Quantcast
Channel:
Viewing all 1527 articles
Browse latest View live

HABAB QAARKOOD AANAD FILAYN OO AAD ISKAGA ILAALIN KARTO HARGABKA

$
0
0

Waarbixin ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay shabakadda arrimaha caafiamadka ka faalloota ee ‘The Healthy’ ayaa qoraaga Tina Donvita ay ku soo bandhigtay qodobbo lagaga hortegi karo hargaBka, oo xilliga qaboobaha bata.

GACAN-QAADKA SALAANTA:

Hargabka oo ka mid ah xanuunada sida fudud ee dhaqsaha badan u faafa ayaa ay khubaradu sheegeen in gacanqaadku uu ka mid yahay hababka ugu badan ee lagu kala qaado.
Haddii ay ka fursan weydo in qofka aad gacan qaaddo, ka dheeroow in aad wejigaaga ku taabato gacanta aad qofka kale ku gacan qaadday, ka hor int aanad si fiican u maydhin. Si aad uga hortagto in jeermiska gacmahaaga soo raacay uu u gudbo sanka iyo afka, sidaasna ku raaco marinnada hawada.

JIMICSIGA:

In qofku uu jimicsado maalin kasta 30 illaa 60 daqiiqo waxa ay xoojisaa awoodda uu jidhku ku soo saarayo unugyada cusub ee dhiigga cad, taas oo macnaheedu yahay in ay badanayso awoodda difaaca jidhku.

Ku dadaal in aad jimicsato si aad u xoojiso awoodda aad iskaga difaaci karto bakteeriyada hargabka keenta iyo xanuunno kale oo badan.

QALLAJI BURUSHKA WEELKA:

Burushka weelka lagu nadiifiyaa waxa uu ka mid yahay meelaha uu jeermiska ugu badani ku noolyahay kuna tarmi karo. Waxa ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in burushka weelka aynu ka ilaalinno jeermiska, sida ugu fiican ee aynu uga dili karnaana waa in aynu moofada korontada ah (Microwave) gelinno laba daqiiqo maalin kasta, inta aynaan isticmaalin.
Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Florida ayaa ka marag kacday in moofada korontadu ‘Microwave” ay disho boqolkiiba 99 bakteeriyada iyo noolaha ili-ma-qabatayga ah.

NADIIFI OOGADA SARE EE MIISKA XAFIISKA

Xarumaha daryeelka caafiamadka iyo ka hortagga xanuunnada ee dalka Maraykanku waxa ay ku talinayaan in si joogto ah loo nadiifiyo qalabka iyo oogalada alaabooyinka aynu sida joogtada ah u taabanno, si aynu uga hortagno jeermiska hargabka keeni kara.

Waxaa muhiim ah in aynu ku nadiifinno dareeraha ama shaambooyada loogu talagalay dilista jeermiska. Meelaha sida gaarka ah ay xeeldheereyaashu ugu dardaarmeen in la nadiifiyo waxaa ka mid ah gacmaha (Halka la qabto) albaabada, qalabka lagu hago talefishannada iyo qaboojiyeyaasha (Remuutka), qasabadaha suuliyada iyo faraxalka, batamada laydhka laga shido ama laga dembiyo, iyo qalab kasta oo dad kala duwani wada isticmaalaan.

CUNTADA GANKA / GALKA LEH:

Erin Palinski-Wade oo ah khabiir ku xeeldheer nafaqada, ayaa sheegtay in habdhiska difaaca jidhku uu boqolkiiba 80 ka dhex shaqeeyo habdhiska dheefshiidka, sidaa awgeed bakteeriyada caafimaadka qabta waxa ay xoojisaa habdhiska difaaca, taas oo jidhka siisa awood uu iskaga fogeeyo xanuunnada hargabku ka mid yahay.

Cunista cuntooyinka ay ku badan yihiin barootiinnadu waxa ay nafaqaysaa bakteeriyada jidhku u baahan yahay, ee aynu xusnay in ay xoojiso habdhiska difaaca.

HURDO KUGU FILAN:

Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay xaqiijiyeen in saacadaha hurdo ee ugu fiican in qofku helaa ay yihiin 7 illaa 9 saacadood maalin kasta. Haddii qofku uu hurdo ku filan helo waxaa xoogaysata awoodda difaaca jidhkiisa, taas oo ka hortag fiican u noqota xanuunnada uu hargabku ugu horreeyo.

Waxa ay aaminsan yihiin in hurdadu ay qayb muhiim ah ka tahay caafimaadka guud ee qofka, mar kasta oo ay qofka ku yaraatana, uu u nuglaanayo xanuunka.

