxa fiican ee ruuxa kale helo, waa ruux aan ka hinaasin dallacaadda iyo horumarka saaxiibbadiisa shaqada iyo mushaharka ay qaataan. Waxa uu si sahal ah u kasbadaa kalsoonida dadka ku xeeran.
– Talo-wadaag iyo go’aan loo dhan yahay: Marka aad hawl cusub shaqadaada ku soo kordhinayso, ama u baahan tahay go’aan qaadasho shaqada la xidhiidha, si uu u noqdo go’aan midho dhal ah waxaa kula gudboon in aad si xeeldheer uga fikirto, isla markaana dhegeysato fikirka dadka kula shaqaynayaa ay ka qabaan go’aankaas, si aa dug ubeerto kalsooni ah in go’aanka u dambeeya ee soo baxay uu yahay kii ay iyagu qaadashadiisa wax ku lahaayeen fulintiisana si hagar la’aan ah uga hawlgalaan. Waxa kale oo ay tani dadka ku beeraysaa in ay si kalsooni ah u ixtiraamaan dhammaan go’aamada aad qaadato, maamul ahaan.
– Waxa aad doonaysaa dadka ha u caddaado: Koox ama qof kasta oo aad shaqo u dirayso, waa in aad dhacsiiso, si fiicanna oo cadna isula qaadataan hadafka aad maamul ahaan ka leedahay shaqadaas, iyo midhaha aad ka filayso. Sidoo kale ku dadaal in aad dhiirrigelin maaddi ah oo la taaban karo siiso qofka shaqadaa sida aad rabtay uga midho dhaliya.
– Muhiimadda koowaad si in aad ka faallooto hawlgudashadooda: Maamulaha waxa la gudboon in shaqaalihiisa uu si joogto ah ula socodsiiyo qiimaynta shaqada ay ahayaan iyo aragtida uu ka aaminsan yahay wanaag iyo hoos u dhac labadaba, isaga oo haddii ay dhaliili jirto isku dayaya in uu qofka shaqaalaha ah laftiisa tuso in ay iska kaashadaan sixidda waxa qaldan.
Dad badan ayaa ay caado u tahay in marka ay cunaan cunto xilliyeedka culus in ay koob weyn oo biyo ah cabbaan, laakiin ma’ ogtahay in arrintaasi ay keento mushkilad weyn oo la xidhiidha dhinaca dheefshiidka iyo in macaanka dhiiggu uu kaco. Cilmibaadhiso caafimaad oo kala duwan ayaa xaqiijiyey in biyo la cabbo isla marka cuntada laga kaco ama isla marka cuntada cunisteeda la bilaabayaa ay sababto in calooshu ay soo deyn weydo noocyo ka mid ah dheecaannada muhiimka u ah in dheefshiidku cuntada si sax ah u burburiyo, taasina ay keeni karto dhibaatooyin caafimaad oo kala duwan.
Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Carabiya waxa aynu ku eegaynaa afar dhibaato oo ka mid ah dhibaatooyinka caafimaad ee ka dasha biyaha la cabbo isla marka cuntada cunisteeda afka laga qaado.
– Dibbiro (Naqas caloosha ku xidhma): Marka
caloosha biyuhu ka buuxsamaan, waxa ay weydaa awoodda ay ku soo
deynayso dheecaannada dheefshiidka caawiya, sidaa awgeed waxaa caloosha
buuxiya naqas dibbiro keenaya.
– Dhibaato dhinaca dheefshiidka ah:
Cuntada oo si fiican u burburi weyda ayaa ka dhalata biyaha la cabbo
isla marka cuntada afka laga qaado, taasina waa ay keentaa in cuntadaasi
ay mari kari weydo midhicirada, waxa aanay sababtaa caloo istaag iyo in
qofku uu dareemo calool olol, asiidh badna iyo in biyo kululi hunguriga
dib uga soo noqdaan.
– Cuntada oo caloosha ku raagta:
Sida qodobka sare aynu ku sheegnay asiidhka caloosha ku badanaya iyo
dheefshiidka oo aan si fiican u shaqaynin iyo sida oo kale calool
istaaggu waxa ay keenayaan in cuntadu ay muddo dheer ku jirto caloosha
qaybaheeda kala duwan, taasina waa sabab kale oo sii badinaysa calool
ololka iyo asiidhka caloosha.
– Macaanka dhigga oo sii kordha:
Cuntada oo muddo dheer ku jirta caloosha oo ah cillad ka dhalata biyaha
la cabbo cuntada kadib, waxa ay keentaa in uu kor u kaco macaanka
dhiiggu, waxa aanak a dhasha mushkilado caafimaad darro oo kale.
Waxa ay khubarada caafimaadka cuntadu ku talinayaan in biyaha cuntada kadib la cabbo iyo biyaha cuntada lagu dhex cabbo aad la isaga yareeyo oo kabbooyin lagu soo koobo, sida oo kale waxa ay ka digeen in cuntada ka hor iyo isla marka laga kaco la cabbo biyo badan.
Kulanti wanaagsan walaalaha qiimaha badan ee ku xiran barnaamijkeenna cunto karinta, maanta waxaan idiin wadnaa kalamuudo heersare ah, waxaana filaynaa inaad ka heli doontaan.
Waxaa jira arrima la xidhiidha caafimaadka ilkaha iyo nadaafaddooda oo aaminsanaantoodu awoow laga soo gaadh uun iska tahay, oo qofku arkay uun bulshadiisa oo sidaas aaminsan isna ku raacay isaga oo aan baadhis cilmi isku deyin. Shabakadda Bright Side ee ka faalloota arrimaha caafimaadka ayaa baahisay xogo ay dadku isla dhex maraan oo ku saabsan ilkaha iyo arrinta runta ah ee ka dambaysa, qormadaas oo aynu ka soo xiganay Shabakadda Alcarabiya waxa ay ku sheegtay qodobbadan:
1. Marka ay suus noqoto sonkortu kama duwana cuntooyinka kale
In ilkuhu suus yeeshaan eeddeeda waxaa iska leh bakteeriyada khatarta
ah ee soo deysa asiidhka sababa suuska, in suusku uu koro oo ilkaha ku
fido dhaawacna u geystana waxaa sahla hadhaaga cuntooyinka Carbohydrate
ka ah ee ilkaha ku hadha oo cunto u noqdo bakteeriyadaas, sababana in ay
korto. Haddaba sonkortu sababta ay ilkaha u dhaawacaysaa ma’aha in ay
sonkor uun tahay, balse waa in marka ay ilkaha ku hadho ay isu
beddelayso Carbohydrate. Marka ay sidaas tahayna inta badan ee
cuntooyinka aynu isticmaalno oo xitaa ay ku jirto cuntada caafimaadka u
fiican ee ay ka mid yihiin khudradaha iyo cuntada firiga/galka leh marka
ay ilkaha ku hadhaan waxa ay isu beddelaan carbohydrate waxa aanay
sababaan suus ilkaha gala.
2. Gabadha uurka leh iyo dhakhtarka ilkaha
In gabadha uurka lihi ka warwareegto u tegista dhakhtarka ilkuhu waa
fikir dad badani taageersan yihiin, laakiin xaqiiqadu waxa ay tahay in
kaas liddigiisu sax yahay, oo marka ay ilko xanuun dareento ay dhaqso
ugu tagto dhakhtarka si ay isaga daweyso.
Inta badan sababta ay hooyada uurka lihi u diiddan tahay in ay
dhakhtarka ilkaha u tagtaa waa cabsi ay ka qabto saamaynta taban ee ay
dawadu ku yeelan karto uurjiifka, laakiin cilmibaadhis cusub ayaa
muujisay in suuxdinta qayb ahaanta ee gabadha uurka leh lagu sameeyaa
aanay dhibaato ku keenayn ilmaha caloosha ku jira.
3. Ilka caanoodka (Ilkaha carruurnimo ee hore)
Dad badan ayaa aaminsan in ilkaha carruurnimo suuska ku dhacaa aanu
dhib lahayn, maadaama oo ay ilkuhuba dhacayaan. Waxa ay dhakhaatiirtu
caddeeyeen in ilkaha carruurnimadu u nugul yihiin suuska, marka uu ku
dhacana ay keenaan khatar caafimaad oo ah in caabuq iyo olol uu cirridka
ku dhaco, kana tago raad caafimaad darro oo ilkaha dambe ee rasmiga ahi
marka ay soo baxaan khatartoodu gaadho.
Dad badan ayaa aaminsan in burushka adagi u fiican yahay nadiifinta ilkaha, laakiin xaqiiqada cilmiga ahi waxa ay tahay in burushka jilicsani uu ka fiican yahay burushka adag, sababtuna ay tahay ugu horreynba in aanu dhaawacayn cirridka, iyo in uu kaga fiican yahay nadiifinta ilkaha.
6. Maydhista Ilkaha
Maydhista badan ee ilkuhu waxa ay keentaa in ilku lismaan, oo khafiif
ay ka dhigto xoqista badani, isla markaana ay xanuun badan ka qaadaan
dawooyinka lagu maydhayo, sidaa awgeed waxaa lagu talinayaa in qofku uu
ku dadaalo in uu ku luqluqdo dawooyinka dareeraha ah ee ilkaha
nadaafaddooda loogu talogalay. Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in
maalin kasta laba jeer ilkaha la cadayo laakiin in ilkaha macjuun lagu
cadayo in ka badan laba jeer ay ka fiican tahay iyada oo mar ahaan
qaabka aynu soo xusnay uun loo maydho.
7 Ilko xanuun kastaa suus ma’aha
Waxaa in badan dhacdo in qofka marka ay ilkuhu xanuunaan ba uu u
qaato in suus galay, laakiin waxa ay khubaradu caddaynayaan in xanuun
kastaa aanu suus ahayn. Tusaale ahaan in marar badan ilkaha xanuun lagu
karo sababtuna tahay caabuq ama xanuun ku jira cirridka, waxa kale oo
ilko xanuun keena nooc xasaasiyadda ka mid ah oo ilkaha ku dhacda.