KHUDRADAHA:

Khudradaha badankooda waxaa ku jira maaddooyinka liddiga ku ah sunta cuntada ka dhalata, oo khatar ku ah awoodda habdhiska difaaca.
Cilmibaadhiso hore loo sameeyey ayaa caddeeyey in maadadda Flavonoid oo khudradaha tufaaxu ka mid yahay laga helaa, in ay leedahay awood ay jidhka kaga saari karto sunta. Waxa kale oo ay jidhka ka ilaalisaa jeermiska. Tijaabooyinka caafimaad ee lagu sameeyey maadaddani waxa ay muujinayaan in ay boqolkiiba 33 yarayso u nuglaanshiyaha hargabka.

DHINACA FIICAN WAX KA EEG

Cilmibaadhiso caafimaad ayaa iftiimiyey in isku buuqa ama sakatiga iyo xaaladaha nafsiga ah ee la midka ahi ay saamayn taban ku yeeshana habdhiska difaaca jidhka.
Deborah Sirani oo ah dhakhtar ku xeeldheer caafimaadka nafsiga ah ayaa sheegtay in culayska nafsiga ah iyo isku buuqu ay kordhiyaan hormoonka Cortisol ka ee uu jidhku soo saarayo. Waxaana la ogyahay in haddii hormoonkani uu jidhka ku bato in uu xaalad heegan sare ah geliyo jidhka oo dhan. Sidaa awgeed waxa uu qofku isku arkaa garaaca wadnaha oo kordha, dhiigga oo kaca, iyo hoos u dhac ku yimaadda shaqada difaaca jidhka.
Xaaladdani qofka waxa ay u nuglaysaa caabuqyada, bakteeriyada iyo fayraska, sidaa awgeed si fudud ayaa uu u qaadi karaa xanuunno uu hargabku ugu horreeyo.

BIYO CAB

Biyuhu muhiimad weyn ayaa ay u leeyihiin shaqada qaybaha kala duwan ee jidhka. Waxa aanay ka caawiyaan ingagga ama in uu qallalo. Taas oo keenaysa in uu jidhku awood u yeesho ka hortagga iyo iska difaaca caabuqa. Ku dadaal in aad maalin kasta cabto ugu yaraan siddeed koob oo biyo ah.

BANNAANKA GURIGA U BAX

Hawada qabowga ahi waxa ay ingajisaa sanka iyo dhuunta, taas oo u nuglaysa caabuqa. Waxa ay khubarada caafimaadku aaminsan yihiin in waqtigeenna ugu badan oo aynu meel cidhiidhiya dad badan la joognaa ay keeni karto in jeermisku isu gudbo, waana sababta keenta in hargabku uu dhaqso ugu dhici karo dadka guryaha gudahooda ka bixin.

SANKA MAYDH

Inkasta oo aanay dhakhaatiirtu cilmi ahaan aad uga hadal, haddana tijaabooyin kala duwan oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in sanka oo biyo lagu shubaa ama sandaarsiga weysada oo kala la sameeyaa, ay tahay hab lagaga hortegi karo xanuunka.
Waxa aanay xeeldheereyaasha qaarkood aaminsan yihiin in ay tahay hab lagaga hortegi karo hargabka. Tijaabooyinka arrintan lagu sameeyey ayaa natiijo fiican ka muujiyey in sanka lagu maydho biyo milix yar leh. Taas oo ay khubaradu sheegeen in ay yarayso malaxda iyo duufka sanka gudihiisa ku ururaya, isla markaana ay jilciso timaha sanka gudihiisa ku beeran ee difaaca ka ah jeermiska.

W/T: Kamaal Marjaan

-Marjaan Media

The post HABAB QAARKOOD AANAD FILAYN OO AAD ISKAGA ILAALIN KARTO HARGABKA appeared first on Daryeel Magazine.


Casho Cajiib Ah Oo Saliid La’aan La Samaynayo

Cilladaha Iyo Xanuunada Ay Hurdo Yaraantu Keento

$
0
0

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo maskaxda marka uu qofku seexan waayo hurdi ku filan, waxa ay ogaadeen:

  • Qofka aan hurdo ku filan seexanin go’aamo sax ah kama gaadho karo dhibaatooyinka nolosha

Hurdadu waxa ay lagama maarmaan u tahay soo celinta iyo ilaalinta isu dheellitirnaanta maskaxda. Marka uu qofku soo jeedo waqtigii ay ahayd in uu seexdo waxa ay maskaxdu si inta dabiiciga ah ka badan u soodeysaa maaddo kiimikaad oo lagu magacaabo ‘Adenosine’.

Caadi ahaan maskaxdu maalintii oo dhan waxa ay si tartiib-tartiib ah u soo deysaa madadda ‘Adenosine’ oo marka ay saacadaha maalintii oo dhan jidhka ku ururto, habeenkii keenta lulo iyo in qofku uu hurdo doono. kaddib qofku inta uu habeenkii hurdo ayaa uu jidhku iska saaraa maadaddan ku ururtay maalinnimadii, taas ayaana sabab u ah in marka ay jidhka ka dhammaato uu qofku hurdada ka tooso, isla markaana dareemo firfircooni iyo baraarugsanaan.