8. Haddii ilkaha uu buuxisku ka soo dhac..
Inta badan ilkaha daloosha buuxintooda waxa ay dhakhaatiirtu u
adeegsadaan walax ka samaysan maaddooyin aan caafimaadka dhibaato ku
keenayn, isla markaana haddii dhakhtar farsamo fiicani xidho ay adag
tahay in ay soo dhacdo oo si fiican ilkaha u qabsanaysa.
Haddaba dhakhaatiirta ilkuhu waxa ay sheegayaan in haddii ilkaha
walaxdaa lagu buuxiyey ay soo dhacdo, in macnuhu uu yahay in ay sabab
soo ridday jirto, oo aanu iska soo dhicin uun, sida marar badan dadku u
qaataan, kadibna dhakhtarkii xidhay uun eedda u saaraan. Waxa ugu badan
ee sababa in ilkuhu soo dhacaan waa in uu suus galo iligga qaybtiisa ka
hoosaysa walaxda lagu buuxiyey, kadibna iliggii uu qormo oo yaraado,
kana go’o walaxdan lagu buuxiyey, sidaasna ay ku soo dhacdo.
9. Gaws dambeedka iyo saaristiisa
Gaws dambeedku waa iligga keliya ee ay dhakhaatiirtu kula degdegaan
saaristiisa, dadka badankooduna aaminsan yihiin in aanu wax qiimo ah ku
fadhiyin. Laakiin dhakhaatiirta takhasuska ahi waxa ay ka digayaan in
lagu degdego saaristiisa, haddii aanay jirin sabab looga maarmi waayey,
taasna waxa uu kala siman yahay ilkaha kale ee caadiga ah.
10. Maydhista ilkaha ee cuntada kadib
Dhakhaatiirta qaar ayaa ku taliya in quraacda kadib ilkaha la cadayo,
iyaga oo malaha ka eegaya in ilkuhu cuntada marka ay ku wasakhoobaan
hal mar wasakhdii habeennimo iyo tii quraacda laga wada nadiifiyo. Waxa
se ay dhakhaatiirta takhasuska ah badankoodu aad ugu celcelinayaan in
ilkaha la cadayo subaxdii quraacda ka hor. Waayo xilliga hurda, waxaa
yaraada dhareerka, sidaa awgeed bakteeriyo badan ayaa ku ururta afka iyo
ilkaha, haddii aan quraacda ka hor la cadayanna bakteeriyadaas iyo
wasakhdaasi waxa ay toos ugu tudbaysaa caloosha.
11. Bedelidda burushka ilkaha
Dad badan ayaa dhayalsada bedelaadda burushka ilkaha, waxaaba dhacda
in aanay u arkin in burushka oo muddo dheer la isticmaalaa ay khatar
caafimaad leedahay. Waxa ay dhakhaatiirut caddeeyeen in burushku u nugul
yahay bakteeriyada, Jeermiska iyo Cudur-sideyaasha xanuunno badan
keena.
Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in aan burushka ilkaha ee dhawr qof oo kala duwani isticmaalaan isku meel la dhigin, si aanay isu wasakhayn, waxa kale oo ay sheegeen in aanay maydhista biyaha keliya ahi aanay burushka ka dhammayn karin jeermiska. Arrimahaas awgeed ayaanay ugu talinayaan in si joogto ah loo beddelo burushka.
Aabo kastaa waxa uu jecelyahay in uu ubadkiisu ay noqdaan kuwo ka badbaada mushkiladaha adduun ee kala duwan, isla markaana waxbarashada kaalin sare ka gaadho, isla markaana mustaqbalkiisu uu noqdo mid if iyo aakhiraba uu guul ku gaadho.
Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska The Independent
ee ka soo baxa carriga Ingiriiska, ayaa eegaysa talada iyo tilmaamaha
culimada cilminafsigu ka bixinayaan tallaabooyinka haddii waalidku u
maro barbaarinta ilmihiisa laga filan karo in ay yeeshaan natiijo
mustaqbalka ilmaha u horseedda guul iyo horumar. Talooyinkan oo uu
Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxaa looga qiyaas qaatay baadhis iyo
dabagal cilmiya oo lagu sameeyey dabeecadaha ay wadaagaan aabayaasha
ubadkoodu guulaha iyo horumarka ka gaadheen adduunka waxa aanay yihiin:
1. Ubadka oo lagu dhiirrigeliyo in ay shaqada guriga qabtaan: Julie
Lythcott Haims oo hormuud ka ah kuliyad ka mid ah jaamacadda Stanford
ee dalka Maraykan, isla markaana qortay buugga ‘Sida loo barbaariyo
ruuxa qaangaadhka ah’ (How To Raise an Adult” ayaa mar ay dhowaan ka
qaybgashay bandhig rayi-is-weydaarsi ah oo ay samaysay majaladda TED
Talks waxa ay sheegtay in ilmaha oo lagu barbaariyo in uu isagu xasho
weelka uu cuntada ku cunayo ay ku abuurto fahamka ah in uu garto in
shaqo laga sugayo oo ay jirto hawl laga sugayo in u uqabto. In ilmuhu
fahmo in uu waajib saaran yahayna waxa ay ku abaabinaysaa in uu la koro
is-xil-qaan iyo in uu waajibkiisa ka soo baxo.
Julie Lythcott Haims waxa ay aaminsan tahay in carruurta lagu soo
barbaaryo ka qaybqaadashada hawlaha gurigoodu ay mustaqbalka noqdaan
shaqaale ku fiican iskaashiga dadka la shaqaynaya, wada shaqayntooduna
aad u fiican tahay, sidoo kale waxa ay noqdaan dad fahamkooda shaqo
fiican yahay, inta badanna guul ka gaadha waajibaadkooda, waayo waxa ay
marka horeba ku socdaan faham ah in ay la yimaaddaan dadaal ay
hawlahooda ku qabsadaan, waxa kale oo dadka carruurnimadooda dhaqankan
ku soo ababay lagu yaqaannaa in ay yihiin dad u diyaarsan in ay
hawlahooda si madax bannaan u qabsadaan.
Mar kale Haims waxa ay majaladda Tech Insider ku tidhi, “Marka aynu
carruurteenna ku tababarno in ay ka qayb qaataan shaqada gurigooda,
haddii ay tahay qashinka oo ay guraan ama ay dharkooda maydhaan, waxa ay
noqdaan dad fahamsan in uu jiro waajib ay tahay in ay fuliyaan oo ka
saaran waajibaadka kala duwan ee nolosha”
2. Ubadkaagabar xirfadaha bulsho: Cilmibaadhis lagu
sameeyey dalka Maraykanka oo muddo 20 sano ah socotay ayaa
cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda gobolka Pennsylvania iyo jaamacadda
Duke ay ku ogaadeen in uu jiro xidhiidh weyn oo ka dhexeeya xirfadaha
bulsho iyo ku barbaarinta arrimaha xidhiidhka la leh bulshada ee ilmaha
la siiyo inta aanu gaadhin da’da waxbarashada iyo guusha uu arrimaha
bulshada ka gaadhayo marka uu labaatan jir gaadho.
Daraasaddaasi waxa ay caddaysay in carruurta lagu arkay xirfado
bulsho oo ay ka mid yihiin in ay si fiican iskaashi ula sameeyaan
saaxiibbadood iyada oo aanay cidi tilmaamin, in ay gacansiiyaan da’dooda
uga baahan caawimada, in ay fahmaan shucuurta qayrkood, iyo sidoo kale
in ay isku dayaan ama marar badan kuba guulaystaan xallinta
mushkiladahooda iyaga oo makaxdooda ka keenaya xalka ay yihiin carruurta
marka ay xilliga xannaanada ee dugsiga ka hor ku jireen lagu tababaray.
Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in carruurta qaabkaas loo soo
barbaariyey laga filan karo in Marka ay 25 sano noqdaan ay heer ka
fiican carruurta da’dooda ah ee aan barbaarintan helin ka gaadhaan
cilmiga iyo shaqada.
Sidoo kale waxa ay cilmibaadhistu muujisay suurtogalnimada in
carruurta ay xaddidan tahay awooddooda iyo xirfaddooda bulsho in ay ku
adkkaato dhex gelidda bulshadu, aakhirkana ay ka dhacaan oo ay noqdaan
kuwo aan awoodin in ay mustaqbalkooda dabbaraan noloshoodana ka
adkaadaan, haddiiba aanay qabatimin balwadaha kala duwan.
3. Ku kalsoonoow ubadkaaga: Sahamin ay Barofesoor
Neil Halphen iyo koox cilmibaadhayaal ah oo ay ka wada tirsan yihiin
jaamacadda California ku sameeyeen isla deegaanka Los Angels ayaa ay ku
ogaadeen in kalsoonida ay waalidiintu u muujiyaan carruurtoodu ay
saamayn weyn ku yeelato hawlgudashadooda.
Xeeldheerayaasha oo intii ay cilmibaadhistan wadeen tijaabo ku
sameeyey 6600 oo carruur ah oo dhashay sannadkii 2001dii, ayaa caddaysay
in ubadka aabayaashood ay u muujiyaan kalsoonida ay ku qabaan ay inta
badan ku guulaystaan maamulista mustaqbalkooda iyo in ay si kalsooni leh
hawlahooda mustaqbal u gutaan bulshadana u dhex galaan.
4. Saamaynta xidhiidhka qoyska: Cilmibaadhis ay
samaysay jaamacadda Illinois ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in
carruurta qoysaska ay loollannada iyo khilaafaadku ka dhex jiraan,
haddii ay yihiin khilaafyo qarsoon iyo haddii ay yihiin kuwo muuqdaba,
inta badan ay ka xun yihiin carruurta ku soo dhex barbaaray qoysas
xasilloon iyo waalidiin is faham qoyskoodu ku dhisan yahay. Khubaradu
waxa ay sheegeen in muranka iyo khilaafla aabaha iyo hooyada ka dhex
jiraa uu saamayn taban ku yeesho carruurta. Cilmibaadhisaha arrintan
lagu sameeyey qaarkoodna waxa ay muujinayaanba in inta badan carruurta
waalidkood kala tago iyaga oo yar lagu arko dhibaatooyin nafsi ah oo
caqabad ku noqda mustaqbalkooda iyo dhexgalkooda bulshad.