Haddaba haddii uu qofku si fiican u seexan waayo habeenkii, waxaa dhacaysa, maadaddan jidhka ku ururtay maalintii ee uu iska saari lahaa, in ay dhaawac gaadhsiiso qaybta xuska ee maskaxda, gaar ahaan in ay keento waxa loo yaqaanno ‘Clouding of consciousness’ oo sababa in qofku isaga oo soo jeeda haddana laga dareemo in ay maskaxdu maahsan tahay ama suursan tahay iyo in aanu xiskeedu sidii saxda ahayd u dhammaystirnayn.

Waxa ay khubaradu sheegeen in xitaa hurdada uu qofku dhowr jeer ka tooso habeenkii ama hurdada aan xidhiidhka ahayn ee habeenkii in ay raad aan fiicnayn ku yeelato shaqada maskaxda, gaar ahaan qaybta xusuusta.
Labadan arrimood oo marka la isu daro macnaheedu yahay in qofka hurdadu ku yar tahay aanu awood u lahayn in uu si fudud u xallin karin dhibaatooyinka ka hor yimaadda, ama aanu go’aamo sax ah gaadhi karin.

  • Hurdo yaraantu cudurraday jidhka u nuglaysaa

Marka la eego nolosha maalinlaha ah waa ay adagtahay in aynu ka dheeraanno jeermisyo badan oo meel kasta oo aynu joogno ka buuxa; goobaha shaqada, gaadiidka dadweynaha, suuliyada, gacanta albaabada la qabto iyo xitaa taleefankeenna gacanta. Sidaa awgeed waxaa qasab ah in aynu mar kasta xoojinno awoodda difaaca ee jidhkeenna. Hababka ugu fiican ee aynu ku xoojin karnaana waa in aynu habeen kasta helno hurdo innagu filan.

Haddii uu jidhkeennu waayo hurdo ku filan, waxaa ka tegeysa awoodda abuurka ah ee uu isagu isku daweyn karo. Waxaa ka mid ah kabista iyo beddelista unugyada jidhka ee dhinta, ama soo deynta unugyo cusub oo la dagaalama hadba nooca cusub ee jeermis ee jidhka soo gala.

Arrintani waxa ay keenaysaa in uu daciifo habdhiska difaaca jidhku, sidaa awgeed haddii ay bakteeriya ama fayras soo galo, waxaa ku adkaanaysa in uu isak difaaco. Waa aanu qofku u nuglaanayaa xanuunnada.

  • HURDADU WAA QURUX

Hurdadu waxa ay qofka u kordhisaa qurux, maadaama oo ay raad togan ku leedahay dabeecadda iyo xaaladda nafsiga ah ee qofka, iyo sidoo kale muuqaalka jidheed ee qofka.

Qofku inta uu habeenkii hurdo waxa uu jidhku soo saaraa noocyo gaar ah oo ka mid ah hormoonnada koritaanka. Waxa kale oo uu jidhku soo saaraa unugyo cusub, halka uu kuwa hore ee dhibaatadu gaadhayna dib u kabo. Laakiin haddii uu qofku seexdo hurdo si joogto ah googo’aysa waxa ay sababtaa in maadadda Collagen ay jidhka ku yaraato. Taas oo sababta in maqaarka qofku uu waayo jileeca iyo midabka dabiiciga ah. sidaa awgeed hurdadu waa quruxda jidhka.

  • HURDO LA’AANTU DOQONNIIMAY KEENTAA

Hurdo yaraantu waxa ay qofka ka lumisaa fikirka garaadka ku dhisan iyo maangalnimada hadalka. Waxa ay saamayn aan toos ahayn ku yeelataa caadifadda iyo qiirada togan ee qofka. Waxa ay qofka ku abuurtaa xaalad dabeecadeed oo cadhadu ku badan tahay, awoodna aan u lahayn in uu nidaamiyo dareenkiisa.

Hurdo yaraantu waxa ay keentaa in qofku uu dooddiisa si maangal ah u dhiiban karo, iyo in uu lumiyo dhibirsanaanta iyo dareenka dabacsanaanta. Arrimahaas oo sabab u noqda isbeddel ku dhaca xidhiidhka bulsho ee qofka iyo dad la macaamilkiisa.

  • BUURNI IYO XANUUNNADA AAN LAGA BOGSAN

Hurdo yaraanta muddada dheer ahi waxa ay qofka u nuglaysaa xanuunnada aan laga bogsan ee ay ka mid yihiin wadne xanuunka, macaanka iyo dhiigkarku.

Waxa kale oo hurdo la’aanta ama hurdada oo muddo dheer qofka ku yaraataa ay keentaa miisaanka oo aad u kordha. Jidhku waxa uu caadi ahaan soo saaraa Hormoonka ‘Leptin’ oo shaqadiisu la xidhiidho isticmaalka tamarta.
Haddaba haddii ay hurdadu ku yaraato, waxaa jidhka ku yaraada hormoonka ‘Leptin’ jidhkuna si uu uga jawaabo hoos u dhacaas hormoonka waxa ay maskaxdu soo saartaa xaddi badan oo ah hormoonka ‘Ghrelin’ oo qofka ku keena gaajo. Waana sababta marka uu qofku saacado dambe oo habeenkii ah seexdo, uu u soo kaco isaga oo gaajaysan, xitaa haddii uu habeennimadii hurda fiican seexday.

DIYAARIYE: Kamaal Marjaan

facebook: MARJAAN MEDIA

The post Cilladaha Iyo Xanuunada Ay Hurdo Yaraantu Keento appeared first on Daryeel Magazine.

Rooti Iyo Khudaar Foorno La’aan La Samaynayo

Sida Loo Sameeyo Bur Garaafo

Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Qofku Ka Heli Karo Cabista Biyo Ku filan

$
0
0
  1. Biyuhu waxa ay qayb weyn ka yihiin samaysanka carjowda ku jirta xaglaha (Xubnaha laabma), waxa aanay caawiyaan in lafuhu si dabacsan u dhaqdhaqaaqaan iyo in ay qabtaan nabarrada dusha kaga imanaya lafta. Waxa kale oo biyo cabbistu ay yaraysaa dhibaataa xanuunka afka Ingiriisiga ‘Gout’ lagu yidhaahdo oo ah boog iyo caabuq ku samaysma xubinta faraha suulka lugaha ee dadka ay dhiiggooda ku badan tahay maadadda asiidhka ah ee ‘Uric’.
  2. Jidhku waxa uu dhididka ku waayaa biyo badan, gaar ahaan xilliga kulaylka, sidaa awgeed haddii aanu qofku biyo ku filan cabbin, waxaa dhacaysa in jidhkiisa ay ka wada baxaan maaddooyinka muhiimka ah ee cusbada iyo Bootaasiyaamta.
    Calaamadaha lagu garto in qofka ay maaddooyinkani jidhkiisa ka baxeen waxaa ka mid ah afka oo ingaga, qofka oo dawakhaad dareema ama shaqada jidhka oo uu Khalkhal ku dhaco.
  3. Biyuhu waxa ay kelyaha ka caawiyaan in ay iska saaraan qashinka dhiigga ay ka reebaan, sidaa awgeed haddii aanay kelidu helin biyo ku filan, waxaa dhacda in qashinkaas oo asiidho ahi uu ku ururo, ugu dambayntana keeno in kelyaha ay daboosho barootiinta Myoglobin oo ka kooban ogsajiin iyo xadiid.
    Waxa kale oo uu ingagga jidhku sababi karaa in ay kelida ku samaysmaan dahgaxaan, iyo caabuq ku dhaca kaadi mareenka.
  4. Biyo yaraantu waxa ay maskaxda ka dishaa u fiirsiga iyo in ay si deggen arrimaha uga baaraan degto, waxa kale oo ay dhaawac gaadhsiisaa awoodda xusuusta degdegga ah.
    Si aad dhibaatooyinkaas uga badbaaddo cab biyo kugu filan. Haddii aad 70 kiiloogaraam tahay waxaa kugu filan afar koob maalintii, laakiin mar kasta oo miisaankaagu sii batoi, biyaha aad u baahanaysaana waa ay sii kordhayaan.
  5. Cilmibaadhsaha kala duwan ee lagu sameeyey waxtarka biyuhu waxa ay sheegeen in qofka oo maalintii cabba laba ama saddex koob oo ah biyo ka dheeraad ah inta uu jidhku u baahan yahay, in ay yaraadeen dufanka, sonkorta iyo milxid dhiiggiisa ku jiraa, sida oo kalana ay korodho heerka kalooriyada uu jidhkiisu gubayaa. Taas oo macnaheedu yahay in miisaanka dheeraadka ahi uu hoos u dhaco.
  6. Waxa ay biyo cabbista badani caawisaa shaqada dheefshiidka, waxa aanay abuurtaa in qofku uu dhereg dareemo, taas oo iyaduna ka hor istaagaysa in uu cunto badan cuno waana mid kale oo ka mid ah hababka ay biyuhu u dhimi karaan miisaanka dheeraadka ku ah qofka.
  7. Biyuhu haddii ay jidhka ku yaraadaan waxa ay ku keenaan ingag, taasina waxa ay saamayn taban ku yeelataa xididdada dhiigga. daraasado arrintan lagu sameeyeyna waxa ay muujinayaan in dhibta wadnaha ka soo gaadha biyo yaraanta jidhku ay la mid tahay dhibta sigaarka ka soo gaadha.

Biyaha oo jidhka ku yaraadaa waxa ay keenaan hoos u dhac ku yimaadda xaddiga dhiigga ee jidhka, taasina waxa ay keeni kartaa hoos u dhac ku yimaadda wareegga dhiigga, iyo in uu kordho ama degdego garaaca wadnuhu.