4. Saamaynta xidhiidhka qoyska: Cilmibaadhis ay
samaysay jaamacadda Illinois ee dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in
carruurta qoysaska ay loollannada iyo khilaafaadku ka dhex jiraan,
haddii ay yihiin khilaafyo qarsoon iyo haddii ay yihiin kuwo muuqdaba,
inta badan ay ka xun yihiin carruurta ku soo dhex barbaaray qoysas
xasilloon iyo waalidiin is faham qoyskoodu ku dhisan yahay. Khubaradu
waxa ay sheegeen in muranka iyo khilaafla aabaha iyo hooyada ka dhex
jiraa uu saamayn taban ku yeesho carruurta. Cilmibaadhisaha arrintan
lagu sameeyey qaarkoodna waxa ay muujinayaanba in inta badan carruurta
waalidkood kala tago iyaga oo yar lagu arko dhibaatooyin nafsi ah oo
caqabad ku noqda mustaqbalkooda iyo dhexgalkooda bulshad.
5. Waalidka waxbarashada ku fiican ubadkiisuna rajo fiican ayaa ay leeyihiin: Cilmibaadhis ay samaysay Sandra Tang oo ah khabiir ku xeeldheer cilminafsiga oo wax ka dhigta jaamacadda Michigan ayaa muujisay in hooyooyinka dhammaystay waxbarashada dugsiga sare, ama jaamacad ka qalinjabiyey ay u badan tahay in ubadkooda ay ka caawiyaan in ay iyaguna waxbarashada heer ka gaadhaan.
Tijaabo intii u dhexeysay 1998kii illaa 2007dii laga qaaday 14 kun oo
carruur ah ayaa iyaduna muujisay in ubadka da’da hooyooyinkood ay tahay
18 jir iyo ka yar ay u badan yihiin in aanay mustaqbalka xiisayn
dhamaysashada waxbarashada dugsiga sare ama in ay jaamacad bilaabaan.
Eric Dobbo oo ah xeeldheere cilminafsiga aqoon u leh oo ka tirsan
jaamaadda Bowling Green State, ayaa isna tijaabo kale oo sannadkii 2009
uu ku sameeyey 856 qof oo deggen New York ku ogaaday in carruurta
siddeed jir da’doodu tahay ee aabayaashood ay aqoonta darajo fiican ka
gaadheen, laga filanayo in iyaguna ay sidoo kale guulo cilmi ah iyo
xitaa shaqooyn fiican gaadhaan mustaqbalka.
6. Waalidka ubadkooda yari xisaabta ku bara: Baadhitaanno
iyo lafagur cilmi ah oo sannadkii 2007 lagu sameeyey 35 kun oo ah
carruur u dhalatay Maraykanka, Kanada iyo Ingiriiska oo dhammaantood aan
weli waxbarashada dugsiga bilaabin ayaa lagu ogaaday in xirfadda
xisaabta oo yarida lagu baraa ay maskaxdooda aad u korinayso marka la
barbar dhigo carruurta da’dooda ah ee aan iyaga xisaabta loo dhigin.
Greg Duncan oo ah cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda Northwestern ee
dalka Maraykanka kana mid ahaa xeeldheerayaasha baadhistan ka qayb
qaatay ayaa yidhi, “Saamayn weyn ayaa ya ilmaha ku leedahay barista
xirfadaha xisaabtu. Tusaale ahaan in ilmuhu inta aanu gaadhin da’da
dugsiga la baro lambarrada iyo aas-aaska xisaabtu ay maskaxdiisa ku
yeelato saamayn togan oo culimadu ay ku tilmaameen lama filaan”
Duncan waxa uu intaas ku sii daray, “Ilmaha yarida lagu baro
xisaabtu, ma’ keento in uu hadhow xisaabta xariif ku noqdo oo keliya,
balse waxa kale oo ay keentaa in uu ilmuhu ku fiicnaado xirfadda
akhriska”
7. Waalidka ubadkooda xidhiidhka saaxiibtinimo la yeesha: Cilmibaadhis
sannadkii 2007 tijaabadeeda lagu sameeyey 243 ruux oo ku soo koray
xaalad faqiir ah, ayaa muujisay in carruurta sida feejignaanta iyo
diirranaanta leh loo daryeelay saddexdii sano ee ugu horreeyey
cimrigoodu ay carruurnimadooda natiijo fiiican ka gaadhaan waxbarashada,
isla markaana ay xidhiidh aad u fiican iyo guul akademiya sameeyaan
marka ay gaadhaan da’da 30 jirka.
Sida lagu baahiyey shabakadda internet ka ee PsyBlog aabayaasha
daryeelka fiican siiya ubadkooda ee awooda in ay faham fiican u yeeshaan
ishaarooyinka ka imanaya ubadkooda, ay taasi ilmaha ku beerto kalsooni
iyo ammaan u suurtogeliya in ay dunidu u furanto, oo uu nolosha wax
badan ka fahmo. Waraysi lala yeeshay Lee Rabbi oo ah khabiir ku
xeeldheer cilminafsiga oo ka tirsan jaamacadda Minnesota kana mid ahaa
cilmibaadhayaasha daraasaddan ayaa isna yidhi, “Arrintan macnaheedu waxa
uu ku soo ururayaa in waalidka oo dadaal geliya xidhiidh uu la samaysto
ilmihiisu inta uu yar yahay, ay keenta natiijo aad u fiican oo
riiqdoodu aad u dheeraato, saamaynna toganna ku yeelato nolosha
shakhsiga ah ee ilmaha”
8. Waalidka aan ku talax tegin kool-koolinta ilmaha, cabsida nafsiga ahina aanay ku badnayn: Cilmibaadhis
uu baahiyey wargeyska Washington Post ee dalka Maraykanka ayaa
daahfurtay iin tirade saacadaha ay hooyadu ilmaheeda la qaadato oo u
dhexeeya 3 illaa 11 saac ay saamayn yar ku leedahay anshaxa ilmaha iyo
guusha uu gaadhayo. Waxaa taas ka sii daran hooyonimada xannaanaynta iyo
daryeelka lagu talaxtegey ah iyo aabaha kool-koolintiisu badan tahay oo
la ogaaday in ay mustaqbalka ilmaha ku keenaan natiijo aan fiicnayn.
Wargeyska Washington Post waxa uu ka soo xigtay Ki Nomajochi oo ah khabiir ku xeeldheer cilmiga bulshada oo ka tirsan jaamacadda Bowling Green State in cabsida iyo sakatiga badan ee hooyooyinka qaar ka qabaan iswaafajinta shaqada iyo barbaarinta ubadku uu saamayn taban ku yeesho ubadka, waxa uu sheegay in shucuurtaasi ay sida cudurka ugu gudbayso ilmaha saamaynna ku yeelanayso hab-dhaqankiisa. Cilmibaadhisuhu waxa ay intaas ku darayaan in farxadda iyo shucuurta sakatiga ama warwarka ah labadaba la kala qaado, oo tusaale ahaan haddii saaxiibkaa faraxsan yahay uu adigana kuu soo gudbin karo, murugadana sidoo kale, sidaa awgeed waalidiinta inta badan da’doodu yar tahay, ama duruufo kale oo ku xeerani niyadjabka ku keeneen waxa ay xaaladdoodaa nafsiga ah qaadsiiyaan ilmahooda ay korinayaan.
Maadaama oo xidhiidhka bulshadu uu muhiim u yahay gudashada dhammaan waajibaadka shaqo ee qofka saaran, waxaa qasab noqonaysa in aynu wax iska weydiinno caadooyinka iyo habdhaqannada laga yaabo in dadka aynu la macaamilaynaa dhibsadaan ama sababa in ay qalad ka fahmaan shakhsiyaddeenna.
Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah caadooyin ay qortay
shabakadda caanka ah ee Business Insider oo ay qoraaga Rachel Gillette
ku soo bandhigayso caadooyinka aan mihnadda iyo xafiiska ku fiicnayn ee
dadka kugu xeerani dhibsan karaan.
Habsan Shaqada: In qofku caadaysto shaqada oo uu goor dambe
yimaaddaa waxa ay ka mid tahay habdhaqannada calaamadda u ah xirfad
darrada qofka, si isku mid ahna ay u necebyihiin masuuliyiinta qofka
shaqada uga sarraysa iyo shaqaalaha uu maamulayaa.
Ka dib-dhaca waqtiyada shirarka: Qoraaga Vicky Oliver ayaa
buuggeeda caanka ah ee ‘301 Smart Answers to Tough Business Etiquette
Questions’ ku sheegaysa in qofka oo shirarka yimaadda waqti ka dambeeya
ballantu, ay calaamad u tahay in aanu xushmaynayn dadka shirka ka
qaybgelaya ee iyagu ilaaliyey ballanta, iyo sida oo kale dadka shirka
soo qaban-qaabiyey.
Is bukaysiinta: In qofku mar kasta isu muujiyo bukaan iyo in
xaaladdiisa caafimaad aanay fiicnayn, waxa ay ugu dambaynta sababtaa in
qofka loo arko in aanu muddo dheer shaqada ku sii jiri karin, waxa aanay
caqabad ku noqotaa in qofku uu helo dallacsiin iyo abaalmarinaha kale
ee shaqaaluhu mutaystaan.
Cuntooyinka beddela urta neefta ama dhididka: Sunnaha Islaamka
ayaa diiday in qofku marka uu toon ama basal cuno tago jamaca salaadda
oo dabcan ay meelaha kale ee dadku isugu imanayaanna la mid yihiin.
Waxaa la ogaaday in qofka neeftiisa ama dhididkiisa oo ur aan fiicnayn
lihi ay sababto nicis iyo in aanay dadku jeclaysan la kulankiisa iyo la
shaqayntiisa labadaba. Ku dadaal in aanad cunin cuntooyinka beddela urta
neefta ama dhididka. Ha tegin goobta shaqada illaa aad hubiso in urta
neeftaada iyo dhididkaagu aanay diidmo ku abuurayn dadka kugu xeeran.
Hab-dhaqan taban: Sahamin cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey
shabakadda ‘Career Builder’ ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 62 ka mid ah
shaqaalaha goobta shaqada wada joogaa aanay jeclayn in la dallacsiiyo
ama abaalmarinno la siiyo shaqaalaha niyadda xun, dhinaca xun wax ka
eega, ama inta badan qaata go’aannada taban.
Su’aal badnaan: Su’aaluhu waxa ay muhiim u yihiin in qofku uu
fahmo hawsha u taallo iyo midhaha laga rabo in shaqadiisu soo saarto.
Laakiin waxaa jira dad caado ka dhigta in marka cidda ka sarraysaa ay
waajibaad shaqo siiso, ay su’aalo badan ka weydiiyaan shaqada.
In su’aalo kadeedis uun ah qofka kaa sarreeya aad weydiisaa waa
calaamad muujinaysa in aanad doonayn ama xiisaynayn in aad qabato
shaqada cusub ee laguu diray. Iska jir su’aalaha tirada badan ee shaqada
ka hor aad warsanayso, ku dadaal in aad shaqada bilowdo kaddibna
su’aalaha qaar iyagu iska jawaabaan, ama waayo-aragnimada aad heshaa ay
xaliso caqabadaha qaar, wixii ka maaranwaa ahna su’aalahooda u mar
nidaam anshaxa maamul iyo shaqo dhowraya.
Nidaamka iyo nadaafad xumada goobta shaqada: Boqolkiiba 36
dadka madaxda ka ah goobaha shaqada waxaa dhibaato iyo cadho joogto ah
ku haya shaqaalaha goobtooda shaqo ay ka muuqato nidaamdarrada iyo
nadaafad xumadu, waxa aanay marar badan ku kalliftaa in ay shaqaalahaas
sababtaas oo keliya u eryaan ama ugu yaraan uga hor istaagaan
dallacsiinta iyo abaalmarinaha shaqaalaha la siiyo.
Jooge maqan: Qofka shaqaalaha ah waxaa ceeb ku ah in waqtiyada
shirarka ay maskaxdiisu maahsanaato ama meel kale ka fikirto. Waxaa
dhibaato ah in uu ku mashquulo taleefankiisa gacanta, sida in uu
farriimo ka diro ama internet ka galo. Waxa ay abuurtaa dareen taban oo
laga qaato daacadnimadiisa shaqo.
Warka ha ka dhexgelin dadka: Qof kastaa waxa uu jecelyahay in uu hadalkiisa dhammaysto si uu ugu qanco in dadka uu la hadlayaa ay fahmaan ujeedadiisa. Haddii hadalka laga dhexgalana waxa uu qaataa dareen ah in aan la ixtiraamin aragtidiisa iyo in aan la fahmin waxa uu u jeedo.
Waayahaaga gaarka ah laabtaada ku hayso
Noloshu waa dhibaato u joog, waagii baryaba caqabadihiisa iyo
waayihii gaarka ah ayaa ku lammaan, nolosha oo dhamina waa sidaas oo
kale, laakiin sida ugu fiicani waa in geesinimo lagu waajaho. Dhibta
adiga ku haysata dadkana dhib ha uga dhigin. In aad mushkiladahaaga
gaarka ah dadka joogto ugala sheekaysato, sida dhibaatooyinka qoys ee
laga yaabo in ay ku haystaan, waa arrin aanay dadku soo dhoweynayn. Sida
oo kalana laga qaadanayo sawir ah in aanad marnaba sidii la rabay u
shaynayn, oo fikirka iyo walaaca dhibtaasi kugu haysaa u ugu yaraan
shaqada tayadeeda dhimayo.
Siyaasadda iyo shaqada
Siyaasaddu waxa ay ka mid tahay arrimaha ka sheekayntoodu dadka
xiisaha gaarka ah u samayso, waa mawduuc ka sheekayntiisu aanay cilmi
sii ridan u baahnayn oo qof kastaa in uu ereygiisa ku darsadaa ay
fududahay, taas oo inta badan ka dhigta macno darro iyo sheeko aan gun
laga gaadhin. Dhibta ugu badan ee ay sheekada siyaasaddu leedahay waa in
ay waqti dheer lumiso. Waxa ay khasaare ka dhigtaa waqti aad shaqo
fiican oo dheeraad ah qabsan kari lahayd, iyo waqti aad saaxiibbo iyo
gacal iyo sokeeye kula qaadan lahayd sheekooyin kalgacalka iyo isu soo
dhowaanshiyaha sii kordhiya. Xitaa waxa ay xumaysaa xidhiidhka adiga iyo
madaxdaada ama adiga iyo dadka aad wada shaqaynaysaan, waayo waxaa
qasab ah in aad siyaasadda ku kala aragti duwanaanaysaan, dooddeeduna
idin kala kaxaynayso.
Doodaha iyo sheekada siyaasaddu shaqaalaha waxa ay ka jeedisaa
shaqada, waxa ay maahsanaan gelisaa maskaxda, waxa aanay la dagaalantaa
dhugmada iyo dareenka feejigan ee qofka. Waana sabab macquul ah oo
keenaysa in maamulaha shaqada iyo loo shaqeeyuhu aanu jeclaysan in
shaqaalihiisu ay sheekooyin iyo doodo siyaasi ah ku mashquulaan.
Naftaada ku fooganoow
Qof kastaa iin ayaa uu leeyahay, ceebi cidna kama maqna, waxaana
dadka ugu Sharaf badan ruuxa asturidda iyo u fiirsiga ceebtiisa kaga
mashquula sheeg-sheegga ceebaha dadka kale. Dadka qaar ayaa ay dhaqan ka
tahay in shaqaalaha goobta shaqada ay mar kasta faalleeyaan,
muuqaalkooda, labbiskooda iwm. Taasina waxa ay abuurtaa kala fogaanshiyo
iyo in qofka oo ogaaday ama dadka kalaba ay kuu arkaan ruux aan
shaqadiisa ku koobnayn.
Waxaa iyaduan hubaal ah in haddii qofka labbiskiisa iyo quruxdiisa
aad la dhacdo oo aad ka sheekayso, ama siyaabo kala duwan u fallayso, ay
kaa bixiso sawir qaldan oo ah in qofkan aad ka leedahay ujeedo kale,
gaar ahaan marka qofku uu yahay jinsigaaga jinsi ka duwan; waxaa
dhacdaba in jacayl iyo dareen gaar ah loo qaato.
Xidhiidhka taleefanka iyo buuqa
Goobta shaqadu waxa ay ku habboon tahay, xasilooni iyo
deggenaanshiyo. Xafiis buuq, muran iyo doodo ka dhex socdaan macnaheedu
waa in aanay shaqo jirin, ama in qofkii shaqayn lahaa aanu
waajibaadkiisa gudan karin.
Waxaa iyaguna goobta shaqada dhibaato ku ah in aad caadaysato
taleefanka ku hadalkiisa iyo xidhiidhka farriimaha taleefanka ama baraha
bulshada. Waqtiga shaqadu waxa uu u baahan yahay xirfad yahannimo iyo
in aad maskaxdaada ku jeediso waajibaadka kuu yaalla. Saacadaha
firaaqada iyo maalmaha fasaxa ku qaado xidhiidhka bulshada iyo
booqashada ehelka.
Qab iyo santaag: Goobta shaqadu kama maaranto is dhexgalka
shaqaalaha iyo wada shaqaynta wanaagsan kibirka iyo in qofku uu qab la
santaagaa waxa keliya ee ay abuurtaa waa nacayb iyo kala fogaanshiyo,
taas oo shaqada dhibaato ku ah. iska jir in aad shaqaalaha iska weynayso
ama gaar isaga faquuqdo.
Afxumo: Ereyga xumi nacayb iyo kala fogaanshiyo ayuu
horseedaa, afxumadu waxa ay abuurtaa dagaal iyo rabshad. Waa xarif darro
in qofka shaqaalaha ahi qofka ay is qabtaanba afxumo ugu jawaabaa waxa
ay caqabad ku tahay habsami u socodka shaqada.
Goobta shaqada ha u beddelin meherad aad ku ganacsato: Dad
badan ayaa ay caado u tahay in ay goobta shaqada ka dhex wadaan ganacsi u
gaar ah. Waxaa jira dad jumlad ku soo iibsada alaabooyin fudud oo ay
shaqaaluhu u baahan yihiin, kaddibna tafaariif qay faa’iido u
saarantahay dib ugaga iibiya shaqaalaha. Waa khiyaamo iyo shaqadii aad
mushaharka ku qaadanaysay oo aad shaqo kale ku hoos wadato, waayo
daqiiqad kasta oo saacadaha shaqada ka mid ah waxaa iska leh goobta
shaqada oo kaa iibsatay.
Waxa ay carqalad ku tahay habsami u socodka shaqada, waxa aanay
xumaysaa xidhiidhka dadka wada shaqeeya oo danaha shaqo ee dhex marayaa
ay khatar ku yihiin in ay khilaaf iyo kala urursasho ku abuuraan.
Waxaa iyaduna la mid ah in qofku uu goobta shaqada ka dhex bilaabo
qaadhaan ururin, iyo ol’oleyaal shakhsi ah ama arrimo shaqada ka baxsdan
khuseeya, gaar ahaan inta saacadaha shaqada lagu jiro.
Caadooyin muujinaya sakatiga aad qabto: Waxaa jira xarakaad
iyo habdhaqanno calaamad u ah cabsi, walaac ama sakati uu qofku qabo,
waxa aanay taasi kugu soo jeedinaysaa dareenka maamulka shaqada iyo
shaqaalaha. Furayaasha oo aad lusho, qalinka oo aad ka sanqadhiso
furkiisa, lugaha oo aad si joogto ah u lusho ama hadba mid ta kale
weydaariso, taleefankaaga oo aad si joogto ah u eegto ama u baadho,
xanjada oo aad calaashato, madaxa oo aad xoqato, iyo ciddiyaha oo aad
cuntaa dhammaan waa calaamado muujinaya in xaalad sakati iyo walaac ah
ku jirto, waxa aanay maamulaha shaqada iyo qof kasta oo dan shaqo idinka
dhexeyso tusaysaa in aanad shaqada kuu taalla dareen u lahayn, ama
qaban karin.