Tijaabooyin lagu sameeyey raadka ay biyo yaraantu ku keento shaqada wadnaha ayaa muujiyey in haddii biyaha oo qofka ku yar awgeed uu wadnuhu kordhiyo garaaca ama dedejiyo, ay 15 illaa 20 daqiiqo kaddib xaaladdu caadi ku soo noqonayso haddii uu biyo ku filan cabbo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Marjaan media

The post Faa’iidooyinka Caafimaad Ee Qofku Ka Heli Karo Cabista Biyo Ku filan appeared first on Daryeel Magazine.

Cabitaan U Roon Hooyooyinka Ilmaha Nuujiya

Muufo Garnash Iyo Beer Ari Aad U macaan


Casariye Aad U Macaan

$
0
0

Soo dhowaada asxaabta meel kastoo aad dunida ka joogtaan, maanta waxaan idin la wadaagaynaa rooti dhexda la gelinayo qorfe oo aad ka dhigan kartaan casariye.

Daawasho wanaagsan:

The post Casariye Aad U Macaan appeared first on Daryeel Magazine.

9 Xeeladood Oo Lagu Xoojiyo Awoodda Maskaxda (KOBCI FARIIDNIMADAADA)

$
0
0

Jimicsiga maskaxu waxa uu noqday dhaqan dunida ku soo kordhay oo muddooyinkan dambe aad loo isticmaalo, waxaana jira tababarro kala duwan iyo barnaamijyo arrintaas ku habboon. Maskaxda aadamuhu waa sida jidhka kale, waxa ay u baahan tahay jimicsi iyo tababarro ay ku kobocdo, xaaladdeeda shaqana ku fiicnaato si aanay u daciifin awoodda garasho ee qofku.

Sida ay ku warrantay shabakadda Aljazeera, qoraaga Elizabeth Ptapova ayaa maqaal ay dhowaan ku qortay shabakad laga leeyahay dalka Ruushka waxa ay ku soo bandhigtay habab ay sheegtay in ay maskaxda u noqon karaan jimicsi caawiya in ay si habsami ah hawlaheeda u gudato. Kuwaas oo ay ka mid yihiin;

  • HAL XIDHAALEYAASHA MASKAXDA KA SHAQAYSIIYA:

Furfurista iyo xal u raadinta hal xidhaalayaasha ku dhisan xisaabta ama hadallada maskaxda uga baahan shaqadu waxa ay ka mid yihiin jimicsiyada maskaxda bani’aadamka dhisa isla markaana ku tababara dhaqso u fikirka, sidaa awgeed waxaa fiican in qofku uu maalin kasta 15 daqiiqo ka shaqeeyo hal xidhaaleyaasha noocan ah.

  • U FIIRSIGA

U fiirsiga badani waxa uu maskaxda ku abuuraa firfircooni iyo in ay u shaqayso si ka duwan sida ay u shaqayso marka aanay shayga fiiro gaar ah u lahayn, sidaa awgeed in aad arrimaha qaar si xeeldheer ugu fiirsato ugana fikirtaa waa jimicsi u fiican maskaxda.

  • CUNTADA

Cuntooyinka aynu cunnaa raadad kala duwan ayaa ay ku yeeshaan maskaxda, sidaa awgeed waxaa waajib ah in aad ka dheeraato cuntooyinka caqabadda ku noqon kara wareegga dhiigga ama looga cabsado in ay xidhaan xididdada dhiigga. Waxaa ka mid ah cuntooyinka ay ku badan yihiin milixda iyo sonkortu. Waxaa kale oo ka mid ah dhammaan cuntooyinka ay kaarboohaydaraytka badan iyo dufanku ku jiraan.

Waxa ay khubaradu ku taliyaan cuntooyinka noocyada kala duwan ka kooban, iyo in kalluunka, beedka, caanaha, badarka, khudradah iyo malabku ay ka mid noqdaan cuntooyinka joogtada loo cuno, maadaama oo la ogaaday in ay faa’iido u leeyihiin maskaxda iyo guud ahaan jidhka.

  • SHEEKADA

Ka sheekaynta sheekooyinku waa nooc ka mid ah jimicsiyada maskaxdu u baahan tahay. ku dadaal in aad u sheekayso si qurux badan oo dareenka dadka soo jeedinaysa, si dadka ku dhegeysanayaan ay dhugmo ugu yeeshaan hadalkaaga.
Ku dadaal in aad barato xeeladaha kala duwan ee lagu kasban karo dareenka dhegeysi ee qofka. Taas oo macnaheedu yahay in sheekada oo keliyi aanay ku filnayn, balse sida loo werinayo sheekaduna ay muhiim tahay.