Munaasabadaha shirkadda: Haddii aad tahay ruux khajilaad
badan, ama aad tahay qof hawlo badan oo ay u taallo shaqo kale oo ay
tahay in uu muhiimad siiyo, ama aad sabab uun u necebtahay ka qaybgalka
casuumadaha ay saaxiibbada shaqadu kuu fidiyaan, ama aad xanuun ku
marmarsooto, waxa ay dadka kugu xeeran u muujinaysaa in aad tahay ruux
bulshada ka xidh-xidhan, ama qof ka kibirsan in uu bulshada farxadda la
wadaago. Ku dadaal in aad ka qaybgasho munaasabadaha laguugu casuumo iyo
gaar ahaan kuwa shaqaalaha dhexdooda ah.
Qallafsanaan iyo erey xumo: Weligaa yaanay kaa suurtagelin in awooddaada aad uga faa’iidaysato ku xumaynta qof shaqaale ah. Ka dheeroow aflagaadada iyo in aad shaqaalaha erey xun ku tidhaahdo. Shaqaalaha aad maamusho dadka dhexdooda ha ku canaanan. Ogowna inta tilmaamta iyo hadalka dabacsani saxo, ma saxaan ciqaabta iyo canaantu.
Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah: 1- Gooryaanka iyo bakteeriyada caloosha. 2- Hargabka iyo ifilada. 3- Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka. 4- Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka. 5- Xanuunka shoqosha ama idiinyada. 6- Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno “Sciatica” 7- Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda. 8- Gaas calooleedka, nooca “Ulcer” ka ah. 9- Dilanka haweenka. 10- Korriimo la’aanta caruurta.
Waxay
kaloo soomaalida sheegtaa in raganimada uu xoojiyo iyo in difaaca jirka
sare u qaado oo wixii jirka lid ku ah aysan si sahlan wax u gaarsiinin
sida in qofka ay qaban wayso daawada suuxdinta iyo wixii la mid ah.
Marka su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay:
Maxaa ka jiro in Subaga Idaha uu daaweeyo xanuunadaas kor aan ku soo xusay?
Marka hore Subaga Idaha ee laga shiilay barida inuu daawo yahay waxaa noo sheegay rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee, waxaana jiro xadiith ka hadlayo sida loogu daaweeyo xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco oo dad badani ka sheegtaan.
Xadiithkaas waxuu ku shardiyay in subaga idaha uu wax ka taro xanuunkaan in idahaas la daajiyay cows dabiici ah oo banaanka la daajiyay oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay, waxaa kaloo shardi looga dhigay in markii daawayn loo isticmaalayo in caloosha oo faaruq ah la isticmaalo weliba subaxii hore.
Sababta labadaas shardi iyo faa’idada Subagga u leeyahay xanuunkaan waxaa la ogaaday mar dhaw, cilmibaarayaal u dhashay dalka Australia ayaa waxay qoreen research ay kaga hadlayaan arrimahaan soo socdo:
1- Barida wanka ama idaha waa sida kuruska geela oo kale waxaa lagu keediyaa wixii nafaqo ah oo hadhow xilliyada abaarta ah uu ka faa’idaysto xayawaanka inuu jirkiisa ku nafciyo, sidaas awgeed xoolaha wixii la siiyo ayay keedsadaan, haddii geedo dabiici ah uu daaqo oo aan la siinin waxyaabo la farsameeyay ama aan la daajin meelo wasakh ah ama magaalada aanan lagu korin, faaidadiisa way ka badan tahay midka lagu soo koriyaya waxyaabaha aan dabiiciga ahayn.
2- Midda kale sida la wada ogyahay subaga xoolaha waxaa loo qeybiyaa laba nooc, nooc waxaa la yiraahdaa jirka dhibaato ayuu u leeyahay waa nooca Kolestaroolka keeno oo la dhaho “Saturated Fat”, noocne waxaa la yiraahdaa faa’ido ayuu leeyahay oo waxaa loo yaqaanaa “unsaturated fat”, sidaa awgeed haddii idaha la daajiyo dhul nadiif ah oo dabiici ah, subaga laga heli karo barida wuxuu noqonaa mid si dabiici ah ku yimid waana “Unsaturated Fat”, waxaana subagaan ku jirto maado la yiraahdo “OMEGA”.
Maadadaan waaye waxa jirka faa’ido uu ka helo oo inta kor ku xusan iyo ka badanba waa laga helaa.
Haddii marka la cuno ama la cabo subagga idaha caloosha oo cunto ku jirto ama lala cuno cunno kale oo dufan leh, waxay ka hortagi kartaa in jirka uu ka faa’ideesto, waana sababta keentay in markii la isku daaweynaayo in subaxii hore la isticmaalo, laakiin markii lagu daweynaayo xanuunada kale ee jirka la marinayo kuma xirno caloosha in ay faaruq ahaato.
Maadaama dagaal culus lagu hayay wax kastoo dufan ah iyadoo laga cabsi qabo cudurka Kolestaroolka, laakiin iyadane waa muhiim in la kala ogaado subaga khatarta ah iyo midka faa’idada leh, waana muhiim in la ogaado subag la’aan jirka ma shaqayn karo oo waa u muhiim, sidaas awgeed in aad dooratid midka faa’idada leh ama aad badsatid cunnada laga helo waa lagama maarmaan.
Xanuunada kor ku xusan oo ay soomaalida ku daaweyso subagaan, qaar ka mid ah waa wax cilmibaaris lagu arkay, qaarne waa wax khibrad iyo aragti lagu arkay. Mana ahan soomaalida kailya dadka isticmaala Subaga Idaha, subaga ugu caafimaadka badan ee la isku daaweeyo waa nooca madaxa madow oo barida weyn leh, seenta gaaban leh, waana wananka u badan dhulkeena.
Waxaa cajiib ah in cilmibaarayaasha sheegaan in subaga idaha uu daawo u yahay wadna xanuunka iyo dufanka xididada wadnaha fadhiisato.
Waxa kale oo la xaqiijiyay waxaa ka mid ah ku daaweynta cilladaha ku dhaco laabatooyinka ama kalabaxyada shanqarta ka yeerto kuwaas oo ay keenaan Roomaatisamka, Tufta / Riixa.
Waxaa kaloo la xaqiijiyay in lagu daaweeyo xanuunka Sciatica oo aan kor uga soo hadlay oo lagu tiriyo xanuuanda aan kaalmaati waxaan ahayn loo haynin, wayna jiraan takhaatiir ku daaweyso oo ku nool dalka Yemen, Sacuudiga iyo Iraq.
Waxaa kaloo iyadane la arkay in dadka qabo xanuunka gaaska ee “Peptic Ulcer” oo aysan keenin bakteeriyada “H.Pylori” iyagane in lagu daaweeyo oo la arkay in boogta caloosha ay si dhakhso ah ku raysato.
Sidaas awgeed waxaan ku soo gabagabaynayaa jawaabtayda in Subaga Idaha oo la isku daaweeyo in uu ka mid yahay talooyinka caafimaad ee rasuulkeena nabad galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee uu noo reebay, waana arrin sanooyin badan la soo isticmaali jiray, waxaana isa soo taraya cilmibaarisyada taageersan isku daaweynta Subaga Idaha.
Qaabka loo diyaariyo subaga ayaa ah in barida markii la shiilo, laga sooco subaga cad ee soo hara waana midka la isku daaweeyo siyaabaha la isugu daaweeyane waa in la cabo ama la marsado ama cunnada lagu darsado.
Haddii aad heli karto Wan jabsaday oo baadiye lagu soo koriyay, waxaad ka dareemi kartaa isbadal caafimaad adigoo isbadal ka dareemo dheecaanada jirkaaga sida dhididka, candhuufta iyo kaadida adigoo dareema carafta subaga idaha.
Marka da’da Afartan jirka laga gudbo waxaa inta badan bilowda arrimo aanu qofku marka hore aad uga warwari jirin oo markan noqda xaqiiqo hortaalla. Waxaa ka mid ah caafimaadka oo dhalinyaronimada aad loo dayaco, waxa kale oo ka mid ah quruxda jidheed oo uu qofku si gaar ah u daneeyo, isaga oo ka warwarsan in qaab-dhismeedka jidhkiisa iyo muuqaalkiisu ay gabow ku soo dedejiyaan. Arrinta dambe dhibteeda waxaa sii badiya miisaanka oo inta badan qofka si fudud u fuulo marka uu da’dan gaadho, sida oo kalana dhimistiisu ay ka adkaato sidii ay ahayd markii u uqofku da’da Afartanka ka yaraa.
Sababaha waxaa ka mid ah, isbedello ku dhaca xarakaadka jidheed ee
qofka iyo caadooyinkiisa cunto, heerka hormoonnada jidhku soo daayo oo
isbeddel ku yimaaddo iyo is beddel da’daas jidhka ku dhaca oo wax ka
beddela habka uu jidhku u kaydsado dufanka.
Qormadan oo ulaynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Alcarabiya ayaa soo bandhigaysa dhowr tallaabo oo qabashadoodu fududahay oo gacan ka geysan kara dhimista miisaanka ee qofku marka uu gaadho da’da afartanaadka.
Khudradda iyo midhaha
Waxaa fiican in xilli cunto kasta aynu ku darno khudrad iyo noocyada
kala duwan ee midhaha, taas oo ay khubarada caafimaadku sheegayaan in ay
si weyn u caawinayso kordhinta curiyeyaasha nafaqo ee faa’iidada u leh
caafimaadka. Sida oo kalana sababaysa in qofku uu dhargo si aanu u cunin
xaddi badan ah hilib, firiley / Badar iyo caano, taasina waxa ay jidhka
siinaysaa faa’iido ah in aanu qaadan dufan iyo kalooriyo badan iyo in
aanu qofku aad u dhergin.
Joogtee cunista quraacda
Waxa ay xeeldheereyaashu ku talinayaan in aynu joogtayno cunista
quraac caafimaad oo waqti go’an oo subaxda ah aynu cunno. Noocyada
quraacda ee la ammaano waxaa ka mid ah boorashka, cuntooyinka heedda ama
qamandiga ka samaysan iyo khudradda.
Waxa aanay khubaradu aaminsan yihiin in cuntooyinkani ay qofka
dareensiiyaan dhereg, taasina ay jidhka ka xakamayso in uu cunto badan
iyo dufan cuno.
Casho fudud
Jidhkeennu waxa uu u baahan yahay in uu maalin kasta helo xaddiga
Kalooriyo (Calories) ee uu u baahan yahay, laakiin Kalooriyadaas haddii
aanu jidhku gubin waxa ay ku keenaan miisaanka oo kordha. Si labadaas
arrimood la isu waafajiyo waxa ay khubaradu ku talinayaan in qofku uu
qadada cuno inta ka horreysa saddexda maalinnimo ee gelinka dambe, wixii
saacaddaas ka dambeeyana in uu cuno casho fudud. Dhaqankan ayaa ay
hubaradu sheegeen in uu gacan ka geysto dhimista miisaanka.
Cunto Karin caafimaad qabta
Qaabka cuntada loo kariyo ayaa marar badan sabab u ah in dufan aad u
badani uu jidhka ku ururo. Sidaa awgeed waxaa fiican intii suurtagal ah
cuntada laga daayo shiilidda, ama xitaa karinta dufanka lagu darayo,
loona beddelo dubis ama karkarin biyo keliya ah.
Iska yaree Kalooriyada (Calories)
Marka uu qofku da’ ahaan weynaado, sababo badan awgood waxaa yaraada
xarakaadka uu jidhku samaynayo, taas oo yaraynaysa xaddigii kalooriyada
uu jidhku gubayo.
Haddaba maadaama oo uu yaraanayo xaddiga Kalooriyada uu jidhku
gubayo, waxaa qasab noqonaysa in marka aynu da’dan gaadhno aynu iska
yarayno kalooriyada jidhkeenna gelaya. Si ay uga qayb qaadato in uu
miisaanka jidhkeennu hoos u dhaco.
Cabbitaannada sonkorta leh:
Waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in aad loo cabbo biyaha
ama cabitaannada dabiiciga ah ee ay ku yar yihin Kalooriyadu, laakiin
laga fogaado cabbitaannada sonkorta, kaafiyeenta ama soodhaha leh iyo
sida oo kale cabitaannada tamarta kordhiya ee “Energy” loo yaqaanno.
Haddii aad Afartan sano gaadhay si aad ah uga dheeroow sonkorta
noocyadeeda oo dhan.
Jimicsiyada
Nolosha casriga ah ee waqtiga in lala baratamo ina bartay ayaa qasab
ka dhigaysa in la adeegsado gaadiidka noocyadiisa, iyo in muddo badan la
fadhiyo xafiisyada, jimicsiguna ku yaraado jidhka. Laakiin ogow oo
taasi waa bilowga cudurka, waa gogol xaadhiga geerideenna. Si aynu uga
hortagnana waxa aynu u baahannay in aynu caadaysanno jimcsiga, si
miisaanka ayu u dhinno ama ugu yaraan halka uu hadda joogo ugu hayno.
Qasab ha iskaga dhigin in aad jimicsi culus samayso, laakiin nafta ku
waajibi in ay ugu yaraan toddobaadkii laba saacadood iyo badh ka mid ah
lugayn degdeg ah samayso, ama guclayso, haddii kale jimicsiyo kale oo
fudud smaayso.
Muruqyadaada dhis
Qofku marka uu gaadho da’da afartan jirka waxa bilowda in markaas iyo
wixii ka sii dambeeya ay daciifaan muruqyadu, gaar ahaan dumarka.
Gabadhu marka ay caado goys noqoto waxaa si xawli ah u daciifa
muruqyadeeda.
Muruqyadu waxtarka tirada badan ee ay jidhka u leeyihiin waxaa ka mid
ah in ay gubaan Kalooriyada jidhka gala, marka ay daciifaan shaqadaas
ayaa Meesha ka baxaysa, taasina waxa ay keentaa in uu hoos u dhaco
awoodda uu jidhk uu leeyahay in uu ka faa’iidaysto nafaqada ku jirta
cuntada ama waxa loo yaqaanno dheefsiga. In dheefsigu hoos u dhacaana
waxa ay adkaysaa in jidhku uu iska rido miisaanka dheeraadka ku ah.
Isbar in aad toddobaad kasta laba jeer samayso jimicsi culays qaadis
ah, adiga oo la tashanaya khubarada caafimaadka ee ogaan kara da’daada
iyo nooca culays e eku habboon. Qaadista culaysku waxa ay ilaalinaysaa
dhismaha muruyqadaada oo muhiim u ah caafimaadkaaga Afartan jirka
kaddib.
Hurdo kugu filan
Afartan sano jirka kaddib, waxaa jira sababo badan oo qofka ku keena
hurdo xumo ama hurdo la’aan iyo in waqtiyada hurdadu ka khalkhalaan.
Waxaa ka mid ah daalka hawlaha u yaalla qofka, dawooyinka laga yaabo in
uu u qaato xanuunno uu la nool yahay, xaalado caafimaad darro oo kale
iyo haweenka oo marka ay da’da caado goyska gaadhaan ay hurdadu ka
xumaato.
Waxa aad ogaataa in haddii hurdadu kaa xumaato ay qasab tahay in uu
miisaan dheeraad ahi ku fuulo, sidaa awgeed ku dadaal in aad is barto
waqti hurdo o ocaado kuu ah. qasab ma’aha in aad saacaddaas lulooto,
waxa se qasab ah in aad furaashka tagto. Mar kasta oo uu jidhkaagu helo
hurdo ku filan waxaa kor u kaca heerka caafimaadkiisa. Ku dadaal in aad
habeenkii 8 saacadood seexato.
Iska baadh qanjo xanuun
Qanjaha dhuunta oo ku xanuunaa waxa ay ka mid yihiin sababaha
miisaanka dhimistiisa adkeeya. Haddii aad aragto in aanu miisaankaagu
dhacayn adiga oo raacaya nidaam cunto oo caafimaad qaba isla markaana
samaynaya jimicsiyo joogto ah, taas macnaheedu waa in aanay qanjidhadu u
shaqaynayn sidii ku habboonayd.
Tirakoobyada caafimaadku waxa ay muujinayaan in boqolkiiba 5 dadku ay dhibaatooyinkan qabaan. Dumarka ayaa ay ku badan yihin, gaar ahaan marka ay gabadhu gaadho 60 sano jirka.
Qofku qaladaad badan ayaa uu gala inta uu nool yahay, inta badanna qaladaadkaasi waxa ay raad taban kaga tagaan caafimaadkiisa jidheed iyo ka nafsadeed labadaba, mararka qaarkoodna waxaaba dhacda in ay saamayn ku yeeshaan dadka ku xeeran.
Qoraaga Yana Yakovenko oo u dhalatay dalka Ruushka ayaa ayaa maqaal
ay dhowaan ku faafisay shabakadda FPR waxa ay ku tirisay caadooyin ay
sheegtay in ay ku fiican yihiin in qofku uu joojiyo inta aanu gaadhin
da’da 35 sano jirka, waxaana ka mid ah:
Riyada iyo dunida mala-awaalka ah
Dad badan ayaa diida riyada iyo mashquulka caalamka malo-awaalka ah,
iyaga oo u arka in aanay wax faa’iido ahi ku jirin. Laakiin dadkaasi
waxa ay ka jaahil yihiin in riyada iyo niyeysigu ay kaalin muhiim ah ka
qaataan dhismaha shakhsiyadda qofka.
Waxaa intaas dheer in qofku haddii uu dadaalkeeda la yimaaddo uu
awoodi karo in uu inbadan oo riyadaas ka mid ah u rogo xaqiiqo la taaban
karo. Marka ay sidaas tahayna riyada noocan ahi waxa ay raad togan ku
yeelataa nolosha shaqo iyo xirfadeed ee qofka iyo xitaa shakhsiyaddiisa.
Qof aan riyo lahayn waa ay ku adag tahay in uu garto galdalooladiisa
iyo meelaha uu u xooggan yahay, mana yelean karo yoolka noloshiisu
bartilmaameedsan karto. Inta aanad 35 sano jir gaadhin jooji dhaqanka ah
in aad iska ilaaliso riyada nolosha.
Hurdada Cashada ka hor
Hurdada habeenkii ee waqtiga cashada ka horreysaa waxa ay leedahay
caawaaqi taban oo tiro badan. Ha ku dagmin aragtida beenta ah ee ay
dadka qaar ku sheegaan in hurdada waqtigaas ahi ay jidhka u kordhiso
tamar. Waxa aanad ogaataa xaqiiqada ah in hurdada waqtigaas la seexdaa
ay kordhiso cadaadiska nafsadeed ee qofka, raad aan fiicnayna ku yeelato
dareenka saacadeed ee abuurka ah oo Alle ku abuuray maskaxda si ay ugu
jaangoyso hawlaha shaqo ee jidhka qaybihiisa.
Mar kasta oo ay qofka da’ u korodho waxa ku sii bata dareenka daalka
oo toddobaad kasta bilowgiisa la kowsada. Waa muhiim in qofku uu yeesho
jadwal go’an oo uu fulintiisa kudadaalo, taas oo jaangoyn u ah
waqtiyadiisa cuntada iyo xilliga hurdadiisa. Waxa ay taasi caawisaa
nidaaminta hawlaha shaqo ee qaybaha jidka mid kasta u gaarka ah.
Ka fogoow khilaafaadka:
Muranku sidiisaba waxa uu ka mid yahay caadooyinka foosha xun ee dila xidhiidhada uu qofku bulshada la leeyahay. Laakiin dadku waxa ay marar badan isku qaldaan muranka iyo doodda, in qofku uu ka dareen celiyo waxa uu diiddan yahay ayaa mararka qaarkood muran loo fahmay. Waxa se la ogaaday in haddii aad ka dheeraato ka dareen celinta waxa aad diiddo in ay nafta ku yeelato raad taban oo caafimaadka nafsiga ah. In qofku uu dood iyo muran ka soo celin waayo waxa uu qabaa, waxa ay ku abuurtaa cadho daran iyo ka xumaanshiyo laabtiisa guba oo ku sii kordhinaya uun culayska.