  • Jooji Talefishanka

Talefishanku raad taban ayaa uu ku leeyahay habsami u shaqaynta maskaxda, sidaa awgeed waxa ay khubaradu ku talinayaan in la iska joojiyo daawashada badan ee talefishanka.

  • DHISMAHA JIDHKA

Jimicsiga jidhku waxa uu sida oo kale dhisaa maskaxda aadamaha, gaar ahaan xusuusta iyo awoodda ay u leedahay dhugmada. Waxa uu jimicsigu yareeyaa sakatiga iyo qulubka, waxa aanu wanaajiyaa awoodda dheefsiga.

  • WAX AKHRISKA

Wax akhrisku waxa uu ka mid yahay jimicsiyada maskaxda aadamaha dhisa, waxa uu maskaxda ku quudiyaa xogo iyo warar aanay hore u aqoonin, waxa aanu ku dhiirrigeliyaa in ay fikirto iyo in ay arrimo kala duwan isu geyso, iskuna daydo is waafajintooda iyo gorfayntooda, arrimahaas oo ah qayb yar oo ka mid ah faa’iidooyinka wax akhrisk ayaa maskaxda ku abuura firfircooni, korna u qaada habsami u shaqaynteeda.

  • XIRFADO CUSUB

Barashada luuqadaha iyo xirfadaha kala duwani waxa ay maskaxda u yihiin jimicsi xoojiya awooddeeda xusuusta, iyo dhaqso u fikirka, isla markaana kobciya dhugmadeeda iyo fariidnimadeeda.

  • CAADO BEDDEL

In la bed-beddelo caadooyinka, tusaale ahaan in aan jid keliya maalin kasta la marin, ee jidad kala duwan shaqada iyo guriga loo maro, in albaabka hadba gacan lagu furo, iyo guud ahaan in la bedbeddlo caadooyinka nololeed ee kala duwani waxa ay maskaxda ku abuuraan baraarugsanaan iyo in ay yeelato fiiro.

W/T: KAMAAL MARJAAN

facebook: MARJAAN MEDIA

The post 9 Xeeladood Oo Lagu Xoojiyo Awoodda Maskaxda (KOBCI FARIIDNIMADAADA) appeared first on Daryeel Magazine.

3-DAAN Su’aalood Isweydii intaadan 2020 Hadafyo Dhigan

7 Arrimood Oo Keeni Kara In Hadafkaagu Kuu Hirgeli Waayo

Saasaanta Iyo Astaamaha Lagu Garto Ilmaha Maskaxda Badan Ama Hibada Leh

$
0
0

Bismillah,

Waalid kasta wuxuu dareemaa in cunugooda uu yahay mid ka duwan caruurta kale, laakiin waalidiin yar ayaa dareema in cunugooda uu leeyahay hibo aysan lahayn caruurta kale ama uu wax dheer yahay.

Sidaas awgeed waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa, waxyaabaha uu waalidka ku fahmi karo, caafimaad ahaane la isku waafaqsan yahay in looga qiyas qaadan karo in cunugaaga uu wax dheer yahay caruurta kale ama uu leeyahay hibo u gaar ah.