Xeeldheereyaasha cilminafsigu waxa ay ku talinayaan in ay qurux badan
tahay in si deggen looga dareen celiyo qofka habdhaqankiisa ama
hadalkiisu aanu ku raalligelin. Laakiin waxaa la ogaaday in
dareencelinta oo baraha bulshada la mariyaa sida muddooyinkan dambe inta
badan dhacdaa waxa ay keentaa khataro kale oo bulsho iyo nafsadeed,
sidaa awgeed haddii aad 35 gaadhay ka dheeroow in aad baraha bulshada ee
Internet ka ku faafiso dareen iyo ficil kasta oo aad dood diidma ah ka
qabto, taas beddelkeeda raadi in aad si maangal ah toos dadka dood ugala
yeelato.
Uur ku taallada: Inta badan waxa aynu illownaa in dhammaan
arrimaha raadka taban ee nasiga ah innagu reebaa ay dhibaato ku keenaan
jidhkeena. Uur ku taallada arrimo badan ayaa sababa, yasid uu qofku kala
kulmo bulshada ku xeeran, ama diiqad iyo cidhiidhi gaar ah oo la saaro
ayaa ka mid ah.
Uur ku taalladu waxa ay burburisaa nafsadda iyo shakhsiyadda qofka,
waxa aanu ka hor istaagaa in uu ku raaxaysto noloshiisa. Inta aanad
da’da 35 gaadhin ku dadaal in aad ka bogsato wixii culays ku keenaya
naftaada oo dhan.
Maamul xumada maaliyaddaada: In qofku uu awoodi kari waayo
maaraynta iyo maamulka kharashaadka uu galayo iyo is waafajinta dakhliga
iyo kharashku waa dhaqan fiican in uu ku joogsado inta la da’ yar
yahay. Caadaysiga maamul xumada maaliyaddu waa dhaqan qofka qabatima ay
ku adagtahay in uu joojiyaa. Ku dadaal in aad yari ku barato maamulka
maaliyadda. Wixii maamul xumo maaliyadeed kaaga jiraana yaanu kula soo
dhaafin da’da ka horreysa 35 sano jirka.
Fadhiiso oo xisaab cad u samee dakhliga ku soo gala iyo kharashaadka kuu yaalla ee ay tahay in aad joogto u daboosho, sida oo kale qiyaas kharashaadka kadiska ah ee aad bil kasta qaadi karto, adiga oo ku salaynaya dakhligaaga. Madhxiska baro, naftana u diyaari in ay kayd yeelato.
Naftaada ood jeclaan weydo
Waa ceeb in qofku uu noqdo danayste naftiisa uun ka fikira, laakiin
ogow dhinaca kalana in naftaada oo aad jeclaataa ay muhiim u tahay
quruxda iyo dhammaystirnaanta noloshaada, iyo xitaa guulaha aad jeceshay
in aad gaadho. Haa, in aad miisaanka saayidka ah la dagaalanto, in aad
quruxdaada jidheed iyo xaragada labiskaaga wanaajiso iyo in aad
caafimaadkaada ka shaqaysaa waa naftii oo aad jeclaatay, waana jacayl
loo baahan yahay oo aanad la’aantii nolosha sida ay tahay ugu raaxaysan
karin.
Inta aanad 35 jir dhaafin iska jacaylka nafta ee danaystenimada,
xaasidnimada iyo dadka kale hayntooda oo aad eegtaa ay ka mid tahay. is
bar in aad ceebahaaga oo dabcan badan, kaga mashquusho eegmada ceebaha
dadka kale. Iskana jir adiga oo da’dan gaadhay in ay weli kugu sii jirto
dabeecad ah u quudhi waa aad eegto waxa saaxiibkaa haysto ama guusha uu
gaadhay adiga oo ka xun.
Xidhiidh dhammaaday ha ku sii dheggenaan
Xidhiidhku waa u muhiim caafimaadka iyo farxadda nolosha, xidhiidh
fiican oo aad la yeelato lammaanahaaga, qoyskaaga, saaxiibkaa iyo guud
ahaan bulshadu waxa ay u fiican tahay noloshaada, halka gooni joogga iyo
faquuqnidu ay khatar ku yihiin nolosha.
Laakiin ha ka baqan keli joogga, adiga oo wehel la’aan ka cabsanaya
ha isku sii dhejin xidhiidh aad ogtahay in uu fashilaad ku dambaynayo.
Ogoow inta uu ku yeelo xidhiidh aanad raalli ka ahayn iyo dhaawaca
caafimaad ee uu ku gadhsiiyaa marnaba kama badanayo dhaawaca keli
joognimadu ku gaadhsiiso.
Xidhiidh aad ogtahay in aanu waarayn, ama xitaa madow kaaga jiro
mustaqbalka halka uu ku dambaynayo, waxa aad ka qaaddaa niyadjab joogto
ah, iyo murugo aan dhammaan oo noloshaadu ku jirto. Inta aanad 35 sano
jir gaadhin dhinac isaga tuur cabsida kelinimada, oo jooji xidhiidh
kasta oo aanad hubin in uu guul ku dhammaanayo, kuna dadaal in aad
bilowdo xidhiidho, qaddarka Alle ayaa og ee aad adigu is leedahay waad
hubtaa in ay jidkii guusha ku socdaan. Xanuun maalmo aad u adkaysato iyo
marxalad murugo leh oo aad maalmo kaga gudubto ayaa ka fiican murugo
iyo calool xumo aad la noolaato xilli aanad waxba ka qaban karin,
dhaawacna naftaada iyo caafimaadkeeda ay ku yihiin.
Shaqo ku magaag
Haddii aad aragto qof shaqada ku magaagsan, oo aan jeclayn in uu
nolol kale yeesho, ama waqti kale oo firaaqo ah samaysto, ha moodin
shaqo jacayl iyo karti badnaan, balse u aqoonso xanuun ay tahay in la
daweeyo. Saacado badan oo aad shaqada joogto macnaheedu ma’aha in aad
shaqo badan qabatay, waanay dhacdaaba qof waqti kaas ka yar shaqada
geliyaa in uu kaa waxsoosaar bato.
Waxsoosaarka badani waxa uu ku yimaaddaa arrimo ay ka mid yihiin
waxbarashada iyo waayoaragnimada aad u leedahay shaqada aad qabanayso,
xeeladaha shaqo gudasho ee aad leedahay iyo hannaanka aad shaqada
qabashadeeda u marayso, dhugmada iyo soo jeedka maskaxdaada, xaaladdaada
nafsiga ah iyo niyadda aad shaqada u hayso, caafimaadkaaga jidheed iwm.
Markaa ku dadaal in aad arrimahaas saxdo, shaqadana aad u samayso
nidaam hawlgudasho oo aad raaci karto.
Waqti badan oo aad shaqada ku qaadata awaxa uu keenaa cadho badnaan, dulqaad yaraan, sakati iyo qulub nafta ku abuura xasilooni darro. Ku dadaal in aad fasaxyo joogto ah yeelato maalmo toddobaadka ka mid ah iyo sannadkiiba. Inta aanad 35 sano jir dhaafin naftaadana bar in ay mararka qaarkood ka fikirto wax aan shaqada ahayn ama nolosha kale ee kugu xeeran iyo waayaha qoyskaaga. Ku dadaal in aad yeelato jadwal shaqo iyo nidaam shaqo oo isaga oo aan dhaawac caafiamad kugu keenin waxsoosaar yeesha.
Maxaa marka horeba adiga meeshan ku keenay?! Maxaad la qaylinaysay? Maxaa adiga qosolkaas dheer kugu kallifay?! Dharkan indhaha dadka kugu soo jeediyey maxaa kuu xidhay?! Muxuu isu difaaci waayey?! iyo su’aalo badan oo la mid ahi waxa ay ka mid yihiin hadallada sida joogtada ah dadka looga maqlo mar kasta oo ay isugu yimaaddaan ama ka sheekeeyaan dhacdo sababtay in qof ama qofaf ay dhibi soo gaadho jidhkooda, nafsaddooda ama sharaftooda. Iyaga oo aan canaan u soo jeedinayn cidda dembiga ama meel ka dhaca samaysay.
Waxa kale oo jirta halkudheg Carabi ah oo Soomaaliyoobay, ‘Almarxuum
Qaldaan’ macnihiisu waa in ‘Ruuxa dhintay ee shilka ama gacanta qofka
kale ku dhintay, uu isagu qaldanaa’ waxa aana looga jeedaa in qofkii oo
isagii dhibtii gaadhay haddana eeddii iyo sababtii la saaro.
Waa hab lagu cabbiro ceebta iyo dhaliisha uu leeyahay qofka doonaya
in qof dhibaato soo gaadhay, uu haddana eedda iyo sababta dhibtaas isla
isla dhibbanaha saaro, waa se arrin in badan dhacda.
Haddaba fasiraadda uu cilmigu arrintan u sameeyey, waxaa ka
warramaysa qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Science News ee
ka faalloota arrimaha cilmiga, sida Sayniska, caafimaadka iyo
cilminafsiga.
Eexda Garashada
In qofka dhibbanaha ah la canaantaa waa qalad aynu ku dhacno inta
aynu ku gudo jirno fikirka ay maskaxdu samayso marka ay isku dayeyso in
ay ururiso dhammaan xogaha la xidhiidha dhacdada, si ay si kooban ugu
fasirto. Marmarka qaarkood ayaa uu jaahwareer yari galaa geeddi
socodkaas, ay maskaxdu ku ururinayso xogta, kaddibna u beddelayso in ay
ka bixin karto sharraxaad kooban oo ay maskaxdu si fudud u fahmi karto.
Jaahwareerkaas ayaa sababa in ay dhacaan qaladaad dhinaca
go’aan-qaadashada ah, dhinaca xukunka ah, dhinaca xusuusta ah ama ah
dhinaca fahamka guud ahaan waxa dhacay.
Waa kuwan qaladaadka bulsho ee uu cilminafsigu sheegay in ay xaaladahan oo kale dhacaan iyo faahfaahinta sida ay ku yimaaddaan.
Eex ku timid kala duwidda isku-xidhidda / sababaynta.
Waxaa jirta dabeecada ah qofku isla marka uu sababaynayo waxa dhacay
ama isku xidhayo qaladka iyo qofka sameeyey, in uu inta badan eex
sameeyo marka cidda qaladka samaysay uu isaga yahay iyo marka ay cid
kale tahay.