  • Saan-qaadka: marxaladaha ay caruurtu maraan ama ka gudbaan oo waqti hore lagu arko cunuga waa astaan lagu garto dagdagsiimada koritaanka jirka iyo maskaxda sida hadalka, fadhiga, socodka, adeegsiga erayada, la socooshada hareeraha, dareemidda dareenka dadka kale iyo waxyaabo la mid ah, ilmahaan waxay ka gudbaan maraxaladahaan waqti ka horeeyo ilmaha kale, si aad u ogaatid waqtiyada dabiiciga ah ee la fisho in caruurta ay ka tillaabaan marxaladahaas ka akhriso lifaaqa hoose.
  • Adeegsiga luqadda: caruurtaan waxaa lagu gartaa inay aad u dhageestaan hadalka waalidka iyagoo aad u yar, tusaale markaad u sheekaynayso ama wax u akhrinaysid, waxay jecelyihiin inay ku dhageestaan ama la socdaan hadalkaaga iyagoo dareenkooda isbadalayo marba sidaa wax ugu sheegtid, caruurtaan hibada leh in ay xiiseeyaan in wax loo akhriyo waxaa la dareemi karaa markii ay 6 bilood gaaraan, waxay kaloo si dhakhso ah ku bilaabaan adeegsida luqadda, waxaa laga yaabaa in ay weero dhameestiran ay ku hadlaan markii ay 14 bilood jiraan, ayna tilmaamidda jihooyinka ay raaci karaan markii ay 18 bilood gaaraan.
  • Xasuusta: caruurta hibada leh waxaa lagu gartaa inay wax xasuustaan markay yar yihiin, sida in ay xasuustaan alaabtii aad ka qarisay ama ay fahmaan in kushiinka ama jikada loogu talagalay wax cunista.
  • Wax xallinta: caruurta hibada leh waxaa lagu gartaa inay xalliyaan caqabadaha ka hor yimaado markay yar yihiin, tusaale in ay sariirta ka soo dagi karaan iyagoo da’ yar jiro sida in ay wax isdul saartaan si ay sariirta u gaaraan am in haddii meel lagu xiro ay si sahlan oo caruurta ka wayn aysan ku fakari karin uga soo baxsadaan.
  • Diirad saaridda: caruurtaan waxuu alle awood u siiyay in ay hal shay ay diiradda saaraan muddo dheer, tusaale badanaa caruurta kale markay sheeko dhagaysanayaan ama ciyaarayaan kuma dhagaadaan oo way ka kacaan, laakiin caruurtaan hibada leh, illaa ay sheekada ka dhamaato inuu wax kale ku mashquulo ma jeclo ama caiyaarta inuu ka istaago illaa uu ka dhamaysto.
  • Foojignaan: caruurtaan aad ayay u foojigan yihin, haddii guriga ama hareerihiisa wax ku soo kordhaan horay ayay ka dareemaan, haddii ay maqlaan cod guriga ku cusub horay ayay ugu baraarugaan, hadduu buuq ama wax guriga ka dhacaan horay ayay kala caadifoodaan weliba iyagoo da’ aad u yar jira, markii aad la hadlaysid indhaha in ay kaa fiiriyaan ayay jecel yihiin si ay iskugu dayaan in hadalkaaga u dhuuxaan.
  • Tirada iyo Sawirka: Caruurta hibada leh, waxaa lagu arkaa badanaa inay aad ugu fiican yihiin xisaabta ama tirooyinka iyo wax sawiridda, weliba waxyaabo aysan awoodin caruurta ka wayn labo ama sadax sano.
  • Caadifadda: Caruurta hibada leh waxaa lagu gartaa inay aad ula caadifoodaan dadka ay la nool yihiin, waxayna jecelyihiin inay kuu sheegaan sida ay dareemayaan ama ku waydiiyaan waxa kaa khaldan haddii ay ku arkaan adigoo murugaysan ama faraxsan ama aamusan, waana arrin aysan caruurta facooda ah laga filan ama kuwa ka waawaynba.
  • Khiyaalka: caruurta hibada u saaxiibka ah, waxay aad ugu dheeraayaan khiyaalka iyo wax suuraynta khaasatan markay ciyaarayaan ama sheekaynayaan, taasoo waalidka ka yaabin karto, a
  • Isku-xiridda dhacdooyinka: caruurtaan waxay jecelyihiin inay isku xiraan dhacdooyinka, tusaale haddii ay booqdaan guri kale, waxaa laga yaabaa alaabta taallo gurigaas iyo alaabta gurigooda taallo inay isbarbar dhigaan ama qolalka isku fiiriyaan ama biyaha laga siiyay gurigaas ay barbardhigaan biyaha gurigooda laga cabo, isku-xirka dhacdooyinkaan waxay caruurta hibada leh samayn karaan da’ yar oo weliba aysan awood u lahayn caruurta ka waawayn.
  • Garashada: Caruurtaan waxay awood u leeyihiin inay si dhakhso ah u gartaan isbadalka ku dhacay hareerahooda, tusaale haddii waalidku tinta iska jaro ama ookiyaalaha iska siibo ama hooyada ay dharkii lagu yaqaanay kuwa ka duwan ay xirato, iyagoo aad u yar ayay garan karaan isbadalladaas.
  • Gooni u ciyaarista: Caruurtaan hibada leh waxay jecel yihiin inay gooni u ciyaaraan, ma jeclo inay koox ahaan u ciyaaraan, maadaama caruurta facooda aysan is dabci keenayn, sidaa darteed waxaa la arki karaa iyagoo keligood buug fiirsanayo ama keligood ciyaarayo, aad ayay u dhibsadaan in laga qaso ciyaarta iyo wax akhrinta markii ay kaligood yihiin.

Talooyin Muhiim Ah:

  • Qasab ma ahan in cunugaagu uu lahaado astaamahaas oo idil, qaar kam id ah ayuu lahaan karaa.
  • Waalidka fiirada dheer leh ama waqti la qaato caruurtiisa ayaa fahmi karo sifaatkaan ama dabeecadaha kor ku xusan.
  • Badanaa waxaa lagula taliyaa in waalidku uusan baarin caqliga ama maskaxda caruurtooda illaa ya ka gaaraan xilli dugsiyeedka, markaas oo si dabiici ah loo fahmi karo ama baaris caqli lagu samayn karo.
  • Waxaa jira caruur ilaahay siiyay hibooyinkaas qaar ka mid ah laakiin aanan awood u lahayn in ay wax bartaan ama dhibayso waxbarashada, marka waa muhiim in aad ogaatid in aysan ahayn cunug kasta oo hibooyinkaan leh inuu waxbarashada heer ka gaari doono ama cunugii waxbarashada ku xumaado inuu doqon yahay ama maskax yar yahay, maxaayeelay dad badan oo maanta dunida lagu tiriyo inay aad u maskax badnaayeen oo wax soo kordhiyay ay waxbarasahda ka hareen iyagoo yar, laakiin dunida ay ka faa’idaystay maskaxdooda.
    • Ogow caruurta ku dhalato wadamo shisheeye oo looga hadlo luqad kale in aan lagu qiyaasi karin hibada awoodda luqadeed ee caruurta kale.