Waxaa kale oo iyaduna dhacda in qofka aad ku ogeyd xaalado,
habdhaqanno ama anshax aan wanaagsanayn, marka aad aragto iyada oo dhibi
soo gaadhay, ay markaba maskaxdu u qaadato in markanna uu isagu
gardarrada lahaa ama sababta u ahaa waxa ku dhacay.
Kala duwidda iskuxidhidda ama sababaynta qaladka iyo qofka sameeyey,
waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa, haddii qof aad imtixaan wada
gashaan, oo uu qofkaasi imtixaankii ku dhaco, markaba waxa ay maskaxdu
dhicitaankaas u qaadanaysaa gaabis iyo dadaal la’aan ama maskax yaraan
ka timid qofka, laakiin haddii qofka imtixaanka dhacay uu adiga yahay,
markaba waxa ay maskaxdu raadinaysaa sababo dibadda kaaga yimi, sida
imtixaanka oo si aan caadi ahayn u adkaa, ama xaaladdaada caafimaad ama
nafsadeed oo aan maalintaas caadi ahayn, haddii kale waxa aad eedda
saaraysaa qofka soo saxay imtixaanka.
Dabeecadda ah in qofku sida uu u sababaynayo ama u fasirayo
habdhaqanka uu isagu sameeyo, si ka duwan oo taban uu u fasiro ama u
sababeeyo habdhaqanka dadka kale waa arrin cilminafsigu caddeeyey oo
afka cilminafsiga bulshada lagu yidhaahdo, “Fundamental attribution
error – FAE)
Eex ku timi dib-ka-Faham / faham gadaal ka yimi
Waxaa jira xaalad nafsi ah oo dadka inta badan ku beerta qab ah in
wax kasta ay hore u sii ogaan karayeen, “Waa aan garanayey in taasi
dhacayso” Marka ay dhibaato dhacdo, waxa ay maskaxda qofku markaba
qaadanaysaa faham ah in maadaama oo uu isaguba imika garanayo in taasi
dhici karto, in dhibanahanna laga rabay in uu sidaas oo kale u garto.
Tusaale ahaan shil baa dhacay, marka aad eegto sida uu u dhacay waxa aad
arkaysaa in gaadhiga shilka galay uu xawaare aan caadi ahayn ku socday,
jidkuna uu qallooc / jiiro ku jiro (Xoodan yahay) isla markaana uu
godad khatar ah leeyahay. Waxa ay markaba maskaxdaadu fahmaysaa in
sababta shilku ay tahay jidkan aad arkayso iyo xawaarahan sare. Markaas
ayaa ay haddana maskaxdii ku odhanaysaa adiguba waad garanaysaa in
xawaarahaas iyo jidkaasi ay shilkeenayaan, ee sababta uu qofkan
dhibbanaha ahina u garan kari waayey, isaga oo arkaya duruuftaas ku
xeeran.
Waxa kale oo la mid ah marka qof uu cudur ku dhaco, waxa ay markaba
dadku maskaxda geliyaan sababta cudurkani asal ahaanba ku yimaaddo,
kaddib waxa ay bilaabaan in ay qofka buka qaladka saaraan iyaga oo
dhalleecaynaya hab nololeedkiisii iyo qaladaadkii uu sameeyey. Ka soo
qaad in hebel ay garanayaan uu qaaday cudurka AIDS ka, sababaha uu
cudurkaasi ku yimaaddo oo badan, waxaa ka mid ah gogoldhaaf iyo dhaqan
xumo. Markaba maskaxdu wawxa ay isku xidhaysaa sababtaas xun iyo waxa
qofka ku dhacay, ‘Waxa ay ahayd in aanu sidaas yeelin, ee uu sidaas
yeelo ayaa uu ku doodayaa, laakiin haddii ay tan oo kale qofka sidan u
fikiraya isaga ku dhici lahayd, tobannaan sababood oo maangal ah ayaa uu
keeni lahaa.
Xaaladdan oo kale cilminafsigu waxa uu u yaqaannaa ‘Hindsight Bias’
oo ah in qofku uu eex geliyo dhacdo hore u dhacday oo uu isagu gadaal ka
fahmay. Waxa uu u doodayaa sida in uu doonayo in dhacdadaasi markii ay
dhacaysay ay ahayd in qofku uu sii garto natiijadeeda. Waa eex uu qofku
ugu kala eexanayo naftiisa iyo nafta qofkan uu eedaynayo, waxa se hubaal
ah in haddii uu isagu halkaa joogi lahaa aanu sidan u fahmeen, oo uu
fahamkani yahay mid markan dambe uun yimi.
Eex ku timi aaminsanaanta ah in noloshu ay caddaalad tahay
Waxa ay ku imanaysaa qofka ama dadka oo inta badan nafsad ahaan u
aaminsan in noloshu ay mar kastaba iyadu caddaalad ku socoto, laakiin
runtu waxa ay tahay in aanay aaminsanaantaasi sax ahayn.
Aaminsanaantaas ah noloshu waa caddaalad waxa ay ceebteedu soo baxdaa
marka uu qof innaga mid ahi dhibaato cagaha la galo ama masiibo ku
dhacdo, ee innaga oo ka duulayna in noloshu ay caddaalad ku socoto, aynu
markaba aaminno in dhibbanahani uu isagu marka hore wax uun qalday, ama
dhibaatada ku dhacday ay tahay keliya qayb ka mid ah abaal uu ku
mutaystay ficil xun oo uu sameeyey.
Waxaa muhiim ah in aynu marka hore niyadda gelinno in dhibaatada iyo
masiibadu ay ku dhici karto qof xun iyo qof fiican labadaba, niyaddana
ka saarno ismoodsiiska ah in aanay jirin masiibo iyo imtixaan qofka
iskaga dhaca isaga oo aan waxba galabsan. In aynu qaldannahayna waxa ay
soo baxdaa marka ay isla dhibtii ama masiibadii ay innaga innagu dhacdo
ee aynu sidii qofka u xukumi weyno, balse u aragno in aanu ahayn abaalka
xumaan aynu samaynay.
Xaaladdan oo kale cilminafsigu waxa uu u yaqaannaa ‘Just-World Phenomenon’ waana qofka oo u dhurta in uu u fahmo in noloshu ay caddaalad tahay, dadkuna ay la kulmaan uun wixii ay u qalmaan. Waayo waxa aynu u aragnaa in adduunyadu ay tahay caddaalad, waana sababta aynu qofka dhibbanaha ah eedda u sii saarayno.
Dhammaanteen waa aynu ognahay in qosolku uu gudbo ama si fudud u faafo, tusaale ahaan in haddii dad kaftan iyo hadallo maadays ah is dhaafsanaya aad ku soo biirto, in aad adiguna qosolka ku darayso. Haddaba cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in in qof isku-buuq iyo qulub hayo oo aad agfadhiisataana ay sababayso in aad si toos ah uga qaado xaaladda nafsiga ah ee haysa.
Cilmibaadhistan oo ka soo baxday maxakada Max Planck Society oo
kaashanaya jaamacadda Farsamada gacanta ee Dresden oo ku taalla dalka
Jarmalka, waxaa lagu sheegay in marka aad la rafiiqdo qof duruufo nafsi
ahi haystaan, in shucuurta iyo hadallada aad kala kulmaysaa ay awood u
leeyihiin in ay adigana kiciyaan hormoonnada qulubka iyo isku buuqa
sababa ee maskaxdu soo deynayso.
Daraasad ay faafisay shabakadda wararka ee NBC oo laga leeyahay dalka
Maraykanka ayaa ku talisay in haddii aad isku aragto xaalad nafsi ah
ama diiqad iyo isku buuq oo marka aad dib u fikirto aad garan weydo
sabab adiga ah oo aad u tiriso xaaladdan, waxa aad ka fikirtaa bal in ay
jirto cid dadka kugu xeeran ka mid ah, sida maamulahaaga shaqada, dadka
aad wada shaqaysaan iwm, oo iyagu xaaladdan oo kale maraya.
Dabiibka
Dhinaca kalana waxa ay daraasaddu ku talisay in marka uu qofku garto
halka ay ku sal leedahay xaaladdiisa nafsiga ah, si uu uga bogsado looga
baahan yahay in uu tallaabooyinkan hoos ku xusan qaado, si uu uga
badbaado xaaladaha nafsiga ah oo awood u leh in ay dhibaato caafimaad
darro ku keenaan jidhka iyo maskaxda labadaba:
Iska jir mawqifyada cadaadiska kugu keenaya: Ku
dadaal in sida ugu suurtagalsan aad uga fogaato fursad kasta iyo mawqif
kasta oo culays ku keenaya acsaabtaada, tusaale ahaan haddii aad aragto
laba ka mid ah dadka aad la shaqaynayso oo ka sheekaysanaya culayska iyo
diiqadda shaqada ku dadaal in aanad sheeko wadaag la noqon. Sida oo
kale haddii aad culays iyo diiqad shaqo dareento isla markaba inta aad
kacdo xafiiska dhexdiisa soco ama bannaanka hawada ah u yara bax si aad
hawo geddis u samayso; hawogeddisku waxa uu leeyahay laba faa’iido oo ah
in uu yareeyo culaysyada nafsiga ah iyo in uu yareeyo raadka diiqadda
iyo culayska ku saarani ku yeelan karo dadka kugu xeeran.
Iskaashigu waa muhiim: Ku dadaal in jawiga xafiiskaaga aad ka dhigto mid indhaha soo jiidanaya.
Isbeddelku waa muhiim: Mar kasta oo aad culays
nafsi ah ka dareento xafiiska iyo goobta shaqada ama niyadxumo iyo isku
buug aad aragto iyo mar kasta oo dadka kula shaqaynaya ama aad u
shaqaynayso aad ka aragto wax nafta niyadxumo gelinaya waxaa muhiim ah
in aanad naftaada ku eegin culayska nafsiga ah iyo niyadxumada oo aad
dhaqso shaqo kale u raadsato.
Asxaabta qiimaha badanow soo dhowaada, Waxaan halkaan idin kugu haynaa shushumow labo nooc oo kala duwan loo samaynayo, waxaana rajaynaynaa inaad ka heli doontaan.