W/Q: Dr Abdullahi A. Mahdi

Xigasho: somalidoc.com

The post Saasaanta Iyo Astaamaha Lagu Garto Ilmaha Maskaxda Badan Ama Hibada Leh appeared first on Daryeel Magazine.

3 Nooc U Qeybi Saaxiibadaada

Baro 5 Meelood Oo Aad Ka Qarsan Karto Whatsapp-kaaga


QURAAC HABAYSAN: Malawax, Beer iyo Khudaar

4 Nooc Oo Khudradda Ka Mid Ah Oo La Dagaallama Xaydha Caloosha

$
0
0

Jimciyadda nafaqaynta ee dalka Jarmalka ayaa shaacisay noocyo ka mid ah khudradda midhaha ah oo ay ku jiraan curiyeyaal nafaqo oo muhiim u ah burburinta dufanka ku urura caloosha iyo dhinacyada.

Khudradahaas oo dhowaan lagu xusay warbixin ay shabakadda Aljazeera arrintan ka diyaarisay ayaa ah:

  • Afakaadho:

Xeeldheereyaasha faa’iidooyinka caafimaad ee cuntadu waxa ay sheegeen in afakaadhadu ay ka mid tahay ilaha ugu fiican ee laga helo maaddooyinka nafaqo ee caawiya in ay gubato xaydha ku ururta caloosha iyo tartarrada.

Sababta ayaa ay xeeldheereyaasha Jarmalku la xidhiidhiyeen gankta badan ee ay khudraddani leedahay, iyo curiyeyaal ku jira afagaadhada oo ay sheegeen in uu caawiyo ka hortagga nabarrada iyo bukaanka iyo dhimista kalasataroolka, isla markaana ay qayb muhiim ah ka qaadato xoojinta caafimaadka guud ee jidhka.

  • Rummaanka

Rummaanka waxaa ku jira maaddooyin badan oo liddi ku ah mariidka oo ah sunta cuntada aynu cunayno ka samaysanta. In markiidka uu jidhka ku yaraadaa waxa ay xoojisaa shaqada dheefsiga ee jidhka, waxa aanay caawisaa gubista xaydha ku ururta caloosha, oo sababta calool weynaanta.

  • Tufaaxa

Tufaaxu waxa uu ka kooban yahay gan si fudud u milmi kara, sida oo kalana waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka leh maadadda ‘Pectin’ sidaa awgeed waxa uu caawiyaa ka hortagga in dufanku ku ururo jidhka, taas oo ah hab fiican oo ka hortag u noqonaya samaysanka xaydha.

  • Liin Macaanta

Liin macaantu waxa ay hodan ku tahay Faytamiin ‘C’ oo si dadban raad ugu yeesha ridista miisaanka. Faytamiinkani waxa uu ka masuul yahay soo saarista walxo xoojinaya shaqada uu jidhku kaga faa’iidaysanayo cuntada uu helo ee dheefsiga loo yaqaanno, taasina waxa ay gubaysaa dufan badan oo jidhka ku ururi lahaa.

Waxa ay khubaradu sheegayaan in faytamiin ‘C’ ga dabiiciga ah ee liinta ku jiraa uu si weyn u caawiyaa in jimicsigu uu gubo dufan ka badan inta uu gubi karo marka aan liinta la cabbin. Sidaa awgeed waxa ay ku taliyaan in dadka jimicsiga sameeyaa ay jimicska ka hor helaan xaddi badan oo Faytamiin ‘C’ ah.

Xaydha caloosha weynaysa ayaa ay dhakhaatiirtu aaminsan yihiin in ay raad taban oo caafimaad qofka ku keento, isla markaana ay kor u qaaddo khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada ay ka mid yihiin macaanka, wadne xanuunka iyo habdhiska dheefsiga cuntada oo sida ugu habboon u shaqayn waayey.

W/T: Kamaal Marjaan

Xigasho: Wargeyska Geeska Afrika

The post 4 Nooc Oo Khudradda Ka Mid Ah Oo La Dagaallama Xaydha Caloosha appeared first on Daryeel Magazine.

Daawo Qado Bariis Iyo Hilib Ari Aad U Macaan

Farsamo Aad Dib Ugu Heli Karto Sawiradaada Xittaa Hadii Uu Kaa Lumo Taleefoonkaaga

Cabitaan Caafimaad Badan Vitamin C-na Qani Ku Ah

Viewing all 1527 articles
Browse latest View live